SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxweyne Sheikh Shariif jidkee raaci doonaa ma kan Karazai mise kii Mahathir Mohamed?

Waxaa Qoray Xuseen Cabdi Ciise
Minneapolis, Minnesota.
hussein_abdi@hotmail.com

Bismillaahi Rraxmaani Rraxiim.
Ilaahay baa mahad dhammaanteed iska leh, Nabadgelyo iyo Naxariisna Rasuulkiisa Muxammed ahaa korkiisa ha ahaato.

Ugu horreyn qoraalkan waxaan u qaybinayaa saddex qaybood oo koo kooban oo kala ah madaxweyne Sheekh Shariif waa ayo? Karazai sidoo kale waa kuma iyo madaxweyne Sh. Shariif labo nin kee buu raaci Mahathir Mohamed iyo Karazaiga afganistaan? Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Axmed waa nin dhallinyaro ah oo aqoonyahanna ah isla markaana wax ku bartay Somalia, Sudan iyo Libya. Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed oo ah nin cilmi Diini ah iyo mid maaddi ahba leh oo uu wadanka gudihiisa iyo dibaddiisaba kusoo qaatay, Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu saaxada Soomaaliya ka soo muuqday markii ay maxkamaduhu la dagaalamayeen qabqablayaashii dagaalka sanadkii 2006dii.

Madaxweyne Sh. Shariif markaas wuxuu ahaa Gudoomiyaha maxkamadda SiiSii taas oo ahayd meelihii ay dagaalada ugu daran ay foodda isku saareen qabqablayaashii dagaalka kuwaas oo ay soo kiraysteen calooshood u shaqaystayaal ajnabi ah loona adeegsanayey burburinta dalka iyo baabi’inta shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Sh. Shariif isla sanadkii 2006kii waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxkamadaha Islaamka, Sh. Shariif wuxuu galay wadanka Kenya kadib markii ay maxkamaduhu ka baxeen magaalada Kismaayo halkaas ay qaarkood galeen hawdka kaymaha Kismaayo iyo agagaarkeeda kadib markay maxkamaduhu ay badaleen habkii dagaalka ayna iclaamiyeen inay magaalooyin badan uga baxeen xeelad dagaal. Sh. Shariif iyo rag la socday waxay galeen wadanka Kenya, halkaas oo la dajiyey hotel iyadoo qolyihii kale maxkamadaha la duqaynayey arintaan oo dad badani is weydiiyaan maxay sababtu tahay lagu kala jeclaystay? Sh. Shariif Sh. Axmed kadib wuxuu u gudbay wadanka yemen halkaas oo uu uga sii gudbay wadanka Eriteria.

Bishii September 2007 wuxuu gudoomiyaha fulinta ka noqday Ururkii halkaas lagu dhisay oo la oran jiay Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya. Ururkaasi waxa uu ka koobnaa afar qaybood oo Soomaaliyeed kuwaas oo kala ahaa Maxkamadihii Islaamka, Baarlamaanka Xorta ah, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Qurbajooga Soomaaliyeed. Madaxweyne Sh. Shariif waxaa dhowr jeer ku booqday fadhigiisa ahaa magaalada Asmara Ergooyin badan oo ka kala socday Qaramada Midoobay iyo dawladaha caalamka, ugu dambayntiina wuxuu goostay inuu wada hadal la furo Dawladii Emgati lagu soo dhisay oo markii hore ay sharuuda kaga dhigi jireen bixitaanka ciidamada Itoobiya, arrintaasina waxay labo u kala jabisay Isbahaysigii dib u Xoreynta Soomaaliya oo ay markaas qaar ka mid ahi ay ku hareen wadankii lagu aas aasay ee Eriteria.

Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu heshiis la galay dawladda ku meelgaarka, heshiiskaas oo ay ka soo baxday in muddo 120 beri ah ama afar bilood ay uga baxaan ciidamada Itoobiya wadanka Soomaaliya laakiin ay dhammaatay 120ka cisho ayadoo weli ay ciidamadii Itoobiya Soomaaliya ku jiraan. Kadib shirar badan iyo fadhiyo waxaa ka soo baxay inay ku heshiiyeen Ururka dib u xoreynta Soomaaliyeed garabka Jabuuti iyo dawladda ku meelgaarka kaasoo dhigayey in baarlamaanka la ballaariyo oo la laban laabo ayadoo ay ururka dib u xoreyntuna ay ku qaybsanayaan xubnohooda sidii tii ku meelgaarka ee 4.5 taas oo ay ka soo hor jeedeen markii hore laakiin markii dambe la ogolaysiiyey. heshiiskaasi wuxuu ka caraysiisay madaxweynihii ku meelgaarka C/laahi Yuusuf isagoo ku tilmaamay arrintaas mid ay beel kali ah ku heshiisay ayadoo ay arrintaas la qabeen maamulkii Puntland markaa ka jiray ee Cadde Muuse. C/laahi Yuusuf wuxuu ka qaaday xilkii ra’iisal wasaarenimo Nuur Cadde wuxuuna ku badalay Gacma dheere oo ahaa wasiirka Arrimaha gudaha markii ay Amxaaradu ay soo gashay Soomaaliya.

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu is casilay dhammaadkii Dec. 29, 2009 waxaana halkaas ku dhammaaday mawjad is qab qabsi iyo iska hor imaad saxaafadda la isu marinayey, waxayna madaxweynenimo ku meelgaar ah u soo wareegtay si otomaatic ah Gudoomiyaha Baarlamaanka isaguna wuxuu cadeeyey inay doorashadu ku dhacayso waqtigeeda isaga oo magacaabay guddi doorasho. Waxaa shir loogu yeeray dhammaan xildhibaanada baarlamaanka inay soo galaan wadanka Jabuuti si loogu dhammaystiro heshiiskii labada qolo u dhexeeyey ee ahaa in baarlamaanka la ballaariyo, madaweyne loogu doorto isla markaasna loogu dhiso dawlad midnimo qaran.

Waxaa 30kii bishii Jannaayo ee sanadka 2009ka loo doortay Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed waxaana la tartamay dad badan laakiin waxaa markii ugu dambaysay isu soo haray Sh. Shariif iyo Maslax Maxamed Siyaad oo ay kala heleen codod ah 293 cod oo Sh. Shariif ah iyo 128 cod oo Maslax helay.

Arrinta ay dhici karto in Sheekha loo adeegsado sida Karazai oo kale waa haddii uu kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed ama laga hor keeno kooxo ama qabiilo gooni ah isla markaana uu halkaas ku fashilmo ayadoo la doonaya inaysan dawladdiisu xoog yeelan oo markasta lagu mashquuliyo dagaallo iyo muran joogta ah si looga hortago inuu horumar dhaqan dhaqaale ku talaabsado dalku.

Madaxweyne Sh. Shariif waxaa looga fadhiyaa inuu iska fogeeyo inuu Karazai kale oo Soomaaliya loo soo maqaar saaray uusan noqon si uu arrintaas uga dhabeeyana waa inuu ku dhawaaqaa hirgalinta Shareecada Islaamka taas oo ahayd ujeeddooyinkii loo aas aasay Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya iyo waxa dadka Soomaaliyeed meelkastaba ay dalbanayaan isla markaana uu ka feejignaado ama digtoonaado mu’aamuraadka cadowga isagoo kula dhaqmaya caqlaaniyad, deganaan iyo xikmad.

Karazai waa madaxweynaha wadanka Afgaanistaan ee Bush u magacaabay markii uu ka taqalusay xukukii Daliban ee islaamiga ahaa ka dib markii uu ugu marmarsooday inay taageereen dadkii ka dambeeyey qaraxyadii maraykanka ka dhacay ee 2001dii. Maraykanku wuxuu u magacaabay wadanka Ciraaq sidoo kale Karazayo badan oo uu ugu horreeyey Ayaad Callaawi oo ahaa Nin Kiristaan ahaa isla markaana ahaa Xubin ka mid ah sirdoonka Maraykanaka, waxaana ugu dambeeyey Kan hadda haya ee Nuuri Al-Maaliki ee shiicada xag jirka ah, waana ninkii ku udxiyeystay (Alla baryey) madaxweynihii waddankii Ciraaq la oran jiray laakiin hadda ah Mustacmarad Maraykan ee Saddaam Hussein maalintii Ciidul-Adxaada.

Karazai waxaa tusaale loogu soo qaataa madaxweyne ama hogaamiye kasta oo aan xukunka dalkiisa iyo dadkiisa u madax banaanayn ee uga dambeeya dad kale, isla markaana aan ka hadli Karin waxa dhib ah ee lagu sameynayo dadkiisa oo waanu aragnay maalin kasta waxaa la laayaa boqolaal aan dagaal ku jirin oo dad shacab ah ayaa diyaarado lagu laayaa oo ama aroos qabay ama isu imaatin kale lahaa. Karazai wuxuu ahaan jiray professor wax dhigi jiray jaamacadaha maraykanka waxaana halkaas loogu magacaabay ogaan la ogaa colaadda uu hayey dadka diinta haysta iyo taageeradii uu ka haystay qolyihii waqooyiga afgaanistaan ee daalibaan ka soo horjeeday.

Mahathir Mohamed wuxuu ahaa ra’iisal wasaarihii wadanka Malaysia intii u dhaxaysay sanadihii 1981dii ilaa 2003dii. Mahathir Mohamed wuxuu ahaa dhaqtar siyaasi ah oo iskuulada, kuleejooyinka iyo Jaamacadaha wadanka wax ku bartay, kadibna ka qayb qaatay xagga siyaasadda oo ka mid noqday xubnaha matala gobolada iyo wasiirnimo. Mahathir Mohamed wuxuu dhashay sanadkii 1925tii. Mahathir wuxuu ra’iisal wasaare ka noqday wadanka Malaysia sanadkii 1981dii asaga oo wadanka Malaysiya gaarsiiyey horumar dhan walba ah, ha ahaato xagga dhaqaalaha, tacliinta, caafimaadka iyo wax soo saarka. Mahathir isagoo isticmaalaya xikmad, caqli iyo aqoon ayuu wuxuu awooday inuu wadankiisa ka hormariyo wadamo badan oo reer yurub ah xag walba iyo waliba asagoo mideeyey dad kala diin iyo jinsiyadba kala duwan kuwaas oo sadexda jinsiyadood ee uu ka kooban yahay wadanka Malaysia oo kala ah Malay, Indian iyo Chinese.

Mahathir wuxuu kor u qaaday aqoonta dadka reer Malaysia oo sifir ahaa ama aad ay u hoosaysay ayuu wuxuu awooday inuu ka ciribtiro wadanka umminimada ama wax akhris iyo qoris la’aanta dadka reer Malaysia isla markaana wuxuu dhisay iskuullo, kulleejooyin iyo jaamacado asagoo waliba ardada ka qalin jabisay waxbarashada gudaha u diri jiray waxbarasho dibadda siiba wadamada horumaray ee ay ka mid yihiin Australia, Ameerika iyo Ingiriiska. Mahathir wuxuu kor u qaaday barashada teknolojiyada casriga ah iyo jaamacadaha lagu barto iyadoo maanta ay Malaysia kula tartamayso Jabaan sayladaha adduunka xagga computerada, gawaarida iyo tareenada iyo qalabka kale ee elektaroonicada ah. Mahathir wuxuu wax ka qabtay xagga caafimaadka dadkiisa siiba asagoo ciribtiray cudurada faafa, dhimashada caruurta iyo haweenka.

Mahathir, wuxuu kor u qaaday dhaqaalaha wadankiisa isagoo sameeyey shirkado farabadan iyo suuqa xorta ah isla markaana u furay wadankiisa maalgashiga wadamada dibadda oo iyaguna shaqaale jaban raadinayey isaguna wadankiisa dadkiisu ay ka shaqaysan jireen si waafaqsan qaanuunka wadanka.

Gunaanadkii waxaan leeyahay Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmad waxaad kala doorataa inaad raacdid dariiqa Karazaiyada ama dariiqadii Mahathir Mohamed oo ahaa aabihii Malaysiyada cusub kaas oo gaarsiiyey wadankiisa horumar dhan kasta ah iyo waliba asaga mideeyey wadanka jinsiyadihiisa kala duwan.

Waxaa Qoray
Xuseen Cabdi Ciise
hussein_abdi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS