SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK
 
Daabaco Boggan | Print

Barnaamij Looga Hadlayo HIV/AIDS oo Lagu Qabtay London, UK

Ururka Somali Information and Integration Center oo soo qaban qaabiyay Barnaamij looga hadlay ka hortagga xanuunsidaha HIV ama AIDS-ka oo lagu qabtay magaalada London

Maalinnimadii shalay aheyd waxaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska Barnaamij  aad u ballaaran oo looga hadlay waxyeelada cudurka Aids uu leeyahay iyo qatarta isa soo tareysa ee uu ku hayo dhallinta soo koreysa.

Barnaamijkan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Somali Information and Integration Center oo uu guddoomiye u yahay Mudane Siciid Axmed Cabulwaaxid oo loo yaqaano Saiciid Nabadoon maadaama aynu nahay ummad muslin ah waxaa lagu furay aayado quraan ah waxaana halkaasi ka aqriyay Shiikh Saalax Bashiir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed eek u nool magaalada London.

Qudbadiisii furaanka aheyd ee uu halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha ururka SIIC Siciid Nabadoon ku sheegay in ururkiisu uu sanadkan oo kaliya wax u u qabtay boqollaal Soomaali ah gaar ahaan xagga guryeynta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka heysta sidii ay u heli lahaayeen daryeelka ay xaqqa u leeyihiin. 

Intaasi ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay Dr. Cumar Cabdulle oo ah dhaqtar Soomaali ah daweyn iyo talooyinna siiya dadka xanuunnada hayaan Dr. Cumar oo halkaasi ka hadlayay wuxuu sharaxaad aad u ballaaran ka bixiyay qaababka lagu kala qaado xanuunsidaha loo yaqaanno HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka.

Dr. Cumar oo aad ugu dheeraaday sharaxaad uu ka bixinayay darteed cudurka AIDS-ka ayaa ugu digay dhamaan dhaliinyarada Soomaaliyeed in ay ka foojignaadaan waxyaabaha fududeyn kara in cudurkani si sahlan ku qaado, haddiise lagama maarmaan noqoto la isticmaalo qaacidada ABC oo marka afka Soomaaliga lagu fasiro noqoneysa “A. Ka dheeroow, B. Daacad u noqo haweyneydaada, C. Isticmaal walaxda loo yaqaano Condoms”. 

Waxaa isna hadal aad u qiimo badan ka jeediyay Mudane Siciid Maxamuud oo loo yaqaano Siciid Indhool isagoo ka hadlayay waxyeelada ay leedahay waajibaadkii Alle oo laga tago iyo dhibaatooyinka ay keenaan wuxuuna ugu baaqay in ninkii guursan kara uu guursado sida uu na farayo Nebigeenii Muxamad NNKH ama loo guuriyo qofkii aan awoodi karin in uu guursado.

Intaasi ka dib waxaa isna meesha wacdi xusuusin iyo in la raaciyo amarrada Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka soo jeediyay Macallin C/qaadir Macallin C/laahi oo isna ku dheeraaday lagama maarmaannimada iyo fullinta waajibaadka Alle iyo waxyaabaha uu naga reebayo wuxuuna kula dardaarmay dhallinyarada iyo waalidiinta in ay u hoggaansamaan amarrada Allahu Subxanahu Watacalaa haddii ay dhacdana lala kulmayo carada Ilaahay.

Waxaa sidoo isna meesha ka hadlay Siyaasiga Soomaaliyeed ee u ololeeya nabad iyo dib u heshiisiin dhex marta Soomaalida oo dhan ahna Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaalida Mudane C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” oo qudbaddiisa ku sheegay ka dib qaran burburkii ku dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya in ay burbureen dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Nabadgalaydii, Caafimaadkii Waxbarashadii iyo xuquuqaha la dhowro ee aadanuhu Ilaahay ugu yaboohay. 

Mar haddii uu meesha ka baxay sharcigii iyo kala dambeytii waxaan shaki ku jirin in dhibaatooyinka jira ay dhamaantood faraha ka baxeen maantana ay guud ahaan dalka Soomaaliya ku soo badanayaan kuwo uu Ilaahay ka qaaday naxariista iyo dareenka aadaninimo ama wadaninimo ee uu ku abuuray aadanaha wuxuuna isaga oo la kaftamaya dadkii ka soo qeyb galay barnaamijkan ugu yeeray Dhibanaha maqsuud ahoow lama arag ummad raali ku noqota xumaan idilkeed qaran burburkii ka dib dhibaatooyin fara badan ayaa guud ahaan ka dhacay dhulka ama xuduudaha la aqoonsan yahay maanta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. 

Godobta laga galay shacbiga Soomaaliyeed ma aha kuwo hadal iyo qoraal lagu soo koobi karo sidaas darteed   waxaa ila habboon in aan maanta idiin soo gudbiiyo dareenkeyga iyo sida aan uga xanuunsanayo xanuunnada iyo dhibaatooyinka baahay ee haya dadkeyga Soomaaliyeed, waxaan leeyahay Allahuma laa tusallid caleynaa bidunuubinaa man laa yaqaafuka walaa yarxamunaa yaa rabbal caalamiin. 

Isaga oo ka faa’iideysanaya sida uu shegay fursadan qiimaha badan ee aad maanta na siiseen waxaan anniga oo ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo uu joogo baaq nabadeed u jeedinayaa walaalaheen Soomaaliyeed ee ay dirirtu ka dhaxeyso meel kasta ha joogeene gaar ahaan dagaallada ka soconaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka ay ka mid tahay Galinsoor. 

Waxuuna tacsi u diray dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee u baxay dagaaladaasi in ay si deg deg ah ay u joojiyaan gacan ka hadalka ka dhex soconaya, wixii khilaafaad ah ee jirana ay ku xalliyaan si nabad ah.

Waxaa iyadna kalkaasi ka hadashay Xildhibaan Marwo Qamar Aadan Jeelle oo ka mid xubnaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo isla markaasina ka jeedisay barnaamijka iyo qorshaha horyaalla xumkuumadda baarlamaanka iyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya, waxayna ballan qaad ku bixisay in ay wax badan ka qaban doonaan marka ay dhacdo in ay dib ugu laabtaan dalkii Soomaaliya qorshahuna yahay u adeegidda shacbiga Soomaaliyeed ee dhibaatoonaya.

Ugu dambeystii waxaa iyadna halkaasi ka hadashay Guddoomiyaha Ururka Somali Community Information Centre Sureer Abshir Muuse oo ku hadleysay magaca hooyada Soomaaliyeed waxayna halkaasi ka sheegtay in ay jiraan dadaallo badan oo ay wadaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ay hooyada Soomaaliyeed ku jirto.

Dadkii ka soo qeyb galay munaasabadan waxaa ka mid ahaa Wakiilka maamul goboleedka Puntland Soomaaliya Mudane C/rashiid Seed, Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Gobollada Koofureed Mudane Max’ed Xussein Caddow,  Xoghayaha Guud ee ururka Somali Concern Group C/laahi Telefoon, Guddoomiyaha Merton Somali Community Dr. C/laahi Cali Caddow Wariyayaal isugu jira website-yada Midnimo Information Center, Somaliweyn, Onkod, Mareeg, xiriiriyaha barnaamijka wuxuu ahaa C/risaaq Socoto Camera-Man C/laahi Ilkase  iyo xubno kale oo aad u fara badan. 

Wariye Allasow 
London, UK
alasow73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 20, 2004

Digniin Laga  Bixiyey Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD