Deeqa
Maxamed Muuse oo Caafimaad ahaan loogu qaaday wadanka Austria.
Waxaa
dhawaan dalka Austaria caasimaddiisa Vienna loo qaaday gabar Soomaaliyeed oo
da'deedu tahay 18-jir kaddib markii dhibaato ay ka soo gaartay kufsi ay u
gaysteen 4-nin oo dabley ah waqti ay ku sugnayd Deegaanka Mayle oo ka tirsan
degmada Jarriiban ee gobolka Mudug.
Gabadhaas oo lagu magacaabo
Deeqo Maxamed Muuse waxa ay muddo la xanuunsanaysay dhibkii ka soo gaaray
kufsiga kaddib markii caafimaad ahaan loogu qaaday Magaalooyinka Garoowe iyo
Boosaaso, kaddibna waxaa la keenay Muqdishu waxayna takhaatiirtii baartay
caafimaadkeeda ay qireen in gabadhaasi aan waxba looga qaban karin dalka
ayna u baahan tahay caafimaad dibadeed, kaddib markii si gaar ah dhib uga
soo gaaray labada ib ee Saxarada iyo Kaadida oo isku furmeen.
Dadaal dheer kaddib ayaa Deeqo
Maxamed Muuse u suuro gashay in la geeyo wadanka Austria, wuxuuna xiriirka
gudaha iyo dibadda uu socday laga soo bilaabo bishii Juun ilaa iyo waqtigaan,
Deeqo oo la filayo in la qalo 10-ka bishan ayaa intii ay ku jirtay
Isbitaalka waxaa ku socday baaris guud ee caafimaad waxaana maalin walba
Isbitaalka ku soo booqanayay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka
Austria.
Deeqo Maxamed Muuse ayaa waxa
ay mar ku sigatay in ay cabto Sun kaddib markii ay ku dhibtootay dhibkii ka
soo gaaray Kufsiga sidoo kale waxay ku sigatay in dib loogu celiyo
baadiyaheeda kaddib markii reerkii hayay ay u caal waayeen, hase yeeshee
Saxaafadda gaar ahaan wab-site ka Somalitalk.com, ayaa waxa ay reerkii
hayay gabadhaasi u sheegeen in ay gargaar u waydiin doonaan walaalahood ku
nool dibadda, waxayna gabadhaas sawiradeeda iyo qoraaladeeda ku soo baxeen
web site kaas iyadoo waqtiyadan dambe shacabka Soomaaliyeed ee ku nool
dibadaha ay gacan siiyaan dadka Soomaaliyeed ee la il daran cudurada aan
waxba looga qaban karin dalka gudihiisa.
Deeqo Maxamed Muuse
aakhiritaankii waxaa codsigeeda ka jawaabay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku
nool dalka Austria , dowladda Austria, iyo gabadha ku caanka ah ee Waris
Diiriye.
Deeqo Maxamed Muuse waxay u
mahad celisay Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo ay sheegtay inuu ahaa ninkii
ugu horreeyay ee daah fura ama daboolka ka qaaday dhibaatadii gabadhaas ka
soo gaartay kufsiga isagoo warbixintii ugu horraysy uu ku qoray websiteka
Somalitalk.com, sidoo kale waxay u mahad celisay Yaasmiin Mayoow oo iyadana
wakiil uga ah website ay leeyihiin urur u dooda haweenka oo lagu magacaabo 4
somaliwomen iyadana waxay websitekaas ku soo bandhigtay dhibaatadii lixaadka
lahayd ee loo gaystay gabadhaas, waxay kaloo u mahadcelisay dowladda Austria
oo iyada u ballan qaaday in ay bixineyso wixii kharash ah ee ku baxaya
qaliinka gabadhaas, Deeqa waxay kaloo u mahad celisay Weris Diiriye oo
iyadana gacan ka gaystay bixisayna wixii tashiilaad ah oo ay u baahnayd
gabadhaas, waxay kaloo u mahad celisay Maxamed Cabdi Shiino oo isna ahaa
ninkii xiriirinaayay dowladda Austria iyo Deeqo Maxamed Muuse, sidoo kale
waxay sheegtey in ay hilmaami doonin Caasha Cumar iyo Axmed Hiilweyne oo
ahaa labadii qofood ee gacanta ku hayay gabadhaas inta ay ku sugnayd
Muqdisho, maadaama hooyadeed iyo Aabbaheed ay jireen dhulka Baadiyaha ah,
waxay kaloo u mahadcelisay C/samad C/qaadir Hanad oo ah wariye u shaqeeya I
daaacadda HornAfrik oo isna ka mid ahaa dadkii gacanta ka gaystay in ay
hesho gabadhaasi gargaar caafimaad, waxa kaloo ay u mahadcelisay dhammaan
intii wax u soo dirtay gabadhaasi gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool
dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Deeqo Maxamed Muuse waxay aad
uga naxday geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Maxamuud Cabdi Fiidoow
oo isaga ka yimid Sweden una yimid inuu Deeqo guddoonsiiyo lacago ay ugu
deeqeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi, hase yeeshee markii
uu Deeqo lacagtaasi guddoonsiiyay damcayna in uu u laabto dalka Sweden ayaa
wuxuu ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay agagaarka Afgooye waxayna
leedahay Deeqa ILAAHAY Jannadii firdowsaad ha kaa waraabiyo
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2005
Wararkii hore ee Deeqo Hoos ka akhri
Jaaliyadda
Sweden oo deeq soo gaarsiiyey Deeqa Maxamed Muuse
Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka
Isweden ayaa dhawaan deeq lacageed soo gaarsiisay gabar soomaaliyeed oo ku
dhibaateysan Magaalada Muqdisho laguna magacaabo Deeqo Max’ed Muuse,
deeqdaan oo gaareysay 360 doolar ayaa waxa ay jaaliyadda soomaaliyeed ugu
talagaleen in gabadhaasi kaga baxdo dhibaatada haysata wallow aysan dabooli
Karin marka la fiiriyo dhibka la gaarsiiyey waxaana deeqdaani loo soo
dhiibay nin lagu magacaabo Cabdi Fiidow oo ka mid ah dadka soomaaliyeed ee
degan wadanka Isweden.
Ma
ahan markii ugu horeysay ee jaaliyadda soomaaliyeed ee Isweden ay deeq soo
gaarsiiso dadka soomaaliyeed oo qaarkood la il daran cuduro kala duwan qaar
koodna ay ku dhaceen masiibooyin ay sababeen dagaaladii sokeeye, iyadoo
dhawaan jaaliyaddaasi ay deeq soo gaarsiyeen gabar yar da’deedu tahay 3 jir
oo buro uga soo baxday qaybta taranka gabadhaasoo lagu magacaabayay Xaliimo
Hirre Xuseen oo iyadu dhawaan loo qaaday dalka Ostaria halkaas oo haatan
lagu daaweenayo.
Cabdi Fiidow oo ka hadlay xafladdii
gudoonsiinta deeqdaasi ayaa waxa uu sheegay in dadka soomaaliyeed ay haatan
wax badan fahmeen ayna garteen in dadkooda ay u gargaaraan ee la il daran
cudurrada kala duwan isagoo sheegay in uu aad uga naxay dhibka loo gaystay
Deeqo Max’ed Muuse waxa uuna u soo jeediyay jaaliyadaha kale in ay gacan
siiyaan dadka dhibaateysan ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya.
Deeqo oo ka hadashay xafladda gudoonsiinta
deeqdaas ayaa waxa ay u mahadcelisay intii isku soo howshay deeqdaasi
waxayna u soo jeedisay shacabka soomaaliyeed in ay gacan ku siyaan sidii
loogu qaadi lahaa dibadda looguna soo daaweyn lahaa, sidoo kale waxay u
mahadcelisay intii iyana wax u soo dirtay.
Deeqo oo ka dhalatay beelaha la hayb
sooco ayaa waxa dhibkaan u gaystay afar nin oo dabley ah mar ay Geel ku
raaceysay Tuulada Meyle oo ka tirsan degmda Jariiban ee Gobolka Mudug
waxayna Deeqa u adeegsadeen beenaad iyagoo isku jeexay labada ib ee
saxarada iy kaadida, waxaana horey loo geeyay isbitaalka degmda Garoowe oo
uu wax ka qaban waayay kaddibna waxaa loo gudbiyay isbitaalka Boosaaso
waxayna sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin , intaa kaddib waxaa loo soo
gudbiyay Magaalada Muqdisho waxaana lagu sameeyay afara qalliin ah waxayna
natiijadii aakhiritaankii takhaatiirtu ay sheegeen in aan waxba looga qaban
Karin dalka gudihiisa waxayna takhaatiirtu u soo jeediyeen shacabka
soomaaliyeed in gabadhaasi gacan lagu siiyo sidii loo badbaadin lahaa
nolosheeda.
kala xiriir taleefonka reerka
2521-225030 ama 2521-654676
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 22, 2005
Deeqo “ Ragga qaarkood naxariisdaranaa”
waxay u baahan tahay Gacan Banii’aadanimo
Nolosho xiiso la’aa, waayuhu xanuun badanaa,
marka ruux ku xakaaro oo ku xujoobo Adduunka.
Deeqo Max’ed Muuse oo ah gabar Soomaaliyeed oo
18-jir ah oo daryeel caafimaad loo keenay Magaalada Muqdisho dhawaan, ayaa
xiligaan waxay quudka ku cuntaa Suuliga (Musqusha) dhexdeeda, sababo la
xiriiira markii la isku furay labada marin ee kaadida iyo saxarada awgeed oo
wixii ay cuntaa kuma hakanayaan, Deeqo ayaa waxaa tacadigaan u gaystay 4-nin
oo reer Miyi ah.
Deeqo Max’ed Muuse oo xiligaa ku nooleyd
Miyiga Meyle oo ka tirsan degamada Gaalkacyo waxay ahayd goor barqo ah oo ay
Deeqo la joogtay xiligaas geel aan sitaas u badnayn.
Waxaa u yimid 4 Nin oo ku hubeysan qoryo
gacmeedyada loo yaqaano AK-47 waxay damceen in ay handadaan iyagoo wax ka
raadinaya si ay kufsadaan, hase yeeshee Deeqo taas way ka madax
adeegtay, nasiib-darase Raggii 4-ta nin ahaa xoog bay wax uga raadiyeen,
Deeqo gabarnimadeedii markii ay wax ka qaadi waayeen ayay jeexista bikrada
Deeqa u adeegsadeen Beynaad, taasoo keentay dhaawac halis ah iyo isku furan
ku yimid labada ib ee saxarada iyo kaadida.
Waxyeelada loo geystay Deeqo iyo dhiig bixii
soo gaaray waxay keeneen inay miyir daboolanto oo suuxdo, 4-habeennimo ayay
reerkoodii ogaadeen kaddibna way soo baadi goobeen waxayna dul yimaadeen
Deeqo oo naftii ku daba yartahay, Reerka Deeqo oo sabool ahaa ayaa aad uga
walaacay dhibka daran ee loo gaystay gabadhooda, deegaanka oo aysan ka
dhaweyn goob caafimaad ayaa tacadigii waxaa maqlay reer ay waa wada
deggenaan jireen oo ay saaxiibo ahaayeen, Hooyada qoyskaas oo lagu magacaabo
Caasho ayaa deegaankaas ka soo kaxaysay Xamarna loo keenay si loola tacaalo
dhibaatadii loo gaystay gabadhaas.
Deeqa Muuse Max’ed waxaa loo geeyay
dhaqaatiirta cilmiga u leh arrimahaa oo kale oo ay ka mid ahaayeen Dr.
Bashiir Shiikh Cumar oo ka howlgala Isbitaalka SOS iyo Dr. C/Casiis oo isna
ka howlgala isla Isbitaalkaas, labadaba waxay caddeeyeen in gabadhaas aan
Soomaaliya waxba looga qaban karin, iyagoo intaas waliba raaciyay in
gabadhaas ay u baahan tahay dhaqaatiir dibada ah, Hooyo Caasho Cumar Maxamed
oo ayadu keentay Magaalada Muqdisho waxay sheegtay in ay goosatay inay
reerkoodi ku celiso iyo Tuuladii Meyle maadaama aysan waxba ka qaban karin,
hase yeeshee dad baa igu dhaliyay inaan saxaafadda wargeliyo si ay gurmad
uga hesho ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha gargaarka.
Amiin Yuusuf oo Waraysanaya Deeqo Max’ed
|
Waxay u baahan tahay gacan soomaalinimo iyo
mid Bini-aadannimo si ay mar kale ugu soo laabato rajadeedii nololeed,
Deeqo markii aan ka qaadayay wareysiga waxay dabadda ku wadatay xafaayad
iyadoo ka xun nolosha ay ku jirto, waxayna dadka Soomaaliyeed iyo dadka ku
nool dunida ka codsatay in ay siiyaan gacan Bini-aadannimo. Deeqo waxay ka
dhalatay beelaha laga tirada badan yahay oo aan hubeysnayn. Hooyadeed iyo
Aabbaheed waa dad aan waxba haysan oo xoolihii yaraa oo ay haysteenna ay ka
baabi’isay abaaro, waxayna ka codsanayaan dadka soomaaliyaad ee ku nool
dalka iyo dibada iyo intii ay ku jirto damiir Banii’aadanimo in gabadhooda
iyadoo caafimaad qabta inay u soo laabato.
waxaa wareystey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
; amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
kala soo xiriir
Taleefonka reerka
252-1-225030
252-1-654676
Taleefonka Amiin
252-1-218180
252-1-655533
LINK:
http://www.somalitalk.com/deeqo/
Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2005 |
Update: Jun 24, 2005