Tacsi Waxaa Maanta Ku Geeriyooday Wadanka Kenya Alle Haw Naxariistee Marxuum
Maxamed Jaamac Galaydh ( Boodhe Laaye ).
Anigoo Ku Hadlaaya Magacayga iyo Kan Qoyska Reer Cali Qodax Waxaan Halkan Tacsi
uga Dirayaa Caruurtii Ilma Maxamed Jaamac Galaydh iyo Hooyadood iyo Dhamaan
Qoyska Reer Galaydh ( Ama Boodhayaasha ).
Waxaan Leeyahay ilaahay Samir iyo Iimaan Haynaga Wada Siiyo Adeer Marxuum
Maxamed Jaamac Galaydh Boodhelaaye Si Gaar ah Caruurtiisii iyo Hooyo Ruqiyo iyo
Dhamaan Reer Jaamac Galaydh ilaahayna Waxaan uga Baryayaa Marxuumka inuu
Jannadiisa Ka Waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin
Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed Jaamac Galaydh Boodhelaaye
Marxuum Maxamed Jaamac Wuxuu ka soo qalin jebey Jaamacda Beeraha ee ku taal
wadanka Ingiriiska ah dabayaaqadii kontomeeyada, isaga oo ahaa nin labaad oo
shahaado Jamacadeed oo beeraha soo qaatay Soomaaliya. Waxaana sanad ka horeeyey
Axmed Keyse oo wadanka Masar ka soo qaatay.
Waxa uu noqday Agaasimihii Waaxda Beeraha ee Lixdanaadkii
Waxa uu noqday Maareeyihii Mashruucii Fanoole ee Ruushku bilaabay 1963
Ka dib waxa bilaabay, hirgeliyeyna Wershadihii kala ahaa Balcad ee Dharka
iyoWershedii helibka ee Kismaayo.
1966 Waxa uu noqday Agaasimihii Guud ee Wasaaradii Beeraha ee Soomaaliya
Muddo kadib wuxuu hirgeliyeyna Hay'adihii ADC Wakaaladdii Horumarinta beeraha
iyo Wakaaladdii Cagcagafyada iyo Beer Gashiga ONAT
ka dib waxa uu bilaabay ama hirgeliyeyn Mashruucii Lib-Soma.
Ka dib waxa ka noqday ilaa 10 waddan badan oo adduunka ah ka noqoday wakiilka
Hay'adda Cuntada iyo Beeraha laga bilaabo 1972 ilaa 1994.
Markii uu ku soo laabtay Somalia waxa uu noqday la taliyaha Beeraha ee
Mashruucii Waraabka ee Jannaale Buulo Mareerto iyo Mashruucii Bay Project ilaa
iyo burburkii Soomaaliya.
Mr. Boodhe lagu ma soo koobi karo mashaariicda iyo waxyaabaha horumarineed ee uu
soomaaliya iyo aduunkaba ka hirgeliyey ilaahay haw naxariistee Aamiin
Dhammaan Qoyska Reer Cali Qodax waxay tacsi u dirayaan Xaaskiisii Hooyo Ruqiyo,
carruurta uu ka tegey oo shan wiil iyo labad gabdhood oo ay ugu weyn yihiin
Axmed iyo Asma iyo carruurtii uu awoowaha u ahaa oo gaaraysa ilaa tobaneeyo.
Samir iyo Iimaan ilaahay haynaga wada siiyo marxuumkana ayaan ugu ducaynaynaa
Jannaddii firdowsa.
Eng. Maxamuud Maxamed Cali Qodax ( Cadami ).
qodax32@hotmail.com