Caqabadaha
had iyo jeer ka horyimaadaa Ardeyda Soomaaliyeed,
ee waxbarashada u doonta Qurbaha
Qoraalkii & Qalinkii
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabad gelyana Rasuukeenii ayeey
korkiisa ahaatay. Kadib akhristayaasha sharafta
lahow iga gudooma salaanta Islaamka ( A.C.W.W
).
Ardeyda Soomaaliyeed weligood waxaa caado u
ahaan jirtay inay waxbarasho u raadsadaan
waddamo kala duwan haddey noqoto Yurub, Ameerika,
Carabaha, Hindiya, Pakistan, iyo weliba meel
alla iyo meeshii ay ka heli karayeen waxbarasho.
Waxyaabaha ku kalifi jiray ardeydaas inay
waxbarasho u raadsadaan qurbaha waxaa ugu wacnaa
arimo baddan oo ay ka mid ahaayeen : -
- Deeq waxbarasho oo lasoo siin jiray
dowladdii Soomaaliyeed.
- Waxbarashadii ama jaamacadihii ku yiil
waddanka oo aan ku fileyn ardeydii kasoo
bixi jirtay dugsiyadii sare ee waddanka,
markaasna kuwii loo heli kariyey ay
waalidkood u soo dirsadaan dibadda si ay wax
usoo bartaan.
- Ardey iskood ay u dabiraan waalidkooda,
oo mar walba la jeclaa carurrtooda inay
dibadda wax kusoo bartaan.
- Kuwo markey qurbaha tageen ay ku
dhalatay inay waxbartaan.
- Iyo kuwa waqtigan xaadirka ah,
waddamadii ay u soo qaxeen wax ka barta.
Ardeygu si kastaba haku yimaadee waxbarasho
dibadda ah, meel walbuu joogo, haba ku kala
badnaadeenee waxa had iyo jeer lasoo dersi jiray
caqabado baddan, oo qaarkoodna ay ardeyda iyaga
isugu wacnaayeen, qaarkoodna ay aheyd arin ayan
ku tala gelin oo lasoo darastay. Haddaba arinta
aan maanta doonayo inaan diirada ku saaro, waa
waxbarashadii ardeydii Soomaaliyeed xilligii ay
jirtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Waliba
waxa aan doonayaa inaan Tusaale u soo qaato
waddanka India oo ahaa runtii waddan aan wax
baddan kala socday, kana ahaan jiray arday,
runtiina aan oran karo wuxuu ahaa waddan ay tiro
aad iyo aad u baddan oo arday Soomaaliyeed ah ay
wax ku baran jireen.
India oo ka mid ah waddamada dunida saddexaad
kuwooda ugu hormarsan, ayaa waxa ay leedahay
waxbarasho aad iyo aad u hormarsan, taasoo u
suurto gelisay in ay magaalo walba leedahay
jaamacado u gaar ah iyo weliba colleges aad iyo
aad u tiro baddan. Waxey sidoo kale India ku
caan aheyd Cimilo wanaagsan iyo nolol aad iyo
aad u wanaagsan marka laga fiiriyo ardeyga
Ajnabiga ah ee u soo raadsaday waxbarasho.
Taasoo keentay in ardey fara baddan oo kakala
yimid waddamo fara baddan sida Falastiin,
Suudaan, Soomaaliya, Ciraaq, Nayjeeriya, Kenia,
Itoobiya, Jordan iyo qaar kaloo fara baddan ay
soo jiidato waxbarashada iyo noloshaas cajiibka
ah.
Ardeyda soomaaliyeed ee waxbarashada u soo
raadsaday India waxa ay xoogoodu soo bilaawdeen
sanadihii Sideetameeyadii, kuwaasoo aad wax uga
baran jiray magaalooyinka Puna, New Delhi,
Aligarh, Hyderabad, Madras, Banglore,
Chandigarh, Simla, Japalpur, Aurangbad, Bombay
iyo magaalooyin kaloo fara baddan. Ardeydaas
waxey u badnaan jireen arday laga biilo
waddamadii khaliijkaa oo waagaas aad iyo aad
looga shaqeysan jiray. Waxaa kaloo jiray arday
ay reerahoodu toos uga soo biilaan gudaha
waddanka mase badneyn, sidoo kale waxaa jiray
arday ku yimid ama helay deeq waxbarasho iyaguna
ma badneyn.
Ardeyda Soomaaliyeed ee xilliyadaas wax ka
baranayay India oo runtii aad iyo aad uga
faa’ideystay fursadahaas ay heleen, tiro aad u
baddana ka qalinjabiyay jaamacadahaas, ayaa
haddana waxaa jiray tiro kale oo aad iyo aad u
fara baddan oo nasiibku u diiday inay
waxbarashadooda sii wataan ama ku guuldareystay.
Sababaha arimahaas ugu wacan ayaa waxaa ka mid
ahaa kuwa soo socda: -
- Diyaar garow la’aan: - Ardeyda
Soomaaliyeed qaarkood oo aan diyaar u aheyn
inay wajahaan nolosha cusub ee uga
bilaabaneysay waddamadii ay waxbarashada u
soo doonteen, hadey noqoto xag waxbarasho,
xag isdabirid iyo isku kalsoonaan ba leh.
- Luqadda:- Ardeydii waagaas wax ka
baraneysay India oo u badnaa ardeydii wax ku
soo bartay luqada Soomaaliga, ayaa iyaduna
waxa caqabad kale ku ahaa sidii ay u la
qabsan lahaayeen luqadii ingiriiska iyo
qaabkii wax looga baranayay India.
- Sabir iyo dulqaad la’aan,: - Ardeyda
Soomaaliyeed oo intooda baddan ay ku yareyd
dulqaadka iyo sabirka, taasoo ay ku adkeyd
inuu ku sabro haddii uu sanadka hore ay ku
adkaato waxbarashada, inuu ku celiyo
sanadaha kale. Halka ardeyda ka kala yimid
waddamada kale aad arkeyso kuwo ay ku aadato
shahaadada 1aad ee jaamacadd ama Bachelorka
muddo ka baddan 6 – 7 sano.
- Dhaqaale xumo:- Sidaan ku soo sheegay
xagga hore, ardeyda Soomaaliyeed baddankooda
waxaa laga soo biili jiray waddamadii
khaliijka, kuwaas oo arday baddan ay lasoo
gudboonaantay in ay waayaan biilkii kadib
markii dadkii soo biili jiray ay shaqadii ka
dhamaatay ama waddanki ay joogeen laga
tarxiilay, taasoo ardeyga ku kalifi jirtay
inuu isaga tago waddanki uu joogay.
- Aaditaankii Qaxootinimo:- Intii la
joogay India caqabaadka ugu waaweyn ee
ardeyda soo wajahay ayaa wuxuu ahaa, in loo
sii cararayey waddamdii qaxootinimada leysga
dhiibi jiray sida Kanada oo aad iyo aad
looga galeyay India, oo ardeygii baxaba uu
barakicinayey ardeydii kale.
- Isku xirnaan la’aan:- Ardeyda waxaa
kaloo caqabad ku aheyd iyagoo aad u kala
daadsanaa, oo aan isku xirneyn, taasoo
sababi jirtay in ardey baddan ay waayeen cid
kala talisa dhibaatooyinkii soo wajahay ama
cid la qeybsata.
- Garasho la’aan ujeedadii loo yimid:-
Waxaa sidoo kale jiray arday aan fahamsaneyn
hadafkii iyo ujeedadii ay u yimaadeen
qurbaha kuwaasoo waqti baddan uu kaga lumay
sheeko maalaa yacni ah iyo balwado kale.
Dhibaatooyinkaas iyo kuwo kaloo fara baddan
ayaa ahaa kuwa asalka u ahaa in arday baddan ay
gaari waayaan hadafkii ama ujeedadii ay u
yimaadeen India. Inkastoo ay jireen Arday fara
badan oo aad iyo aad uga tilmaamnaa Collegyadii
ay wax ka baran jireen, oo dhigay record’s fara
baddan, haddana waxa ka sii badnaa inta dhex ku
dhuntay ay soo wajahaan Dhibaatooyinkaas aan soo
tilmaamay.
Nasiib wanaag ardeyda hadda wax ka barata India
waxaad moodaa inay ka faa’ideysteen waayaha iyo
taariikhda oo waxaad maqleysaa magaalo hebla oo
laga sameeyaya urur ardeyda Soomaalida ah.
Annaga waagaas wey jireen isku dayo fara baddan,
laakiin nasiib darro waxaa ka qaalib noqday
caadifadii qabiilka. Waxyaalaha ugu wanaagsanaa
ee ardeyda waagaas isu keeni jiray wuxuu ahaa
Ciyaarihii kubbadda cagta, kuwaasoo runti mar
marka qaar soo celin jirtay qiirada
Soomaalinimada, guulo la taaban jirayna kasoo
hoyn jiray Ciyaarihii ardeyda Ajnabiga ahaa.
Sida kooxihii ka dhisnaa magaalooyinka Puna, New
delhi iyo Aligarh.
Ugu danbeyn waxaan maqaalkeyga ku soo afjarayaa,
in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka kala barata
dunida daafaheed ay waqtigood ka faa’ideystaan,
muujiyaana isku xirnaan iyo wada shaqeyn taasoo
u sahleysa wax yaalo fara baddan oo ka hor imaan
lahaa. Isku daya inaad wanaaga isaga dayataan,
kiina dhibaateysan aad caawisaan, kan xunna aad
waanisaan, oo aydaan ku ceebeyn xumaanta uu ku
jiro. Waxaa Soomaaliya laga aaminsan yahay
fikrado baddan oo xun xun, isku daya inaad soo
celisaan sharafti iyo karaamadii Soomaali ay
laheyd. Qof walbow ku xisaabtan inaad tahay
safiir u maqan Soomaali, maadaama aad tihiin
ardeydii waddanka wax u soo baraneysay, noqon
lahaana kuwii berito la wareegi lahaa maamulka
waddanka.
Wabilaahi Towfiiq
Qoraalkii & Qalinkii
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com