SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War Saxafadeed: Khayaano Qaran by Shirka Jabuuti

Gaani

Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani

Email; sgaani@gmail.com

Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu dadweynaha Soomaliyeed meel iyo waa aad joogaanba.

Walaalayaal waxaa sharaf u ah Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) in aan idiin soo gudbino amaba idinla socodsiino in Kooxdii Imbagheti iyo garabka lagu magacaabo Mucaaradka Djibouti

in ay ku kaceen talaabo khiyaano qaran, la yaabna ma lahan oo ayada oo dhan ayaa ah sun ay dowlado shisheeye soo qoosheen si ay uga taqlusaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin talo ALLE subxana watacalaa ayaa inooga filan hadaan ALLE subxana watacala aan u toobadkeeno,isla markaasna aan ALLE subaxana watacala talo saarano anagoo ku mideysan kuligeen Jiritaanka Jamhuuriyada Soomaliya.

Waxaa la yaab leh, in uu qof Soomaaliyeed ka sugo nabadgelyo, midnimo iyo horumar, hanaan dowladeed ay garwadeen ka yihiin Dowlado shisheeye iyo hayado caalami ah oo sida la wada ogsoonyahay na kala qeyb qeybinayey,ayagoo ka faa'iideysnaya garaadlawayaal midabka Soomali ka ah oo waxa wada ay tahay hunguri shaqsiyadeed,asagoo ku owr kacsanaya Qabyaalad iyo wax ka fool xun ALLE subxana watacala ka raali aheyn. Alle subxana watacala ayaan ka magangalay ee.

Hadaba, walaalayaal qofkii si hoose u daalacda ujeedooyinkii laga leeyahay iyo habsami u socodka shirka Djibouti ee dhowrka bilood ka socday Gobolka Jabuuti, wuxuu dareemaya in qaban-qaabiyaasha shirka, horaantiiba aysanba qorshaha ugu jirin dib u heshiisiin buuxda iyo dowlad tayo leh ee u dhalata Soomaaliya. Arrintaan waxaa ka run sheegay waa marka hore ee in Hayada Qaramada Midoobey ay qandaraas kula gashay Gudoomiyaha Gobolka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele in loogu gogol xaaro Jabuuti,lacag xoog lehna lagu cuno arinta loogu magac daray dib u dhiska dowladwadaag Dowlada (kmg) iyo Mucaaradka garabka Jabuuti taas oo ah mid riyo ah laguna tuntay Axdi beenaadkii lagu soo dhisay Kenya oo aynu kawada dharagsanahay kharashka ku baxay iyo in waliba Kenya Soomali oo dhan ay u noqotay Makka marka loo socdo Soomaliya amaba ayba tahay dhamaan kuwa dabka ka wada Soomaliya meesha ay ku nastaan una soo qaxiyeen dhamaan Umadii Soomaliyeed,walina lama isweydiin kuwa dabka nagu shidaya ee nala heybta ah in aan iska qabano kuna noqono Guryahaygii iyo ciidii udgooneyd ee Soomaliya. waxaa hore loo yiri "Haybad waxaa ku leedahay dhulkaaga hooyo, waa lama huraane hagarli'e wax ugu qabo waa lama huraane hagarli'e wax ugu qabo."

Akhristow hadii ALLE subxana watacala caqli fiican oo aad ku kala garato maalinta iyo habeenka amaba xumaanta iyo samaanta lagugu hibeeyey, waxaad ogaata distuuriyan, waa distuurkii beenta ahaa ee Kenya lagu sameeyey in Hayadahii ku meel gaarka ahaa sharciyan lagu tuntay. Hadaba,shirka lagu wado in lagu dhiso dowladwadaag waxaa sharciyan u bannaan in la helo sadex, kuwaaso kala ah:

1. xabad joojin

2.dib u heshiisiin

3.unkid ama abuurid nidaam ku meel gaar ah.

Waxaa nasiib daro ah in uu shirka Jabuuti la rabo in lagu dhiso dowladwadaag in gabigiisaba uu guuldarastay durbadiiba,waayo talada waxaa leh Soomaliya iyo Soomali ee ma lahan dowlado shisheeye iyo hayadaha caalamiga ah. Waxayna talada waafiga ah ay aheyd in Soomaliya iyo Soomali hadii ay la daneynayo Soomaliya loo daayo talada waxii beenta ahaa ee ay hore u soo dhiseen amaba ay Soomaliya gudaheeda ku qabtaan shir ay ugu gogol xaarayaan dowladwadaag sax ah oo xalaal ah kuna dhisan maskaxda Soomaliyeed ee loo wada dhan yahay,ayna ku maalgeliyaan ee ma ahan in ay hadana qandaraas hor leh dibada loo iibgeeyo leynta iyo xasuuqa umadda Soomaliyeed, waxayna taas ka dhigaysa sharci daro wax alaale wixi ka soo baxa Jabuuti.

Walaalayaal, dagaal joojin iyo dib u heshiisiin in aysan dhicin way iska cadahay,waxaana taas marag madoonto u ah xasuuqa ka dhacaya Soomaliya maanta oo ay u dambeysay mida Sabtidii ka dhacday wada Maka Almukarama Xamar ee lagu xasuuqay Buskii shacabka Soomaliyeed ku ledeen "INAA LILAAHI WA'INAA ILEYHI RAJUCUUN" ILAAHAY samir iyo iimaan ha ka siiyo dadkii iyo eheladii ay dadkaas aan waxba galabsan lagu layey "Amin" Axdiga Ku Meel Gaarka oo aasaaska u ah Barlamaanka ku meelgaarka ah, wuxuu ku Gudoomiyaha Baarlamanka si sharci daro ah ku amray in dhamaan Baarlamaanka KMG ay ku soo galaan Jabuuti taas oo ka horimaaneysa jiritaanka Baarlamanka iyo Dowladnimada KMG ahba.

Hadaba, walaalayaal, maxaa noo diidaya in aan arimaha Soomaliya ay xalistaan Soomali oo aan la nimaano caqli waafi ah oo Islaamnimo xambaarsan iyo calool fiyoobi si aan oga badbaadno hagardaamooyinka cadowyada Soomaliya iyo Soomali ee soo jireenka ah.

Akhriste/Akhrisato Hayadahii ku meel gaarka ahaa ee Imbagaati,Kenya oo ay soo xuleyn dowladaha safka hore xaq iyo sharci u ma laha in ay badalaan nidaamka siyaasadeed iyo dhaqan-bulshadeed Jamhuuriyadda Soomaliya oo ay dadweynaha si xor ah ku ansixiyeen aftidii 1961-dii.

Isbadal lagu sameeyo nidaamka dalka, wuxuu ku ansaxi aftida dadweynaha, kaddib markii uu Guddi Qaran ee Dastuuri ah ka soo uruursho dalka oo dhan aragtidooda, ayadoon lagu xadadin nidaamka federaalka ah.

Hadaa maqashaan sida shalaytaba oo Sabti ah taariikhduna ay aheyd 01/24/09 Gudoomiyaha gobolka Mudug ee la magac baxay Puntland Cabdiraxmaan Faroole Federal ayuu ka shanqariyey taas oo ah in Jamhuuriyada Soomaliya loo kala googooyo gobolo goboleysi taas oo ah ahmiyada codowga Jamhuuriyada Soomaliya iyo Soomaliweynba.

Waxuu Xisbiga Shacabka Soomaliyeed si xushmad leh talo ku soo jeedinaya qofkii ay ku danbeyso damiir Islaamnimo iyo mid Soomalinimo ha diido hana radiyo wax xun ay la damacsan yihiin dowladaha shisheeyaha iyo hayadahan caalamiga ah,ayagoo adeegsanaya kuwo midabka inoo eg kulana luuqad ah isla markaasna laga yaababa in aadba isku abtirsiinyo amaba haybad aadba tihiin. Kuwaasi waxaan leeyahay Shisheeye u adeegow Soomali mar uunbay ILAAHAY idinkiis cagaha dhulka la heli oo ay israaci bal xageed aadi hadaadan hada ka noqon ficilka xun ee aad sida shaqsiga aad ku raadsaneyso ku raado si xalaal ah aakharo iyo aduunba.

Cadowga Soomaaliyeed wuxuu ku guuleystay in uu ku dhex abuuro bambanooyin dastuuri ah bartamaha nidaamka siyaasadeed ee dalka, si ay Soomaali iskeed gudaha iskaga soo burburiso. Run ahaantiina, nidaamka federaalka ay Hayadaha ku meel gaarka ah ay ku salaysan yihiin waa mid ku dhisan hab beleed aysan Soomaali qaadan karin.

Walaalayaal, ujeedada, uu cadowga ka leeyahay iyo khatarta ku jirta nidaamka federaalka hab beleedku waa ayadoo qabiilka iyo qabyaalada la sharciyeeyo lana dowladeeyo, halkaas ooy ku baaba'do sharaftii, midnimadii iyo dareenkii qaranimo, isla markaana, uu dalka beel beel wax walba loo burburiyo,cadowguna ka faa'iideysto is qab qabsigeena dhexdeena ah.

Bombaanooyinka destuuriga ah ee ku dhex duugan Axdiga Ku Meel Gaarka oo loogu tala galay in looga talagalay in lagu burburiyo qaranka Soomaaliyeed kuma eka nidaamka federaalka ah oo kali ah, halkaana laguma soo koobi karo.

Akhriste/akhrisato, Shirqoolada waxaa ka mid ah, qaabka wax qeybsiga beelaha ee (4.5).

Waxaa la yaab leh Soomaali oo dhaqan iyo hido isku mid ah in dhan walba haday noqon laheyd hido iyo dhaqan lagu kala qeybiyey sida afka rasmiga ee dalka oo lagu qeexay Maay iyo Maxaatiri, dib u laabid mabdi'ii qaran ee Soomaaliweyn iyo hoggaanka dalka oo loo afduubay danbiilayaasha dagaalka iyo kuwa ugu aqoon yar dadka Soomaaliyeed.

Hadalkii uu Eebbe ka soo fakiyey Xuseen Maxamed Faraax Caydiid, wuxuu cadeyey meesha ay wax ku dambeyn doonaan haddii aan wax laga qaban goor ay goor tahay. wuxuu yiri "Itoobiya iyo Soomaaliya waa walaalo oo aysan jirin wax u dhaxeeya" isla markaana, uu ku haminayey in ay baabi'iso xadka labada dal aana yeelano hal baasaboor, hal ciidan iyo hal dhaqaale waa riyadii Xuseen Maxamed Farax Caydiid.

Hadaba, Markii ay dadka Soomaaliyeed la fajaceyn kana dhiidhiyeen hadalkaan ayuu Ex raysal wasaare Cali Maxamed Geedi si uu xaalada u qaboojiyo ku tilmaamay hadalkaani mid shakhsi ah.

Soomaaliyey ogaada hadalkaan ma'aha hadal shakhsi ama mid si qaldan loo fahmay ee waa mid si ogaal ah loo yiri, wuxuuna ka mid yahay carbin looga gol-leeyahay in loo caadiyeyo dhagaha dadka Soomaaliyeed qorshahaan daahsoon sida aan ku soo arkayba mgaalooyinkii aan tagay oo heeso af Amxaari ah ka wada shidan amaba heeshaha muuqaalka amaba maqalka oo xataa buulsha canjeelada laga cuno aad ka maqleyso heeso amxaaro waxaa ay igu noqtay fajac iyo amakaag in anoo jooga dhulkaygii hooyo aan meel kasta oo biibito ah laga shido heeso af amxaari ah waxa shaki iga galay in aan joogo dhulkaygii hooyo iyo in aan joogo dhul shisheeye.

Hadaba walaalayaal,Hayadaha ku meel gaarka ah, ayadoon markeedi horeba si sharci aheyn lagu soo dhisay iyo kuwa mucaaradka jabuutiba, ayey maantana, ku dhaqaaqeen khiyaano qaran marka yeysan filan kalsoonida, daacada iyo taageerada dadweynaha Soomaaliyeed. Soomaali oo dhan waxaa horyaala khatartatan oo dibadda si xoogan looga soo abaabulay oo ay gacmo sokeeye fulinaayaan. Muwaadin kasta waxaa waajib qaran ku ah in uu ka hortago sharci daradaan iyo shirqoolkaan oo khatar galinaaya madaxbanaanida, midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo ku dhisan hal dad, hal luuqad, hal hide dhaqan oo hoos yimaada halka calan balluga ah ee xidigta shanta gees ah.

Hadaba, Maxaa La Gudboon Soomaali ?

Xaalada uu dalka ku sugan yahay masuuliyadeeda koowaad waxaa leh Soomaali oo dhan.

