SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabaygii Dowlada Usheega iyo Abwaan Xasan Garaad Warsame


C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya.


Gabaygaan lamagac baxay Dowlada usheega waxaa tiriyay Abwaan Xasan Garaad Warsame, waxaana uu ku metelayay guuxa dadweynaha ee ku wajahan Dowlada Soomaaliya, inkastoo uu gabaygaan ka horeyay dowlada hada lagu dhisay Jamhuuriyad Jabuuti taarikhdu Markey aheyd, 30-01-2009 Madax weynaha logu doortay Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Nuxurka iyo macnaha weyn ee Gabaygaanu uu taabanayo waxaa kamid ah, dhinacyo badan oy ku jiraan, waxyaabaha ay Bulshada Soomaaliyeed ay dhibka u arkaan.

Hadaba ayadoo uu abwaankaan da’da yar ee lagu magacaabo Abwaan Xasan Garaad uu tirayay Maansooyin faro badan oo ku aadan wax ay dadku daneeyaan hadii ay ahaan laheyd dhinaca Nabada, Waxbarashada, iyo Baraarujinta Dadka, ayaa hada waxan soo qaadaneynaa Gabaygiisii la magac baxay.

Dowladda u sheega?

Waxa uuna Gabaygu uqoran yahay sida tan.

· Ma daliilin deelleyda gabay taniyo doorkiiye
· wa anigaa darbaalada u xiray degaladiisiiye
· dusha wa Anigaa uga qun fulay meshi uu degaye
· wa anigaa digniinaha baxshoo daayayoon tirine
· wa anigaa dadkii iga samroon laygu daawgeline
· wa anigaan duruufaha shacbiga weli dareensiine
· ka dulmariyay doog iyo xash iyo dooho iyo ciide
· diiwaankeeda wa aniga diroo daayay maansadaye
· oon dowli dheer iyo galaas toona soo darine
· aan idiin dulmaro weli anoon daaqalkii tegine
· waxbaan idin dareensii rabee dowladda u sheega
·
· durba geeya hadalkeygu waa sida dabeyshiiye
· dariiqyada ma maree laamigow dirito qaadaaye
· oo daarta madaxtooyadow kor ugu duulaaye
· kusi debada yaalow sidii dad u fariistaaye
· markaasuu daruustiyo tixdiyo dulucda jeedshaaye
· adinkuna marqaatiga ku dara waan dalbanayaaye
· oo dowlad waan jecelehee dabacsanaan muujiya
·
· ha ladilo ha lagu duulo iyo dadabsi mooyaane
· weligay darays ciidan iyo dowlad maan arage
· maraakiib dagaal oo badweyn dadab u maaxaysa
· calankuna dul lulanaayo ma arag daayin abidkeeye
· dayuuradaha qarankoo shacbigu kor u damoonaayo
· calankuna dul lulahaa ma arag daayin abidkeeye
· taangiyada difaacoo wadada jeer is daba haaya
· calankuna dul lulahaa ma arag daayin abidkeeye
· dalkoo nabada ciidoo degtoo lagu damaashaado
· iyo daaro qurux badan ma arag daayin abidkeeye
· waxaan doonayaa qaranka oo daaha loo rogaye
· oo sharafti dowladu leheed dib ugu soo laabta
·
· Dagaal ooge in aan diidanahay dowlada u sheega

· dalka inow isagu sidaan u dhigay dowlada u sheega
· daarihii ku yiil xamar ninkii dumiyay soo maahan
· dacalada isbaarada kataal kii dejiyay maahan
· dadka kii dhameeyoo shacbiga dilayay soo maahan
· danta qaranka kaan eeginoo tiisa dumanaayay
· dabadana lasii gala qabiil doqon ku soo maahan
·
· soomaaliya inay kala diddee deben heshii wayso
· dirka faraca iyadoo hal oday dib uga soo jeedda
· iyadoo islaam dahaba iyo lagu idaa diinta
· inow midiba kii kale dilee daadsho carunkiisa
· ee ay ciidda kala duubanee dayr lakala ooto
· degma waliba calan qaadatee dowlad lagu sheego
· ee derejadeenii halkaa nooga dacasowdo
· waa cadawgi nalal dirirsanaa daawadow rabaye
· iyadana inaan diidanahay dowladda u sheega
·
· hubka debeda laga keenayoon cidu daryeeleynin
· oo suuqa lagu daabuloo daaqadaha buuxshay
· oo shacabka lagu dilahayoo lagu darbeynaayo
· darbiyadana lala taaganyahay diifo nagu reebye
· haddaan duul xadidi kara la helin dabargo weyaane
· isagana inaan diidanahay dowladda u sheega
·
· deegaanka kuwa gurahayoo dhuxusha duugaaya
· oo daaqa iibsanahayoon sharafta doonaynin
· dibadana u dhoofinahayoo jaraya geed doorka
· wax ladeysto male oo dhirtey daana ku hayaane
· waa niman danuub culus kagalay dad iyo ciiddoode
· waa niman abaar iyo ka daran doogma reebtadaye
· iyagana inaan diidanahay dowladda u sheega
·
· inaan diinta taageersanahay dowladda u sheega
· dariiq kale inaan diidanahay dowladda u sheege
· difaaceed inow na hudhan yahay dowladda u sheega
· dalka inaan anagu leenohoon qurux ladooneyno
· oon ciidan dibedeed la rabin dowladda u sheeg
abwangaraad@hotmail.com

Gabaygaan aadka umacaan ee uu tiriyay Abwaanka Dadiisu ay yar tahay ee lagu magacaabo Abwaan Xasan Garaad ayaa intaas inogu dhan, Qeybo kale oo Gabayadiisa kamid ahna waan idiin soo gudbin doonaa hadii uu Ilaahay idmo.

Waxaana idin soo tabinayay Sxbkiin.

C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya.

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: