SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DIRIDHABA - HARGEYSA:
Daabaco Boggan | Print

is Casilid Shaqadii Aan Ka Hayey Shabakadda Somaliland.Org

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Hargeisa, Somaliland
Mobile: 00-252-2-4406745
E-mail:
diridhaba@gmail.com

17-10-06



BISMILAHI RAXMAANI RAXIIM  

Ujeedo: is Casilid Shaqadii Aan Ka Hayey Shabakadda Somaliland.Org 

Waxaa Ka Mid Ah Sababaha Aan Isku Casilay Markii La Iigu Soo Jawaabay “Aniga oo reer Burco ahi (Habarjeclo) miyaanan ku odhan karin ma waxaad doonaysaa inaan adiga oo  reer Hargeysa ah (Sacad Muuse) u daba fadhiisto wax kasta oo aan samaynayo si aanan uga cadhaysiinin!!!. “”” 

Mahad oo dhami waxay u sugnaatay Ilaahay subaxanahu watacalaye, Naxariis iyo nabadgelyo Korkiisa ha ahaato Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W). 

Waxaan Muddo hal sanno iyo dheeraad ku beegaan aan hawl ka hayey shabakadda Somaliland.Org hawshaasi oo ahayd soo gelinta wararka , tafatirka faalooyinka iyo wararka, tafatirka war saxafadeedyada ka soo baxa Xukuumadda, Xisbiyada iyo Haayadaha Maxaliga iyo kuwa caalamiga ah. 

Muddadii aan hawshaasi ka hayey shabakadda Somaliland.Org waxaan kor usoo qaaday sumcadii shabakadda oo kastabtay akhristayaal aad u tiro badan iyadoo wararka aan soo geliyo badanka aan usoo tabin jiray si deg deg ah isla markaana ku dhisan daraasad iyo taxadar weyn. 

Waxaan shabakadda Somaliland.Org ku xidhay dhammaanba wakaalada ha Wararka iyo weliba ilaha wararka iyo faalooyinka ee ka soo baxa Xukuumadda, Xisbiyada iyo weliba qaybaha bulshada Somaliland, waxaan xoogga saaray inaan isku qabto hawsha gelinta wararka, iyo odorosidda wararka iyo faalooyinka, Shabakadda Somaliland.Org waxaan runtii u huray wakhti, juhdi iyo maskax farabadan oo aan uga mahad celinaayo dhammaanba shacabkii reer Somaliland ee qurba jooga u badna ee sida joogtada ah ula socday hawlahii aan shabakadda ka hayey, aniga oo markasta maanka ku hayey baahida dhinaca wararka ee qurba jooga reer Somaliland ay qabaan. 

Iyadoo mudadii sannadka iyo dheeraadka ahayd ee aan shabakadda hawlaheeda hayey ay soo booqdeen ugu yaraan 1 Malyuun iyo badh qof oo ahaa somalilanderskii u heelana helista xogaha iyo wararka dalkooda hooyo, taasi oo ka dhigaysa shabakadda ugu booqashada badan (Somaliland largest  traffic website), aniga oo aan runtii ku faanayn waxay ii tahay sharaf weyn in qurba joog badan ay si hufan ula socon jireen wararka iyo faalooyinka aan shabakadda soo gelin jiray. 

Waa Maxay Haddaba Sababta Aan Isku Casilay  

  • Nin Daawe La Leeyahay

  • Danbi Uu Badh Leeyahay

  • Isagay U Darantoo

  • Daaranta Miridhka leh

  • Inuu daaro ma ogola

Labadii todobaad ee ugu danbeeyey waxaa ashkhaasta shabakadaasi mulkiyadeeda lihi ay bilaabeen in wararkii aan sida tooska ah uso gelinaayey ay ka saareen sabab la’aan, waxaa keliya ee ay u adeegsanayaan saaristaasina ay  noqotay iyagoo ka eegaayey tiirar qabyaaladeed oo ay adeegsadeen iyo difaaca qaranimada Somaliland oo ah muqadas oo  aanu isku feker ka noqon waynay tusaale ahaan: 

Todobaadkii ugu danbeeyey waxay ka saareen shabakadda Somaliland.Org Wararkani oo aan soo tabiyey  

  • Nuqulo Ka Mid Ah Wergeyska Haatuf Oo Lagu Gubay Magaalada Burco ( Warkani oo lagu daabacay dhammaanba wergeysyada iyo saxaafadda internetka lagana baahiyey idaacadaha dunida sida laanta afka soomaaliga ee British Broadcasting Corporation, Radio Hargeysa Labada Telefishan ee Madaxa Bannaan iyo Telefishanka Qarranka)
     

  • Gabadh Reer Hargeysa Ah Oo Maxkamad Ku Taalla Magaalada Boosaaso Ay Shan sanno oo Xadhig Aargudasha Ah ku xukuntay (Warkani oo laga soo xigtay oo lagu daabacay shabakadaha internetka somaliland oo dhan isla markaana lagu daabacay dhammaanba wergeysyada madaxa bannaan ee Weraysi Aan ka qaaday
     

  •  Weraysi aan ka soo qaaday Dr. Axmed Xuseen Ciise.Xoghayaha arrimaha dibadda Ee Xisbiga Kulmiye oo horana looga saaray qoraal abaal gud ah oo loo aqoonsaday Axmed Xuseen Ciise shakhsiyadda Sannadka isla markiibana wakhtigaa ay ka saareen.

Markii aan weydiiyey sababta ay uga saareen warka nuqulada Wergeyska Haatuf ee Lagu Gubay Burco Warkaasi waxay iigu soo jawaabeen Qoraalkani oo ay email ahaan iigu soo direen waana kani qoraalkaasi ay iigu soo jawaabeen oo dhamaystirani: 

“Warka noocaas ahi wuxuu dhaawac wayn u gaysankartaa Somaliland iyada oo cadowguna ka dhigan karo gabbood wararka noocaas ah haddii ay Somaliland.Org soo qorto.

Gubitaanka jariidadda Haatuf  macnaheedu ma aha waxa la gubay calankii Somaliland. Waa khalad in laysla meel dhigo Haatuf iyo Somaliland. Haatufna waa jariidad madax bannaan oo afkaarteeda iyo fikirkeedana ay soo qoreen bani aadam inala mid ahi mana aha in la yidhaahdo "jariidadii Haatuf baa la gubay" waxay ka dhigantahay kitaab quraan ah baa la gubay .

Ma aha been ee waa wax jira in Haatuf marar horeba soo qortay warar xaqiiqada ka fog oo aan ku koobnayn Burco ama gobolka Togdheer e ka hadlayay meelo kale oo Somaliland gudaheeda ahba. Sidoodabana wararka aynu inagu iska qorno gudaheenu waxay keeni karaan muran iyo jahwareer iyo ficiltan waxana fiican in wararka mujtamaca Somaliland laga qorayo in layska hubsado. Jariidadda wararkeediiba waxay ka dhamaan waayeen Togdheer waxa jooga waddaado gacansaar la leh kooxaha Muqdisho iyaga oo indhaha ka qarsatay xaqaa'iqa dhabta ah ee jira sida caddaalad darada iyo maamulxumada ka jirta guur ahaan dalka gaar ahaana gobolada bari, waana hubaal iyada oo dadweynaha gobolada bari horeba uga cadhaysnaayeen duruufo badan oo aanay dawladdu waxba ka qaban oo caddaalad, garsoor iyo maamul xumo isugu jira haddana haddii ay arkaan waxa qudha ee Burco laga qorayaa inay tahay warar negative ah sida wadaadadan la sheegay loona dhigo in Burco ay joogaan maxaakiimta Musqdisho, way dhacayaan mudaharaadyo gadood ahi oo dadku ku diidan yihiin in magacooda lagu dilo. 

Haatuf waa inaanay burcana aanay markasta u gaar yeelin dhibaato kasta waayo wararkeeda burco ay ka qortaa salka kuma hayaan xaqiiqada jirta isla markaana waxaa ka muuqata caadifadda adigaba kaa muuqata imika. Dadkuna dhinacooda waxay xaq u leeyihiin inay afkaartooda ku cabiraan bannaanbax salmi ah oo aan cidna lagu waxyeelayn laakiin aan lagu tilmaamin xag jir iyo kuwo ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland.

Aniga oo reer Burco ahi (Habarjeclo) miyaanan ku odhan karin ma waxaad doonaysaa inaan adiga oo  reer Hargeysa ah (Sacad Muuse) u daba fadhiisto wax kasta oo aan samaynayo si aanan uga cadhaysiinin!!!. “”” 

Warqaddani oo uu soo qoray isla markaana uu ku saxeexanyahay Mid ka mid ah Mulkiilayaasha shabakadda ahna Dhisaha (Webmaster) shabakadda oo la yidhaahdo Abdiraxiim (Xaajiga) isla markaana ay la wadaagaan labada mulkiile ee kale oo la kala yidhaahdo Baashe Cumar iyo Daahir Cabdi Jaamac 

Aniga Oo Ammaan, ixtiraam, iyo wanaag badan u haya dhammaanba qurbe joogii reer Somaliland ee shabakadaasi Somaliland.Org wararkayga kala socday .

Waxaan go’aan ku gaadhay inaan iska casilo hawshii aan shabakadaasi ka hayey maadama mulkiilayaasha shabakadaasi hawsha ay doonayaan tahay Hammigooda qabileed fullinteeda oo aanan weligay hiyiga ku qaban. 

Waxaan akhristayaashii iyo Somalilanderskii wararkayga iyo faalooyinkayga xiisaha u hayey aan ugu ballan qaadaya inaanan sidaasi kaga tagin ee aan weli u heelanahay hawshii aan u hayey, waxaana inoo ballan ah difaaca qaranimada dalkeena hooyo ee Somaliland, Somaliland-na qabiil maahe waa Qarran 

Somaliland Guul iyo Gobonimo 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Hargeisa, Somaliland

E-mail: diridhaba@gmail.com

Mobile: - 00-252-2-4406745

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2006

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

N.B: Haddii aad jeceshahay hogaamiyayaasha adduunka iyo xulashadooda soo booqo web link: www.somalitalk.com/diridhaba

TUUGTII KARACHI MA SAFIIRO AYEY DALACEEN: MUUQLAY WAR-LAY MA LAGU WARAMAY

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD