DHOLLOWAA IYO SAFARADA
SOOMAALIYA
WARBIXINTA MAANTA: DAMAL Airline iyo Hargaysa Airport
WQ. Ciise Dhollowaa | 22/1/2003
SOMALITALK.COM | AUSTRALIA
Dad badan oo Somali ah, kuna kala nool aduunka
daafihiisa ayaa badanaaba iga waraysta Somaliya, iyo
meelaha aan ka tago oo badanaaba ah Hargeysa iyo
Bosaaso. Waxaana dadkaasi i weydiiyaan diyaaradaha la
raaco iyo maamulada airports-ka aan maro ee Bosaaso
iyo Hargeysa. Inta badan waxaa layga codsadaa in aan
soo shaacbixiyo hadii aan hayo sawiro ku saabsan
Hargeysa, Bosaaso, diyaaradaha loo raaco Somaliya iyo
dadka Somaliyeed ee ay u ijaaran yihiin.
Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa
|
Sidaas darteed, inkasta oo ay sheekadu badan tahay aan
wax yar idiinka bidhaansho. Waxaana qoraalkan kaga
hadlaya DAMAL Airline oon raaco iyo Hargaysa Airport
iyo waxyaalaha aan kal kulmay labadaas arimood.
Diyaarada DAMAL ee aan raaco waxaa aan uga bartay
xiriir iyo macaamil wanaagsan oo runtii isoo jiitey,
keenayna in aan iyada uun raaco. Dadka ka dhex shaqeeya
diyaaradda ee Cabin Crew-ga ah iyo maamulkaba si
wanaagsan oo wanaagsan ayaan ku arkay in ay ula
dhaqmaan rakaabka diyaaradohooda raaca, marka ay
gadanayaan tigidhada iyo marka ay diyaarada saaran
yihiinba. Waana mid runtii ku soo jiidaneysa, marka la
fiirsho sida ay kuula dhaqmayaan iyo dhibta weyn ee
haysata qofka Somaliga ah oo mudo badan dhib ku dhex
jirey, haatan dhibtiisa qof ahaaneed ay badan tahay.
Waxaan xasuustaa in mar marka qaarkood rakaab aad iyo
aad u caraysani ay weydiistaan shaqaalaha diyaarada [ama Crew-ga] waxyaabo badan
oon suurtagal ka ahayn diyaarada gudeheeda amaba dhinaca
airport Dubai amaba Sharja. Hadaad u fiirsatan,
dhalinyardaas Crew-ga ah maba maamulaha xarunta [station manager-ka] amaba
manager-kuba waxaa ay aad iyo aad isugu dayaan in ay
tixgeliyaan codsigaas, wixii suurta gal ahna ay
samayaan. Dadka codsiga badan samaya waxaan filayaa in
aniga Ciise Maxamud Dhollowaa ahi aan ugu horayo,
sababo badan dartood.
Sawiradan waa shaqaalaha diyaarada DAMAL

Ahmed Farah Cali .Shahiid |
Cabdicasiis Maxamed Maxamud .Madoobe |
Cabdikarim Cilmi Cali |

Badanaamba markaan Somaliya ku socdo ee aan ka soo
dego Airport-ka Dubai waxaan waddaa caruur Somaliyeed
oo wadata Passport Somali ah, oon lahay fiiso
wadankaas lagu galo. Intaas waxaa ii dheer, anaga oo
mar walba ka soo degna Dubai airport 3-4am ee habeenka
gelinkiisa danbe. Waxaan had iyo jeer codsadaa in
airport-ka nalooku yimaado oo maamulka DAMAL airline
ay na damiinato si aan habeenka soo socda diyaaradooda
u raacno. Arimahaas aan soo sheegayna waa mid aan uga
bartay maamulka diyaarad DAMAL in ay noo qabtaan.
Waana nooqabtaan oo wixii aan ka dalbano way naga
yeelaan. Sida oo kale, marka aan Somaliya ka soo qaado
caruur jiran waxaan ka helaa gacan siyaado ah oo ay ka
mid tahay in ay na damiintaan ilaa aan waddankaas ka
baxayno oo Australia u dhoofeyno.
Waxaana mudan in la xuso habka wanaagsan ee inamada
diyaarad DAMAL ka shaqaalaha [crew-ga] u ahi noola dhaqmaan marka aan
saaranahay diyaarada gudeheeda, khaasan aniga iyo
caruurta aan waddo. Waxaana had iyo jeer hiil iyo
hooba ka helaa gacmaha walaalaha kala ah Cabdi Cilmi
Cali oo ah Chief Cabin Crew-ga diyaarada DAMAL Airline
iyo Cabdicasiis Maxamed Maxamud "Madoobe" oo isna ah
Crew-ga. Inamadaasi had iyo jeer waxaa ay ila gacan
qabtaan caruurta aan wado, wixii aan ka codsadana si
hagar la'aan ah ayey iigu qabtaan, taas oo lamid ah
inta ay u samayaan rakaabka kale ee diyaarad saaran.
Waxaananse marnaba aanan soo koobi karin, wanaag iyo
furfuraanta aan kala kulmo maamulka diyaaradaas, khaasatan Cabdiruur iyo Axmed Faarax Cali
"SHahiid". Cabdinuur oo ah ninka maamula diyaarda
DAMAL waxaan markasta aan ka codsado in uu dhaqalaha
duulimaadka ee tigidhada caruurta iyo anigaba wax naga
dhimo, maadaama aan ku shaqaynayo arimo tabarucaad
ah. Waxaana walaalkaas uga bartay in aan mar walba ka
helo tigidho jaban oo aan awoodikaro. Taasina waa mid
aan aad iyo aad uga bartay Cabdinuur.
Diyaarad DAMAL Airline waxaa ay ka baxdaa gegida
dayuuradaha ee Dubay iyo Shaarja. Badanaaba marka aan
raaco waxaa ay ka baxdaa Dubai Terminal 2 Airport oo
ay ka baxaan diyaaradaha u baxa Somaliya, Pakistan iyo
India. Diyaaradaha aan raacnana waa nooca loo yaqaan
IL18 oo Ruush ah. Diyaaradahaasi waxaa ay leeyihiin
1st class oo xaga danbe ee diyaarada ah iyo dhinaca
kale oo ah economy class. Hase yeeshee, qof kasti
waxaa uu fariistaa hadba meesha uu soo gaaro,
kursigaas ayuuna qof walbi ku ekaadaa ilaa la gaarayo
meesha qofkaasi u socdo. Ditaarada DAMAL waxaa ay
Dubai, badaana, ka baxdaa 3-4am habeenada ay duusho oo
ah Isniin amaba Khamiis.
Marka diyaarada la wadda galo ee u diyaar garoobeyso
in ay duusho, waxaa markaba codkiisa maqlaysaa
Cabdikariim Cilmi Cali ah madaxa hagida [Chief Cabin Crew-ga]
diyaarada oo dadka soo dhoweynaya. Waxaana uu dadka u sheegaa in diyaaradu kacayso dhowaan,
qof walbina xirto suunka. Waxaana isla markaas naloo
sheegaa inta saacadood ee ay u socon doonto magaalada
Hargaysa. Inta ay diyaaradu hawada ku jirtana waxaa
rakaabka la siiyaa cuno fudud oo quraac ahaan oo kale
loo cuno. Badanaama diyaardaas waxaa ay hargeysa ka deg
taan ilaa afar saacadood ka dib. Marka ay degaysona
waxaa markaba codkiisa maqlaysaa madaxa hagida [Cheif Cabin Crew-ga]
oo rakaabka ka codsanaya in ay suumanka xirtaan
maadaama Hargeysa airport diyaaradu ka degayso.
Marka aad Hargeysa ku soo dhowdahay waxaad arkaysaa
dhulka dadka Somaliyeed oo hoostaada ka muuqda,
runtiina waxaa ku gelaya shucuur waddaninimo. Waxaadna
dareemeysaa dhul qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay.
Shucuurtaasna waxaan filayaa in ay aad ugu weyn tahay qofka isagu ku dhashay kuna koray
magaaladaas Hargeysa.
Marka diyaaradu soo caga dhigaynayso waxaad arkaysaa Hargeysa
oo bilicdeedu ku cajabineyso. Waxaana aad
arkaysaa baabuurta magaalada dhex yaacaysa. halkaasna
waxaad kaga cabir qaadan kartaa hawl maalmeedka ka
socota magaaladaas. Waxaad si fiican u arkaysaa toga
dhexmara magaalada oo quruxmiiran ah, marka kor aad ka
argtid. Waxaana filayaa in uu aad uga qurux badnaan
lahaa hadii uu biyo lahaan lahaa markaas.
Diyaarada waxaa laga soo degaa 10 daqiiqo marka
diyaaradu gegida soo caga dhigato. Waxaan ku soo
dhoweynayaa gaadiidka dab damiska oo durbadaba ka
arkaysid meesha diyaaradu ku degto dhineceeda. Marka
diyaaradu soo istaagto airport-ka hortiisana waxaad
arkaysaa dadkii oo markaba istaagey oo diyaarada
albaabkeeda ku cararaya. Waxaadna maqlaysaa madaxii diyaarada [Cheif
Cabin Crew-ga] oo ka codsanaya in si tartiib tartiib
iyo is xaq dhowr ah loo dego laysna dhowro oo fursad laysasiiyo.
Airport-ka Hargeysa wuxuu ku yaal meel buur balaaran ah dusheeda [ama taag sare], magaaladuna waa ay ka yara hoosaysaa. Marka
aad diyaarada ka soo baxdona waxaad markaba ka
helaysaa dabaysha qabow ee wejiga kaaga dhacaysa.
Runtii dabaysaas waa mid aad iyo aad sanka qofku ula
raaco. Khaasana marka aad ka urinayso dhulkaagi hooyo.
Waxaadna dareemeysaa in urkaas dabayshu uu aad iyo aad
uga duwan yahay kuwii hore. Waxaa dareenkaaga urka
durbadaba saaqaya udgoonka dabaysha Hargeysa oo isaga
ka duwan ka meesha bada amaba xeebata ah.
Airportka Hargaysa waa mid aad casri u ah, waxaana ka
dhisan daaro dhowr ah oo aad u waaweyn. Waxaa u
danbeysa mid dhowaan dhamaatay oon weli la degin,
waxaana lay sheegay in ay noqondoonto xafiisyada
gegida diyaaradah. Waxaa kale oo airport-ku leeyahay
hal Tawarka diyaaradaha haga ah. waxaana uu dusha kaga
yaal( sida aad sawirka ugu sareeya boggaan ku argtaanba) daartii hore ee
Airportka oo la dhisay xoriyadii ka hore.
WAXAA DIYAARADA DAMAL
KUGU SOO DHOWEYNAYA:
Cabdikarim Cilmi Cali ( Chief Cabin Crew)
Axmed Farax Cali "Shahiid" (Station Manager)
Cabdicasiis Maxamed Maxamud "Madoobe" ( Crew Member).
|
Waxaad ka helaysaa maamulka airport-ka oo runtii
suurta geshey in airport-ku u shaqayo sidii kuwa
caalamka oo kala. Airport-ka waxaa jooga dadka
diyaarada alaabta ka roga oo isticmaalaya qalabka loo
adeegsado howlahaas noocaas oo kale ah. Waxaadna
arimahaas ka arki kartaan sawirada qoraalakan la
socda. Waxaa kale oo aad iyo aad ii cajabiyey qalabka
dabka lagu damiyo oo rag iyo baabuurba ka kooban oo garoonka dhex hoganaya, diyaarna u ah hadii dab
bilaamo. Iyagana sawirada ayaad ka arki kartaan.
Garoonka marka aad u kuurgasho waxaad kale ood
arkaysaa in uu yahaya mid awood u leh in uu diyaarado
badan xamilikara. Sawiradana waxaad ka arki kartaan
diyaaradaha fadhiya badnaantooda, iyo sida hawshooda
ka dejinta alaabta iyo raridaba loo kala waddo.
Waxaana howlahaas qaabilsan shirkad gaar ah oo
diyaaradaha rara waxna ka dejiya.
Garoonkaas waxaan kale oon ku arkay, khaasatan meesha
ka soo horjeeda daaraha airport-ka, dhor kamid ah
diyaaradihii dagaalka ee dawladii burburtay ee
Somaliya. Diyaaradahaas dagaalkana waa MIGs aad moodo
in ay weli cusub yihiin, khaasan marka aad uga fogtahay.
Garoonku waxaa uu leeyahay qayb dadka sii gudbaya ama [transit-ka] ah. Waxaana
meeshaas wada fadhiya dad badan oo u kala gooshaya
Muqdisho, Burco, Boorame, Jabuuti, iyo Addis Ababa.
Waxaadna had iyo jeer maqlaysaa dadka oo loo sheegayo
in ay diyaar tahay diyaaradii ay raacilahaayeen ee
magaalooyinkaas middood u baxaysa.
Airportka waxaa ku yaar makhaayada aad ka heli kartid
cuno fudud iyo cabitaan. Waxaana wax lagu gataa
lacagaha Somaliland, Dirhamka UAE, iyo Dollarka
Maraykanka. Waxaana kula talinayaa qofkii halkaas maraya in aanu filan in uu wax ku gato lacagtii
Somaliya ee hore, haatan laga isticmaalo Somalia
inteed kale. Mase aan garanyo in Hargeysa amaba
magaaloyinka kale ee Berbera amaba Burco oo kale laga
isticmaalo lacagtaas. Airport-ka lacagahaas aan
sheegay ayaa la isticmaala.
Waxaad kale oo Airprt-ka qaybta transit-ka ka heleysaa
wiil yar yar oo gada journalada ka soo baxa magaalada
Hargeysa. Warsidayaashaasi waa kuwo aad u qurxoon,
qaarkodna ay sidaan sawiro midabo ah oo indhaaga soo
jidanaya. Waxaa inamadaasi kale oo ay leeyihiin
qalabka kaba lagu casayo, amaba lagu baalsho. Waxaana
badanaa lagama maarmaan ah in aad kabahaaga baalshto
amaba casayso marka aad halkaas ka duulaysid ood u
baxaysid waddanka dibadiisa.
Dad kala noocnooc ah ayaad halkaas ku arkaysaa,
waxaana dadkaas ka mid ah dad cadaan ah oo u shaqaya
hay adaha UN amaba NGO's oo waadanka dhexdiisa isaga
gooshaya amaba waddanka ka baxaya. Waxaad kale ood ku
arkaysaa dad Asian iyo Indina ama ka yimid qaarada Aasiya [sub-continent] oo ka shaqaya maraakiibta ajnemiga ah ee bada
Somaliyeed ka kaluumaysta. Dadkaas, oo sida warka
laygu sheeegay, qaarkood ka kala yimaadeen Puntland
amaba Muqdisho amaba Berbera.
Diyaarada Bosaaso u socota waxaa ay Hargeysa Airport
fadhidaa hal saac oo rakaabka alaabtooda iyo alaabta
bagaashka ah laga dejinayo. Waxaana halkaas ka raaca
dad iyaguna u socda Bosaaso iyo Dubai amab aduunka
daafihiisa.
Qaybtaani Intaas ayaan ku soo koobayaa, qaybta kale
waxaan kaga hadlidoonaa Bosaaso iyo gadaal ugu soo
noqoshada Dubai marka lasoo marayo Yaman [Dubai via Yemen].
Lasoco qaybta labaad ee Dhollowaa iyo
Safarada Soomaaliya.
==============================
Ciise Maxamuud Dhollowaa
61 415 172 025
imfarah@students.latrobe.edu.au
Melbourne, Australia
SOMALITALK.COM | Janaayo 22,
2003
Wafti
Kasocda Jaamacadda Latrobe oo Booqanaya Jaamacadda Boosaaso
Waftiga oo uu hogaaminayo Dr. David Dorward, uuna
kamid yahay Ciise Dhollowaa waxa ay Australia ka ambabaxayaan 27ka bishan
Janaayo. GUJI
19/1
Cusmaan
Muumin oo Australia ku Soo Beegan 9ka February si Loo Daaweeyo
Ciise Maxamud
Dhollowaa oo Australia ka ambabaxaya 27ka January ayaa waxa uu Soomaaliya
kasoo qaadayaa wiilka yar ee sawirkiisu kuu muuqdo oo... GUJI.
18/1
LIFAAQ.1
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan
cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay
loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya, gaar ahaan cudurada carruurta
yaryar. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta
lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr.
Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo
batay Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh
cilmigaas......
SOMALITALK AUSTRALIA:
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|