SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO

 


Kaluumaysada reer Kismaayo oo ka Cabanaya Maraakiibta Shisheeye ee ka Jilaabta Badweyenta Soomaaliya

faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com

Waxaa qaylo dhaan xoog leh kasoo yeeraysaa kaluumaysatada reer kismaayo oo ka cabanaya maraakiibta shisheeye oo ka jilaabta bad weynta soomaaliya gaar ahaan xeebaha ku teedsan kismaayo iyo nawaaxigeeda oo ay sheegeen in ay ku sooo badanayaan maraakiibta iyo doonyaha ajanabi ee jalaabashada xoogaleh ka wada,

Kaluumaysada reer kismaayo ee ka cabanaya maraakiibta ajanabi ee kaluumaysiga ka wada xeebaha soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah cabdulaahi indho buur oo sheegay in maraakiib iyo doonyo hubaysan oo ajanabi ah ay xaalufin ba'an ka wadaan badweynta soomaliya islamarkaana ay dhib faro ba'an ku hayaan doonyaha yar yar ee ay ayagu kaga jilaabtaan gudaha badwenta.

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Guji..

Hadaba dhibaatooyinka uu sheegay indho buur in ay maraakiibta shisheeye ay ku hayaan kaluumaysatada soomaaliyeed ayaa waxa uu ku sheegay in ay kamidtahay in ay si sharci la aan ah ay isaga qaataan shabakadaha ay kaga jilaabtaan badaha iyo in ay waxyeelo u geyestaan hadii ay markab ajanabi ah ay kulmaan doon ay wataan dadka ka jilaabta badaha ee soomaaaliyeed tasoo ay ku macneeyeen arin ku tala gal ah isagoo ku tilmaamay arintaas in ay tahay cabsi xoogan ay ka qabaan xeebaha soomaaliya ayna ogyahiin in samayenayaan fal sharciga ka baxsan oo hadii ay falkan oo kale ku sameyen lahayeen wadan dowladi ka jirto ay mudan lahaayeen xabsi daa'in iyo waliba dil.

Sidoo kale waxa u sheegay indho buur in maraakiinta shisheeye ay qashin iyo waxyaabo sun ah ay ku soo daadiyaan xeebaha soomaaliya gaar ahaan xeebaha ku teedsan gobolkan j/hoose ayadoo uu sheegay in bartamahii sanadkan lagu dhex arkay jasiirad kamid ah jasiiradaha ku dhodhow magaalada kismaayo oo lagu magacaabo kooyaamo oo todobaatan kilo km u jirta kismaayo lagu arkay haan weyn oo daboolan oo aan lagaraneyn waxa ku jira islamarkaan ceegaagaysa goob dhowr iyo toban km u jirta xeebta kooyaamo, sidoo kale waxaa jira in la arko mararka qaar kaluunka iyo naflayda yaryar ee bada ku jirta oo ayagoo mayd ah soo caariya soona dhoobma afka hore ee xeebaha taasina ay keento sunta ay maraakiibtan shisheeye ku shubaan xeebaha soomaaliya islamarkaana aysan jirin cid ilaalisa oo u xilsaaran ilaalinta bada iyo khayraadka dabiiciga ah ee bada ku jira taasina ay ka midtahay dhibaatooyinka laga dhaxlay dowlad la aanta 14 ka sano ka jirta dalkan burburay ee soomaaliya  

Faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2004



Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Dhacay
| Warbixin



Samsam Axmed Ducaale

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD