America, Dii Aan Arkay !!!

Ustaad Abdiwali Bashir Warsame MR Dalboon
cdalboon@hotmail.com |
abdiwali2006@myway.com
North America Minneapolis, Minnesota
Bismilaahi Raxmaani Raxiim Allah ayaa mahad leh
Nabi Mohamed Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha aaato
Ummad iyo damiirkeed !!!
Indheergarad dareenkiis !!!
Meesha aan ka waramayno waa waqooyiga America
North America gaar ahaan Minnesota Runtii Waa adagtay in aan soo koobo
dhammaan waxaan damacsanahay in aan qoro, Ama qalbigaygu iyo qalin kuma la
deg dagayaan, hase yeeshee qurux badanaa in Aad qoraal kayga akhriso, gaar
ahaan haddii aad tahay ruux u soo socda qurbaha, Inkastoo aan ogahay dad
badan in ay wax ka qoreen qurbaha oo taas laga Dharagsan yahay, si kastaba
ha ahaatee,

Waxaan soo qaadan doonaa Gabayo Murti inta
badan Gabayadaas waxaa iska leh Walaalaha Dood Wanaag, sida caada ii ahayd
ama Maqaaladaydii hore u Badnaayeen Murti iyo gabayo, sida Maqaal kaygii
Caan ka ahaa ee HANOO TALIYEE TUUG MAHAYSAAN ee aan Qabqablayaasha ka qoroy
gaar ahaanna Aan kaga hadlayey Puntland
Inta aanan bilaabin qoraalkayga haddii aad ila socoto yeysan kaa hoos bixin
Dalka-hooyo waa dahab
Qurbo laguma doorsadoo
(1) Taariikhdu April 28 2005 waxaana joogaa Africa gaar ahaan kenya Nairobi
waxaana ku xaroonay Xirada weyn ee looyaqaano Goal ee qaxootiga soo dhoofaya
lagu xareeyo magacyadayadii ayaa La yeerinayaa dad ku waa daalan yihiin
boorsooyin ayey jiidayaan Buuq badan ayaa jira cad ceed weeye meeshu banaan
ka yaa la Tuuran yahay {Sawirkaan waa Aniga iyo walaalkay Mohamed oo
Goal galaynaya oo Boorso jiidayna}
Shacuurta maalintaas ma qiyaasi karo laakiin maantay oo aan Qoraalkaan aan
qorayo isbadal weyn ayaa jira oo u dhaxeeya Maalintaan soo dhoofayey iyo
maantay qofkii jooga qurbo ayaa taas Si toosa u dareemi kara Waa Rajadii
Qurbaha Laga qabay oo Hoos u Dhacday
Waxaan Goal ku xaraysnayn mudo 5 maal mood ah Goal maxaad Nolasheeda ka
garanaysaa waa meel qaxooti la is kugu keenay waa Meel cunada saf dheer
loogalayo waa meel xagga nadaafadda ku Liidata waa meel dad dhibaataysan la
iskugu keenay hadana Faraxsan oo aad moodo janadii in ay u socdaan ama
xajjkii
Goor galab ah ayaa dad kii oo faraxsan dhowr bus la saaray Waxaana looqaaday
Airportka
Waxaana horkacaya Nin iyo Gabar Cadaan ah dad ku dhammaan wax cabsi ah kuma
jirto Laakiin anigu waan cabsanayaa waayo meel aan u socdo waan Aqaan
laakiin maadaama ay dad na wadaan maxay nagu samayn Doonaan ayey naftaydu is
weydiinaysay inkastoo ay ahayd wax aan La qariibsan oo dad kii naga horeeyey
ay nabad tageen hadana Waxaa jiray su,aalo badan oo naftaydu is weydiinaysay
sida adiga oo gaal la socda oo daba ordaya hadii aad dhimato ka waran xaal
Maxuu noqon hadana waan la dagnoo la darisnaye kaba siidaran
Waxuu yiri abwaan soomaliyeed dood wanaag in uu ku jiray ayaan Filayaa asaga
oo xaaladdaan oo kale cabiraya
Ilaahey ma dabar jaro
Ma dulmiyo addoomaha
Dubbihiisu kuma dhaco
Daciifiinna kama dhigo
Haddey diinta raacaan
Waa xaqiiqo dhab ah ayuu ka waramayaa asaga oo hadalkii ama Gabaygii siiwata
waxuu yiri abwaan ku
Annagaa damboownoo
Daqal jaan ku soconniyo
Doow aan habboonayn
Iska daba wareeg iyo
Dullinimo ku faannoo
Amrkaagi diidnee
Adigaa dulqaad liyo
Naxariis wax deeqdee
Ilaahoow na daba qabo
Damiirkeena soo celi
Aamiin Aamiin ilaahow nadaba qabo waxaan ka soo duulnay kenya Africa
oo qofka madow uu ku ahaa libaax ama aadan dareemaynin in Aad dal shasheeyo
joogto dad iidin isku diin ahayn isku dhaqan Ahayn aan ku jeclayn waxaana
ogaaday africaan ku diin ha ku kala Gadisanaadee in uu isku dhaqan dhow
yahay
Waxaan soo socono waxaan diyaaradii aan soo raacnay ee British Airways soo
caga dhigatay London u,k

Waxaan joognay mudo 7 saacadood ah waxaa la soo gaaray xiligii Aan ka duuli
lahayn london waxuu wakhtigu daqiiqad daqiiqad isku Raacaba waxaa naloo
sheegay diyaaraddii aan u raaci lahayn America in ay diyaar tahay ka dib
waxaan soo raacnay American Airlines oo looyaqaano marka la soo gaabiyo AA
Waxaan soo soconaba waxaan soo gaarnay meeshii ugu horaysay Ciida America oo
nasiib ahaan noqotay Los Angeles

Waxaan galnay Saf dheer
waxaana nala ka qaday faro iyo sawiro dhal dhalaal kii America iyo waxii aan
CNN ka aan ka arki jirnay waa noo muuqdaan Indhahayaga waan ku aragnaa
laakiin wali noolasha ma Qiimaynkarno oo waa tan hadana qiima dhacday sida
aan qaybta Labaad aan ku sheegi doono
Lasoco Qaybta 2 Labaad

Markii aan kasoo dhoofayey Kenya
Ustaad Abdiwali Bashir Warsame MR Dalboon
cdalboon@hotmail.com |
abdiwali2006@myway.com
North America Minneapolis, Minnesota
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Sawirada: Google Images
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006
|