SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Asalaamu Caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Ku: Ergeyga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdallah

Ku: IGAD, AU, EU, Arab League

OG: Guddoonka ARS

Ujeeddo: Cadayn Mowqifka Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) ee Xubnaha Cusub ee lagu Soo Kordhiyay Baarlamaanka

Bootaan barre
Bootaan Barre Samatar, Afhayeenka Beesha Cabdi koombe (Jambeel)

Anagoo ah Beesha Cabdi koombe (Jambeel) waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaan si cadaalad ah loo maarayn (loona qaybin) xubnihii lagu kordhiyey Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaanu tuhunsanahay in arintaa qaybinta xubnaha aan laga tala gelin dad mudnaa in laga tala geliyo.

Arrintu sida hadda ay ku socoto, qaabka loo qaybiyey xubnaha cusub ee baarlamaanku waxay u muuqdaan sidii dhacday shirkii Soomaalida ee Eldoret/Impagathi (Kenya), xilligaas oo aan ka soo saarnay bayaan caddaynayey sida aan caddaallada ku dhisnay ee loo qaybiyey xubnaha baarlamaanka Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxaanu la socod siinaynaa meelaha warqadani ay sida tooska iyo ogeysiintaba ugu socoto inay nala fahmaan, baaraana oo hubiyaan, arrimaha kusaabsan wax qaybsiga xubnaha lagu kordhiyey baarlamaanka.

Ummadda Soomaaliyeed waxay sugeysey dawlad caddaalad ah oo loo dhan yahay.

Qoraalkan waxaa lagala xiriiraya, kuna saxiixan

Afhayeenka Cabdi koombe (Jambeel).
Bootaan Barre Samantar
Email: botanbare@hotmail.com

Tixraac:

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS