SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DALBOON
Daabaco Boggan | Print

KHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA
iyo Wararka wiilal ku laabtay Soomaaliya oo dhaliyey jaahwareen iyo jawaabta masaasjidda. Akhri..


بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على رسول الله وآله وصحبه أما بعد

Taariikhda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis

Ustaad Abdiwali Bashir (Dalboon)
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota

Jan 23, 2009


Masjidka Abubakar Yaa dhisay Goormaa la Dhisay waase Caynkee...

Waxaa la bilaabay qorshaha masaajidka taariikhdu markay ahayd 1998 waxaana la oran karaa waxaa loo galay halgan aad u weyn oo aan waxba lala harin waxaana la oran karaa 2/4/2005 mutamarkii la qabtay waxaa masjidka loo helay lacag dhan 155.000 kadib markii Culumadu ku dhiira galisay dad weynaha in aysan dhayalsan ama fududaysan Mashruuca Masjidka Abubakar, Mutamarkii la qabtay xilligaas 2/4/2005 [Halkan ka akhri].

Waxaana booska masjidka la iibiyey Taariikhdu markay ahayd july 29/2005. Waxuuna ku yaala 2824 13TH Avenue South Minneapolis, MN 55407. Baaxadda uu ku fadhiyaa waa 60,000 Square Feet oo ku yaal dhul ah 95000 sq land (2 Acres). Waxana uu 3 daqiiqo u jiraa wadooyinka waaweyn sida Highway 35W iyo 94. Dariska iyo Xaafad wanaagsan iyo meelo ganacsi oo waawayn. Gaadiidka Bus waa u dhow yahay, meesha gawaarida la dhigto ama Paking-ku waa 100 iyo in ka badan. Qiimaha laga bixiyey masaajidka waa lacag dhan 1,700,000,00.

Waxaa Masjidka Abubakar Sadiq Islamic Center gaday Muslimiinta Waqooyiga America oo u badan Somali Sida ku cad war bixinta Masaajidka, waxaa kaloo sharaf ah in Somalida iyo Muslimiinta lagu Casumay in ay soo eegaan inta aan la gadin si ay talooyin-kooda oga dhiibtaan Taariikhdu Markay ahayd 6/4/05 oo bil ka hor inta aan la la soo wareegin dhulka halkan ka eeg sawiradii xiligaas laga qaaday Oo la shaaciyey Taariikhdu waa Cajiibe. 


Baaxadda: 60,000 Square Feet - dhulka 95000 sq land (2 Acres)

Waxaan ka mid ahaa dadkii u daawashada tagay oo ajiibay casuumada iyo codsiga culumada iyo howl wadeenada aniga oo dhoola cadaynaya ayaa ku soo wareegay laba jeer - Wax kasta oo imaanaya dhawaa ayey carabtu tiraahdaa - birta ayey ugu dhufteen in ay u gadaan muslimiinta gaar ahaan Somalida. Wakhtigu waxuu maalin maalin iyo ilbiriqsiyo isku guro waxaa la soo gaaray July 29/05 sawirada iyo Check gii loo qoray iyo Mulkilayaashii lahaa dhulkaas hoos ka eeg. Waxaa dhinac fadhiya Sh Abdirahman oo furaha qaadanaya iyo Sh Sugulle oo Saxiixaya iyo Mul kiile Charlie & Arlene Gumingo iyo Qareen kii masjidka Eric H Galatz halkan war bixinta oo dheer ka eeg halkan riix.



Halkan ka eeg

Maxuu Masjidku u qabtay Somalida Minnesota

Masjid wax qabad kiisa ayaa ah mid qof kasta fahmi karo - waa goob lagu Cibaadaysto waxaase u dheer Tarbiyada ilmaha iyo waliba Bulshada waxayna sanad kii qabtaan hal mar ama laba jeer Mutamar ay ku Casumaan Muslimiinta Minnesota iyo Culumada ku xeel dheer Diinta islaamka kuwaas oo ka kala yimaada Wadamo kala gadisan iyo gobalo kala Fog.

Waxayna ku hadlaan afaf kala gadisan sida Arabiga iyo English ka hase yeeshii hadaf kooda ayaa ah mid, midab kooduba Hakala gadisanaadee kumanaanka isku soo baxay ee iskugu yimaada Mutamarka Convention Center ka ayey Mucjiso u arkaan Dad ka gobalkan kuwaas oo aan taariikhda ku haynin 40 sano ka hor ama arag kumanaan qof oo kala midab ah kala luuqad ah Qaarado kala gadisana ka yimid in ay garbo siman noqdaan oo hal mar wada rakuucaan taas ayaa waxaa dheer hadaf kooda oo ah mid:

(2) Goobaha Ciida lagu tukado ayaa waxaa majaraha iyo hogaanka u haya gobalkan masjidka abuubakar asaga oo sii daboola ama  sii dabara kharashaadka ayada oo goobahaas ay diyaar ku Yihiin dhalin yaro  ilaahay dartiis u shaqaynaya Kuwaas oo dadweynaha  kala hagaya safafka simaya oo dadka waa weyn caawinaya.

Dhalin yaradaas ayaad maalmaha ciidda ku arkaysaa gaar ahaan ayaga oo safan wadooyinka Soo gala goobaha ciidda, sida Convention Center ka ayaga oo qaar kood qabowga iyo baraf ka Taagan yihiin - waxay kaloo noo sahlaan Xiliga Ramadaanka in aan si dagan u Cibaadaysano ayaga oo kala haga Baabuurta hanaan kaas wanaagsana iyo adeegaas hufan waxuu ka yimid qaluubta wanaagsan Ee la oran karo iimaan ayaa ku dheehan ee Abubakar Islamic Center.

Waxaa kaloo xasuus mudan qoraayaashii fursadaas ka faa idaystay oo oo arimaha masaajidka Wax ka qoray Waxaanse Bilad Sharaf ah Siin lahaa haddii aan Maamulka Masjidka ka mid ahay SomaliTalk.com oo runtii ii sahashay qormadaan waayo inta badan waxaan tixraacayo waa qoraaladii iga horeeyey ee ay qoreen dadkii hore qoraallada uga qoray arrimaha masjidka oo aanan magacyadooda soo koobi karayn.

(3) Waxaa masjidka ka dhex furan Dugsi waxaana wax ka barta arday farabadan oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana Daruus ka Bixiya culimo badan, sida Sh Abdirahman Sh Omar iyo Sh Abdirizaq Hashi, waxaa kaloo jira Daruus gooniya oo dumarka ay qaataan oo Sh Abdirizaq Hashi Bixiyo.

(4) Tartanka loo qabto Ardayda iyo Xafladaha loo dhigo dhilinyarada xiliyada fasaxaa ayaanan meesha ka marnayn halkan ka eeg  - sawirada hoose ee aad arkayso waa tartanka loo qabtay ardayda iyo dhalinta somaliyeed Agoosto 2005. [Sida ka muuqata Sawirada iyo Shahaadiiyinka la siinayo iyo waliba fanaanadaha ay qabaan oo ay astaantii masjidka ka muuqato][

DSC00011DSC00008
Xafladdii Tartanka iyo sawiiro halkan ka eeg

Waxaa kaloo jira Barnaamij loogu talagalay dhalin yarada Youth Pragram Sida wabsite kooda ka muuqata oo xiliga Samarka ama xagaaga La bixiyo halkan ku dhufo si aad u bookhato website ka masjidka.

(5) Waxaa ka mida wax qabadka masjidka in lagu unko ama lagu asaaso qoysas cusub oo muslimiin ah taas oo aan ula jeedo In la isku mehersado oo masjidku leeyahay meel aad u qurux badan oo xafladaha loogu talagalay waxaana yar maalin aan aroos Ka jirin waliba xiliyada xagaaga ee jawiga iyo cimiladu wanaagsan yihiin dhulkana uu leeyahay bilic wanaasgan.

(6) Masaajidku wuxuu leeyahay Maktabad weyn oo wax laga akhristo oo kutubadii islaamka ay ku dhan yihiin Wuxuu kaloo leeyahay Studio waxuu kaloo leeyahay Vedio Conference oo inta badan culumada axadda iyo sabtida Ama xiliyada fasaxa la soo xiro iyaga oo dalal kale ku sugan. Haddii aadan Ogayn meel kasta waxaa ku xiran Camera oo si loo ilaaliyo nidaamka masjidka.

(7) Maxaad kala socotaa damaashaad ka iyo Dalxiiska ciida iyo Xafladaha Masaajidka lagu qabto xafladaas oo lagu magacaabo Xaflada Ciida ayada oo masaajidka lagu dhajiyo walxo bir birqa ama waxyaalaha dhal dhalaala ee indha soo jiida Taas oo ciidii dhaweyd aan ku arkayey Darbiga u dhaxeeya Studio ga iyo Albaabka laga soo galo.

Masaajidka Abubakar iyo Siyaasadda

Siyaasadda iyo diintu kala saar ma lahee sida salaf ku qabo ee sugan waxaase laga yaabaa in saluug kugu jiro. Kulan diineed kii 4aad culumadii ka qayb galay waxay soo saareen Bayaan ku socda Dowladda Federalka iyo Bulshada somaliyeed iyo waliba ururrada Caalamigaa iyo cid kasta oo danaynaysa Arimaha somaliya, Taariikhdu waa september 6/2004 war bixintana waxaa lagu daabacay Shabakada Somalitalk halkan ka eeg  ama halkan ka dhagayso - waxaana isku soo dubariday Sh Abdishakuur Ibrahim Iimaamka Masaajidka Al Farooq ee Nashvill TN iyo Sh Aadam Abdullahi Xoghaynta Golaha Masaajidda.

(2) Sidoo kale waxaa mutamarada laga soo saaray Bayaan kaan kaas oo ka koobnaa ilaa 9 qodob Waxaana ka mid ahaa in ay Xabadda joojiyaan dad ka ku dagaalamaya Gobalada Galgaduud iyo waliba in ay joojiyaan hayb sooca dad ka aan kala guursan in ay is dhex galaan waxaa soo gudbiyey Bayaan kaa Sh Hassan Dhooye Abu Xafsa taariikhduna waa December 29 2003 waxaana lagu daabacay Shabakada Somalitalk halkan ka eeg bayaan kii.

(3) Waxaa Sh Abdirahman u yimid asaga nin u tartamaya in uu noqdo Duqa magaalada Minneapolis, Peter Mclaughlin, isagoo soo Booqday Xurunta Shiikha waxaana la kulmay sh Abdiraham sida sawirada aad ka arkaysan Peter waxuu aamisan yahay in sh Abdirahman iyo Somaliduba ay u hiilin karaan waxuuna balan qaaday in uu Wax ka dhisi doono Xurunta Abubakar oo markaas mashruuceeda lagu jiray - sida umadaha kale ka aamisan yihiin culimadeena iyo Soomaalida ayaad halkaas ka fahni kartaa - taariikhduna waa Nuvember 9/2005 somalitalk ayaa faafisay Waliba peter waxuu u balan qaaday in sharciyada loo fududaynayo iyo in guryo aan ribo lahayn uu la raadinayo - Booqashii Masjidka ee Peter halkan ka eeg.


Peter oo dhex taagan gudaha dhismaha masjidka iyo Sh.C/raxmaan oo u sharaxaya dhismaha, iyo Peter oo salaamaya Sh. C/raxmaan

Waa u jeedada loo asaasay Masaajidda Iyo Xurumaha diinigaa in laga hago aadamaha oo dhan hadii madaxdii wadanku masaajidda xal bideen guushoodana Ka dhex arkeen adigu hadii aad u aragto shar ama mid wax kuu dhimaysa bal ka waran. Tankale Diin teenu ma lahan siyaasadda iyo diinta meel lagu kala saaro FASLU DIIN CANI SAYAASADDA ma ahan islaamku waxuu qabo.

(4) Kulan diineed kii 6aad waxaa iska taagay Siyaasi Muslim ah oo u ordayey US Congress Golaha Odayaasha Maraykanka oo magaciisa la yiraahdo Keith Ellison kana codsatay Culumada iyo Muslimiinta in loo Codeeyo taas oo lagana balan qaaday Lagana dhabeeyey waana ku guulaystay maxuuse u balan qaaday somalida somalitalk oo waraysi gaaban la yeelatay Ayaa weydiisay waxa uu u qabanayo somalida: waxuuna ku jawaabay xiligaas Keth Ellison Waxaa ka shaqaynaya nabadda, waxaan ku dadaalayaa dhawrida xuquuqda shacabka (civil rights), waxaan Soomaalida kala shaqaynayaa xagga Immigration-ka iyo qaadashada dhalashada (citizenship) (Eeg halkan...)

Yaa weerar ka ku Gaaciyey Culumada iyo Masjidka..

(1) Xilligii uu socdey dhismaha iyo raadinta boos masjirka loo gado ayaa waxaa soo baxay erayo arrimahaas liddi ku ah oo la sheegay in uu daabacay wargeys ka soo baxa Minneapolis, taas oo loogu jawaabey in wargeyskaasi yahay Warxun Sheeg, waxaana lagu eedeeyey in war bixinta uu ka qoray Culumadii iyo Howl Wadeenadii Mashruuca Abubakar in ay tahay been abuur umana horayn ayaa la yiri wax xun in uu sheego wargeyskaasi iyadoo la sheegay in uu hore ugu gafay Diinta. - Dhegeyso Waraysigii Radio Codka Beesha ee Xasan Dhooye.

(2) Waxaa weerar fulaynimaa goor habayn ah masaajidka ku gaaciyey dab iyo walxaha qarxa ee gaska leh (Laba nin) oo ah dadka wadankaan u dhashay sida laga arkay Camerada Masjidka waxaana halkaas ku Bas beelay Kutub badan iyo alaab ganacsi oo wali xaqqoodii meel la saarin waxaase warqad laga helay raali galin ah tacsi ah Senator Coleman waxayna u qornay sidaan.


Kutubtii ku gubtey dabka... (Eeg Sawirro badan)

Sawirada sida aad ka arkayso waa dabkii iyo dhaawacii soo gaaray masaajidka xiligaas oo xili habayn ahayd (halkan ka akhri war bixintii.).

(3) Waxaa kaloo jira qoraal uu qoray Mudane Mohamud Nur Wardere oo la shaqeeya Senator Coleman Taariikhda qoraalku waa september 15/2005 waxuuna la hadlayaa Bulshada Somaliyeed qayb ka mida Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Diinta iyo Culumada hala ixtiraamo waxuuna ka koobnaa 5 qodob oo muhiima Halkan ka akhri qoraal kii Wardheere.

La soco Qaybta 2aad Doorka wanaagsan dadkii ka cayaaray iyo Weeraradii loo gaystay Masjidka ama war baahinta maxaligaa siday hadalka u dhigtay dadkii la hadlay - waxii talaa ku soo hagaaji Ustaad Dalboon

Waxaa isku soo Duba Riday 
Ustaad Abdiwali Dalboon
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Jan  23, 2009

Waraysiga Sh. C/raxmaan Halkan ka Dhegeyso ama Soo rogo (mp3) Ama Halkan (ram)

BAARID | SEARCH


shirMinneapolis: Shirkii Waalidiinta Carruurtu ka maqan yihiin iyo khilaaf soo kala dhex galay dadkii u hadlayey iyo Soomaalidii qaban qaabinayey shirka jaraa'id oo faquuqay saxaafaadda Soomaaliyeed.. Akhris/dhegeyso/Video

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS