SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  SWEDEN

Ardayda Soomaaliyeed ee Sweden

Qalinjabin iyo xafladayn

Qalinkii Maxamed Xirsi (Abdibashi)
abdibashir@hotmail.com


Dhalinyaradii ka soo qeeyb gashay xaflada


Qaar ka mid ah dhalinyaradi ka soo qeeyb gashay xaflada ardeyda dhameeysay dugsiyada sare.

Qaar ka mid ah, gabdhihii dhameeyey dugsiyada sare.

Wiilashii ka soo qeeyb galeen xaflada.


Dhalinyaradii oo soo bandhigaayan ruwaayada.

Sh. Bashiir iyo dhalinyarada oo daawanaayan barnaamishka socdo.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii oo isku dhibaayan calankii soomaaliya.

Sh. Bashir oo hadalka u qeeybinaayo dhalinyarada.

Dhalinyaradii ka baxday dugsiyada sare wadankan Sweden.

Sacdiya Hirsi, Sagal Cumar iyo Ahmed Shukri oo ka mid ah dhalinyarada diiwan gelineyso ka soo qeeyb galayaasha.

Sh. Bashir oo u hambalyeeynaayo dhalinyaradii ka baxday dugsiyada sare sanadka 2005

Xaflad loogu hambalyeynayey ardayda Soomaaliyeed ee ka qalinjabisay dugsiyada sare ayaa lagu dhigay magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden. Xafladdaas oo dhacday 10 juun 2005 waxaa soo qabanqaabiyey ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu magacaabo ”shabakadda mustaqbalka dhalinyarada”. Magacooda oo af Iswiidhisha ah marka la soo gaabiyana waxaa lagu naanaysaa ”NUF”.


Cabdicasiiis Cilmi oo ka hadlay wax qabadka ururka NUF

Sh. Bashir Aman oo gubaabinaayo ka soo qeeyb galayaasha xaflada.

Cabdibashir oo jeedinaayo su’aalo kedis ah.

NUF waa urur dhalinyaro oo ay xubnihiisu kor u dhaafayaan 300 xubnood, kana dhisan magaalada Stockholm ee caasimadda ah. Waxaa hogaamiya dhalinyaro ku kacaantay dalka Sweden oo ka qaatay dhaqanka reer Iswiidhan intii ugu fiicnayd. Waxaan ula jeedaa dhaqanka intiisa ugu fiican; dhinaca tacliinta iyo dhinaca maamulka ama maaraynta ururada. Waa arday kuwooda ugu waaweyni ay hadda uun ka qalin jabiyeen jaamacadaha dalkan, intooda badanina ay ku dhexjiraan iskuullada hoose, dhexe iyo sare. Waxay isku guubaabiyaan waxbarashada, waxaanay leeyihiin maalmo layska caawiyo tacliinta iskuulada. Dhinaca maaraynta ururadana waxay hirgeliyeen ururkan NUF oo ah mid u nadaamsan sida ururada waaweyn ee dalka Iswiidhan loo maamulo. Waxay leeyihiin xeer qoran, qorshe sanadeed qoran, wixii sanadihii hore qabsoomay oo qoran, diiwaan xubinimo oo hufan iyo maamul sanad walba la doorto. Dhinaca kale waa dhalinyaro aad u tixgelisa dhaqanka iyo diinta islaamka oo waxqabadkooda ugu badan ku jeheeya kobcinta aqoonta diinta islaamka.

Haddaba xafladdan loogu talo galay u hambalyeynta ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare waxaa loo soo agaasimay si heer sare ah. Tabaabusheheeda waxaa la sii bilaabay dhawr bilood ka hor. Waxaana ururka NUF gacan ku siiyey hirgeliddeeda Iskuulka Al-azhar ee ka jira Stockholm iyo ururka ay isku bahaystaan ururada Soomaaliyeed ee Iswiidhan oo lagu magacaabo ”ururka Isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed iyo weliba urur islaami ah oo ka dhisan magaalada Stockholm.

Xafladdu waxay ku bilaabantahay diiwaangelinta dadkii soo gelayey oo la filayey in ay noqon doonaa ilaa 150 qof. Habase ahaatee waxaa kala joogsan waayey dadkii ku xaroonayey qaacadii lagu ballamay kuwaas oo goosanayey kaarka ka qayb gelidda. Markii tiradii ay kor u dhaaftay 200 oo qof ayey maamulkii xafladdu ku qasbanaadeen in ay cuntadii iyo cabitaankii lagu talo galay soo kordhiyaan iyaga oo ka dalbanayey meherado ku fiican adeega xafladaha noocan oo kale ah.

Barnaamijkii lagu talogalay waxaa daadihinayey Eng Xuseen Salaad Dheelas waxaana ka mid ahaa su’aalo kedis ah, muxaadaro ku saabsan quruxda af soomaaliga, riwaayad, muxaadaro ku baxday afka ingiriiska oo ka hadlaysay qaxootinimada, muxaadaro guubaabo ah iyo u hambalyeynta ardayda qalinjebisay. Waxaa intaas dheeraa soo dhaweyntii ka qaybgalayaasha, warbixino ku saabsan ururada iska kaashaday xafladdan iyo casho aad u macaanayd oo laga haqab beelay. Al-xamdullillaah.

Barmaamishkii oo uu hogaaminayey Xuseen Salad wuxuu u dhacay sida tan:

  1. Furitaankii xafladda waxaa lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha ururka NUF mudane Axmed Faarax oo soo dhaweeyey ka qaybgalayaasha sharafta leh isla markaana u hambalyeeyey ardayda qalinjebisay ee iyaga lagu maamuusayey xafladdan.
  2. Waxaa ku xigay su’aalo kedis ah oo uu soo jeediyey Cabdibashiir (M. Xirsi). Su’aalahaasi waxay isugu jireen, diini, suugaan, soomaaliya iyo Sweden.
  3. quruxda af soomaaliga” ayuu ahaa muxaadaradii saddexaad ee laga soo jeediyey oo uu ku wadhwadhay Eng Xuseen salaad.
  4. Emigration and educatin wuxuu ahaa muxaadaro lagu soo jeediyey afka ingiriisiga oo uu soo jeediyey aqoonyahan lagu magacaabo; Cabdiraxmaan Mukhtaar.
  5. Haddana waxaa fagaaraha u soo baxay koox soo bandhigtay riwaayad cajiib ah oo ku saabsanayd kobcinta afka hooyo, habka macallinimo ee haboon. Riwaayadaas waxaa kala metelayey:

    1. Cabdibashiir oo ku metelayey: Macalin Cabdullahi

    2. Sacdiya Xirsi oo ku metelaysay: Ardayad Caasho

    3. Axmed Faarax oo ku metelayey: Arday Guuleed

    4. fardowsa xasan oo ku metelaysay: Fahmo oo ka timid Birminghamn

    5. Xuseen Salaad oo ku metelayey: Oday Cawaale oo Soomaaliya jooga oo la kulamaya Caasho iyo Guuleed oo af soomaaligu ku adagyahay.

    6. Farxiya Xuseen: ardayada

    7. Idil Maxamed: ardayad

    8. Laila Axmed: Ardayad

    9. Siciido Axmed: ardayad

    10. Axmed Siraj: Arday

  1. Cabdulqaadir Salaad (Loonge) oo ah xoghayaha warfaafinta ee ururka Isbahaysiga umadda soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey Isbahaysiga, dhalinyaradana u soo jeediyey guubaabo.
  2. Sidoo kale Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed oo ka soo socday ururka midawga muslimiinta (Islamska förbundet I Jäva) ayaa u soo baxay minbarka si uu dhalinyarada ugu guubaabiyo waxbarashada iyo kaalinta ay bulshada ku leeyihiin ee badnaan.

  3. Cabdicasiis Cilmi oo xubin ka ah ururka NUF ee xafladda soo qabanqaabiyey iyo Axmed Suldan Siraj oo isaguna ka tirsan maamulka ururka ayaa sharraxaad ka bixiyey ururka NUF, waxqabadkiisa iyo taariikhdiisa intaba. Dhalinyaradaasi waxay warbixintooda ku soo bandhigeen qalab casri ah oo maqal iyo muuqaalba leh.

  4. Haddana waxaa hadal Isu soo taagay Sheekh Bashiir Ammaan Cali oo ah maamulaha iskuulka al-azhar ee ku yaal magaalada Stockholm. Sheekh Bashiir oo ah macalinka xagga diinta ee dhalinyarada xafladda joogtay badankooda ayaa si xeeldheer u guubaabiyey dhalinyarada. In sharafta soomaalinimada iyo xoojinta islaamnimada qof waliba xil iska saaro ayuu aad ugu nuuxnuuxsaday. Hadalkaas sheekhu wuxuu geliyey dadkii xafladda joogay qiiro, waxaana kala gu’iwaayey sacab taageero ah.
  1. Ugu dambayntii waxaa loo yeedhay in ay fagaaraha u soo baxayaan dhalinyaradii qalinjabisay intii ka joogtay. Waxaa kor isa soo safay 7 gabdhood iyo 5 will oo qaarkood xidhnaayeen koofiyadihii qalin jebinta. Dadkii xafladda joogay ayaa sacab iyo hambalyo cod leh ku soo dhaweeyey, waxaana loogu duceeyey inay noqdaan kuwii dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba anfaca. Sidoo kale waxaa loo qaaday heesta calanka soomaaliyeed ee “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey”. Dhammaan ardaydaas waxaa hadiyad ahaan loogu ballan qaaday in DOON la saaro oo lagu soo wareejoyo gasiiradaha magaalada Stockholm. Xafladdiina waxay ku soo gabagabawday farxad iyo qosol.

Qalinkii Maxamed Xirsi (Abdibashi)
abdibashir@hotmail.com

Faafin:SomaliTalk.com | June 19,2005

Waxaa qoraalka somalitalk soo gaarsiiyey
Abdiaziz Elmi Yusuf
abdiaziz_2000@hotmail.com


MINNEAPOLIS::::
Arday Soomaaliyeed oo reer Minnsota ah oo Ku Guuleystey Tartankii Microsoft ee Lagu Qabtay New York.. Guji..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD