SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xulashada 4.5:  Xaq, Xal, Mise Xujo?

Maxamed C. Cibaar

Mohamed_ebar@hotmail.com

Xaq ma aha 4.5

Muddooyinkaan dambe, khilaafka iyo isfaham la’aanta ay Soomaalidu la ildarantahay si aad ah ayaa looga deyriyaa. Haseyeeshee  waxaa weli jira arrimo ay si buuxda dadku isugu waafaqsanyihiin waxaana ka mid ah; in xeerka wax ku qaybsiga qabyaaladeysan ee 4.5 uusan aheyn mid xaq ah. Xitaa, kuwa ku xiiqsan ee xoolaha iyo xilka ku raadiyaa ma xalaaleynayaan, mana dafirsana in uu arrinku xaqdarro yahay. Waxayse markey doodayaan, dulmigooda ugu qiilbixiyaan in uusan xaq aheyn, balse uu yahay xaajo laga fursan waayay oo xal lagu gaarayo.

Haddaba, haddii la isku wada raacsanyahay in xeerkani uusan xaq aheyn, su’aashu waxay noqoneysaa: Xal ma lagu gaari karaa xaaraan aan la barxin, xisaab khaldan, xoog isku sheegasho iyo xaquuq la is duudsiiyo?

Xal ma aha 4.5

Walow ilaa burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay masraxa siyaasadda  jilayeen ururro beeleedyo qabyaalad ku saleysan, haddana markii ugu horreysay ee si toos ah loo hirgeliyay saamiga 4.5, waxay aheyd shirkii Carta ee sanadkii 2000 lagu qabtay waddanka Jabuuti.

Sida la sheegay, waxay shirkaas ujeeddadiisu aheyd in lagu soo dhiso dowlad ku meel gaar ah oo badbaadisa qarannimadii Soomaaliyeed. Laakiin nasiibdarro, walow ay walaalaheenna Jabuuti aad u dadaaleen, wanaag badanna sameeyeen, haddana nidaamkii aasaaska looga dhigay qabyaaladdu wax aan dhibaato aheyn uma soo kordhin shacbigii u han weynaa. Waqtigii loo cayimay wuxuu ku dhameysatay isqabqabsi iyo isbarbaryaac. Anaa iri iyo annagaa mudan. Horumar ummad loo horseedaa waa halkeedee, heshiisiinta hoggaankii la soo caleemo saaray ayaaba howl culus noqotay ilaa ay markii dambe har cad kala dareereen.

Mar kale, haddana 2002dii ayaa shir jiitamayay muddo labo sano ah lagu qabtay Eldoret iyo Mbeghati, waddanka Kiinya. Shirkaas waxaa la isugu keenay kooxo ka soo habqamay maamulkii is burburiyay ee Carta iyo kooxihii ka soo horjeeday oo ay hormuud u ahaayeen xulufadii ku midowday ururkii ay Itoobiya aasaastay ee SRRC.

Shirka Kiinya oo ilaa abaabulkiisii ugu horreeyayba ay  in badan oo indheergaradka  Soomaaliyeed ahi shaki ka muujiyeen, kuna tilmaameen shirqool qaran, waxaa ka dhalatay dowlad lagu sheegay - sidii tii ka horreysay - mid  ku meel gaar ah, awooddeedana lagu qaybsaday afar dhibic shan. Dowladda la sheegay afnac ay ummadda u soo kordhiso daaye, aafadey dhigtay iyo amakaaggey la timid waa la wada ogaa ! 

Xujo

Siddeed sano oo jihowareer iyo jab ah ka dib, mar kale ayaa haddana sanadkii la soo dhaafay ee 2008da Jabuuti laysaga  gacan haatiyay. Waxaa dhowr jeer la kulansiiyay  dowladdii ku meelgaarka aheyd ee Mbeghati lagu soo dhisay oo kala raaracda  iyo ururkii ka soo horjeeday ee dib u xoreynta oo isna laba garab u kala jabay. Is jiidjiid badan ka dib, waxay kooxaha laysku jujuubay ku heshiiyeen in ay wada dhisaan dowlad midnimo qaran. Waxaana hoosta laga xarriiqay in mar saddexaad  awoodda lagu qaybsado oo lagu saleeyo saamigii la eeday ee afar dhibic shan.

Haddaad si dhab ah ugu fiirsato shirka hadda Jabuuti ka socda iyo labadii shir ee ka horreeyay, waxaa kuu soo baxaya  in ay isaga mid ahaayeen arrimo badan oo la yaab leh. Aanse ka soo qaadanno kuwa ay hadalhayntoodu ugu badantahay oo ah : in la dhiso dowlad badbaadisa qarannimada Soomaaliyeed iyo in dhismahaas ay aasaas u noqoto qabyaaladdu (4.5).

Dhibaatada ay leedahay qabyaaladda oo wax lagu qiimeeyo diintu wax badan ayay ka digtay. Sidoo kale suugaanteennu wax badan ayay ka tilmaantay, waxaana qofkii miyir qab ah oo aan damacu marinhabaabin waano ugu filan dardaarankii Abwaankii C/laahi Suldaan “Timacadde” ee ahaa: Dusgsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Sida ay murtidaan miidda ahi tilmaameyso, marnaba rajo lagama qabo in qabyaaldi ay wax dhisto, balse taas liddigeeda waa aalad aad u halis ah oo si fudud wax loogu dumiyo. Tijaabooyinkii aan soo marnay siddeedii sanadood ee u dambeeyay waxaan ka barannay in afar dhibic shan iyo wixii la halmaalaa aysan xaq aheyn, xalna aysan noqon karin, balse ay yihiin xujo meel yuurarta iyo xarfad jiritaankeenna ummadnimo lagu burburinayo. Waxaanan soo barannay in ay tahay xeelad cadow, xoolo sheydaan, iyo luggooyo inta aan xishoonnin iyo afmiishaarradu ay ku xoogsadaan.

Xisaabtan

Soo aragnay oo isla garannay in afar dhibic shan ay tahay aafo dhib iyo shar. Ogaannay in awr ku kacsi iyo ujeeddo gaar ah ma ahee aysan arrintaani ummad waxba tarin, tarina doonin, wax u dhimid ma ahee. Waxaa haddaba habboon in shaqsiyaadka iyo kooxaha u xusulduubaya ee weli ku xiiqsan xisaabta 4.5, ay allahooda ka baqaan ummaddoodana u naxaan. Waxaa muhiim ah in leys weydiiyo, yaa allifay ibtiladaan, ujeeddadeese laga lahaa? Yaa u ololeynaya  ilaa maanta, yeyna anfac u leedahay?

Quursiga iyo qabyaaladdu waa labada qodob ee loo badinayo iney qaranjabkeenna qayb libaax ka qaateen. Qorshaha 4.5-na waa labadii oo la isku qooshay, qurunna lagu suugeeyay, qiil in loo raadiyana ma mudna. Imaan la’aantu ma fiicna , Aakhirana xisaab ayaa dambeysa ee ha la iska jiro in Aayadaha Quraanka iyo Axaadiista ujeeddooyin gaar ah oo aan habbooneyn loo adeegsado. Waxii aan uurka jirin afka ha laga dhowro, hana lagu xisaabtamo in Allaha na abuuray uu wax walba ogsoonyahay.

Waxaan filayaa in lagu waanoqaatay waayihii qaraaraa ee la soo maray, wax badanna lagu baraarugay. Waxay ila tahay in la gaaray waqtigii xisaabtanka ee ay ummaddu kala garan laheyd waxa u daran iyo waxa u dan ah, waxaanan rajeynayaa in la gaaray waqtigii la isku tashan lahaa, lagana tashan lahaa shisheeye inta badan sharwadayaal ah. Sidoo kale, waxaan filayaa in la garowsaday in qof walba tayadiisa iyo waxtarkiisa lagu tixgeliyo,laguna taageero oo uu tartanku noqdo maxaad taqaan iyo maxaad tari kartaa? 

Ugu dambeyntii, waxaan qabaa haddaan isku hiillinno hiilo dhab ah in aan dhabbaha badbaadad dhaqso ugu dhaqaaqi doonno. Hiilladaasi siduu Nabigeennu (scw) na faray waa in aan u gargaarno oon garab istaagno walaalka laga gardaranyahay, sidoo kalena aan gacanta qabanno midkeenna gardaran. Markaan is taageerno ayuu Rabbi (swt) na taageerayaa, markaan isku naxariisanno ayuu Raxmaanku raxmaddiisa waasica ah noo furayaa. Markaan isbadbaadinnana isha-Allaahu Ilaah inta daran wuu naga badbaadinayaa.

Dulmiga ha loo joojiyo degdeg, danta guudna ha loo wada gurmado.

Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS