SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
BOGGA - ABSHIRDHEERE

Qaabkee baad u soo iibasnaysaa computer?

  Sida badan computerada gaarka ah ee yaala suuqyada kama baxsana laba nuuc: Qalab u samaysan qaabka (IBM) ama qalab u samaysan qaabka (APPLE) halkaan waxaan ku sheegayaa kan hore oo kaliya .

  Markaad soo iibsanayso computer ee waa faqasn qaab dhismeedka (IBM) waxaad samayn kartaa in aad soo iibsato Computer cusub ama mid gacan labaad ah adigoo ka iibsanaya qof saaxiibkaaga ah oo iska iibinaya computer uu lahaa matalan.

Computer ka la soo isticmaalay loola ma jeedo baahida loo qabo mid aan cusbayn sidaa daraadeed calaamadahaan soo socda waa laga ma maarmaan hadii uu cusub yahay hadii aanuu cusbaynba waxaa lagaa rabaa in aad iska eegto ama aad waydiiso dadka aqoonta u leh oo aad kala tashato si aad u xaqiijiso in uu nabad qabo, waxaad ku hubin kartaa labadaan amar (SCANDISK) ama (DEFRAG

(1)   Computerka ma lee yahay magac caan ah “Name Brand”

Computerka qaab kaan ah waa laba nuuc : Mid ah dhamaan qaybihiisa ay samaysay hal shikad oo kaliya sidaa daraadeed computerka waxa uu yeelanayaa magac caan ah sida (AST, COMPAQ, DELL, DIGITAL) ama mid la isku keen keenay  waxaa laga yaabaa magaca uu wato in uu yahay magaca shirkadda laga soo iibsaday  hadii uu cusub yahay waxaa jira farqi  u dhaxeeya tayada iyo sicir qiimihiisa laakiin waxaa la dhihi karaa computerka la isku keen keenay oo bir bir loo soo iibsaday ayaa ugu wanaagsan xagga qiimaha iyo tayadaba .

Maxay jeebkaada uga baxeeysaa adigoo eegaya magaca computerka hadiiba xagga tayada ay iskaga mid yihiin sida badan markii la isku keen keeno!!!!?  

(2)   Nuuca maskaxda “processor”  C:

Nuucyada computerada sida caadiga ah waxay raacaan nuuca Maskaxda Ee ku jirta tusaalo ahaan kan ugu wanaagsan waa:

 8088

 286

 386

 486

Pentium 

Pentium II

Pentium III

Pentium 4

Waxaa jira  maskaxyo kale “CELERON” oo wax yar u dhiganta Pentium xagga dhaqsashada wayna ka badalantahay pentium ka Sababtoo ah memory “CACHE” wax yar baa ku jira , waxaa kaloo jira maskax la yiraah Duron ee “AMD” oo udhiganta Masxada Athlon oo isku shirkad ah .

Waxaa kaloo jirta maskaxyo kale oo nuuceedu yahay Centrinoee computerada gacanta oo ay tayadoodu sarayso waxa ay cunayaa ama ay qaadanayaan Koronto yar .

Waxaa la dhihi karaa “Pentium 4” kan ugu fiican ee hadda la isticmaalo ee computerada caadiga ah laakiin kuwa gacanta lagu qaato kuma jiraan waxaana soo saara shirkada “INTEL” EE American ka ah , waxaa ku soo xigta amaba la tar tanta shirkada la yiraah “AMD” ee iyana maraykanka ah , kadib waxaa ku sii Xiga Maskaxda MMX.

Computer kaada cusub ha u ogolaan wax aan ahayn pentium 4 , computerada gacanta lagu qaatana kan ugu fiican waa Centrino.

Hadii aad iibsaneeyso computer la soo is ticmaalay ha iibsan wax aan ka ahayn “Pentuim III” .

Waan ka xumahay suuqyada waa laga helaa iyagoo bug ama faalso ah (markaan dhameeyo qoraalkaan waxaan si gaar ah uga hadali doonaa arintaan).

Waxaa kaloo jira Memory oo maskaxda ku dhaxdhisan uu yahay nuuceeda “CACHE” taas oo faa iidooyin badan leh xagga dagdagga shaqada hadii ay ku jirto memorey loo yaqaan “CACHE 512K” ugu yaraan Maskaxyada oo dhan.

Maskaxyada cusub ee “Pentium 4” waxaa laga helaa laba laab memorey da aan soo sheegay oo ah 1MB waxaa lagu magacaabaa maskaxdaas prescott.  

(3)  Nuuca daqasdida ama dagdaga (Howl fududeen) maskaxda (Speed)

Mar kasta oo ay kor u kacdo dagdagta computerka kan ugu sareeya ayuu ahaanayaa.

Surcada ama degdegga waxaa lagu qiyaasaa ama lagu cabiraa waxa loo yaqanaan “MHz” waxay ka dhigantahay 1,000,000 hal milyan oo wareeg ilbriqsigiiba.

Tusaalo ahaan speed yada : 800MHz, 2.4 GHz ( 1GHz=1000MHz), 3GHz waxaa suura gal ah 2400 MHz iyo wax ka sareeya wuu qaadan karaa computerka cusub .

Anoo soo gabagabeeynaya dagdagta waxaan  kuu sheegayaa in ay muhiim tahahay surcada maskaxda iyo shirkada soo saartay .. ha iibsan surcadii ugu dambeeysay sababtoo ah aad bay qaali utahay.

 (4) Motherboard Nuuceeda

Hubi nuuca motherboard damaanadna ka qoro meesha aad ka gadatay , waxaa kaloo lagaa rabaa in aad iska hubiso shirkadda  soo saartay magaceeda waxaad ogataa motherboard in ay tahay meesha ugu muhiimsan computerka .

Fiira gaar ah u yeelo waxyaabahaan soo socda :

Motherboard Surcadeeda ay wax ku kala gudbiso .

Xajmigeeda iyo dhaqsashada memorey da RAM ka iyo Cache ka in uu ku dhexyaalo ama ku dhex dhsanyahay motherboard ka ama Prcessorka iyo nuuca “CHIPSET” ka sidoo kale “BIOS” ka iyo waqtiga la sameeyey. 

(5) Balaca Memorey da kumeel gaarka ah “RAM SIZE”

Nuucaan ee ka mid ah memorey yada waxay u howl gashaa in ay kaydiso si kumeel gaar ah program yada markaas la isticmaalaya inta uu computer ka shidanyahay sidaas oo kale markasta oo uu baxaadeeda sii waynaato waxaa sii badanay dhaqsida ayan wax ku qabanayso si wanaagsanna way u shaqaynayaan program yada .

waxaa lagu cabiraa baaxadeeda MB qiyaasaha la yiraah oo loola jeedo 1000.000 Xaraf , computer kaada cusub ha u ogolaan waxa ka yar 256 MB  ee Ram waxaa kaloo jira memory Cache  oo leh faa’iidooyin shaabaha taas marka laga helo Cache 512k ugu yaraan dhamaan computerada cusub  

(6) Hard Disk

Hard disk waxaa si toos ah loogu kaydiyaa file lasha  programyada sidaas bay ku shaqaynayaan badankood sida badan, sidaa darteed waxaa fiican in hard disk qaad wayn aad doorato ayaa fiican markasta uu waynaado qaadkiisa way kuu fiicantahay . Computerkada cusub wax ka yar 40 GB ha u ogolaan GB (JIgabayt) waxay ka dhigantahay 1000,000,000 xaraf , waxaa kaloo laga ma maar maan ah in aad fiira gaar ah u yeelato hard disk qaadkiisa iyo inta ay la egtahay memorey cache ka ku dhexjira iyo waqtiga uu gaarayo (Time Access)  

(7) Nuucyada Shaashadaha (monitors) iyo card ka shaashada (monitor)

Waxaa jira nuucyo badan oo shaashado ah waxaa ugu fiican "SVGA" waxaa jira nuucya ay ka mid yihiin SVGA sida lagu soo bandhigay tusaalo ahaan R 1024x678 ee waafaqsan R 1280x1024  tan labaad   ayaa ka fiican mida hore sida caadiga ah ama hadii loo fiiriyo madabka waxayna ku xirantahay card ka shaashada (monitor) kaas ay howlaha badan nadaamiya iyo daganashaha computerka kana dhowra dhibaatada ay ka mid tahay processor ka iyo motherboard , waxaa jira card kale oo soo saareeysa 16bit oo u dhigma 32bit , ama 256 clor , waxaa fiican in aad siido shaashada ama aad ka dhigto ugu yaraan 16bit waxayna ahaaneeysaa 800x600 pixels ama shaashadaada inta ay la egtahay waxaa jira shaashado 15 , 17 ama ilaa  20 laakiin waxay ay ku xirantahay nuuca shaashada sida MAG ama Acer . Dabcan mar kale ha iloobin waxaa jira shaashado aad u sareeya waxaa lagu magacaabaa TFT ma LCD waa kuwa loo xulay si gaar ah xagga balaca waxay ku siin karaan firaaqo aad wax ku aqrin karto laakiin qiimaheedu waa qaali waana laba laab qiimaheeda marka loo eego tan caadiga ah .

Marka laga hadlayo card ka waxaa lagaa rabaa in aad fiira gaar ah u yeelato nuuca card ka shaashada (Monitor) iyo inta ay la egtahay  iyo nuuca memorey da ku dhex jirta 64MB computer ka cusub way ku fiicantahay.  

(8) Cajalada falobiga halka la galiyo  "FLOPPY DRIVE"

Iska hubi computer kaada in uu yahay Floppy drive kiisa 1.44 MB waa kan qaadanaya cajalad yar 3.5

(9) Furaha xarfaha Keyboard

Iska hubi Keyboard ka in uu yahay mid tayo le waxaa ku dul qoran xarfo wadanka aad rabto ayaad u dooran kartaa sida badan waa English ama waxa ay ku xirantahay wadanka aad joogto oo waxaa jira xarfo aan la wada isticmaalin Tusaalo ahaan waxaa jira Mid ah E/A/I oo ka dhigan English , Arabic , Italian .

Ha iloobin Mouse ka hadda waxaa la helaa mid isticmaal fudud marka la eego internet ka waa mouse ka loo yaqaan "OPTICAL" ee iftiinka ku shaqeeya waana kan ugu fiican marka desktop ka uu ku dul soconayo sababtoo ah asiga malahan kuusha hoos uga jirta ee mar walba soo qaadata boorka iyo qashinka , maalmahaan dambe qiimihiisa waa uu soo jabay waxaaba la dhihi karaa midka caadiga ah ayuu la mid yahay .

  (10) CD-ROM drive

Iska hubi in uu yahay CD-ROM ka surcadiisa sida 52x  computerada cusub way qaadan karaan 52x taasina waxay keeneeysaan in uu howshii CD ga si dagdag ah ku dhamaato , ha moogaan waxaa jira mid wax lagu qori karo waxana lagu sii dul qori karo CD-RW , waxaa kaloo la helaa DVD xitaa waxay aqrinkartaa CD ga caadiga ah .

Waxaa kaloo lagaa rabaa in aad iska hubuso shirkada soo saartay.

  (11) Kaarka codka iyo samaacadaha “SOUND CARD”

Karka codka waa mid ku jira computer ka dhexdiisa waa qayb lagu kordhiyo computerka shaqadeedana waxaa waaye in ay ka dhigto computerka mid aqbali kara codka iaydoo u sii marnaysa markii lagu xiro microfon codkana waxaa looga soo saaraa adigoo adeegsanaya sameecado , computerada cusub iska hubi in uu leeyahay 5.1 ama in ka badan , samaacadanahana  ha ahaadeen qiyaas ahaan 400 WAT ama kaba badan oo la socota computer ka cusub .

  (12) Qalabka Fax/modem “Fax/Modem”

Hubi computer kaada cusub in uu wato karka fax/modem oo uu nuuciisu yahay Modem 56k waxaa kaloo sii hubisaa in uu yahay V.90 kaas waa qiyaasta kuu suura galinaysa in aad hesho nuuca banaanka qiyaastiisa , waxaa kuugu suurta galeeysaa in aad adeegsato Fax/modem in aad dirto Fax ama uu kuu soo dhaco fax computer kaada dhexdiisa waxa uu kuu suurta galinayaa in aad kula xiriirto internetka.

  (13)Dabaacadda “PRINTER”

Guud ahaan waxaa jira 3 nuuc:

B- Mid dhibca dhibca u qorta “DOT MATRIX

T- Mid qad wax ku qorta “INKJET

J- Mid iftiin wax ku qorta “LASER

waxaad heli kartaa dabaacad kalor ah nuuca qada wax  ku qora qiima macquul ah waa tan ugu fiican marka loo isticmaalayo guryaha ama xafiis yar .

Tan iftiinka waxa ku qortana waa midda ugu fiican marka aad u isticmaaleeyso xafiisyada iyo xarumaha ama xitaa dadka raba in ay wax daabacaan mar walba iyadoo tayo leh , lakiin dabaacdadda iftiinka wax ku qorta sideedaba aad bay uga qaalisantahay tan qadda wax ku qorta in ku dhaw 50% , laguma helo  kolor keeda qiimo macquulo ah .

Dabaacadda wax ku qorta dhibca dhibcada way ka raqiisantahay midda wax ku qorta qadda sida badan waa la helaa waxaana isticmaala xafiisyada  si ay ugu daabacaan tusmo sida Bonooyinka iyo waxa la midka ah .

waxaa la helaa waxyaaba lagu saa’idiyo sida iftiinka wax lagu tirtiro.

  (14) Iskaaner “SCANER”

Iskanerka waxaa loo adeegsadaa in lagu galiyo sawiro iyo qoraal computerka.

 Sidoo kale caamirada nomber ka ah waana laba nuuc mid waa nuuc computerka ku eg oo sawirka muu jineeysa oo kaliya , laakiin tan kale waa camirda caadiga ah waana la isku sawiri karaa mel kasto adigoo ku xiraya computerka si aad iskugu sawirto isla markaana aad sawirka uga soo saarato dhib la’aan hadii aad doonto waad ka daabici kartaa adigoo isticmaalaya Stampa clor ah , qaarkood waxaa qasab ah in aad computer kaada ku kordhiso Card telvision ka si computerka uu u aqbalo camiradaas , waxaa kuu suura gal ah in aad soo iibsato card ka Vedio ga si aad filman aad kamirada Camcorder  si aad ugala soo baxdo ee gaarka kuu ah waxaana kuu suura gal ah ina aad sifeeyso adigoo isticmaalaya programka lagu habeeyo vedio yada ******************************

 FG.

Wax yaabahaan aan ka soo hadlay si kooban ee ku saabsan computer ka  waxaa loo baahanyahay in lagu baraarugo markaad soo iibasaneeyso qalab computer ee cusub in aad iska hubiso buuga rasmiga ah ee ka hadlaya tusaalayaasha computerka cusub iyo adigoo iska hubiya xiliga ama mudada ay ku egtahay damanadda .

  Waxaa kaloo lagaa doonayaa In aad ka qaadato buugga ka hadlaya  ama qeexaya iyo program yada muhiim ka ah sida la iskugu rakibo card ka shaashada iyo kan codka iyo hard disk ga iyo motherboard ta .

  Waxaa kaloo lagaa rabaa : shirkada mudda ay damaanad qaadka siiday computer kaan marka laga eego qalabka laga badalo iyo caymis kiisa .

  Ha moogaan in aad wax ka waydiiso programyada la yimaada computerka iyo nuucyadiisa xasuusnaaw  lama helayo damaanad programayada .

  Waxaa jirata arin kale taa soo ah in aan loo helayn damaanad Kebword ka iyo mouse ka iyo sameecadaha .

  Waxaan idiin sheegayaa aniga ma xayeesiiyo shirkad ama dukaan toona qoraal kaan waxaan ugu talo galay in alla intii xiiseeynaaysa in ay soo iibsato computer in aan ka caawiyo intii karaankeey ah waxaan jecelahay in ay dadkeeyga is caawiyaan oo  aan kala faa’iideeysanno  intii karaankkisa  ah qof walba markaan shirkad gaar ah sheegayo oo aan leeyahay taas ayaa ugu fiican ula ma jeedo in aan xayeesiinayo shirkadaas ee waxaan ula jeedaa in ay tahay tan ugu fiican xagga tayada .  

Qormadaan qormada ku xigta waxaan uga hadli doonaa wax yaabahaan soo socda  , waxaan umaleeynayaa in aad ku qanci doonataa hadii alla idmo sababtoo ah anaga markaan nahay somali waxaa jira waxyaaba badan oo aanan ku baraarugsaneen gaar ahaan shirkadaha xawilaadda iyo bangiyada somalia ka furan marka sidaa daraadeed ayaan waxaan jeclaysatay in aan ka hadlo waxyaabahaan soo socda..!

1-Maxay tahay waxa la yiraah Hacking iyo jaajuus cumputer

2- Maxuusa yahay hacker ku?

3-Maxaysa tahay waxayaabaha aad ku caawido in compter kaada la soo dhax galo amar la’aan?

4-Sidee beey suura gal ku tahay in computer kaada uu tuug soo galo?

5-Siduu ku awoodaa in uu hackerka soo galo computer kaada laftiisa?

6-Waa maxay IP address tu ?

7-Sidee buu ku so galayaa computer kaada file ka la yiraah patch ama Trojan ama xitaa virus ?

8-Sidee u dooran karaa hackerka computerka uu rabo in uu wax ka xado.

9-Maxay tahay program yada ugu caansan ee hackerka uu isticmaalo?

10-Sidee ku ogaan kartaa computer kaada hii uu hacker soo dhex galay?

11-Waa maxaay tilaabooyinka lagaa doonayo in aad qaado  si aad kumputer kaada uu noqdo mid ka dhowrsan hacker ka ?

12-Waa Maxay  waxayaabaha uu hacker raadinayo ama uu rabo in uu ka helo computer kaada dhexdiisa ?

13-Maxay tahay sida ugu caansan ee lagu ogaado filasha jaajuusyada?

14-Dhacdooyin Hackerka uu sameeyey?

Abshir Dheere | Brescia Italia
Email: abshirdheere@hotmail.com
LINK: http://www.somalitalk.com/abshir/

Akhri Qaybta 2aad.... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD