SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

SOOMAALI MAANTA WAA
LOOMA OOYAAN BAYLAH AH!!!

W.Q. Xuseen Cabdi
hussen_abdi@hotmail.com

Askarta Gumaystuhu ma Ayagaa cunay Dadka Lafohooda Laga Helay Meelihii ay ka Guureen? Soomaaliya waxaa maanta ka jira wax qofka muslimka ah jirkiisu ka jiriiricoodo qalbigiisuna la qarxo dhimirkiisuna uu la miyir doorsoomo.

Qofka soomaaliga ahi maanta wuxuu marayaa heer ay ka qiimo bataan xayawaanada duur joogta ahi taasna waxaa caddaynaya inaan hadday gaajoonayaan aan la wax la siinin, hadday dhaawac yihiin aan la daawaynin, hadday dhintaan aan la aasin illaa hilibkooda xayawaanadu ka cunaan, iyo hadday gumaysi ku jiraan oo hadday la dagaalamaan oo doonaan inay gumaysiga argagaxisada ah ee dalkooda ku soo duulay ee hantidooda boobaya, dhulkooda hantinaya ka dib markuu ka dhigo mid uu dilo iyo mid uu barakiciyo iyo mid uu xiro oo xabsiga ku hayo iyo mid isaga la jira oo kabaha u qaada jacayl uu qabana aan ahayne ay tahay cabsi uu uga qabo naftiisa.

Qofka soomaaliga adduunka maanta waa qofka ugu liita, loogu qadarin yar yahay, xaqiisa loogu qaadan og yahay, wax sharci ah, ama dawlad, oo lagu tixgaliyo aan lahayn, wuxuuna noqday hilib bisil ama xalwad macaan badan oo meel bannaan taal isla markaana qofkasta oo arka uu cantuugo ama xantoobsado oo cid ilaashanaysa ama looga cabsanayo aysan jirin isla markaana wixii la doono lagu sameeyo, wixii la doonana lagu sheego, sidii la doonana loola dhaqmo.

Qofka soomaaliga ee jooga wadanka dibadiisa way dhibaysaa inuu sheegto soomaalinimadiisa waxa wadanka gudihiisa iyo dibadiisa ka dhacaya ee qof soomaaliya ku dhacaya darteed ha ahaado mid la iska xirto ama kuwa la shaqeeya gumaysiga ha ahaadaan ama gumaysiga laftiisa ha ahaado oo xabsi ku abaada ama la iska dilo oo aan labo is waydiin ama uu dhinto isaga oo difaacanaya sharaftiisa, maalkiisa iyo naftiisa oo loogu yimid darteed ama mid ay dooniyi kula dagtay xeebaha bariga dhexe, sida Yemen, Cummaan, iyo Dubai ama Yurub tahriib ku gal is yiri oo doonni kula jabtay badda dhexdeeda sida Talyaaniga iyo jaziiradaha Sycheles iyo Turkiga iyo Giriigga, ama berriga mid is yiri ka gudub lama dagaanka dheer ahna ka ugu wayn adduunka ee u dhexeeya Sudan iyo Liibiya ama Afrikada madow sida Koofur Afrika, Musambiiq iyo Saambiya oo maalin kasta dad is yiri bal xoogaa ganacsi ah ka dhexsameeya wadamadaas dhexdooda ama ganacsi ka dhex furta magaalooyinka dhexdooda ka dibna la dilo ama la gubo isaga oo nool ama lagu dhex toogto ganacsigiisa kadibna la dhaco wixii uu lahaa oo cid u hadlaysa ama difaacaysaa aysan jirin.

Markaa su’aasha is waydiinta mudan waxaa weeye maxay qofka soomaaliga ay waxaasi oo dhan ugu dhacayaan, ma Allah baa u carooday oo dambi ay galeen ayaa laga goy’nayaa mise Allah wuu imtixaanayaa oo la fiirinayaa kii ku samra dhibaatooyinkaas iyo rafaadkaas uu la kulmaayo kadibna ilaahay cirib ama caaqibo dambe oo wanaagsan uu ugu dambeysiinayaa, mise cadaabkii yaraa ayaa lagalinayaa intaan kii waynaa la gaarin? Jawaabtu waxay ila tahay inay kulli intaas oo dhan ay suurtagal tahay waayo dambiyo waa weyn ayey dadku galeen, ha ahaadaan in la bannaystay dadka islaamka ah ee qabiilada kale ah inay qabiilo kasta tii ay wax ka dhexeeyeen ay dhiigooda bannaysteeen, oo ay maalkooda dhaceen, oo ay dumarkooda kufsadeen.

Askarta gumaystuhu markasta waxay laayaan dad soomaaliyeed ha ahaadaan yar yar ama waa wayn ama dhalinyaro iyo odayaal, waxay ku laayaan ili aragtay oo kii ishoodu qabataba waa cadowgooda iyo kii la dagaalamayey, waxay u dilaan si ka baxsan bani-aadaminida sida inay qoorta ka bireeyaan, ama ay middi caloosha ka galiyaan isla markaana ay dhiiggana ka miirtaan si ay ugu shubtaan kuwooda xaq u dirirku uu xabada la helo ee dhiig baxa kadibna ay hilibkiisa Eeyahooda u waraan si uu ugu nafaqaysto, markaa gaalka sidaas dadka Soomaaliyeed u galaya dad Soomaaliyeed oo kale ayaa u riyaaqaya oo leh baga maxay ayagu nabadda uga soo horjeedaan!

Su’aasha kale oo meesha ka soo baxaysaa waxay tahay maxaa markasta oo askarta gumaystuhu meeshay ka guuraan looga helaa dad mayd ah lafohooda? saw halkaas kama cadda inay iyagu cuneen dadkaas hilibkoodii kadib markay kala baxeen xubnihii sida wadnaha, beerka, iyo kalyaha oo maanta noqday qaybaha lagu dayactiro dadka u baahan dayactirka jirkooda sida kuwa kelyaha la’, ama beerka ama wadnaha (human spare parts).

Maanta dunida aynu ku nool nahay waxay maraysaa heer qofka beni_aadamka loo dayactiro (looga badalo xubnaha jirkiisa ka mid ah ee aan shaqaynayn) sida baabuurta loo dayactiro oo looga badalo birtii xumaata, waxyaalaha dagaalada meelaha qaar adduunyada ka mid ah looga huriyana waxaa ka mid ah in la helo xubno beni_aadam oo bilaash ah, waxaana taas u markhaati ah sida dagaaladii Bosniya iyo kuwii Shiishaan oo laga ogaaday in dad badan oo la dilay lagala baxay qaar xubnaha jirkooda ka mid ah iyadoo waliba ka dhacda taasi wadamada horumaray laftooda sida Yurub iyo Maraykanka oo mararka qaar la helo dad badan oo lagala baxay wadnihii ama kelyihii laakiin ay yihiin dad markoodii hore saxiixay in la bixiyo xubnohoodaas si ay wax ugu bartaan ardada jaamacadaha iyo kulleejooyinka wadanka.

Qaybo kale ayaa dambeeya ee la soco insha’aallah.

W.Q. Xuseen Cabdi
hussen_abdi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com