SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CALI MAGAN

 


TAARIIKH NOLOLEEDKA CALI MAGAN NUUR

Waxa uu weli ka shaqeeyaa Shaqadii uu bilaabay 1948

Faafin: December 19, 2004

Waxaa dhowaan magaalada Garoowe booqasho ku tegey Aadan Cabdulle Axmednuur oo ku magac dher Gaalkacyo, waxana uu halkaas kula kulmay mid kamid ah ragga ugu da'da weyn magaaladaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Magan Nuur.

Cali Magan waxa uu weli ka shaqeeyaa shaqdii uu bilaabay sannadkii 1948dii.

Hadaba waakan Cali Magan oo waramaya:

Waxaan ku dhashay Miyiga Wardheer taariikhdu markay ahayd 1914 xiligii daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Waqtigaas ma asan jirin taariikh la qoro ee sugan dalka Soomaaliya laakiin waxaa jiray dhacdooyin la tilmaansado oo taariikhdeeda laga qiyaas qaato, sida abaaraha, barwaqada, dagaalada, iwm. Waxaana ka mid ahaa magacyada loo aqoon jiray watiyadaas Abartii Xaaraame Cune, Barwaaqadii Gobeysane, dagaalkii daraawiishta sida Beerdhiga, ina Af Madoobe, Jidbaale, iyo Jilib Xire. Sid aan soo xusnay ayaa lagu qiyaasi jirey xilliga iyo qofka dhalashadiisaba, waana tan cadaynaysa dhalashadayda waqtiga ku beegnay 1914 xilligii daraawiishta  lagana joogo hadda 90 sano.

Waqtiga aan magaalo soo galay waxay ahayd 1935 ilaa 1936, waxaan shaqo bilaabay sannadkii 1939. Shaqada qodista Ceelasha (Well-Drilling) waxaan bilaabay April 14, 1948. Shaqadaas oo aan weli wado aniga oo sifiican u gudanayay waajibkayga shaqo, jecelna fulinteeda.

TALO AHAAN:

Waxaan soo jeedin lahaa in qofkii doonaya in uu xooggu ku raago uu shaqo adag qabto, cunto wacanna helo, iskana ilaaliyo balwada oo idil sida Khamrada, Jaadka, sigaarka, Hurdada badan, fadhiga badan iyo farda fuulka badan.

Aadan Cabdulle "Galkacyo' oo ah qoraaga waxa uu hadda kusoo laabtay magaalda Minneapolis ee Gobolka Minnesota, USA.

Faafin: SomaliTalk.com | December 19, 2004



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD