SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA
CIIDAHA
- Maraykanka "hal qof ayaa ku dhinta
shil baabuur 30-kii daqiiqaba"
Abdiweli A .Heibeh
Police Officer
San Diego Police Department
San Diego, CA. USA
e-mail:
Heibeh@cox.net
|
Waxaa hadda inagu soo fool leh xilligii
ciidaha (Holiday Season) ee dalalka Mareykanka, Canada iyo Waddamada Europe.
Waxaana lagama maarmaan ila noqatey ineynu is xusuusinno dhibaatooyinka
shilalka baabuurka ee xilligan dhaca inta ay la’eg yihiin iyo waxyaabaha
sababa shilalkaas. Inkastoo dalalkaas aan kor ku soo sheegay ay ka siman
yihiin dhibaatooyinkaas, waxaase ugu shil badan dalka Mareykanka.
Sannadkii aynu soo dhaafney, 2003, waxaa
xilligan ciidaha dalkan Mareykanka ka dhacay 42,643 shil oo keenay dhaawac
iyo dhimasho. Shilalkaasi waxay dhaceen intii u dhaxaysey wakhtiga November
27keeda iyo December 31keeda, 2003. Shilalkaas waxaa keena 41% dadka baabuur
wada iyaga oo uu maankoodu doorsoon yahay (khamri ama maandooriyayaal cabsan).
Sannadkii 2002 waxaa dalkan ku dhintey dad ay tiradoodu gaadheyso 17,419 qof
oo ay khamridu sababteeda lahayd. Taas macnaheedu waa inuu hal qof ku dhinto
shil baabuur 30 daqiiqaba. Dhimashada iyo dhaawacaas waxaa dheer, burburka
dhaqaale ama hanti ee ay shilalkaasi keenaan. Sannadkii 2000 shilalka dalka
Mareykanka ka dhacay waxay geysteen khasaaro hantiyeed oo lagu qiyaasey $103
billion. Haddaba haddii aynu ka fogaano waxyaabahaas maanka dooriya,
inkastoo oo fursadda aad shil ku gasho ay yaraaneyso, haddana, xusuusnow in
ay waddada kugula jiraan dad maankoodu doorsoon yahay.
Dhibaatooyinka shilalka ay keenaan khamriga
iyo maan-dooriyayaasha ay keenaan wakhtigan ciidaha ee innagu soo fool leh,
waxaa hadda ku soo biirey dad aan iyagu waxba cabbin laakiin maankoodu uu
doorsoon yahay. Waxaa laga yaabaa in ay Soomaalidu ku yar tahay dadka
khamriga ama maan-dooriyayaasha isticmaala. Hasa yeeshee waxaa aad mooddaa
inuu inagu badan yahay dadka ku sifoobey arrinta labaad. Waa dadka uu
maankoodu doorsoon yahay wakhtiga ay baabuurta wadaan. Dadkaasi waa kuwa ku
hadla taleefanada (Mobile) amaba Koorta aan cidna inagu khasbin ee aan
jeebka ku wadano. Imisa jeer ayaad aragtey adiga oo hor taagan meeshii aad
u socotey, laakiinse aanan xasuusan meel aad soo martey sababtoo ah waxaad
ku hadleysey taleefan ? Waxaan filayaa in aaney tan la yaab ahayn sababtoo
ah qalbigaagu ma uu qeybsamayo. Ma qofka aad la hadleyso ayaad ka fakari
wixii aad ku odhan lahayd, mise waddada hareerahaaga iyo hortaada waxa
maraya ayaad la socon. Waxaan kale oo aan arkey dad iyagu soo gashadey
sameecad ay ka maqlaan hadalka taleefanka. Waxaad mooddaa iney kuwaasi is
leeyihiin waxay kaa yareyneysaa fursadda aad shil ku geli karto maaddaama ay
labadii gacmood kuu bannaan yihiin. Haddaba ku bishaareyso inaad la mid
tahay kuwa gacanna baabuurka ku wada, tan kalena taleefan ku haysta.
Warbixin dhawaan laga soo saarey cilmi baadhis ay sameysay Jaamacada Harvard
ee dalka Maraykanka, waxaa lagu caddeeyey in sannad walba ay dalkan ku
dhintaan dad tiradoodu gaadheyso 2,600 qof ayna kuna dhaawacmaan dad lagu
qiyaasey 570,000 oo qof shilal ay sababtoodu ahayd dad taleefan ku hadlaya
xilliga ay baabuurta wadaan. Warbixintu waxay intaas ku dartey, in dadka
gacanta ku haysta taleefanka iyo kuwa sameecadda ku hadlaya ay shilalkaa
gelistoodu ka siman yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka sameecadda ku hadlaya
ay kaga roon yihiin kuwa taleefanka gacanta ku haysta marka uu shilku dhaco
ka dib sida ay hoggaanka baabuurka u hayaan maaddaama ay labadii gacmood
isticmaalayaan.
Shilalku waa qaddar Eebbe keeno, hasa
yeeshee waynu ka taxadari karnaa. Haddii aad adigu ka badbaado dhaawac ama
dhimasho, waxaa laga yaabaa inaad adigu u geysato dhaawac ama dhimasho dad
kale. Haddii aad caymis lahayd waxaa laga yaabaa, inuu lacagta hantida
burburtey bixiyo ama wixii dhaawac kharashkiisa bixiyo. Haddiise ay geeri
meesha soo gasho, oo aad adigu khaladkeeda leedahay, waxaa laga yaabaa in
lagugu soo oogo dambi ah dil uu keeney dayacaaga baabuur wadida (Vehicular
Manslaughter). Haddii dambigan lagugu xukumona waxaa laga yaabaa in uu
shilkaasi kuu keeno xadhig u dhexeeya 1-10 sano.
Haddaba Rabbi ha inaga badbaadiyee, sidee
baan uga taxadari karnaa waxyaabaha keena shilalkaas aan kor ku soo sheegney
? Marka hore, sida diinteenu ina fareyso safarkaa ku bilow ducada aynu
baabuurta sudhano oo odhanaysa sida hoos ku qoran:
Marka labaad, waxaan idinkula dardaarmayaa
inaad ka fogaataan waxyaabaha maandooriyayaasha ah wakhti walba khaasatan
wakhtiga aad baabuurta waddaan. Waa khamriga, daroogada, iyo taleefannada (Koorta).
Haddii taleefan muhiim ah kuu soo dhaco, si xushmad leh ugu sheeg qofka ku
soo wacaya inaad waddo ku jirto oo aad ku soo celin doonto marka aad waddada
ka baxdo haddii Eebbe yidhaahdo. Fadlan suunka (Caynka) xidha una
hoggaansama shuruucda waddooyinka. Rabbi ha inaga badbaadiyo dhibka
shilalkaas.
Abdiweli A .Heibeh
Police Officer
San Diego Police Department
San Diego, CA. USA
e-mail:
Heibeh@cox.net
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|