SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.

Ururka Midowga Qurba joogta Soomaaliyeed (United Somali Diaspora) oo Canbaareeyey dhacdadii Muqdisho

April 30, 2008 USD#0002

Ujeedo: Baaq:Canbaarayn:

Ururka Midowga qurba joogta Soomaaliyeed (USD) ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuu cambaarayn xoogan kazoo saarayxasuuqii waxshinimada ahaa ee lagula kacay Culimada iyo shacabkaSoomaaliyeed 20 April, 2008.

Sida aan lawada socono waxaa bishaan 20-keedii ka dhacay CaasimadaSoomaaliya Xasuuq iyo gowrac loo gaystay Ummada Soomaaliyeed ee reerMuqdisho guud ahaan, gaar ahaana Culimadii lagu gowracay MasjidkaAl-hidaaya. Sidaa daraadeed ayaa uruku baaqaan u soo saaray.

Ugu horaytii wuxuu Ururku tacsi guud u dirayaa ummadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan. Sidoo kale wuxuu ururku tacsi gaar ah u dirayaa eheladiiiyo qaraabadii Culimada iyo dadka kale ee sida waxshinimada ah loogu laayeyMuqdisho.

· Ururka Midowga Qurba joogta Soomaaliyeed wuxuu si kulul u canbaaraynayaa Xasuuqii iyo Dilkii axmaqnimada ahaa ee CiidamadaGumeysiga Itoobiya u gaysteen Culima'owdiinka Soomaaliyeed iyo shacabkaBiri mageydada ahaa ee reer Muqdisho.

· Ururku wuxuu canbaaraynayaa DFKM ee lashaqaysa Gumeysiga gaar ahaanhadalkii C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cade ay saxaafada ka sheegeen,kaasoo ay uga jawaabayeen xasuuqaan foosha xun, iyagoo ku andacooday inay is difaacayaan Ciidamada Gumeystaha Itoobiya ee xooga ku haysta wadanka Soomaaliya.

· Ugu danbayntii Umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ugu baaqaynaa inay u midoobaan marxalada adage e wadanku kujiro iyo inaysidoo kale gacmahana is qabsadaan, cadowgoodana meel uga soo wada jeestaan.

· Waxaan kaloo ugu baaqaynaa ummada Soomaaliyeed inay ka waantoobaan xiliftanka dhexdooda ah ee qabyaalada ku salaysan iyo u kala tartanka iyo ukala dhuumashada ay ugu jiraan Gumeystaha Itoobiya ee doonaysa inay qarniga kow iyo labaatanaad Soomaaliya gumeystaan. Soomalidu waxay ku maah maah maahdaa "Ceel ninkii kaaga horeeyey ayaa laga waraystaa" ama " Ceel ninkii galaalaga waraystaa" Somaali Galbeed ha waydiiyo qofkii Itoobiya arxan ka raba.

Waxaan u rajaynaynaa Dadkeena iyo Dalkeena inuu illaahay dhibka dheef ugu badalo, abaartana aaran, colaadana nabad.

Xasan Maxamed (Xasan Dhooye)
Gudoomiyaha Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed
unitedsomalid@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2008

Xusuustii Xanuunka reebtay ee Wadaadadii la toogtay 1975 & Gawraca 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com