Marka hore walaalayaal, waxaa nala gudboon tawbadkeen oo aanu u tawbad keeno Eebbihi na abuurtay. Waa in aan qabyaaladeesiga, kala qeybsanaanta iyo nacaybka ku badalnaa Islaamnimo, Soomaalinimo, midnimo iyo walaaltinimo. Marka xigta, goor ay goor tahay waa in aan baraarugnaa oo fahamnaa baaxadda khatarta aan ku suganahay iyo cadowgeena dibad iyo gudahaba. Fahamkaas kaddib, waxaan qabaa in uu muwaadin kasta ee Soomaaliyeed gutaa xilka qaran ee saaran kaaso nawada horyaala assagoo cad, cid wax noo xalineysana ma jirto hadaanan anagu isu xilsaaarin sidii aan wax oga qaban laheyn xal u helida dalkeena iyo dadkeena,anagoo hurayna naftayada,xoolahayaga,iyo sharaftayadaba. Marnaba ha sugun in ay cid kale wax kuu xaliso.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maalgelinayaba dalka Soomaaliyeed ugama baxayaan codsi iyo rajo ee waa in ay Soomali qori caaraddii iskaga xoreysaa oo sharaftii Soomaaliyeed la soo celiyaa. Hayadaha ku meel gaarka ah iyo kuwa mucaaradka garabka jabuuti iyo kuwa kale ee mucaaradka ee Casmara ku sugan iyo kuwa dalka gudahi waa in aysan la shaqaynin oo ay gacmaha ka laabtaan waxa ka socda Jabuuti,hadii kale,waxaa ay noqonayaan kuwa iibsatay dalka, dadka, diinta iyo dunyadii Soomaaliyeed kuna dhaqaaqay khayaano qaran sida hada cadba ee ay ku dhaqaaqeen mucaaradka garabka jabuuti iyo hayadaha ku meel gaarka ahba.

Walaalayaal, Waa waajib muqadas ah qof kasta oo Muslim Soomali ah in la difaaco jiritaanka qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliya.

Dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo aduunka daafihiisa ka joogaan amaba kuwa dalka gudihiisa joogaba waa in aad ka foojignataan khayaanada qaran ee laga soo xirayo amaba laga soo maleegayo gobolka Jabuuti.

Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meelay joogaanba, wuxuu Xisbiga Shacabka Soomaliyeed ugu baaqi, in ay ku midoobaan kuna mideeyaan cududooda ciidaan iyo dhaqaale hal dhaqdhaqaaq qaran (Jamhuuriyada Soomaaliya).

Walaalayaal, Xisbiga Shacabka Soomaliyeed dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed waa mid ka caagan xabada iyo caburinta waana horseedaha tubta nabada iyo sugida jiritaanka Jamhuuriyada Soomaliya waana mid muqadas ah. Halgankan siyaasadeed (X.S.S.) ee ka caagan xabada iyo caburinta wuu socon ilaa la hubiyo si buuxda jiritaanka, madaxbanaanida, midnimada, hidaha iyo dhaqanka qaranka Soomaaliyeed, isla markaasina si ficil leh ayuu u sugi nabadda, cadaaladda, horumarka iyo sharafta dhamaan dadka Soomaaliyeed hadii ALLE subxana watacala idmo.

Mabaadiida,hililooyinka Siyaasadeed iyo Ujeedooyinkaanba ee ah in si buuxda loo sugo jirtaanka,madaxbanaanida,midnimada Jamhuuriyad Soomaliyeed iyo sharfta Umadda Soomaliyeed marnaba waa wax aanan gorgortan geli karin.

Hadaba, Xisbiga Shacabka Soomaliyeed wuxuu ugu baaqaya Muwaadin kasta in laga rabo in uu is xisaabiyo oo uu isweydiiyo maxaad dalkaaga u qabatay waqtigaan taariikhiiqa ah?

Ugu dambeyn walaalayal, maanta waa maalin kala bax , laba labeyn socon meyso.

Halganku waa mid dheer oo adag laakiinsee guusha dambe Soomaali ayaa leh hadii ALLE subxana watacala idmo.

Waxaan ugu danbeysiinayaa heesta ah: Sharaf waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, waa lama huraane hagarli'e wax ugu qabo,waa lama huraan'e hagarla'e wax ugu qabo.

Soomaali Ha Noolaato! Ha is raacdo!

Walaalkiin: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani

Email; sgaani@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS