SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxweyne Shariif Waa La Caleema Saaray, Horayna Waa Loo Amiiray ,Waa Sideesa Markaan Hogaankiisa.

Fariin ku socoto Shariif Shikh Axmed Madaxweynah Soomaliya

Abadllah Moallim Mahamud(Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com


Meel aad u fog ha ka doonin isku mid ahaanshaha imaantinga Shariif Shikhh Axmed kolkuu ahaa hogaamiyihi Isutaga Maxaakimta iyo markan oo Shariifka loo doortay hogaanka u sareeyo ee waddanka Somaaliya ,balsa su'aasha waxay ku aadan tahay kala duwanaashaha u dhaxeeyo, waa sidee dad la dhaqankiisa iyo hogaamintiisa kolkuu ahaa madaxa Isutaga Maxaakimta iyo markaan uu Shariifka noqday madaxweynaha Soomaliya siduu noqon-doonaa dad la dhaqankiisa iyo qaabka uu rabo in uu ku hogaansha waddanka Soomaaliya .

Iyadana waxaa isweydiin mudan, Shariifka maxaa kaga kordhay khibrad ahaan muddada gaaban ee u dhaxeyso masu'uliyadan iyo tii hore ee isutaga Maxaakimta iyo wixi waddankeena ka dhacay muddadaas gudaheeda.

Dhinaca kale markaan u rogo qoraalka inta aanan u gelin ka faalaynta arrimahaas hore oo dhan ,Soomaaliweyn iyaga Shariifka maxay ka sugaysaa, maxaysa kula talin lahayd in uu iyaga ku hogaamiyo isaga oo ka sal guurayo dhibatooyinki waddankeena ka aloosnaa labaatan sano oo cijaaf ahaa,

Sharif Shikh Axmed waa astaanta nabada ee Somaaliya ,waa Hiiro geesi ah,dulqaad badan,go'aan adag ,dhegaha u dhiga ruuxwalba, dabeecad wacan, cara yar ,tala keen iyo tala raacba ah, waa hogaamiyihi horkacay kooxdi ugu horeysay ee aduunka tustay in aan nahay dad dalkooda nabadayn kara ,marki kooxdaas lagu madax adeegay(waa isutagi Maxakimtee), burburinta maamulkeedana loo adegsaday DFKM oo ay garab taagan yihiin Aduunweynaha oo gacanta midig ku wato cadawga koowaad(Tigree) ee ummadda Soomaaliyeed, Shariif Shikh Axmed waa haddana shaqsigi ugu horeeyay oo horkacay kooxdi isku magcawday isbahaysiga dib-xoreynta dalka Soomaaliyeed ee lagaga dhawaaqay Dalka Aritree(Asmara), Shariifka waa shaqsiga ay isaga iyo asxaabtiisa garteen mar kale in dowladda Aritree aynan ka dhab ahayn taabagelinta goolka isbahaysiga ee looga dhawaaqay dalkaas Aritree oo isaga ahaa in ciidanka Xabashida dalka Somaliya looga xoreeyo si dhaqsiya, iyadoo la adeegsanayo Muqaawamo iyo siyaasadba. Shariifka garasha keddib wuxuu dhaqsi u go'aansaday in uu fadhiga isbahaysiga u soo raro Dalka Jabuuti oo iyada goor walbo lagu yaqiin in ay u taagan tahay sida ay walaalahooda Soomaliyeed uga kaalmeyn lahayd sidi ay dib ugu soo noqon lahaayeen bulshada Caalamka Dhaxdeeda.

Ugu danbeyn Sharif Shikh Axmed waa hogaamiya u dul qaatay qadaf badan oo kaga imaanayay qaar badan oo asxaabtiisa ka mid ah, iyaga oo ku eedaynayo in uu Shariifka ka weecday halganki loogu jiray ciidanka Xabashada oo dalkeena laga xoreeyo, Shariif Shikh Axmed dul qaad badan iyo abaabul siyaasadeed oo xoogan keddib wuxuu ka mira dhaliyay in ay Tigreeda ciidankeedi dib ugala baxdo dalkeena ,waxaa kale oo uu ka dhabeeyay mar kale in ay Soomaliweyn heshiis dhax mari karo gudaheeda si kasto oo ay ugu kala fog yihiin xaga fikirka, kolkuu wax ku darsaday barlamaanki iyo dowladi iyaga sabab u ahaa keenista ciidanka cadowgeena soo jireenka ahaa, Sharif Shikh Axmed wax isku darsi keddib wuxuu xalay(31/01/2009) qalin ku jiro gacanta geesiyayaal Soomaaliyeed ku qoray in uu yahay astaanti nabada ee Soomaaliyed kolki ay 293 xildhibaan oo isugu jiro kooxihi ku heshiiyay dowlad midnimo qaran codkooda si buuxda u siiyeen Shariif Shikh Axmed.

Shariifka waxaa lagu xasuustaa in uu hogaanka u qabtay lixdi bilood oo ay Isutaga Maxaakimta ka taliynayeen koofurta Soomaliya inteeda badan ,waxaasa jabkoodi keddib banaanka u soo baxday kooxihi hoos imaanayay maamulka Shariifka in ay ahaayen kooxo aad ugu kala fog xaga fikirka ,taas waxay iyada daliil u tahay in Shariifka yahay nin dulqaad badan ,maamul hufan.caadil ah ,meel ku mideyn karo dad kala fikir duwan ,hadafka uu hiigsanaayo yaqaan ,dhibka waddankiisa ka jira aad uga war qabo iyo sida looga baahan hogaanka in uu ahaada mid sabar badan ,kala garanaayo goorta dabcsanaan loo baahan yahay iyo goorta loo baahan yahay qaadashada go'aan adag.

Shariif Shikh Axmed oo ay ummadda Soomaaliyeed maanta ku tuhmayso in uu yahay ruux aad u yaqaan dadkiisa waxay ka rabaan in uu iyaga ku maamulo ,iyo in uu yahay ruux yaqaan sidi uu ula dhaqmi lahaa bulshada Caalamka oo iyada dalkeena ka aqrisatay fikara kala duwan oo ay ka soo fooxayso tuhun fara badan oo laga qabo in aaanan ahayn dad u istaagi karo maareynta dadkooda iyo dalkooda iyo isla markaasna aanan ahayn dad la imaan karo qaabsame ay ula dhaqmaan aduunweynaha kale ee aan la wadaagno masaalixi kala duwan iyo iyagana deris shaki badan ka qabo in aan u taagan nahay dad kol walba diyaar u ah deris xumo iyo ka shaqaynta burburinta nidaamyada kala duwan ee deriska noo ah ,xaga fikirkana aan aad ugu kala fog nahay.

Shariifka waxaan ka rajeynaynaa in uu khibrad badan ka helay laga soo bilaabay maalinti loo magacaabay madaxa Isutaga Maxaakimta ilaa xalay oo loo doortay Madaxweyne iyo muddadi u dhaxaysay intaa oo uu duur-jooga ahaa, sidaa darteed waxay ummadda ka suagaysaa in uu dhayo boog ku raagtay ummadda Soomaaliyeed oo iyada daawadeeda tahay Cadaalad, sinaan iyo go'aan qaadasho wacan, la tashiya badan keddib.

Shariifka waxaan kula talinaynaa in uu maanka ku haayo hogaan kasta guushiisa in ay ka timaado dadka ugu dhow dhow ama la taliyayaashiisa ah, daacadnimada ay u haayaan hadafka suuban ee uu hiigsanaayo, sidaa darted waxaan kula talinaynaa in uu aad uga fiirsado ragga uu ka dhiganayo la taliyayaal, sidoo kale iyadana waxaan kula talinaynaa feejignaan dheeri ah iyo ka fogaanshaha in uunan shaqo u dirin ruux aanan ku haboonayn makaanka shaqdaas loo diray, mas'uuliyeedadana aanan garanayn ,waxaan kula talinaynaa dhegaysiga dhinac walbo oo dacwo u keeno iyo dhinaca uu dacwada ka yahay dacwa keenaha hore, si looga fogaado cadaalo daro mar kale soo noolayso isku dhac ama kala fogaansha soo kala dhax-galo dad wada dhashay, masaalixa dalkoodana ka wada dhaxeeyo.

Somalida waxay tiraahdaada "ood dhacmeed sida ay u kala koreyso ayaa loo kala qaadaa", ama waxaa kale oo ay yiraahdaan "luga dhooqo mid mid ayaa loo baxshaa", waxaan uga jeedaa in aad ogaato howlaha ku horyaalo in ay fara badan yihiin, sidaas darteed in aad u kala hor mariso sida ay u kala culays badan yihiin ama sida ay u kala horeeyaan u baahnaanshahooda.

Somaali waxay tiraahdaa "hadal badan, haan ma buuxsho" Shariif waa lagu caleema Saaray ,taana kama imaan meel cidla ah ,sidaa darteed wixi laguugu bartay yaanan lagaa weyn, dhinaca kale waxaad talada ku darsataa in ay naga buuxaan dad badan oo cadaw ku ah nabad ka dilaacdo dalka Soomaaliyeed, dadkaa waxay isugu jiraan dad u adeega dano dowlada kale iyo ,dad ay aad ugu weyn tahay qabyaalada iyo dad caadifiyiin ah oo aanan kala sarrin Karin halka cadawga ka jiro iyo halka saaxibka ka jiro ,kuwaasna waxaa ka mid ah kuwi ayaan dhoweeto kuugu tuhmi jiray in aad ka weecatay halkangii dalka looga xoreynayay Ciidanki Tigreeda,

Ummadda Soomaaliyeed maanta diyaar ayey u tahay la shaqayntaada Shariif Shikh Axmed ,waxayna kaa rabaan in aad adiga iyo iyaga iska kaashataan sidi aan mar kale ugu soo noqon lahayn bulshadaha caalamka dhaxdooda, annaga oo gacanta midigna ku sidano kitaabkeena oo isaga looga sal koro cadaabka aakhiro ,gacanta bidixna ku sidana aduunyada sidi aan nabad ugu wada noolayn lahayn ,annaga aduunyadaas ka yeelayno jid wacan oo aan u marno helitaanka aakhira suuban.31/01/2009

Abadllah Moallim Mahamud(Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS