Digniin Laga Bixiyey
Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::
- Dr. Isniino: Boosaaso
waxaa jooga
Dad badan oo Qaba AIDS Laakiin aan lagu dhiiran Karin in loo
sheego in ay qabaan Cudurka ruuxii oo hubaysan awgii....
C/fataax Jaamac |
somalitalkpl@yahoo.com
Boosaaso, Soomaaliya | SomaliTalk.com | Dec 1, 2004
Cudurka Dilaaga
ee HIV/AIDS ayaa si weyn looga digey
Gobolada Puntland Guud ahaan ayadoo loogu magacdaray
Maxay Haweenku ugaga Nugulyihiin Ragga in uu ku dhaco
Cudurka HIV/AIDS.
Gabdhihii
Dhalinyarada oo Guryaha u gudbinaya fariinta
Halista Cudurka IADS ee ahayd in dumarku u nugul
yihiin. |
Xuska maalintaas oo aad
u balaaranaa ayaa lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose ee
Boosaaso, arintaas oo ahayd mid Wacyigalin ah oo ay soo
abaabushay Hay'ada wadaniya oo lagu magacaabo
Association For Integration And Development (AID),
waxaana kala Qayb qaatay hay'ada Caalamiga ah ee Unicef
iyo Urarada Dhalinyarada Dumarka ah oo iyagu baryahaan
oo dhan ka waday Wacyi galin Guryaha iyagoo ugu
Garaacayay Xaafadaha si ay u gaarsiiyaan Waraaqo ay ku
qoran yihiin Digniinaha looga digtoonaan karo Cudurkaa.
Munaasabadaas waxaa ka soo
qayb galay Wasiirka Dowlada Hoose iyo Horumarinta Reer
Miyiga Cali Cabdi Awaare, Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee
Gobolka Bari iyo Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Goboka
Bari, waxaa kaloo ka soo Qayb galay Duqa Magaalada
Boosaaso Rooble Gudcur iyo Marti sharaf kale oo Badan.

Wasiirka Dawladda Hoose & Horumarinta reer
Miyiga oo ka hadlaya Munaasabada |

Dr Isniino oo ka hadlaysa Munaasabada |

Duqa Magaalada oo ka hadlaya Munaasabada AIDS |
Waxaa munaasabadda oo ay
Hay'ada AID xubno ka mida ay ku soo mareen Magaalada
Gawaari ay ku xiranyihiin Maryo ay ku qoranyihiin
Digniinaha looga digtoonaado Cudurka HIV/AIDS iyo
Makarafoono Cod-dhaadheer leh ayaa ugu dambayntii waxay
yimaadeen Hoolka Xarunta Dawlada Hoose oo ahayd meesha
shirka lagu qabtay.
Waxaa ugu Horeentii ka hadlay
Kusimaha Hay,ada AID Dr. Isniino Axmed Muse oo ka war
bixisay in Cudurkaan uu halis ku hayo Adduunka Guud
ahaan Gaar ahaan Afrika oo ay jiraan Malaayin Ruux oo u
ildaran, Dr. Isniino ayaa tilmaantay sida uu ugu faafayo
Gudaha Gobolada Puntland gaar ahaan Boosaaso oo lahayo
Dad badan oo Qaba Lakiin aan lagu dhiiran Karin in loo
sheego in uu qabo Cudurka ruuxii oo hubaysan awgii,
horayna kuwo loo sheegay ay galiyeen halis
Dhaqaatiirtii u sheegtay.

Garoonka oo ay taagan yihiin
Dadweynihii
Daawanayay Cayaarta Munaasabada Maalinta AIDS |
KA FOGOW SINADA & GOGOL
DHAAFKA SI AAD UGA BADBAADID HIV/AIDS
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi
laba-afle ah...
Guji
|
Dr: Isniino ayaa ku soo
dhaweysay Duqa Dowlada Hoose ee Boosaaso Rooble Gudcur
oo ka warbixiyay Cudurka Dhibaatada uu ku hayo Guud
ahaan Addunka Dr: Isniino ayaa ku soo dhaweysay
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee G/Bari Yuusuf Muumin
Bide oo tilmaamay halista uu leeyahay Cudurkaan HIV/AIDS
waxaa uu Gudoomiye ku xigeenka ku soo Dhaweeyey Wasiirka
Dowladaha Hoose Cali Cabdi Awaare oo Dadka u tilmaamay
in ay kaga Badbaadi karaan iygoo fahma Diintooda
Islaamaka oo Caafimaad iyo Nidaam oo dhan ay ku
dhanyihiin, Waxaa halkaa Majaajilo iyo Heeso tilmaamaya
Halista ay leeyaha Cudurka HIV/AIDS ku soo bandhigay
Hobolada Fanka Walaalaha Bari, Waxaa kaloo Galabnimadii
lagu qabtay Garoonka kubada Cagta Boosaaso Cayaar ay
isaga hor yimaadeen labo Kooxood oo ay ku kala helaayaan
Koob loogu magacdaray Maalinta Caalamigaa ee Cudurka
HIV/AIDS koobkaa ayaa kooxdii badisay ay ku gudoonsiisay
Dr. Isniino garoonka Gudihiisa.

Gawaaridii oo Dhex maraysa Magaalada oo sheegaya
Qatarta Cudurka AIDS |

Gawaaridii oo ay ku xiran yihiin Calaamadihii
Digniinta Cudurka AIDS |
Waxaa ayagana halkaa ka
hadlay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan
Gaduudo iyo Xubno kasocda Hay'adaha kala duwan ee dawliga
ah iyo kuwa aan Dowliga ahayn.
JAWHAR:::
Waraysi:
Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS
& ka Akhri
Halkan
Kulan Kusaabsan Maalinta AIDS-ka oo Lagu
Qabtay Kismaayo:::
waxaa munaasabado ku saabsan
maalinta aidska aduunka ee kowda sebtenber lagu qabtay xarumo badan oo ay
ka midtahay xarunta unitrian community college oo hoy u ah ururada maxaliga
ah ee ka jira gobolada jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaayo oo marka
lasoo gaabiyo loo yaqaano jubbo net,
hadaba munaasabada lagu qabtay maanta
xarunta unitrain community college ayaa waxaa kasoo qayebgalay ururada
dhalinyarada ururada haweenak culumaa udiin waxgarad iyo maamulka dagmada
ayadoo ay halkaas ay qudbado kala duwan kasoo jeediyeen marti sharaftii
kasoo qayebgashay munaasabadaasisla markaana ugu baaqay bulsho weyenta
soomaaliyeed inay ka feejignaadaan cudurka dilaaga ah ee h.i.v,
mar uu munaasabadaas hadal wacyi galin ah
uu kasoo jeediyay gudoomiyaha dagmada mudane daahir maxamed cilmi (daahir
carabeey)ayaa waxa uu oga digay dhalin yarada soomaaliyeedinay xakameeyaan
nafsadooda iskana ilaaliyaan waxa ay naga xarintay diinteene suuban ayna ku
dhaqmaan waxyaaba munaasabka ah ee ay nafarayso diintena,
sidoo kale waxaa saakay lagu arkayay
laamiyada magaalada kismaayobanaanbax wacyi galineed oo ay soo
abaabuleenururada bulshada oo si wayen ay oga dhexmuuqdeenururka
dhalinyarada r.h.y.m oo taakulo ka hayestay madaxa xafiiska hay ada overcee
magaalada kismaayo cabdilaahi sheeq isxaaq,
banaanbaxaan ay maanta sameyeen ururada
maxaliga ah ee ku sugan kismaayo ayaa waxa uu ku salayesnaa wacyigalin iyo
baraarujinta bulsho wayenta ku dhaqan kismaayoayagoo watay boorar ay ku
qoranyihiin halkudhagyo looga soo horjeedo cudurka dilaaga ah ee aids ayan
oga digayaan dhalinta maanta gogol dhaafka sharci darada ku salaysan,
hadaba gudoomiyaha ururka rhym muqtaar cali
xuseen( ilka case)oo aan mar wax kawaydiinay sababta maanta uu ururka uu
gadoomiyaha u yahay uu u soo abaabulay banaanbaxaan ayaa waxa uu ku jawaabay
waxaa waajib naga saaranyahay wax walba oo dan u ah bulshada ku dhaqan
kismaayo iyo nawaaxigeeda haday ahaan lahyed baraarujin waxtar iyo anagoo
goor hore u diyaar garownay maalintaan muhiimka ah,
sidoo kale waxaa munaasabad midan lamid ah
oo lagu soo dhawaynayo xarunta maalinta aidska aduunka lagu qabtay xarunta
hay ada samafalka ah ee bisha cas halkaasoo ay isagu tageen dhaqaatiirta iyo
howol wadeenadaka howolgala isbitaalka guud ee magaalada kismaayo ayagoo
sidoo kale ugu baaqay bulshada inay ka feejignaadaan cudurka dilaaga ah ee
aidska oo aan laga helin halkaan qalabhii lagu baari lahaa,
faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
December 2, 2004
QAYLO
DHAAN.... CAAWINAAD U RAADIN DADKII KUTABAALOOBEY ROOBABKA SOOMAALIYA...
GUJI
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|