SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

YAA UGU LACAG BADAN ADUUNKA SANADKA 2008?
 

Abdul Arts
Abdularts@hotmail.com.
Ismaaciil Saxaaf.
Saxaaf@hotmail.com


WARREN BUFFET OO NOQDAY NINKA UGU TAAJIRSAN DUNIDA IYO BILL GATES OO U DHACAY 3-AAD.

Kadib 13 sano shaqsigii ugu Qanisanaa Caalamka oo ah Milkiilaha Shirkadda Microsoft Bill Gates ayaa waxuu ku yimid hoos u dhac tartanka Qofka ugu lacag badan dunida kadib markii uu galay kaalinta seddexaad, kadib markii uu ka gadaal maray Warren Buffet oo ah nin Mareykan ah iyo Carlos Slim Helu oo ah nin Maxican ah. asal ahaanna kasoo jeeda Lubnaan, Buffet iyo Gates ayaana sidaas ku noqday labada Shaqsi ee Mareykan ah oo ku jira Liiska tobanka nin ee ugu lacag badan Aduunka.

Sida aynu kasoo xigannay Jariirada Forbes oo wax ka qorta liiska Bilyoneerada Aduunka Warren Buffet waa Shaqsiga ugu taajirsan Aduunkan aynu kunoolnahay kadib markii ay lacagtiisu gaartay $62 Billion  waxaana lagu tilmaamaa ninkaan inuu sare u kacay $10 billion sanad gudahiis taas oo keentay inuu dhulka ku jiido Bill Gates oo faa'idey sanadkan $2 Billion  kaliya waxuuna haystaa Gates $ 58 Billion waxaana la sheegay inay Microsoft hoos u dhacday iyadoo la ogaa qeylo dhaantii kasoo yeertay bishii hore uuku doonayay inuu ku iibsado Yahoo $45 Billion .

Warren Buffet oo ah 77 jir waa ninka iska leh shirkadda Maalgelinta ee Berkshire Hathaway ayaa la sheegay inuu yahay maal galiyaha ugu wanaagsan dalka Mareykanka taas oo keentay inuu si dhaqso ah kor ugu kaco dhaqaalahiisa uu isla markaana ka galo kaalinta koowaad Bill Gates 13 sano hoggaanka u hayay dunida shaqsiga ugu lacagta badan balse xeeldheerayaasha ka oo hadleen arrimahaasi ayaa sheegay in laga yaabo inuu Soo laabto Gates oo uu hadana ka taajirsanaado Warren Buffet maadaama uu yahay nin maskax furan hadana intabadan ku maqan soo saarista Barnaamijyo anfacaya Caalamka.

Hadaba waxaa jirta in ninka Muslimka ah ee ku jira liiska sare ee billonerada aduunka ee soo kordheysa lacagtooda uu yahay Ganacsadaha Sacuudiyaanka ah ee Amiir Waliid Bin Talaal oo ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga, waxuuna kujiraa kaalinta ninka 19-aad Waleed ayaa lagu xasuustaa deeq uu gaarsiiyay Soomaalida Kililka Shanaad ee Ethiopia asagoo ugu deeqay $2 Million  dhanka waxbarashadooda.

Liiska maal Qabeenada Aduunka waa sidan.

1-Warren Buffett 77 Jir u Dhashay Mareykan Lacagtiisana $62 billion leh shirkada Berkshire Hathaway.
2-Carlos Slim Helś iyo Qoyskiisa 68 jir u dhashay MexicoLacagtiisana $60 billion leh Shirkada Isgaarsiin.
3-Bill Gates 52 jir u dhashay Mareykanka Lacagtiisana $58 billion leh Microsoft.
4-Lakshmi Mittal 57 jir u dhashay India Lacagtiisana $45 billion Leh Warshad Birta.
5-Mukesh Ambani 50 jir u dhashay India lacagtiisana $43 billion Leh shirkad Patrol iyo Kiimikada.
6-Anil Ambani 48 jir u dhashay India Lacagtiisana $42 billion leh shirkada Diversified ee maalgelinta.
7-Ingvar Kamprad and family 81 jir u dhashay Swedan Lacagtiisana $31 billion Leh Shirkadda Ikea.
8-K.P. Singh 76 jir u dhashay India Lacagtiisana $30 billion Leh Shirkad Dhulalka iyo Guryaha Kireyso.
9-Oleg Deripaska 40 jir u dhashay Russia Lacagtisana $28 billion Leh Warshad Aluminum.
10-Karl Albrecht 88 jir u dhashay Germany Lacagtiisana $27 billion Leh Dukaamada Aldi Supermarkets.

Abdul Arts
Abdularts@hotmail.com.
Ismaaciil Saxaaf.
Saxaaf@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com