SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

Mareykanka oo ku guuldaraystay faragalintii Soomaaliya iyo Itoobiya oo baxar ku jirta

C/casiis Ismaaciil Cilmi
dharbaaxo@yahoo.com

Dawladda Mareykanka ee Bush Madaxda ka yahay ayaa waxay sanadkii 2006dii dhamaadkeedii faragalin qaawan ku sameysay arrimaha gudaha dalka Soomaaliya , ka dib markii ay soo baxeen Midawga Maxkamdaha Islaamka oo ku guulaystay inay si buuxdo u soo celiyaan ammaankii Magaalada Muqdisho iyo meelo badan oo ay gacanta ku dhigeen oo ku yiil Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Waxana Mareykanka u adeegsaday  faragalintaas Itoobiya, isagoo ka taageerayey dhinacyada dhaqaalaha,siyaasada iyo tababaro uu siiyey Ciidamadii ka socday Itoobiya ee iyagu markii ugu horreysay soo galay Caasumada dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo intaas sii dheerayd isagoo Maamulka Bush uu si toos ah uga qaybqalay duulaankii lagu soo qaaday Golaha Midawga Maxaakimta iyo guud ahaan dalka, iyadoo la wada xasuusan yahay inay duqeyn aan loo meeldayin la beegsadeen dad reer guuraa ah iyo xoolahooda cirifka koofureed ee dalka Soomaaliya.

Inkastoo, duulaankaasi ahaa mid uu si weyn gadaal iyo horay uga riixayey Mareykanku hadana waxaa soo baxaya miraha laga dhaxlay iyo guulaha laga gaaray, iyadoo ay soo ifbaxayaan warar faahfaahsan oo ka imaanaya Sirdoonka Mareykanka, kuwaasoo daraasaad ku sameeyey guuldarrada kala soo gudboonaatay faragalintii Soomaaliya ee sanadka 2006dii,waxaana Saraakiisha qaarkood oo xogo hoose bixiyey tilmaamayaan inaan haba yaraatee aan wax guul ah laga soo hoyin duulaankii lagu qaaday wax loogu yeeray argagixisada Bariga Afrika,taasoo si cad loola jeedo dagaalkii lagu qaaday Soomaaliya.

Saraakiisha Mareykanku waxay ku doodayaan inaan marka hore gacanta lagu soo dhigin raggii sida weyn loo doondoonayey ee lagu eedeynayey inay yihiin wax ay ugu yeereen argagixiso, kuwaasoo mid ka mid ah xitaa aan la soo qaban,iyagoo tilmaamay inay sii baahayaan dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka,waxayna aad uga walwalsan yihiin inay soo kordheen qaraxyo iyo weeraro la mid ah kuwa ka dhacaya dalka Ciraaq.

Mareykanka ayaa waxaa saraakiishu sheegeen inuu ka cabsi qabo inay dagaaladu ku fidaan dalal kale, taasoo hadii ay dhacdo horseedi karta khatar la sheegay inay soo wajihi karto danaha Reer Galbeedka,waxaana taasi noqon doontaa jabkii labaad ee Mareykanka ka soo gaara isku daygii faragalintii Soomaaliya,iyadoo dedaalo lagu doonayo in wax laga bedelo nadaamka xooga ku salaysan Mareykanku ka wado dalal badan oo Islaam ah socdaan,waana guul daradii labaad ee Mareykanka ka qabsata Soomaaliya,iyadoo Jeenaraal Caydiid uu ka dilay 25 askari oo kula dagaalamay gudaha Magaalada Muqdisho sanadkii 93dii, xiligaasoo ay dalka yimaadeen ciidamadii lagu magacaabi jiray UNASOM2.

Dawladda Itoobiya ayaa waxay cabasho xooggan u gudbisay Mareykanka, iyadoo ku andacoonaysa inaysan ciidamadeedu sii joogi karin gudaha dalka Soomaaliya,islamarkaasna ay sii xoogaysanayaan dagaalada iyo weerarada lagu hayo oo u muuqda kuwa lagu bartilaameedsanayo Itoobiyaanka iyo kooxaha la jira,waxayna Itoobiya sheegtay inay Soomaaliya kala kulantay wax aysan ka filayn,sidaas darteedna Ciidamadooda kala soo bixin doonaan Soomaaliya hadii aan deg deg loo keenin Ciidamada Nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo Itoobiya soo wajahday cabsi xoog badan oo ku aadan inay Al-qaacidu weerar ku soo qaado Xarunta dalkaasi ee Addis Ababa,mana jirto xirfad iyo awood farsamo oo casri ah oo ay uga hortagi karto weeraro ay soo abaabulaan Urur weynaha Al-qaacida,waxaana arrintaasi laga dareemayaa Maamulka Addis Ababa oo soo saarayey qoraalo isdaba joog ah oo ay dadka uga codsanayaan inay gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa weeraro lala beegsado dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa waxaa loo arkaa mid baxar la galiyey ka dib markii ay noqotay qalab loo adeegsaday weerarkii lagu qaaday Soomaaliya,waxayna garan la’dahay qaabkii ay uga bixi lahayd baxarkaasi, iyadoo sidoo kale soo ay foodsaartay duulaamo iyo dagaalo xoogan oo uga furmay gudaha dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya sheegato ee Ogaden ama Dhulka Soomaali galbeed.

Warar hoose oo Shabakada Dailypuntland heshay ayaa waxay sheegayaan inuu Mareykanka wado qorshayaal uu Itoobiya uga saarayo baxarka ay ku jirto, isagoo cadaadis ku saaraya Kooxda Mbagathi inay heshiis dhab ah la galaan Isbahaysiga Asmara, islamarkaasna hadii taas lagu guulaysto ay irdaha u furi karto inay Ciidamada Itoobiya si nabad ha uga baxaan dalka, iyagoo ay bedeli doonaan ciidamo dhexdhexaad ah,hase yeeshee dadka ka faalooda siyaasada ayaa waxay arrintaas ku tilmaameen mid aan miro dhal noqon Karin,ayna sabab u tahay mawjadaha dagaal ee ka aloosan gudaha dalka Soomaaliya.

Sikasta ba ha ahaatee, guuldarrada dagaalkii lagu qaaday Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay ififaalaheedii, iyadoo bilaha nagu soo fool leh la saadaalinayo inay soo shaacbaxdo oo si cad loo qirto, taasoo waji gabax ku noqon doonta gaalada iyo dadka la jira ee munaafiqiinta ah,halka ay dhanka kale guul taariikha ah u tahay Musliimiinta Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka,insha allaah guusha waxaa ku dambayn Muslimiinta oo balanqaad rasmi ah ka haysa Ilaaha subxaana watacalaah.

C/casiis Ismaaciil Cilmi
dharbaaxo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com