WARGELIN – BUUG CUSUB

FRONT side of the Book |

Back Side of the Book |
Taariikhdu Waa Ma Guuraan
Taariikhdu waa tusmaha nolosha aadanaha
waxaana lagu qeexi karaa cilmiga laga dhaxlay ummadihii hore. Ma jirto
adduunka meel la deggan yahay ama lagu noolaan jirey oo aan taariikh
lahayn.
Buuggan Taariikhdu Waa Ma Guuraan,
oo ku qoran afkii hooyo ee Soomaaliya, waxaa loogu tala galay ardayda
dugsiyada iyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel in ay wax ka
ogaadaan taariikhda Geeska Afrika iyo guud ahaan tariikhda Soomaaliya.
Buuggan wuxuu wax weyn ku kordhin doonaa garaadka dadweynaha Soomaaliyeed
iyo dhallinyarada dibadyaalka ah ee ku barbaaray qurbaha, kuwaas oo aan u
helin fursad ay ku bartaan taariikhdooda iyo dhaqankood soo jireenka ah.
Buuggani wuxuu xambaarsan yahay dhacdooyin
aad u fara badan oo ku saabsan xadaaradihii kala duwanaa ee adduunka soo
maray iyo doorkii ay ku lahayd Qaaradda Afrika. Dad badan ayaa aaminsan in
aysan Afrika lahayn taariikh la mid ah qaaradaha kale ee adduunkan, taas oo
looga gol leeyahay in laga marin habaabiyo taariikhdooda, dhaqankooda iyo
xadaaradihii soo jireenka ahaa ee awooweyaashooda laga soo minguuriyay.
Buuggani wuxuu akhristayaasha Soomaaliyeed
si wacan u dareensiinayaa, una iftiiminayaa in ay leeyihiin taariikh ka fac
weyn waddamada kale ee adduunka.
Haddaba, qofkii doonaya in uu
akhristo buuggan, wuxuu kala xiriiri karaa qoraaga buugga: Axmed Sabriye
Gaabow. E-mail:
agaabow58@hotmail.com
Qiimaha Buuggu waa $25.00 (oo aanay
boostadu ku jirin).
C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
IIDHEH: Daabacaad SomaliTalk.com | March 1, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|