Doorka
Suxufiga Soomaaliyeed:
Saxufiyiinta Somaliland & Puntland:
Ma Xorbaa Mise Xabsi Bey Ku Jiraan?
Laga soo bilaabo 7dii
December sanadkii 2002-dii markii uu madaxweynaha maamulka Somaliland Daahir
Riyaale Kaahin booqashada ku tegay magaalada Laascaanood, waxaa jiray
colaado soo noqnoqday oo u dhaxeeyay ciidamada labada maamul. Bishii
Oktoobar ee sanadkan ayuuna dagaalkii ugu dambeeyay ciidamada labada maamul
ku dhex maray degaanka Adhi Cadeeye ee gobolka Sool.
Dagaaladan u dhaxeeyay labada
maamul ka sokow waxaa jiray dagaal af iyo qalin ku dirir ah oo u dhaxeeyay
Saxafiyiinta kasoo jeeda labada degaan, kuwaasoo la rumeysan yahay in ay
qeyb weyn ka qaateen hurinta iyo buun buuninta colaadii aloosneyd. Waxeyna
saxaafada labada degaan gaartay heer ay rag dagaalada ku dhintay iyo kuwo
maxaabiis loo qabtay sawiradooda wargeysyada kusoo bandhigaan. Hadaba waxaan
Barnaamijkeenan diirada ku saari doonaa Saxaafada Somaliland iyo Puntland,
iyo doorkii ay ka qaateen colaadii degaanka ka aloosneyd, iyo doorka maanta
kaga aadan dib u heshiisiinta.
Waxaa barnaamijkan ka qeyb qaadanaya laba Saxafi oo aqoon durugsan u leh
cilmiga Saxaafada, labadubana shahaadooyinka Bachelor iyo Masters Degree ku
qaatay culuumta Saxaafada, iyagoo labaduba ka qalin jebiyay Charles
University ee magaalada Prague ee caasimada Czech Republic.
Labadan Saxafi oo kala ah Maxamed Baashe Xaaji Xassan iyo Cabdi Faarax
Siciid (Juxa) ayuu Maxamed Baashe ku nool yahay magaalada London ee cariga
Britain, wuxuuna dhowaan soo saaray buug la magac baxay
HAL KA HALEEL oo uu kaga hadlayo taariikhda iyo suugaanta abwaanka
weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Cabdi (Juxa) wuxuu
isaguna ku nool yahay magaalada Columbus, Ohio, ee cariga Mareykanka,
wuxuuna halkaa kasoo saaraa idaacad laga dhageysto magaalada Columbus.
Barnaamijka oo aan soo koobnay ayaan qoraal ahaan idiinku soo gudinay,
waxaadse isagoo dhameystiran ka dhageysan kartaa halkan:
Halkan ka dhageyso barnaamijka oo Maqal ah
Su'aal:
Maxamed Baashe, waxaad Adiga, Xasan Macallin Maxamuud Cige iyo Cabdi Faarax
Siciid (Juxa) mudo bil iyo bar laga joogo soo saarteen Baaq, hadaba muxuu
baaqaasu ku saabsanaa?
M. Baashe:
Baaqaasi wuxuu ku saabsanaa colaada waayadan laga dhex hurinayo beelaha
walaalaha ah ee kunool Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan gobolka Sool.
Colaadaas ayaa na damaqday oo na taabatay, waxaana noo muuqatay in saxaafada
madaxa banaan ee gobolka ka jirta ay ku milantay sida colaada loo faafinayo.
Markaa waxey nala noqotay in aaney ka fursaneyn in dadka la tuso in
saxaafada colaad keliya aan loo adeegsane, dhinaca nabadana loo adeegsado.
Su'aal:
Juxa, waxaan ka warqabnaa in Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahano, iyo Waxgarad
kaleba ay soo saareen baaqyo ku aadanaa colaadii ka aloosneyd gobolka Sool,
hadaba muxuu baaqiinu kaga duwanaa kuwaas?
Juxa:
Walaal, waa runtaa dad badan ayaa
ka hadlay nabada iyo sidii colaada loo joojin lahaa, balse keenu wuxuu ahaa
mid ka yimid dad wadajira oo labadii gobol kasoo wada jeeda, isla markaana
saxaafadii ku jira. Marka muhiimadeenu waxey aheyd in la ogaado in ay jiraan
dad labada dhinac ka tirsan oo colaadan dhex dhexaad ka ah, si wada jir ahna
arinta meel dhexe uga istaagi kara.
Su'aal:
Maxamed Baashe, warbixin ay soo saartay hay'ada Reporters sans frontières (Saxafiyiinta
aan xuduuda laheyn) waxaa lagu sheegay in tacadiyada ugu badan ee loo geysto
Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay ka dhacaan degaanada Puntland iyo Somaliland,
hadaba maxaa arinkaa keenay baad is leedahay?
M. Baashe: Run
ahaantii labadaas degaan waxaa ka jira laba maamul oo leh hay'adihii
cabudhinta ee kala duwanaa, cid kasta oo ka hortimaada waxa uu maamulku
rabana u arka cadow. Markaa Saxafigii loo arko in uu ka hor imaanayo
rabitaanka maamulka dhibaatadan ayuu la kulmayaa.
Su'aal:
Juxa, sida uu Maxamed Baashe sheegay Somaliland iyo Puntland waxey Koofurta
kaga duwan yihiin maamulka meesha ka jira, maamulkaas ayaana saxaafada afka
haya, hadaba mala oran karaa maamulada degaanadan waxey weli hayaan
dariiqii ay jeexday dowladii Mileteriga aheyd ee Soomaaliya ka talin jirtay?
Juxa:
Run ahaantii dhibaatada saxaafada waa mid wadanka oo idil ka jirta, nin
kasta idaacad yar buu meel la fariistay, jariidad buu meel kasoo saaray, ama
website buu furtay oo meesha waxaa ka maqan miisaan badan, waana ku
raacsanahay dhaliisha uu Maxamed Baashe usoo jeediyay maamulada Puntland iyo
Somaliland, waxaana la oran karaa meesha keliya ee ay saxaafad xor ahi ka
jirto waa gobolka Banaadir ama magaalada Muqdisho, taasoo sabab looga dhigi
karo maamul la,aanta meesha ka jirta oo wax walba waa janta fagax. Maamulka
Puntland ayaan xusuustaa oo xiray idaacada SBC, weriyeyaal BBC-da u
shaqeynayey oo gobolka laga ceyriyay, sida Maxamed Baashe sheegayna
Tifaftirahii wargeyska Jamhuuriya ayaa dhowr goor xabsiga la digay. Sidaasoo
ay tahay maamulada keliya eeda looma saarin karo ee waxaa iyagana eeda qeyb
ku leh dadka shaabada saxaafada isku wada dhuftay ee sheeganaya in ay
saxaafada ku howlan yihiin, hadana wax badan isaga qasan yihiin.
Su'aal:
Maxamed Baashe, sida uu Juxa sheegay Saxafiyiinta laftooda cilad baa haysata,
waxaana la xusuustaa sida ay Saxaafada labada degaan u buun buuniyeen
colaadii ka aloosneyd degaanka Sool, iyadoo Saxaafadu hor boodeysay
siyaasiyiinta, siina hurineysay colaadaas. Hadaba makula tahay in Saxaafadu
khalad leedahay?
M. Baashe:
Run ahaantii marka aan isu eego colaadii socotay bishii Oktoobar ee sanadkan
iyo qaabkii ay saxaafadu u tebisay, waxaa iisoo baxaya in saxaafada labada
dhinac aaney waxba is dhaamin, iyadoo qolada Saxaafadu kaba dheereeyeen
siyaasiyiintii, iyagoo sii hurinayey colaada. Waxaa muuqanayey waxyaabo aan
sal iyo raad laheyn oo colaad abuur ah oo ay adeegsanayeen saxaafada labada
dhinac, waxeyna saxaafadu soo daabacday sawiro muujinaya meydka dad ku
dhintay dagaalada, ama maxaabiis dagaalka lagu qabtay, taasoo ay xataa
dadkii caadiga ahaa ka cadhoodeen oo ay khalad u arkeen. Anigu markaas iyada
ah waxaan joogay Burco iyo Hargeysa waana la socday qaabkii ay saxaafadu u
tebisay, waxbana isma aaney dhaamin labada dhinacba.
Su'aal:
Juxa Maxamed Baashe wuxuu noo sheegay in Saxafiyintu hor boodaan
siyaasiyiinta, horseedna ka noqdaan hurinta colaada. Hadaba maxaa arinkaa
ugu wacan baad is leedahay?
Juxa:
Waxaa arinkaa ugu wacan, qolyaha Saxaafada oo aan garaneyn mas'uuliyada
saaran, iyo iyagoo aan ka madax banaaneyn cudurka qabiilka ee ay labada
maamul adeegsanayaan ee ah kala qoqobka iyo iska horkeenka. Marka arimahaas
ayaa keenay in sawirada dad meyd ah war nalookaga dhigo, iyadoo la garab
marayo shuruucdii caalamka ee Saxaafada hagayey. Dadka saxaafada sheeganaya
ayaan aheyn dad bisil oo mas'uuliyadooda garanaya, taas ayaana u arkaa
dhibaatada saxaafada haysata.
Su'aal:
Maxamed Baashe, dagaalka af-ka-hadalka ah ee u dhaxeeya Saxafiyiinta labada
dhinac wuxuu gaaray in wargeysyada kasoo kala baxa labada degaan ay isugu
yeeraan Majeerteeniya iyo Isaaqiya, iyagoo iska xasdaya, isuna quuri la' in
ay isugu yeeraan Somaliland iyo Puntland, hadaba maadaama aad tahay Saxafi
aqoon durugsan u leh arrimahan mala xiirirtay, mase isku dayday in aad la
xiriirto oo aad talooyin siiso hay'adaha saxaafada ee khaladka ku jira?
M. Baashe:
Mushkilad baa jirta walaal, waayo ma jirto hay'ad ay isugu yimaadaan
Saxafiyiinta, iyo xeerar haga Saxaafada toona, marka cid walba si gooni ah
ayuu wargeys ama raadiye ama website isaga sameystay, qaab si mideysan
loogula xiriiri karana ma jirto, markaa run ahaantii iima aaney suurta gelin
in aan la xiiriro.
Su'aal:
Juxa, hadaan isla su'aashaas ku weydiiyo, maxaad ku jawaabeysaa?
Juxa:
Runtii Maxamed Baashe ayaa xaqiiqdii sheegay, waayo saxaafad mideysan ma
jirto, qof walba wuxuu is yiri afkaa yuusan ku ciilin, waxaana la galay
janta fagax, markaa ma jirin talo guud oo aan u dirnay Saxafiyiin aan meel
ku ognahay, waayo Saxafiyiin mideysanba ma aanan arag.
Su'aal:
Maxamed Baashe, makula tahay in talooyin iyo fikrado aad soo jeedisaan ay
wax ka tari karaan sare u qaadidada tayada Saxafiyiinta aan khibrada iyo
aqoonta toona u laheyn mihnada ay ku jiraan?
M. Baashe:
Run ahaantii walaal waxaan iminka ku jirnaa xili ciladeysan, meel kasta
xanuun iyo taah baa ka jira, markaa talo qura waxbey bedelysaa isma lihi,
waxaanse is leeyahay waxaa loo baahan yahay in la helo saxaafad aragti dheer
oo aan aheyn midan u rahman reeraha iyo qabiilka, isla markaana u howlgasha
in ay dadka, Wargeliso, Waxbarto, isla markaana Maaweeliso. Marka taasaa
korin laheyd oo tusaale u noqon laheyd suxufiyiinta kale, waxaase loo baahan
yahay helitaanka meel ay Saxafiyiintu isku urursadaan oo wixii talooyin ah
kusoo bandhigaan.
Su'aal:
Juxa, makula tahay in la heli karo saxaafada aragtida dheer ee uu Maxamed
Baashe sheegay in loo baahan yahay?
Juxa:
Waxaan aaminsanahay in dhibaatada ugu badan ee haysata Saxaafada Soomaalida
ay tahay aqoon la'aan, waxaana tusaale usoo qaadan karnaa idaacada BBC, oo
waagii hore aheyd hay'ad sumcad weyn leh, balse ay haatan ka tayo wanaagsan
yihiin idaacadaha Hargeysa iyo Muqdisho ka jira, iyadoo aad xataa arkeyso
weriyeyaasha BBC-da oo uu afSoomaaligu ku adag yahay. Waagii hore rag tayo
leh oo idaacadaha Soomaaliya laga soo xulay ayaa la keeni jiray, balse
haatan sidaa ma jirto. Marka waxaan qabaa in waqtiga fog wax laga qaban karo
dhibaatooyinka jira.
Su'aal:
Maxamed Baashe, waxaad dhaliil usoo jeediseen Saxaafada labada degaan,
hadaba hadii aan Somaliland u jaleecno, waxaan aragnaa tifaftirayaasha
Wargeysyada kasoo baxa Hargeysa oo xabsiga loo taxaabo, anagoo ka warqabna
in ay isku dayaan in ay afka dowlada ku hadlaan. Hadaba hadii ay af
dhexdhexaad ah ku hadlaan sow khatar badan kagama imaneyso maamulka
Somaliland?
M. Baashe:
Walaal wargeysyada Tifaftirayaashooda la xidhxidho waa kuwa Madaxa Banaan ee
kuwa afka dowlada ku hadla maahan, tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya oo ah
wargeyska ugu afka dheer Somaliland ayaa had iyo goor la xiraa, markaa waxa
lagu xirayo waa war ay daabaceen oo ay dowlada ka qoreen. Balse meelaha ay
Saxaafadu ka durmeysaa waa qaabka warka loo gudbinayo, wixii war ah waa in
war ahaan loo sheego, tusaale ahaan marka aan Boosaaso ka hadlayo ma ahan in
aan iraahdo wararka ka imaanaya Majeerteeniya, mana garanayo sababta qabiil
igu xambaareysa anigoo awooda in aan iraahdo wararka ka imaanaya Boosaaso,
Garoowe, ama Puntland.
Su'aal:
Juxa, dhaliilaha aan Saxaafada usoo jeedinay ka sokow, makula tahay in
Saxaafada Somaliland lagu amaani karo qaabkii ay u tebiyeen gabadha
dacwadeedu buuqa badan dhalisay ee dhowaanahan ku xirneyd Hargeysa laguna
magacaabo Samsam Axmed Ducaale?
Juxa:
Runtii su'aashu waxaa weeye sidee saxaafadu uga hadashay? Saxaafada Puntland
iyo mida Koofurta waxey uga hadleen arinkaas ku ceebeyn Somaliland, waayo
wey kala duwan tahay in aad xaqiiqada ka waranto iyo in aad durbaanka
garaacdid oo aan wixii xunba xaawaa leh lasoo istaagto. Inkastoo aan
dhageysanay warar iyo faalooyin badan oo laga qoray arinkan, hadana ma hayno
xaqiiqada dhabta ah ee jirta.
Su'aal:
Maxamed Baashe, waxaan aqriyay warar iyo faalooyin ay wargeyska Jamhuuriya
iyo shabakada Somaliland.org ka qoreen arinka gabadha yar, waxey isku dayeen
in ay la xiriiraan wasiirka cadaalada, iyo madaxweyne ku xigeenka si ay
xaqiiqda uga sal gaaraan, taasoo laga yaabo in ay amaanka Saxafiyiinta
dhibaato u keento, hadaba arinkaa amaan maku mudan yihiin Saxaafada aan
magacownay?
M. Baashe:
Horta run ahaantii arinta inanta ismaan-dhaaf badan ayey gobolka ka abuurtay,
waxaana anigu qabaa in wax badan la buun buuniyay, taasoo adkeysay in xogtii
dhabta aheyd la helo. Sida aad sheegtayna Jamhuuriya, iyo Somaliland.org
warar dhexdhexaad ah oo xaqiiqada ka hadlaya ayey raadiyeen oo ka duwan
kuwii ay qorayeen wargeysyada kale ee Somaliland. Waxaadse moodaa in arinta
inanta siyaasad loo adeegsaday, xaqiiqada wixii dhacayna aan weli la hayn.
Su'aal:
Juxa, saxaafada ka jirta degaanada maamulada leh sida Somaliland iyo
Puntland iyo saxaafada koofurta ee aad Janta-Fagax ku magacowday, hadii ay
isu kaa qabtaan teebaad door bidi laheyd?
Juxa:
Walaahi, mida Janta Fagax ayaan door bidi lahaa, waayo midna waa laga
hortaagan yahay in ay tijaabadii xornimada gasho, midna wey heshay
xornimadii balse aqoon la'aan ayaa jirta, taasoo laga bixi karo. Marka mida
xorta ah ayaan door bidi lahaa.
Su'aal:
Maxamed Baashe saxaafada maanta jirta waxey noo suurta gelisay in
dhacdooyinka saacad kahor ka dhaca Hargeysa, Garoowe, ama Muqdisho ay
guryaheena nagu soo gaaraan (qalabka internetka) sidii la doono haloo buun
buuniyo ama wax haloogu soo daree, marka wax amaan ah ma mudan tahay
saxaafadaas?
M. Baashe:
Dabcan HAA, si fudud baan HAA u oran karaa, horumar weyn ayey sameysay
saxaafada Soomaalidu tobankii sano ee u dambeeyay, waxey la socotaa
teknoolojiyada caalamiga ah ee fududeysay in wixii saacad horteed ka dhaca
dhulalka ay Soomaalidu degto, isla saacadaas gudaheed lagu heli karo.
Inkastoo Soomaaliya ay burburtay, hadana burburkaas saxaafada wuxuu siiyay
xoriyad taam ah, waxeyse u baahan tahay in anshaxii iyo asluubtii saxaafada
lasoo celiyo.
Su'aal:
Juxa, maxey tahay doorka Saxafiyiinta Somaliland iyo Puntland uga aadan dib
u heshiisiinta shacabka walaalaha ah ee labada degaan?.
Juxa:
Runtii door weyn ayaa baa uga banaan, kaasoo ay gabeen. Waa in ay isku
ujeedo noqdaan, sacabkana u adeegaan, kana madax banaanaadaan caadifada
qabiil ee meesha ka jirta. Waa in ay ururadooda saxaafada isku xirtaan, wada
shaqeyn xirfadeed yeeshaan, dib u heshiisiintana ka shaqeeyaan. Waana in ay
ogaadaan in xirfadoodu ka duwan tahay mida qabiilka iyo mida siyaasada.
Su'aal:
Maxamed Baashe, sida Juxa sheegay saxaafada labada gobol ee aan maanta
diirada saarnay iyo mida guud ee Soomaaliya cilado badan ayaa ka jira,
hadaba maadaama aad labadiinu aqoon badan u leedihiin cilmiga saxaafada, ma
leydin oran karaa idinka laftiina ayaa gabay doorkii aad ku laheydeen
horumarinta saxaafada?
M. Baashe:
Leyskuma hayo taasu, jawaabtuna HAA weeye, duruufaha jira iyo waayaha jira
ayaana gabitaankaas sababay, shey meeshuu ku haboonaa joogaa maanta majiro,
waxa weeye qax baa dhacay, kala lun baa dhacay. Dadku waxey noqdeen kubad
gidaar ku dhacday oo kasoo boodoo dhulka taala. Anagu dadka dalkii ma maqan
ee debeda jooga ayaan nahay, dibadana iskama joogno ee duruufo ayaa nagu
haya. Marka dabcan dhaliilaha waxbaan ku leenahay.
Su'aal:
Juxa ma jiraan wax talooyin ah oo aad usoo jeedin laheyd Saxafiyiinta labada
degaan ee Somaliland iyo Puntland, iyo guud ahaanba Saxafiyiinta
Soomaaliyeed?
Juxa:
Walaahi talada waxaa ugu xun baa la yiri ninka talada bixiya isagoo aan la
weydiisan, markaa, keliya waxaan jeclaan lahaa cidii rabta in ay magaca
saxaafada adeegsato oo wargeys, idaacad iwm loo saarto in ay isu arkaan dad
xirfadley ah, xilna ka saaran yahay u adeega mujtamaca ay warka u tebinayaan,
xilna ka saaran yahay erey kasta oo ay qorayaan. Waana in ay saxaafada u
adeegsadaan dhinaca wanaagsan ee aaney xirfadooda ku saleyn doorashada
cinwaanba cinwaanka uu ka kulul yahay ee kicinaya dhiiga shacabka.
Su'aal:
Maxamed Baashe, maxaad ku dareysaa nooguna gaba gabeyneysaa barnaamijkeena
maanta?
M. Baashe:
Walaal waxan oran lahaa raga iyo dumarka aan walaalaha nahay ee ay xirfadu
na walaaleysay in ay kala saaraan wixii war ah iyo wixii ay iyagu qabaan ee
fikrad ah, joojiyaana gudbinta caadifada iyo wararka qabiilku ka guuxayo.
Waa in ay samaha ka taliyaan, waayo waxaa loo baahan yahay in saxaafada iyo
qalinkuba maantaba noqdaan kuwo ka shaqeeya walaaleynta, isu soo dhoweynta,
isfahamsiinta, dib u heshiisiinta, iyo dib u dhiska dalka, waxaana saaran
mas'uuliyad ka weyn mida saaran siyaasiyiinta iyo xirfadleyda kale. Waa in
ay xoog saaraan sidii ay qalinkooda ugu ugu hiilin lahaayeen danta ma
dhaafaanka ah ee dadkooda, ee ah isu soo dhoweynta. Waana in aaney marna ka
qeyb qaadan kala fogaanshahan durkay ee gaaray in intii magaalo joogtay ay
kala durkaan oo xuduudyo qabaa'il ku kala fogaadaan.
Dhamaad.
Halkan
ka dhageyso barnaamijka oo Maqal ah
Waxaa Barnaamikan Soo Saaray
Mohamud Yusuf Garre
editor@burtinle.com
Hadii aad u baahato waxaad labada Saxafi kala xiriiri kartaa E-mailkooda:
Maxamed Baashe X. Xassan:
mohamedbashe@hotmail.com
Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
radiosomalivoice@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|