SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXAAFADDA

 


MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKHDA SAXAAFADDA IYO FAHANKA SOOMAALIDA: CASHARO TOOS AH

WAA TUSMOOYIN IYO CASHARO TALLAN TAALI AH OO KU SOO BIXI DOONA SAXAAFADDA SOOMAALIDA.

waxaa soo diyaariyey Mohamed abdi Hassan (diridhaba)

karachi, Pakistan 

Qarnigan aynu ku jiro ee 21-aad iyo Soomaalida ayaa waxa isku waabariistay isku dhac farabadan oo la soo darsay macnaha iyo xeeladaha murtiyaysan ee ku hoos xardhan qawaacidda  saxaafadda iyo halkarnimada ka danbaysa.

Akhristaha qiimaha mudanlow in badan ayey dhegtaydu maqashay ama indhahagu akhriyeen warbixino farabadan oo lagu xardhay warbaahino badan oo Soomaaliyeed iyada oo lagu yaboohayo deeqo waxbarasho oo gunta ku haya xeerarka Saxaafadda iyo milgaheedaba kuwaasi oo badanna la sheego in idaacadda/Haayadda warbaahineed ee dalka ingiiriska (B.B.C) ay deeqdaasi gadh-hayeen u tahay, waa run, waa xaqiiq in Soomaalida badankood inta saxaafadda lugta ku haysa ay ka indho xidhanyahiin macnaha aadka u dheer ee ku hoos xardhan milgaha qayaxan ee saxaafadda caalamiga ah (international Media), waana hubaal in qaar badan oo Soomaali ah ay ka faham dareeyeen ama aan idhaahde si khaldan u fahmeen macnaha saxaafadda iyo dhaqanka bulshada (cross cultural system and global media), taa waxaan uga wada waxaad arkaysa Soomaali farabadan oo qurbaha usoo haajiray 20-kii sannadood ee ugu danbeeyey dabadeedna faraha la gallay xeeladani saxaafadda oo aan dhamaad lahayn dabadeedna damcay inay ku dabaqaan xeeladahaasi galbeedaysan dhulkii ay ka yimaadeen oo aan ab iyo isir u lahayn ama ay adagtahayba in laga soo dhaweeyo dhulka soomaalida.

Soomalida galbeedka gallay 20kii sannadood ee ugu danbeeyey qaar ayaa sida mawjadaha u dhax dabaashay culuumta kala duwan ee lagu barto dalalka ay galeen iyaga oo aan xeerin hab maamuuska iyo dhaqanka dhulkii ay ka yimaadeen (not consider the protocolic  bevavioural which they originally from).

Waxaan xasuusta sheekaba ileen sheeko ayey kuu dhiibtaaye gabadh professor-ad ah oo ii dhigi jirtay Jaamacad aan ka dhigan jiray waddanka pakistan cilmiga saykoolajiga (physycology) ayaa waxay maalin maalmaha ka mid ah damacday inay sharaxaad ka bixiso laba qaybood oo waaweyn oo cilmiga saykoolajigu u qaybsamo (divisions of physycology) aniga cilmiga aan bartay ma ahayn physycology balse minor ayuu jaamacadda iigu ahaa, labadaasi qaybood oo kala ahaa kollay soomaalida cidda baratay ayaa si fiican u garan karta eh "normative physycology iyo descriptive physycology) markaa qaybta Descriptive-ka ayaa waxay ka hadasha diimaha, gabadhan wax i baraysayna waxay ahayd gabadh aaminsan mad-habta Shiicada ee diinta Islaamka qayb ka sii hoosaysa oo la yidhaahdo Ismaaciiliya, waxaan filaya inaanay soomaalidu lahaynba wax shiica ahe, Marka siday wax u sharaxaysay ayaa intay ku soo jeedsatay intayadii ajanabiga ahayd ee qudbadeeda dhegaysanaysay ayey tidhi "horta maxaad sallaada kolba saacad ugu kacdaan!!" iyada oo ka wadday marka Salaadda duhur la eedamo waxaanu ka bixi jiray Class-ka waananu soo tukan jiray marka casar la eedaamo haddii ay xiisad ay leedahay ku soo hagaagto waanu ka bixi jiray oo salaadda ayaanu soo tukan jiray, marka way na qaniintay, iyadu marka isma laha raggani cibaado ayey fulinayaane waxay isleedahay sharaxaadada ayey saluugsanyahiin iyo qawaaniintan diimaha ee aad gashay ayaanay jeclaysanayn, Mad-habiyanna shaw shiicadu mar ayey salaadda israacisa qaybta weliba iyadu aaminsanayd ee Ismaciiliya, Muddo ayaanu gabadhii isla kadeednayn, maalintii danbe ayey markaa gabadhii noo yeedhay waxay naga codsatay in aanu aqbalo raali gelin ay noo soo jeedisay, markaanu aqbalay ayey gabadhii bilawday markaa inay nooga sheekayso siyaabaha ay wax nooga aaminsanayd, waxay tidhi waxaan moodaayey inaad i saluugsantahiin oo aad diidantahiin diimahan aan gallay, balse baadhitaan aan sameeyey ayaan ogaaday ayey tidhi in Sunni-gu ay salaadaha wakhtigeeda tukadaan!!!.

Waxaan taa uga gol leeyahay oo aan uga jeeda qofku markuu doonaayo inuu wax ku dhaqaaqo waa inuu daraasadeeya intaanu faraha la gellin ama ku dhaqaaqin, dadkeena Soomaaliduna waa qaar u badan sidaasi, inta aqoontay ah wallow aanan ahayn anigu suxufi sheeganna karin, Soomaalidu waxay wada noqdeen Suxufiyiin (journalists), haddii aad weydiiso maxaad saxaafadda ka taqaanna wuxuu kuugu jawaabaya ama kuugu jawaabaysa waxa la yidhaahdo ama meel ka dhaca  ayuunban soo wariya, waxay wada noqdeen tafatirayaal (editors) , haddii aad waydiiso sideed wax tafatirta wuxuu kuugu jawaabaya ama kuugu jawaabaysa ma cidba afka soomaliga iga taqaanna!!!  waxay wada noqdeen wariyayaal (reporters, corrospondents, anchors, columinists e.t.c) , waxay wada noqdeen jilayal, waxay wada noqdeen qaar turjumaad ka bixiya sheekooyinna fasilan (documentary film makers), markaa miyaanay ayaan darro ahayn in aynu sheegano waxaynaan daraasadaynin.

Akhristaha Soomaaliga ahow fursaddani qaaliga ah ayaan jecelahay inaan kaga faa'iidaysto sharaxaado iyo casharo aan jecelahay inaan ku bildhaamiyo macnaha baaxadaleh ee ka danbeeya Saxaafadda caalamiga ah iyo sida Suxufi loo noqon karo, aniga oo todobaad kasta bixin doona sharaxaado kala gedisan oo ifafalaynaya mareegta qayaxan ee Saxaafadda, ma lihi ama uma jeedo inaan bildhaaminayo aqoon aan dheerahay Soomaalida inteeda kale, balse waxaan yaboohaya inta karaankay ah ee aan isleeyahay walaalaha Soomaaliyeed wax ku tar.

Todobaadkani ayaan jecelahay inaan diiradda dul Saaro sharaxaado kooban oo ka hadlaya macnaha iyo Murtida taariikheed ee Saxaafadda Hanaankii ay soo martay iyo wakhtiyadii kala duwana, dabadeed todobaad kasta waxaynu ka hadli doona anshaxa Saxaafadda iyo milgaha ku xayndaaban ee haykalkeeda loo maro

WAA MAXAY SAXAAFADDU, (MASS MEDIA)

Saxaafaddu waa halbawle kulmiya isgaadhsiin loo adeegsado siyaabo kala duwan laguna tabiyo walxo kala gedisan, sida tusaale ahaan Idaacadaha, Televisions-ka, Jariiradaha (newspapers), Magasiinada (magazines), sawirada ficliga ah  (animated pictures) , Aflaamta (movies), iyo mareegayaasha (websiteska).

WAA MAXAY QAYBAHA SAXAAFADDU

Saxaafadda waxaa loo kala qaybin kara afar waaxood oo waaweyn oo kala ah

  • Saxaafad la daabaco (printed media) sida Jariiradaha, Magaasinada (magazines) Sawirada sida models-ka (modeling photographics)  ama kuwa dhaqaaqa (cartoon and animated pictures).

qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan saxaafadda waxaana lagu qeexi kara halbawlaha saxaafadda si kasta oo loo adeegsado, waana qaybta ugu fudud ee loo heli karo adeegyadeeda hadday noqoto dhinacyada kharashaadka iyo weliba soo jiidashada dadweynaha, qarnigani aynu ku jiro ee 21-aad waxaa saxaafadda la daabaco (the printed media) kaga jirta meel aad u weyn waxaana maalin kasta lagu soo bandhiga war sideenada waaweyn ee ka soo baxa caasimadaha dunida dhacdooyinkii ugu waaweyna kuwaasi oo loogu tallo gallay in lagu quraacsiiyo bulshada wax akhrista (readers). sidoo kale kama madhna xayaysiinta ganacsiga iyo bulshada ee lagu soo bandhigo taasi oo qayb lixaadleh kaga jirta hawl maalmeedka iyo socodka casriyaysan ee ganacsiga dunida (information technology and business technology)

 

  • Saxaafadda la dhegaysto (the Audio Media) sida idaacadaha laga dhagaysto mawjadaha kala gedisan hirarka dhaadheer, gaagaban iyo mawjadaha hoose (ULTRA HIGH FREQUANCY "UHF") (VERY HIGH FREQUENCY "VHF") IYO FM-ta oo ah mawjado loo samaysto badana heshiisyo sharciyeed (licenced agreements) iyo qaar aan loo samaysaninba "GNU" oo ah heshiisyo aan wax lacag ah lahayn balse shuruudo leh. iyo weliba kuwa la duubo ee lagu soo bandhigo bogaga internetka oo loo yaqaano (Media Players), kuwaasi oo codkoda laga dhigo toos , ama tu hore loo duubo (recorded broadcasting voice)  oo la soo bandhigo sida idaacadaha interternetka oo kale.

 

  • Saxaafadda la Iska arko (the Video Media): oo ah qaybta ugu casrisan qarnigan 21-aad ee aynu ku jiro ahna Saxaafadda ugu tirada yar marka loo eego bulshada Soomaalida dhexdeeda inta ku lug leh sababo waaqaci ah o jira awgood, Saxaafadda la iska arko (the video Media) waxaa ka mid ah Televisionada (televised media) sida kuwa  wararka, filimada, heesaha, dhaqanka, diimaha, iyo kuwa dawliga ah baahiyaha, iyo weliba aflaamta la daawado sida kuwa ay duubaan shariikadaha caalamiga ah tusaale ahaan kuwa (hollywood movies, bollywood movies) oo badanna ka turjuma waaqici dhab ah ama wax dhici doona ama waxyaabo dhaqan ahaan u jira, waxaa kale oo ka mid ah qisooyinka la duubo oo dhawaan ka madax banaanaday aflaamta kuwaasi oo loo yaqaano qasooyinka turjuman (the documentary movies) kuwaasi oo badanka salka ku haya qiso dhab ah oo laga warbixinayo, tusaale ahaan gabadha Shugri la yidhaahdo ee dalka Finland degen ee Soomaaliyada ah kuwa ay ka soo dayso warbaahinta dalka Finland oo kale.

 

  • Saxaafadda Internetka: (the internet Media) oo ah mid aan soomaalida loo sheegaynin akhrisan doonta qoraalkani ama cashadaradani ahna Saxaafad casriyaysan oo soo shaac baxday 15 sannadood ee ugu danbaysay ama aan idhaahdo eh 20-kii sannadood ee ugu danbaysay, badanka waa mid aan laga maarmi karin waana saxaafadda loogu akhris badanyahay, ahna saxaafadda aan maanguurin, saxaafadaha aan kor ku sheegay ha ahaato Saxaafadda daabacan (printed Media), saxaafadda la dhegaysto (the audio media) iyo weliba saxaafadda la iska arko (the video media including televised media) mid kasta waxay leedahay ama samaysata Internet media ay ku soo bandhigto macluumaadkeeda, sababta oo ah Saxaafadda Internetku waa mid ka casriyaysan kana horumarsan seddexda aynu kor ku soo sheegnay, waxaana la odhan kara saxaafadda internetku waxay kulmin karta dhammaan seddexda kor ku xusan, saxaafadda daabacan qoraal ahaan ayey ku soo bandhigan karta iyaga oo isticmaalaya saxaafadda internetka, saxaafadda la dhegaysto sidoo kale waxay soo gelin karaan codkooda iyaga oo si toos ah looga dhegaysan karo isticmaalaysana barniijyo u khaas ah (special programming softwares sida windows media oo kale) sidoo kale televised media wuxuu isticmaali kara internet media isaga oo ku gudbinaya barnaamijyo muuqaal ah internetka gudahiisa, tusaale ahaan idaacadaha la iska arko ee  wararka sida  CNN, BBC, iyo CBS, ama aflaamta sida toos ka ah looga soo maanguuristo adeegayaasha (online movies downloading from internet servers).

 

Akhristayaasha Soomaaliyeedow maanta casharadani halkaas ayeynu ku joojin doona todobaadka soo socda waxaan guda geli doonta sida loo sameeyo wararka, barnaamijyada, sida loo sameeyo waraysiyada, sida loo diyaarsado su'aalaha, sida ictiraaqo su'aalaha, qaybaha wararku qaybsamaan (types of news coverage), sida qofka doonaaya inuu suxufi noqdo ugu iskugu kalsoonaan karo.

FIIRO GAAR AH: Fadlan haddii aad wax tallo iyo tusaale ah igu soo kordhinayso iigu soo dir farriimahaaga ciwaankani

diridhaba2001@hotmail.com

P.O.Box: 8432, University Of Karachi,

Karachi, Pakistan.

Mobile: 00-92-300-2600907

LA SOCO INSHA ALLAH.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD