SomaliTalk.com
Tell Your Friends
N

A

B

A

D

S

O

M

A

L

I

A


Home | Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Tony Blair Interview | Sports-News | News Sources
BEELAHA HAWIYE & DAROOD OO MIDOOBEY
Warkaan waxaan kasoo xiganey Radio Jabuui
Jabuuti, May 13, 2000

Warkaan oo duuban ka dhegeyso
Radio Jabuuti
Wararka ka imanaya Jabuuti waxa ay sheegayaan in heshiis iyo is-afgarad uu shexmaray beelaha hawiye iyo Daarood ee shirku uga socdo magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Shirka oo Sabtidii markale dib u bilaabmay waxa war aan kasoo xiganey idaacadda Jabuuti uu sheegayaa sida soo socota: (Waxaan ka cudurdaaraneynaa in ninka warkan sheegaya uusan magiciisu nasoo gaarin, wuxuuna hadalka ku bilaabay sidan.)

Marka aan hadlayo waxa aan ku hadlayaa afkii beesha Hawiye iyo Daarood oo isku afgartay shirka oo iyagu ugu hormaray beelihii Soomaalieed iyagoo ku heshiiyey guddi aanu saaray maalintii dhoweyd ee aan halkan (Carta) isugu nimind, waxaan soo gaarney qodobadda soosocda.

  1. Waxaanu isku afgaranay midnimada Soomaaliya in ay tahay lama dhaafaan
  2. Waxaanu isla gaarney Soomaaliya in fadhigaan maanta lafadhiyo ilaa dawlad lasoo saaro in aan gogosha lagakicin.
  3. Waxaanu islagaarney walaaleheena maqan ee Soomaaliyeed anagoo iska kaashaneyna anaga iyo dawlada jabuuti in siwalba oo lagu doonikaro lagudoono
Intaas oo lasoojeediyey horay ayaanu ugu kalsoonayn, waxaan rabaa in aan kudaro dhinaca xoghaynta;

Xoghayn waxaa doorta sideeda dad is af-gartay oo heshiis ah ayaa xag-hayn doorta, weli beelihii intii ugu horreeyey ayaa hadda is afgartay intii kalena weli waa isku maqan yihiin, ilaa Soomaalinimo sida Hawiye iyo Daarood ay u midoobeen oo isu afgarteen ay kulligood u midoobaan arintaas kama hadlikarno.

Kaasi waxa uu ahaa warkii aan kasoo koobnay idaacada Jabuuti.


Guddi Shuuro ah oo kakooban 650 Xubnood ayaa lagu wadaa in lagu soo dhiso shirweynaha Nabadda Soomaaliya
Jabuuti, May 13, 2000

Warkaan oo duuban ka dhegeyso
Radio Jabuuti
Wararka kale ee ka imanaya Jabuuti waxa ay sheegayaan in shirka geeddi socodka nabadda Soomaaliya ay Sabtidii (May 13/2000) hawlihiisi dib uga bilaabmeen magaalada Carta.

Kulankaas oo ahaa kulan aad u ballaaran, sida ay sheegtay idaacadda Jabuuti, waxaana iridaha u furay guddoomiya guddiga qabanqaabada hawlaha nabadda Soomaaliya oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Jabuuti, mudane Cali cabdi Faarax.

Sida idaacaddu ku warrantay beelaha Soomaaliyeed ee nabada u fadhiya magaalada Carta ayaa soo bandhigay xubnaha soddonka ah ee beelwalba uga qayb gelaya hawlaha shirweynaha nabadda.

Fadhi-weynaha nabadda Soomaaliya waxaa lagu wadaa in lagu soo dhiso guddi shuuro ah ama gole wada tashi oo kakooban 650 xubnoodoo beelaha waddanka Soomaaliya ay u wada dhanyihiin.

Waxaa warku intaas kudaray in majlisku uu u saldhigi doono nidaamka dawladeed ee dalka Soomaaliya ayna ugu horrayn doonto baarlamaan ku meelgaar ah.


WARAR LAXIRIIRA SOOMAALIDA

. SOMALILAND SAYS DJIBOUTI HAS CUT AIR LINKS
News Africa May 14, 2000
. SOMALIS EAGER TO SUPPORT PEACE PLAN
TorontoStar May 12, 2000
. IS-AFGARAD YIDIDIILO LEH OO KASOO IFBAXAYA SHIRKA JABUUTI
SomaliTalk May 12/2000
. Floods hit central Somalia
Africa News Online May 12, 2000
. Yididiilada kasoo ifbaxaya Jabuuti
SomaliTank May 12/2000)
. Waraysigii "LA NATION" Jabuuti ee Cabdiraxmaan Tuur
Somalia-Rebirth-Web May 12, 2000
. Somali clans choose chairmen for peace talks
Africa News Online May 11, 2000
. UN Representative David Stephen - Part II
Africa NewsOnline May 9/2000
. UAE: DJIBOUTI CALLS FOR PROVISIONAL GOVERNMENT IN SOMALIA
Africa.com May 8, 2000
. Natiijooyin Wanaagsan shirka Jabuuti kasoo ifbaxaya
SomaliTalk Mon May 8, 2000
. Khudbadii Furitaanka Shirka
SomaliTalk May 2, 2000


AUDIO


. Diyaarado laga mamnuucay Hargeysa
BBC May 11, 2000
. Shirkii Jabuuti oo lahakiyey
BBC May 10, 2000

Allah Is Great
.
P

E

A

C

E

S

O

M

A

L

I

A



Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback