SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shariif yahow Xil qaadaye Sheekadaadu Say noqon?

Assalaamu Calaykum.

Marka kowaad waxaan u hanbalyeynayaa Madaxwaynah Somaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Xafadahullaahu waracaahu.

Mudane Madaxwayne Maanta waxaad Qaadey Mus'uuliyad wayn waxaad noqotey Madaxwayne Somaliyeed waxaa lagaa rabaaa Inaad Dalkaaga Diintaada iyo Dadkaagaba aad ugu shaqayso Cadaalad iyo Sinnaan.

Mudane Madaxweyne noqo kii u horseeda dadkiisa hurumar, noqo mid ka shaqeeya nabadda culimada ka soo horjeeda siyaasadaada la tasho halkaasna ha inoogu dhamaato dhiig danbe oo qubta.

waxaan ugu baaqayaa Shacabka Somaliyeed meel kastay joogaan inay la shaqeeyaan madaxwaynaha cusub ee la doortey, waxaan leeyahay waa markii ugu horeysey ee uu xilka ka qabto Madaxwayne Islaamka wax ka yaqaan, waa markii ugu horaysey ee uu xil qabto Nin Diin Leh intey rabto ha u gaadhsiisnaatee waa Fursad aynu maanta helney fursadaas kala shaqeeya madaxwaynaha qof walowbana Meesha aad joogto ugu ducee madaxwaynaha in ilaah xilka u fududeeyo,

Waxaan ilaahay ka rajaynayaa inuu ka yeelo Madax-waynaha Cusub iyo dawladiisaba Dad tayo leh oo aan ku dhisnayn caadifad qabiil, ilaahay waxaan ka rajaynayaa inay noqoto dawladii aynu waligeen raadinayney, waxaan ilaahay ka rajaynayaa in ay noqoto dawladani dawladii loo xiisa qabey ee cadaaladda,

Waxaan madaxwaynaha leeyahay Erayadan hoos ku qoran:-

Shariif yahow Xil qaadaye
Sheekadaadu Say noqon?

Shareecada Islaamkana
Ma is sheegan doontaan?

Diinteena Sharafta leh
Sharcigeena Gaar-ka ah
Ma la soo shirtagaysaa?

Shacabkii Dalkaagana
Ma la shawri doontaa?

Shartii may dhamaatoo
Shaydaan ma haajirey?

Shabaabkii Dalkeenee
Shisheeyaha ka dhiidhiyey
Ma is shiishi doontaan?

Shacbkeenii Daalyoo
Darxumuu la baaba'ay
waxa uu daneeyaa
Nin u diirnaxaayee
Ma is diirsan doontaan?
Mise waad ku sii digan?

Mustafa Akhyaar
<NotifyBaafin@eim.ae>

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS