SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TORONTO
Toronto, Canada: Shirweynaha 6aa ee Dhallinta Ku Barbaartay Woqooyiga Ameerika
  • Xasan Dhooye (Abuu Xafso) | SomaliTalk | Toronto, Canada
    dhooye@hotmail.com | Maarso 26, 2005


SAWIRRO: Kulanka aan ka qaadnay ka eeg halkan.....

Ilaahay baa mahad leh Nabi Maxamedna Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaato.

Waxaa shalay ka bilowday Hotel wayn oo kuyaala Magaalada Toronto Shir wayn oo aad loo soo qaban
qaabiyey looguna tala galay da'yarta ku dhalatay ama ku bar baartay Waqooyiga America wiilal iyo gabdhoba, shirka ayaa lagu jeedinayey luuqada Ingiriisiga ayna kasoo qayb galeen Culimo waa waayn oo caan ka ah Waqooyiga America
, sida:

SH. WALEED BASYOUNI:

Shaikh Waleed Basyouni waa iimaamka Ta'leemul Islaam Masjid ee Houston,Texas. Waana macallin American Open University. Shahaadada Masters ee Islamic Creed waxa uu ka qaatay Al-Imam Muhammad Ibn Saud University ee Riydah, Saudi Arabia. Hadda wuxuu ku gudajiraa sidii uu ku qaadan lahaa Doctorate Degree.

Shaikh Waleed waxa uu nasiib u helay in uu wax ka barto culimo aad u qiimo badan oo ay kamid yihiin: Shaikh `Abdul`Aziz Ibn Baaz, Abdur-Razzaque Afify, Ibn Jibreen, Shaikh Al-Barrak iyo kuwo kale. 

DR. ABU AMEENAH BILAL PHILIPS:

Abu Ameenah Bilal Philips waxa uu ku dhashay Jamaica, laakiin waxa uu ku koray Canada, halkaas oo uu ku Islaamay sannadkii 1972. Waxa uu Dibloomada Carabiga iyo  B.A. kaqaatay College of Islamic Disciplines (Usool Ad-Deen) ee Islamic University oo ku taal  Madeenah sannadkii 1979. Waxana uu Jaamacada University of Riyadh, qaybteeda College of Education, ka qaatay M.A. [Islamic Theology] sannadkii 1985, Waxana uu shahaadada Ph.D ka qaatay University of Wales qaybteeda Islamic Studies sannadkii 1994.

Abu Ameenah waxa uu muddo toban sano ah macallin ka ahaa iskuul 'Private' ah oo ku yaal Riyadh, Sucuudi Arabia iyo saddex sano oo uu macallin ka ahaa Shariff Kabunsuan Islamic University oo ku taal Cotobato City, Mindanao, Philippines.

Sannadkii 1994 ayuu asaasay xarrunta Islamic Information Center oo ku taal Dubai, United Arab Emirates, taas oo hadda loo yaqaan "Discover Islam" waxana uu macallin ka yahay  American University oo ku taal  Dubai iyo Ajman University oo ku taal Ajman, UAE.   

SH. ABU AMMAR YASIR QADHI: 

Yasir Qadhi, oo ah graduate Madiinah University, College of Hadith, waxa uu shahaadada Masters oo ah Aqeedah (Caqiida) ka haystaa Isla jaamacadaas. Waxana uu shahaadadiisii Bachelors ku qaatay Chemical Engineering ee jaamacada University of Houston.

Waxa uu qoray buugaag farabadan sida: Ar-Riyaa’: The Hidden Shirk, Du'aa: The Weapon of the Believer, iyo An Introduction to the Sciences of the Qur'aan. Shaikh Yasir Qadhi waxaa aad looga yaqaan jaaliyadaha USA, Canada iyo UK oo uu fasalo ka bixiyo.

SH. ABDULBARY YAHYA:

Sheikh Abdulbary Yahya Waxa uu ku dhashay dalka Vietnam xilligii uu socdey dagaalkii Vietnam. Dagaalka ka dib waalidkiis waxay yimaadeen dalka USA, halkaas oo ay intii waagaas ka dambeysey ku noolaayeen. Waxa uu ku koray Seattle, markii uu dhameeyey dugsiga sarena waxa uu toos u aadey jaamacadda Madiinah University. Abdulbary markii uu ka qalin jebiyey Colleejada Shareecada waxa uu ku laabtay Vietnam iyo Cambodia halkaas oo uu ka noqday macallin. Shaikh Abdulbary Yahya hadda waxa uu Immaam ka yahay  Masjid Jaamiul Muslimeen oo ku yaal Seattle, waana madaxweynaha Cham refugee community, iyo madaxweyne ku xigeenka Islamic Center of Washington State, waana macalin Al-Maghrib Institute.  


Sheikh Abdulbary Yahya oo ka hadlaya kulankii Toronto


Dhallinyarada ka soo qayb gashay kulanka


Sheikh Abdulbary oo dhegeysana carruur Soomaaliyeed oo su'aalo weydiinayey

Sheikh Abdulbary oo la hadlaya dhallin yaro Soomaaliyeed

SH. MUHAMMAD IBN FAQIH:

Muhammad Faqiih waa shiikh ka soo jeedo magaalada qadiimka ah ee Harar ee ku taal geeska Afrika. Asalkii waxa ay awoowayaashiis ka yimaadeen dalka Yemen halkaas oo ay laajinimo ku tageen Afrikada Bari, kuwaas oo qayb libaaxle ka qaatay taariikhda Islaamka ee geyigaas, taariikhdaas oo nasiib darro hadda lasii hilmaamayo.

Muhammad Faqiih waxa uu ku koray Saudi Arabia, kaddibna waxa uu tegey USA, waxa uuna dhigtay Ma’ad oo ku taal Virginia. Qaraabadiisu waxay ka kala yimaadeen dalalka Syria, Palestine, iyo Pakistan, iwm. Hadda waa Imaamka Masjidka Columbus, Ohio. 

SH. YASSIR IBRAHIM MUHAMMAD:

Sh. Yaasir waxa uu ku dhashay Eritrea, woqooyiga Afrikada bari, waxana uu USA tegey asagoo 15 jir ah. Markii uu dhamaystay dugsiga sare waxa uu Bachelors ka qaatay Imam Saud University Institute of Islamic and Arabic Sciences  oo ku taal Virginia. Waxana uu shahaadadiisa Masters [Psychotherapy] ka qaatay  California State, Long Beach.  Hadda waa  professor wax ka dhiga  American Open University oo ku taal Alexandria, Virginia.

Sh. Yaasir waa Imaamka Orange County Islamic Foundation, Mission Viejo, halkaas oo uu wax ka dhigo. Waxana uu Shiikhu haystaa shahaadada PhD oo uu ku qaatay Psychology. 

USTAADH SH. MUHAMMAD ALSHAREEF:

Sh. Muhammad waxa uu dhashay sannadkii 1975 kuna koray Canada. Markii uu yaraana waxa uu xafiday Quraanka. Waxa uu ka qalin jebiyey Jaamacada University of Madiinah oo uu ka qaatay Islamic Law degree, sannadkii 1999. Waana asaasaha Al-Maghrib Institute halkaas oo uu macallin ka yahay.

Culimada kale ee ka hadlay kulanka waxaa kamid ah:

  • Shaykh Abdiqani Bashir (Kenya)        
  • Br. Riad Saloujee
  • Br. Ibrahim Downey
  • Br. Abdishahid Ibn Stantly

Shiikh Cabdlla Ibnu jibriil oo kulanka toos asaguna u daawanaya, kulankana toos looga daawanayo asagoo jooga Sucuudiga

Waxaa kale oo jira Culimada kale ee waa wayn oo laga soo xirayey iyagoo muuqaal ah si toos ah Sucuudiga (LIVE VIDEO CONFERENCE), sida........

  • Sh. Dr. Saalih Ibn Fouzan
  • Dr. Saalih Ibn Ghaanim
  • Shaikh Dr. `Abdullah Ibn `Abdurahman Ibn Jebreen
  • Sh. Dr. Ibraahim Dwaysh

kulanka waxa uu ka dhacayey Goob wayn oo raga loogu talagalay sidoo kalena ay gabdhaha iyo waalidiintoodu ka daawanayeen muuqaal gudbiye ama video waa wayn oo yaalay goobe kala duwan.

Shirka ayaad maqlaysay meel kasto aad joogto aadna arkaysay meelkasta oo aad gasho goobta uu ka socdo shirku, wuxuu ahaa shir aad looga soo shaqeeyey ayna ka shaqaynayeen Culimada iyo shabaabka reer Toronto si iskaa wax u qabso ah, hadaba shirka oo kusocda si habsami ah waxaan dib idin kaga soo sheegi doonaa isagoo faah faahsan sida uu ku dhammaado insha Alaah. Wixii cod iyo sawiro ahna gadaal ayaan ka soo gelin doonaa insha Allah...

 SAWIRRO: Kulanka aan ka qaadnay ka eeg halkan.....

Xasan Dhooye (Abuu Xafso)
dhooye@hotmail.com
SomaliTalk.com | Toronto | Canada

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 26, 2005

HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD