SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mudane C/qaadir Xaaji Masalle '' Xog warran iyo Talo soo jeedin Soomaaliya iyo Maanta ''

Bismillahi Raxmani Raxiim.

SOOMAALIYA IYO MAANTA

As-salamu Caleykum waraxmatullahi.


Cabdulqaadir Xaaji Masale

Ugu horreyntii waxaan salaan kal iyo laab ah u so gudbinayaa ummadda Soomlaaliyeeed meel kasta ay joogaan gudaha dalka iyo qurbahaba anagoo isu rajeyneyna xilliyada soo socda in Ilaahay nooga dhigo kuwa aan ka reysanno dhibaatadii na soo martay, dadkeenuna ay noqdaan kuwa layimaada dadaalkeeda. 

Tacsi:

Waxaan isga tacsiyeyneynaa dhamaanteen dadkii nooga geeriyooday dagaaladii is daba jooga ahaa khaastan kii ciidamada Tigreega uu Zanaawi ku naafeeyey dadkeena iyo dalkeenaba. 

Annagoo si gaar ah uga tacsiyeyneyna qoysaskii dhimashada iyo dhaawaca iyo hoy burburinta iyo barakaca uu soo gaaray anagoo u rajeyneyna kuwii geeriyooday Ilaahay raxmaddiisa inuu siiyo kuwa dhaawacmayna Ilaahay shaafiyo. Annaga iyo qoysaskii ay geeriyoodeen inuu Ilaahay samir naga wada siiyo. 

Duulaankii waalnaa ee Zanaawi:

Soomaaliya iyo Itoobiya, laba dal iyo dadba Ilaaha baa deegaankaas ku abuuray, midkoodna midka kale kama tirtiri karo meesha Ilaahay dhigay. Sidaas waa inay labada dad u ogaadaan uguna dhaqmaan. Sida qawaaniinta dawliga ah iyo deris wanaagu ay doonayaan ugana faaiideysaataan dhan kasta oo noloshooda taabaneysa (dhaaqale, bulsho iyo nabad gelyo).

Hasehatee, Zanaawi arrintaas labada dadba wuu ka marin habaabiyey, asagoo dadka Somaaliyeed colaad iyo uurkutaalo ku beeray dadka Itoobiyana eed iyo colaad u soo hooyay. Waxaan rajeyneyaa in ciidamadiisa uu kala baxay dalka aysan noqon sidii laba sano ka hor uu dhawaaqay mar idaacadahu weydiiyeen goorta ciidamadiisa uu kala baxaayo kuna jawaabay toddobaadyo ka dib.

Waxaan ka digeynaa tii oo kale inayna noqon garashada iyo caqliga xun kuna beddelo si labada dad iyo dalba dan iyo maslaxad u ah. Waxaan fileynaa inay dhamaatay dowlad ma ay lahee ku bardoodi mireheedii inuu gurtay. 

Dardaaran iyo talo soo jeedin ku jeedda dadka Soomaaliyeed.

Somalidu waxay leedahay maahmaah dhaxal gal ah oraneysa “Ayax tag eelna reeb”. Soomaaliyey waxaad ogaataan ujeedadii Zanawi ku soo duulay inyan sahlaneyn, fikrad maalmo iyo bilo la qorsheeyey ayna ahayn, waa siyaasad qota dheer himilana cuskan. Waxaan qabaa, intii Itoobiya iyo Eritereya laba dowladood kala noqdeen, Itoobiyana noqtay marin badeed la’aan waxay u su soo jeheysatay dhanka Soomaaliya. Halkaas waxaa idinka muuqan kara himiladeedu inayan weli caga dhigan!. 

Hadba shirqoolkaas waxaa looga bixi karaa wadajir iyo isku duubnaan iyo anagoo ka baxna isku dhex mashquulka la isku keen diray si aan uga il duufno qorshaha dhexdiina uu ka wado Zanawi iyo kuwa ku garab siiya qorshahaas.  

Hambalyo:

Waxaan u hambalyeynayaa sidii wax garad badan ee Soomaaliyeed uga hambalyeyeen muqaawamadii dadkeenu ayna u kala harin ay ku kiciyeen cadawgii dalkeena iyo dadkeena ku soo duulay. Sidaasoo kale waxaan u habalyeyneynaa dadkii banaanbaxyada ku maamuusay iyo ereyadii qiimaha iyo qiirada lahaa ay ka jeediyeen munaasabadaas. 

Waxaanse ka digayaa, guushaas inaan la xabaalin oo uusan dagaal dambe dhicin. Taas oo damac siineysa Zanaawi, qof kasta iyo ururkasta oo ku kaca dagaal iyo ficil kasta oo kala geeya dadka Soomaaliyeed wuxuu u hiiliyey qorshii Zanaawi.

Hambalyo ku jeeda golaha Barlamaanka:

Waxaan idinku hambalyeyneynaa garashad aad isla garateen inaad Jabuuti ka dhigateen shirkiinii. Isla markaasna waxaan mahad uga celineynaa dawlada, dadka reer Jabuuti iyo madaxwenaheedaba gogosha ay noo fidiyeen sidii caadada u ahaan jirtay. 

Waxaa mudan in la xuso, leexintii aad ka leexiseen shirkii lagu qaban lahaa Baydhabo, waxay ka hortagtay ujeedadii Zanaawi oo ahayd inuu awooda uu degaankaas ku heysto inuu ku caburiyo shirka sababtoo ah ciidamadiisa oo saaran duleedka Bay, Bakool iyo Gedo.  
 

Codsi iyo dardaaran ku jeeda golaha Barlamaanka:

Barlamaanka sharafta leh waxay ummadda Soomaaliyeed ka dhursugeysaa xaq ugu leedahay in madaxbnaanidooda loo ilaaliyo. Waxaa meel ka dhac ku ah arrintooda beeleed iyo madaxdooda siyaasadeed inuu dhaxdhaxaadiyo Zanaawi fidnana ku abuuro. 

Waxaan ka dardaarmeynaa in meelaha halbowlaha dawladda u ah inaan loo dooranin shakhsiyaad Zanaawi ku xiran oo talo iyo tilmaanna nooga raadsada. Sida madaxweynaha, gudoomiyaha barlamaanka, wasiirka koowaad, wasiiradda arrimaha dibadda, difaaca iyo dhaqaalah kuwaasoo ah saldhigga federaalka. 

Sidaan horey uga sheegay shir Mareykanka lagu qabtay sannadkii 2006, in Zanaawi uu ka dambeeyey dumista laba dowladood oo lagu soo dhisay Jabuuti , midna madaxweyne uu ka ahaa Cali Mahdi tan kale uu ka ahaa Cabdqasim Salaad.  

Isla markaas na waxaan sheegay in midda Kenya lagu soo dhisay uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yusuf waxa uu kula kacay  taasoo ah fagelin ku ah madax banaanida dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo weliba sheeganaayey  inuu daafacayo jiritaankeeda.   

Ujeedaasu ma reebayso xiriir laba dal ee deriska ah ka dhex dhaca, waxaana sugeysa fikrigii horay aan u tilmaanay oo ku saleysnaa deris wanaag, nabad wadaag, dhaqaale wadaag iyo bulsho wadaag taas oo aan isleenahay si xikmad leh oo niyad sami ah haddii loogu adeego in wax weyn ay labada dad iyo dalba ay u tari karto. 

Ka hadalka aan ka hadlaayo arrimahan khuseeya siyaasadda dalkeena inaan soo galay xerada siyaasadda. Waxaan caddeynaayaa marna inaanan ka bixin ilaa ay dhacday dawladii hore oo aan ka mid ahaa. Hase ahaatee, dadka qaarkiis waxaan u kala caddeyn siyaasad ku jirid iyo maamul siyaasadeed (Xukuumad). Ku jiridda siyaasadda waa xaq ummadda Soomaaliyeed igu leedahay deynna igu ah. Balse, waxaan caddeynayaa innanan diyaar u ahayn maamulkeeda (ka qeyb gal dhismaha dowladda).  

Wa billahi Tawfiiq. 

Qore: Muwaadin Cabdulqaadir Xaaji Masale

London
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS