SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
BOGGA - ABSHIRDHEERE

*Waa maxaay hacker?*

  • 1-Maxay tahay waxa la yiraah Hacking iyo jaajuus cumputer

  • 2- Maxuusa yahay hacker ku?

  • 3-Maxaysa tahay waxayaabaha aad ku caawiso in compter kaada la soo dhax galo amar la’aan?

  • 4-Sidee beey suura gal ku tahay in computer kaada uu tuug soo galo?

  • 5-Sidee ku awoodaa in uu hackerka soo galo computer kaada laftiisa?

  • 6-Waa maxay IP address tu ?

  • 7-Sidee buu ku soo galayaa computer kaada file ka la yiraah patch iyo Trojan ama xitaa virus ?

  • 8-sidee ku doortaa hacker ka computer ka uu doonayo in uu dhex galo?

  • 9-Maxay tahay program yada ugu caansan ee hackerka uu isticmaalo?

  • 10-Sidee ku ogaan kartaa computer kaada hii uu hacker soo dhex galay?

  • 11-Waa maxaay tilaabooyinka lagaa doonayo in aad qaado  si aad kumputer kaada uu noqdo mid ka dhowrsan hacker ka ?

  • 12-Waa Maxay  waxayaabaha uu hacker raadinayo ama uu rabo in uu ka helo computer kaada dhexdiisa ?

  • 13-Maxay tahay sida ugu caansan ee lagu ogaado filasha jaajuusyada?

  • 14-Dhacdooyin Hackerka uu sameeyey?

Kalmadaan macanaheedu waa mid wax dhex gala ama caqliga dardara . waxa ay soo shaac baxday si wayna loo maqlay lixdameeyadii ee qarnigii labaatanaad waxaana loogu yeeri jiray xubno koox ah ee ka shaqayn jiray machadka “MIT” machadka (Masschusetts institute of technology) waxaa loo taba baray in ay fahmaan waxa ka dambeeya aas aaska iyo in ay fahmaan waxyaabaha aan loo jeedin, magacaan waxaa loogu yeeri jiray qofka cadeeya dhibaato ama ka diga dhibaato suura gal ah in ay dhacdo inta aaneey dhicin si ayna khasaaro u gaysan markii dambe waxaa la wareegay magacaan dambiilayasha ee xada macluumaadka iyagoo isticmaalaya siyaaba ay iyaga yaqaanaan si ay ugu weerar tagaan ama ay ku helaan faa’iido waxna ma soo kordhiyaan ee waxay yaqaanaan uun habkii wax loo xadi lahaa si ay iskaga difaacaan hackerada runta ah waxay alifeen eray ah “Crecker” . 

Maxay tahay waxa la yiraah Hacking iyo jaajuus computer?

Luqadda English ka waxaa lagu dhahaa Hacker Somaliga macana ahaan waa howshii jaajuusnimada iyo xatooyada .. sababtoo ah qofkani waxa uu galaa nidaamka uu ushaqeeyo compuerka dhaxdiisa ula ma jeedo asiga ayaa galayo ee waxa uu gashataa file si aan waafaqsanaayn sharciga asigoo daneeynaya ula jeedooyin kala duwan sida in uu juujuusnimo sameeyo , tuuganimo, iyo kharibaad uu u gayasto computrer kaada sida asigoo fila ka qaata ama tirtira ama ku dara filala ama programyo si ay ugu suura gasho in uu iska maamusho computerkaada , marakaas ayuu waxa uu sameeynayaa in uu amar siiyo computer kaada sida amaraka dabaacadda ama sawirasho ama kaydsasho. 

Maxuusa yahay hacker ku?

Tusaalo ahaan hackerku waa qof sameeya programyo matalan  gooryaan camal ah ee ku jira caloosha qafka markaas ayauu kula cunaa cunada aad cuneeyso asiga oo aanan shaqayn buu kugu dul noolyahay ama tuugada isbaarada dhigata oo kale , waa kuwa dhex gale computerkaada waxay awood uleeyihiin in ay arakaan waxa alla awaxa aad samayneeyso iyo asigoo xadi kara filalashaada iyo in uu burburiyo computer kaada iyo in uu ku basaaso waxa aad shabakadda internetka ka samayneeyso. 

Maxaysa tahay waxayaabaha aad ku caawiso ama aad ku kaabto in compter kaada la soo dhax galo amar la’aan?

1-     Computer kaada haduu uu ku jiro filasha la yiraah  (Patch) ama (Trojan)

Hackerka awood umalahan in uu computerkaada soo dhex galo lakiin hadii filasha lagu magacaabo (Patch) ama (Trojan) laga helo wuu soo gali karaa filashaasi waxay usuura galineeysaa hacker ka in uu soo galo computerkaada gaar ka ah (PC) asigoo isticmaalaya program kale ee ku xiranaya filasha ku jira computerkaada waxa uu samaynayaa in uu wax walbo kala baxo computer kaada waxa uu awood uleehayahay in uu usamaysto Magac iyo Password si uu kaligiis u maamulo oo aanuu hacker kale la isticmaalin , sidoo kale waxa uu awood u leeyahay in uu computer kaada ka dhigo mid cid kasta iska soo gali karta oo ay markaas iska soo gali karaan hacker kasta oo markaas taba bar lagu qaato computer kaada ama kuwa barbard ah cashar lagu siiyo!!!!

2-     Program yada tuugada ay isticmaalaan , si ay u suura gasho hackerka caadiga ah in uu dhex jibaaxo computerkaada waxaa lagama maarmaan u ah in uu heli karo program yo u fududeeynaya in uu dhex jibaaxo computer kaada

Waxaa ugu caansan hackerka caadiga ah programyadaan

  • Cracker 4web

  • Net buster

  • Haxprog Netbus

  • Net Bus1.7

  • Girl friend

  • BusSccong

  • Client and server Bo

  • Hacker Utility

Sidee beey suura gal ku tahay in computer kaada uu tuug soo galo ?

Marka uu soo galo computer kaada Filasha basaasiinta oo ah (Patch) iyo (Trojan) waxay ay furayaa alabaabka (Port)ama Meesha laga soo galo computeradda markaas ayeey awoodayaan cid kasto oo haysata Programaka bassaasiinta in uu soo dhax jibaaxaan iyagoo file kaas kaashanaya oo furaya dariishadda ama daaqada qarsoon ee  laga soo galo computer kaada markaas ayaa tuugada kuu soo galeeysaa.

 Sidee buu ku awoodaa in uu hackerka soo galo computer kaada laftiisa?

Ma awoodo hacker ka in uu dhex jibaaxo ama uu iska dhex galo computerkaada il ay uga suura gasho dhowrd arimood:

1-      Hadii computer kaada uu ka samaysanyahay Filaka patch

2-      Hadii uu yaqaano hackerka IP address kaada  gaarka kuu ah

3-      Dabcan waxaa lagama maarmaan ah in shardi kale la helo kaas oo ah in aad shabakadda internet ka ku xirantahay isla markaana uu yaqaano hackerka qaabka loo adeegsado program yada bassasnima iyo dhex gelka

Waxaa jira macana kale hadii uu computerkaada nabad qabo oo anuu ku jirin filasha patch ka waxaa aan suura gala ahayn in uu soo galo hecker kasta ee caadi ah haba yaqaan xitaa IP address taada hadii laga reebo kuwa aqoonta u leh kuwaan way awoodaan in ay computerkaada dhex galaan si kasta wax kasta hakuugu jira computerkaada ee la dagaalama tuugada waxay leeyihiin hab qarsoodi ah waxaa kaloo jira ha moogaan kuwa aan ahayn intaba ee computer kaada kontroli kara sida nabad sugidda wadanaka aad joogto iyo shirkada isgaarsiinta oo ku siiday internetka ,

Hadii hacker ka aanuu aqoon IP address taada gaarka ah ma awoodi karo in uu computer kaad dhex galo  xitaa haba ku jiro (patch) 

Waa maxay IP address tu ?

Waa ciwaan gaar u ah qof kasta oo isticmaala shabakadda internetka oo ah numer ka lagu garanayo computerka marka uu fur furayo bogga shabakadda  internetka waxa uuna ka kooban yahay 4 qaanadood qaanada walibaa waxay tilamaameeysaa ciwaan la ogyahay mid kamid ah waxay tilaameeysaa wadanka tan labaad waxay tilaamaysaa shirkada bixisay internetka tan sedaxaad waxa ay tilmaamaysaa hay’adda isticmaasha  tan afaraad waxay tilamaa maysaa qofka isticmaalaya

IP addess tu way is badashaa mana ahan mid sugan way badalmaysaa mar kasta oo aad gashaa shabakadda internet ka hadii aan si kale u macneeyo kaba dhig adigoo ku xiran internet ka waxaadana eegtaa Nambar ka IP address ta ee kuu gaarka ah tusaalo ahaan waxaan u soo qaadanayaa 192.168.123.200

Kadib waxaad ka baxday ama aad damisay internetka daqiiqado kadib ayaad ku noqotay shabakadda internet ka marakaas waxa uu isku badalayaa sidaan 192.168.123.255

Eeg farqiga udhaxeeya  nambarada u dambeeya  sida 200 waxa uu noqday 255 .

Sidaa daraadeed waxaan kaaga digayaa in aadan isticmaalin programka lagu sheekeeysto ee loo yaqaan (mIRC) iyo (ICQ) waa meel ay dadku kuwada shakaystaan qoraal ahaan ama hadal xitaa qaas aah (ICQ) sababtoo ah waxa uu soo bandhigayaa ama uu muujinayaa nambarka IP address taada mar walbo hadii aad qaririso xitaa, waxaa jira dad isticmaala IP Bug ah laakiin hecker ku waxa uu awoodaa in uu helo IP saxda ah markaas ayuu soo galayaa computer kaada gaar ka ah laakiin waxay ay ku xirantahay in computer kaada laga helo filasha bassaasiinta sida (patch)  

Sidee buu ku soo galayaa computer kaada file ka la yiraah patch iyo Trojan ama xitaa virus ?

(B) Wdada koowaad:

In uu kugu xirmo file basaas ah adigoo la sheekeeysanaya qof sid chat ka ama meelaha lagu wada sheekeeysto oo uu kuu soo diro xof hacker ah sawir ama file ka kooban “Patch” ama “Trojan” waxaa lagama maar maan ah in aad ogaato in uu awoodo hacker ka in uu kugula dagaalamo Patch asigoo loo soo ekeeysiiyey sawir ama file oo aadan awoodin ogaanshahiisa ilaa aad ka isticmaasho program ka lagu ogaado patch ka ama virus yada markaasa waxaad u arkeeysaa sawirkii ama file kii si iska caadi ah mana ogid in uu ku jiro sawirkaan ama file kaan patch ama virus laga yaabee in uu ka dhigo computer kaada sida laamiga ama wadada ay maraan hacker yada iyo gooryaanada .

(T) wadada labaad :

In uu kugu soo xirmo ama uu kuu soo galo patch ka asigoo soo maray dhinaca e-mail laguu soo diray oo aadan garanayn meesha aya ka timid warqadaan oo aadan sii garanayn qofka ay ka timid oo aad guda gasho in aad file kii ku jiray meesha aad iska furto ama aad computer kaada dhex gelo markaas ay jawaasiistii iyo kuwii ka dhax shaqaysan jiray computerad islaameed ay sika soo galaan.

(J) In aad soo download gareeyso programyo oo aad ka soo dajisato website yada naagaha qaawaan ama meelaha laga barto programayada waxa lagu bassaaso!

(X) Wadada sedaxaad:

In aad soo booqato website yada naagaha qaawaan mar alla markii aad sii galeeyso halkaas waxaa soo galaya filal computerkaada dhexdiida sida cookies oo aadan ogayn xiliga ay galayaan computer kaada !!!!

Sida ninka iska leh web ka aad sooo booqatay ayaa web kiisa waxa uu ku rakibayaa Bog furmaya amar la’aan marka uu doono qof in uu soo booqdo page kii furmay waxa uu samaynayaa amar ah Download ama soo dejin programma computerkaada dhexdiisa kaasoo laga yaabo in uu yahay File bassaasnimo!. 

sidee ku doortaa hacker ka computer ka uu doonayo in uu dhex galo?

Sida guud ma awoodo hacker ka caadiga ah in uu computer ka uu dono uu doorto si uu u dhex gelo marana laga reebo in uu yaqaano IP address ta gaarka ah sidaan horay u soo sheegay waxa uu samaynayaa in uu galiyo IP adddress ta qaas ka kuu aha program wax lagu bassaso ka bacadi waxa uu samayanayaa in uu amar siiyo amar kaas oo ah in uu galo computer kii la rabay .

Badan kood kuwa tuugada ah ee ka dhax shaqaysata computerada waxay adeegasadaan program loo yaqaan (IP Scan) oo macanaheedu yahay programaka cadeeya IP address ta waana program ay u adeegsadaan hacker yadu in ay ku helaan IP yada computeradooda laga helo Filasha (patch) iyo (Trojan) programkaas ayuu ka shaqaysiiyaa markaas tuugii waxa uu sameeyaa in uu galiyo IP address ta ee bug ah ama been abuur ah ..micnaha waxa uu samayanayaa laba nambar oo IP address ah oo kala duwan computerkii ayuu ka dalbanayaa in uu baaro, kaba dhig tusaalo ahaan waxaa uu doortay labadaan IP

  • 192.168.123.10

  • 192.168.123.100

eeg farqiga u dhexeeya waa 10 iyo 100

Waxa uu ka dalbayaa computer in uu baaro computer ka leh dariishadda ama daaqada laga gali karo ee labadaan IP   192.168.123.10 iyo 192.168.123.100

Waana computeradii uu dalabay hacker ka in uu baaro !

Kadib programkii uu isticmaalayey waxa uu siinayaa Nambaradaan IP address ta marakaas ayuu u tilmaamayaa tusaale ahaan

  • 192.168.123.50

  • 192.168.123.98

  • 192.168.123.33

  • 192.168.123.47

markaas ayuu u sheegayaa IP addess yadaan ee gaar ka ah in ay yihiin kuwa jiran computer kooda oo ay ku jiraan Filasha wax lagu bassaso markaas hacker kii waxa uu dooranayaa Nambar IP address ah oo uu ku rakibay program wax lagu bassaso markaas kadib ayuu howgal samaynayaa…! 

Maxay tahay program yada ugu caansan ee hackerku isticmaalo?

(B) Netbus1.70

Program kaan waxa uu ka mid yahay kuwii ugu horeeyey ee ay tuugada isticmaalaan oo ay xitaa server rada ku dhacaan waana kan ugu badan ee ku faafsan ama ku baahsan dadka isticmaala microsoft Chat waana program loo huray wax badan waxay ay iskugu geeyeen hackerrada awoodooda oo dhan si ay u maamulaan computerda jiran waxaana laga helaa qayb ka mid ah Netbus asigoo aad loo hor mariyey qayb kasto oo ka mid ahana aad baa loo hormariyey qaybaha kale..

(T) Sub7

Waa program eey aad u jecelyihiin oo aadna ugu fiican sida ay leeyeihiin tuugada sababtoo ah waxbaa lagu ogaadaa .. waxay awoodaan in ay ku maamulaan iyo in ay kala nadaamsadaan server rada  Xarumaha si ay ugu shaqeeyso sidii ay doonaan sida iyagoo badala qaabka iyo sida uu u shaqeeyo waxay ay leeyhiin waa kan ugu fiican in wax lagu basaaso…

(J) Hackers utilità

Waa program ay wax u faa’iideeya hacker yada gaar ahaan kuwa bar baradka ah ama kuwa dhex gale computerada waxaa laga helaa programyadaan kuwa ugu badan ama ugu dhibta badan ee awoodaha kala gadisan programyada hackrs kawaxaa lagu isticmaalaa in lagu jabsado password yada qarsoon sidoo kale ciwaanada website yada xitaa IP yada waxaa kaloo laga helaa waxyaabo badan oo awooda ah taas oo ay baaraan mar walbo hackerada

(X) Back Orifice

Waa program ay ku badan yihiin virusyo farabadan ee ku dhex faafa dadka is ticmaala internetka sida badan laakiin waxa uu u baahanayahay hackerka ku soo weeraraya in ay isku mid yihiin computerka uu isticmaalayo iyo midka aad isticmaaleeyso adiga,  oo macaneheedo yahay in ay hal virus oo isku nuuc ah wada qabaan labada computer si ay ugu suura gasho in uu wax kaa xado.

(kh) Deep Throat 2.0

Waxa uu samayaa program kaan in uu tirtiro Filasha markaasna uu guda galo in uu ku badasho server gooni u ah waxaa program kaan ku jira waxayaaba kala gadisan waxaad arkaysaa shaasahadaada oo marna damaysa marna shidmaysa Waxay u isticmaalaan programka loo yaqaan FTP.

(D) porter

Waa program ku shaqaya in uu qayaxo IP address

(R) pinger

Waa program sameeya (PING) oo lagu ogaado in aad qadku kaa dansan yahay iyo in kale

(S) Ultrascan-15.exe

waa programka ugu dagdagta badan ee ay ku ogaadaan tuugada computerka markaas halaysan meelaha laga gali karo .

(sh) Zip Creacker

Waa program yar oo ay ugu talo galeen in ay ku jabsadaan password yada iyo filasha lagu xiray furaha.

(dh) Gril Friend

Programa kaan waxaa sameeyey mid lagu magacaabo (Fashiliyihii Guud) ula jeedadiisana iyo qatartiisa waxay ahayd in lagu xado password yada ee ku jira computer kaada haba ku sii jiro password ka e-amail ka sidoo kale magaca iyo password ka qarsoodiga ah ee loo isticmaalo isnternetka galitaankiisa.. 

Sidee ku ogaan kartaa computer kaada hii uu hacker soo dhex galay iyo inuu nabad qabo? 

Ugu horeen waad garan kartaa hadii computer kaada lagu jiro iyo hadii kaleba adigoo eegaya isbadalada markaas ku yimid computer kaada oo uu markaas hacker kii howshiisa ka dhexwato sida in ay danto shaashada marna ay shidanto si isdaba joog ah , ama file in aad ku dhex aragto computerkaada kaasoo aadan galin adigu cidkalana aaneey galin , file laga tiray computer kaada oo aad ku ogayd markii hore iyo in uu website kuu furmo adigoon dalban  matalan hadii uu (strumenti) ga ama (Options) ka internet Explorer ka uu kuugu jiray web site oo markaas aanuu furmin asiga oo uu iska furmo mid kale, ama ay dabacada kaligeed is amarto iyo waxyaaba kaloo badan ayaad ku garan kartaa oo isbadal ah oo aad arkeeyso markaas ayaad waxaad ogaaneeysaa in uu Gooryaan (Hacker) kuu soo galay .

Tilaabadaan waxaad ku garan kartaa  in uu soo galay computer kaada hacker iyo in kale

Waxaad furtaa (Start) markaas ka dooro (Run).

Sidaan soo socota qor: (system.ini)

Waxaa kuu soo baxaya bog ay wax ku qoranyihiin waxaad eegtaa saderka shanaad hadii aad ku aragto sadarka asigoo u qoran sidaan :

(user.exe=user.exe) ogoow computer kaada waa nabad qabaa

laakiin hadaa aad aragto asigoo sidaan ah :

(user.exe=user.exe *** *** ***) oo ay xidigahaasi ay raacsanyihiin ogoow waxaa ku helay hacker

XP windows waa ka badan yahay oo waxaa soo baxaya timer=timer.dr 

Waa maxaay tilaabooyinka lagaa doonayo in aad qaado  si aad kumputer kaada uu noqdo mid ka gaashaantay hacker ka ?

1-Adeegso programyada ugu fiican ee la isga waardiyeeyo virusyada , isku day in aad mar waliba aad tirtirto filasha qashinbka ah maalin kasto soo gala hadii aad isticmaasho maalin waliba internet ka .

2-Habooqan meelaha naagaha qaa qaawan laga daawado iyo meelaha laga barto cilmiga basaasinimda computerka iyo meelaha filmaadta laga soo dagsado hadii aad film rabto vedio tace ka soo qaado maxaad computer kaada qashanka u galinaysaa sabatoo ah markaad meelhaas booqato waxaa ku soo raacaya waxyaabo lagu hoos qariyey sawirada iyo filamaanta markaas ayaa waxaa kuu soo galaya file kii ahaa (Patch) .

3-Hafurin e-mail adan garanayn meesha uu ka yimid sababtoo ah hacker ku waxa uu isticmaalaa e-mail ladaas si uu ugu hoos qariyo file kaas!!!! Micanaheeda maaha in aadan furin e-mailka ee waxaa loola jeedaa e-mailka documents wata sida xawilaad.doc abshirdheere.jpg abshir.txt waxaa la arki karaa markaad furto  emailka hadii aadan aqoon qofka soo diray waad iska daynaysaa .

4-Hadii ayaba tahay in aad chat kula sheekeeysato saaxiibadaada waxaad isku daydaa in aadan aqbalin file kasta ee laguu soo diray sida in uu kuu soo diro qof aadan si fiican isku aqoon kumaba sii jiro hadiiba uu file ku yahay (exe) sida Xawilaad.exe ama filal is dul saran sida abshirdheere.pif.jpg , nuucaan sidaan u eg waxa ay noqonayaan kuwa abuura filasha jaajuusiinta ama basasiinta computer kaad dhexdiisa markaas bay u suura galaysaa hacker kii in uu ka adeeto computer kaadii .

5-In aad iska ilaalido inaad ku kaydiso macaluumaad kuu gaar ah computer kaada dhexdiisa sida arin kuu gaar ah ama arin shirkadda ka dhaxayso ee aan la rabin in banaanka laga ogaado , ama sawir ama macluumaad bangi ama tan ugu mahiimsan Cardka bangiga , sabatoo ah anaga markaan Somali nahay waxaan isticmaalnaa xawilaado ninkasto gurigiisa ayuu ka dhigay bangi markaas ayuu xawilaada ka diraa waxaan leenahay cadaw fara badan gaar ahaan bangiyada aduunka nama jecla oo lacagahayna waxaan u xawilanaa qaab ka duwan sida aya iyaga u xawilaan markaas iyaga qudhooda ayaa waxay isku dayi karaan in ay ku lug gooyaan , sidii ku dhacday shirkadii AL_Barakaat  dad badan baa waxay moodaan Al-Barakaat in loo xayiray lacagteeda in ay argagixiso tahay , waxaa loo xayiray arin siyaasadeed iyo mid dhaqaale labadaba , tusaalo ahaan aniga ma doonayo in aan shirkado kale canbaareeyo laakiin ninkii wadanka hor marinaya waa nin wanaagsan ayaan leeyahay qaab kastaba ha soo maree , waxaan lahayn Somalia Internet ku xiranaa wadan ay somalida si wayn ganacsigooda ugu xirnaayeen , kadib markii la xiray barakaad ayaa internetkii la jaray ayaa waxaa shirkad kale keentay internet taasoo ku xiran wadan aaneey Somalia kaba dhaxayn jirin waxa ganacsi ah hadalkaas waxaan udeeynayaa in allala intii iiga xog ogaalsan ina ay wax ka qorto…

6-Samee in aad ku xirto password filasha muhiimka kuu ah markaas ma awoodo qof kale in uu furo oo aan aqoon password .

7-Isku day in aad yareeyso saaxiibadaada oo aad ka soo reebto wax yar oo muhiim ah ula ma jeedo qaraabada gooy ee waxaan ula jeedaa saaxiibada laga barto internetka  kuwa saaxiibka kula ahana kula balan in ay si wanaagsan kuula dhaqmaan oo macnaheedu yahay in ay kaa hubiyaan e-mail kasta oo ay soo soo dirayaan ama file kasta.

8-Isku day in aad badasho bil walba Password kaada si aad u bad baado.

9-Iska hubi in aad ka bixisay fiilada internetka markaad damiso ka dib computer ka .

10-Ha aqbalin waligaa file kasta oo oo laguu soo diraa hana iska galin hard disk ga computer kaada hadii aadan hubin meesha uu ka yimid ama waxa uu yahay. 

Waa Maxay  waxayaabaha uu hacker raadinayo ama uu rabo in uu ka helo computer kaada dhexdiisa ? 

Qaarkood waxay ku dadaalaan in ay wax kaa oagaadaan iyo ina uu awoodiisa ku balaariyo , qaarkood in ay wax isga difaacaan , hacker kasta wuu ka duwan yahay kan kale waxaana ka xuseeynaa waxayaabahaan soo socda:

(B) Si ay u helaan macluumaad ku saabsan in ay lacag ku dhacaan ama xadaan bangi sida nambarada Xisaabta bangiga .

(T) Si ay u helaan macaluumaad ku saabsan qof sida an ay helaan sawirkiisa si ay waxyaaba qalda ah ugu sameeynaan ama ay ku handadanaan gabadhaha hadii aad hadalkeeyga diido waxaan kaa faafinayaa fadeexad .

(J) Sida in ay helaan Filal qurxan sida Powerpoint ama codod ama sawiro.

(X) Sida in uu hubsado inta ay awoodiisa la egtahay iyo dhibaatadiisa , iyo in uu ku faano markii uu dhibaato gaysto asigoo markaas ku fraxsan waxyaabaha uu sameeyey sida asigoo u dhaca xarumaha sirdoonka ama kuwa malatriga si uu uga iibsado dowlada danaynaya arintaas.

(KH) Sida in uu ku helo password yo e-mail lo dadkale ay leeyhiin .

(D) Sida in uu helo password ka website uu rabo in uu burburiyo ama uu uu qaab kale u badalo . 

Maxay tahay sida ugu caansan ee lagu ogaado filasha jaajuusyada?

Waxaa jira wadooyin farabadan ee lagu ogaado file jaajuus ah ku jiro computer kaada Tilaabada koobaad : waa program yada qayaxo filasha tuugada iyo virus ka .

Adeegso program ka mid ah program yada lagu ogaado filasha tuugada sidoo kale kuwa kaa ilaaliya tuugada iyo goryanada adigoo u isticmaalaya Xdidka kulul (Firewall) waxaa uu kaa ilaalinayaa gooryaanada in ay kuu soo galaan  .

Kuwa ugu caansan uguna fiican ee wax lagu ogaado filasha bassaasiinta waxaa ka mid ah :

Norton internet security

Zone alarm

McAfee Firewall

The Cleaner

Kuwa ugu caansan uguna fiican programyada la isaga ilaaliyo hackerada waxaa ka mid ah :

ZoneAlarm

AVG Free Edition

Lock Down 2000

Jammer

Alert Internet 99

Tiny personal Firewall

-Tilaabada labaad : adigoo adeesgsana file ka lagu diiwaan galiyo hab shaqanta windows ka Registry:

-Guji ama click sii Start .

-Ku qor qaanada Run amarkaan Rigedit.

-Fur garbadyada soo socda sida aya sikugu xigaan Registery Editor

-MACHINE_LOCAL_HKEY

-Software

-Microsoft

-Windows

-Current Version

-Run

-Hadda waxaad joogataa window ga habka diiwaan galinta  (registry Editor) eeg dhinaca midig ee window ga ee kla qaybsan qaybta magaca hoostiisa ah (Names) waxaa ka soo horjeeda ma ku dhaw (Data)  Cunwaana iyo magacyo.

-Eeg eeg filasha si fiican hadii aad aragto file aan cuwan wadan (Data) ama uu ka horeeyo falaar yar &t1;--- waa file tuugo ama hacker ama bassaas  (jaajuus) waxaa u daliil ah asgoon magac muuqda lahayn windows ka dhxdiisa.

-ka taqalus oo tir si dheqsi ah adigoo sameeynaya dhinaca midig ee mouse ka riixaya ama gujinaya markaas samee Dalete

 

Tilaabada sadexaad: adigoo isticmaalaya habka loo yaqaan msconfig

Waxaa kuu soo bixi doona daaqad ama window Utility Configuration System

Ha moogaan waxa ay ku xirantahay hadda windowska kuugu jira lugada uu ku qoran yahay ayeey ku xirantahay laakiin amaradu waa isku hal oo luqada iyo qaab qoraalka isku wada mid maaha .

-markaas dooro Start Up

-waxaa kuu soo baxaya meel kuu soo bandhigeeysa program ya markaas computer kaada ku jira si toos ah iyagoo markaas hoowsha bilaabaya .

-Baar markaas program yadaan  si fiicanna u indha indheey hadii aad ka shakiso oo aad ku aragto program yo aad la yaabtay oo adiga aadan galin computer kaada markaas samee in aad ka bixiso meesha afar geeska ah ee calaamada yar ee ku dhexjirta sidaas waxaa ku joojisay program kaas howshii uu qaban lahaa ee ahaa jaajuusnimada iyo xatooyada, ama haba ahaado program qashin iska ah oo ula jeeda la’aan soo galay computer kaada.

 

-Tilaabada  afaraad : waa adigoo isticmaala DOS

-Waxaad furtaa doska Dos:

-Amarkaan qor amara marka aan leeyahay ulama jeedo in aan adiga ku amaryo ee amarka waxaa sameeyey shirkadaha computerada :

c:\windows\patch dir.*e

 -Hadii aad ku aragto patch ka qaabkaan u tir :

c:\windows\patchdele te.* 

Dhacdooyin Hackerka uu sameeyey!!!

Anogoo soo koobaya ayaan waxan ku soo gaabinayaa dhowr dhcado oo aduunyada ka kala dhacday :

Mid ka mid ah hackerada ayaa waxa uu dhex galay computer Inan miskiin ah ay leedahay markaas ayuu guda galay in uu iska baarto computerkeedii sawirro ayuu ka qaad qaatay iyo filal waxa uu ku baraarugay markaas gabadha in ay camira ugu xirantahay computerka markaas ayuu amar siiyey camiradii kadib ayuu iska sawirtay inantii xiligaas ayadoo isticmaaleeysa computerka markaas ayuu war u soo qoray oo uu leeyahay waad quruxbadantahay markaas ayeey yaabtay inintii hayareeysan way dhacaan waxyaabahaas!!!. 

Hacker kale ayaa waxa uu dhac u gaystay wadaad miskiin ah oo xawilaad ka furay dal ka mida ah dalalka reer galbeedka wadaadkaas waxa uu sameeye xisaab lacageed ayuu waxa uu ku dhexqoray file ku jira computer kiisa xitaa waxa uu raaciyey xisaab uu bangiga ka soo sameeyey namberkii iyo furaheedii  markaas ayuu hackerkii wareegsaday xisaabtii . 

Hacker ayaa waxa uu isku dayey in uu dhaco Websiteka la yiraah yahoo! laakiin yahoo waxaa ku xiran darbiga kulul ee loo yaqaan Firewall oo u diideeysa in hacker kasta uu iska boobo web ka laakiin mid ayaa ku guuleeystay in uu dhaco Nasiib wanaag shandaqiiqo gudahood ayeey ku soo ceshadeen mas’uuliyiinta yahoo! site howlihiina waxa ay u soo celiyeen sidii hore ka dibna hacker kii waxaa shaqaaleeysiiyey microsoft. 

Sidaa daraadeed hala yaabin in aad aragto hackerrada shirkado dhiiri galinaya sabatoo ah markii lagu xakumo in uu xabsi maro lacagna lagu xakumo waxaa qarashkaas bixiya sharkado si ay uga faa’iideeystaan marka waxaa la dhihi karaa tuugii waa la dhiiri galiyey maaha sida qofka ka ganacsada daroogada. 

Tusaalo ahaan waxaa jiray wiil 18 Jarmal oo lagu magacaabo (Sven Jaschan) ah sidaa daraadeed caalamka mashquuliyey sedax mar oo isku xigta maxaa yeelay waxa uu sameeyey Taako taako ama xajiin waxa loo yaqaan (sasser) markii labaad waxa uu sameeyey Net Sky, markii xaaladiisa laga war helay lana qabtay iyadoo lagu tuhmay in uu dib uhabeen ku sameeyo Virus yada  kuwaas oo geestay qasaara farabadan oo gaaraya milyardi dolar ah ee computerada iyo internet ka iyo isgaarsiintaba wuuna qirtay laakiin waxa uu lahaa taageera yaal badan ee u arkayey geesi sanado ayuu xabsiga ku jiray, wiilkaas waxa uu sameeyey Virus yo ama Goryano (Worms) xitaa kann la yiraahdo (Trojan Horses) ee dibaatada u geeysatay shabakadaha Computer ka iyo isgaarsiinta , intaas kaliya kuma gaabsane waxa uu masuul ka yahay 70% Vrusyadii dhibaatada keenay sanadkii 2004 qaybtiisii hore, laakiin kaligiis maaha dadka habeeya virus yada oo halyeey isku badalay ama geesi kadib markii uu mahadclin sameeyey madaxwaynihii filibiin ninkii sameeyey Virus Love sababtoo ah wadakiisa ayuu diktooni galiyey .

Laakiim markii sadexaad taasoo dhalisay dood caalamka ka dhacday ee ahayd ladagaalanka Virusyada way ku baraarugeen qalabka warbaahinta wayna faafiyeen in laga digtoonaado sabatoo ah shirkad ayaa u dooratay in uu u programiyo la dagaalanka Virus yada iyo in uu uhormariyo programyada sida darbiga kulul Firewall ., markaas ayaa caalamka oo dhan ku baraarugay arintii mana dagin ka bacdi shirkadii u magacaawday wiilkaas ayaa difaacday go’aankeeda markaas maamulaheeda waa uu uriyaaqay wiilka, kadibna shir ka dhacay London ee looga hadlayey ladagaalanka virus yada ayaa  lagu canbaareeyey shirkadaas waana lagu kala qaybsamay waa sheeko dheer marka intaas ayaan isga gaabinayaa. 

Ninka ugu caansan hacker yada waa (kevin Mitnick) ninkaan waa ninka wareeriyey nabad sugida mareykanka ee FBI da xatooyo farabadan ayuu sameeyey internet ka dhexdiisa mana awoodin in ay ogaadaan badankood hecker ka waxa uu dhacay ama xaday shirkadda lagu magacaabo (Digital Equipment Company) programyo ayuu ka xaday waana la qabtay waana la xiray hal sano , wuu ka soo baxay xabsiga asigoo ka sii taxadar badan sidii hore mar waliba waxa uu samayn jiray in uu is badalo hab dhaqameed kiisa shabakada gudaheeda waxaa dhib ahaa in la ogaado ama la qabto xatooyadiisii ugu caansaneed waxay ahayd 20,000 labaatan kun ee xisaab bangi ayu dhacay ama xaday taas oo noqotay dambiyadiisii ugu dambaysay waana la qabtay markii la xiray ka bacdi ayaa waxaa lagu xakumay in uu computer dhan u jirsdo 100 mitir ugu yaraan .

HTML KU BARO AFSOOMAALI:::

Sidoo kale koox kale oo barazil ah ayaa waxay dhex galeen website yo ay leeyhiin maraykan iyo peru oo gaaraya 17 waxaa ugu muhiim sanaa website ka Nasa waxa ay ku qoreen hadal dhahaya (Ma aragno wax wayn oo idin kala saara oo udhaxeeya amaankiina iyo kana xukuumada barazil) ma faranteen?.

Qormadaan qormada ku xigata waxaan uga hadli doonaa sida aad u sameeyneeyso network ama shabakad isku xiran computer radaada si uu gooni kuugu noqdo computer ka aad u isticmaasho arimaha gaar ka ah sida xawilaadda iyo kan caruurtaada ay isticmaasho si ay u noqoto howshaada mid aad aad hubto hadii rabi idmo.

FG. Wax alla wixii qalad ah looma raacan karo website ulajeedana waxay tahay in aan u huro waqtigeeyga walaalaheeyga aqristayaasha ah mahadsaniddn!!!!!!!!!!!!

Abshir Dheere | Brescia Italia
Email: abshirdheere@hotmail.com

LINK: http://www.somalitalk.com/abshir/

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2005 | Updated: June 23, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD