Afrika ha eegto hillaaca rajada
W/Q: Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Waxaa la yidhi “Nin buka boqol u talisay”.
Waxaa malaha sidaas ka dhigan qaaradda weyn ee
Afrika. Waa qaarad aanay inta badan taladeedu
dadkeeda gacanta ugu wada jirin. Waa qaarad ugu
dhowaan afartankii sano ee u dambeeyay ilaa
hadda ay dadkeedu ku sugan yihiin nolol hoosaysa.
Si ay geeddiga nololeed hore ugu waddo waxay u
baahan tahay aqoon iyo dhaqan aqooneed dhab ah
oo shaqayn kara.
Gabay uu tiriyey Shawqi, abwaan carbeed, oo
qoraal lagu hayo ayaa waxaa ku cad in uu
qaaradda Afrika ku metelay sida xidhmo cinab ah
oo biyo aad u dhannaan ku dhexjirta oo kale.
Waxa uu yidhi: “ Maxaa biyahaa ka dhannaan,
maxaase cinabka ku jira ka macaan?”. Innagu
waxaynu leenahay: Afrika yaa ka khayraad badan,
dadkeedase yaa ka saboolsan?!
Afrika dad badan oo cid kastaba leh ayaa wax ka
qoray, waxaanse horraantii bishii tagtay ee
Febraayo dhegaystay macluumaad ku jiray dhigane
ama buug la akhriyey oo uu qoray Robert Guest,
warfidiyeen Afrika aad u darsay. Buuggaasi waxa
uu ku tilmaannaa, “Qaaradda seetaysan: awood,
musuqmaasuq iyo nolol Afrikaan”, waxana akhriyey
Naadiga Akhristayaasha. Haddii ereyga “seeto” la
yidhaa waxaa jiri kara xoogaa fakaansi ama
dhaqdhaqaaq ah, laakiin dabarku waa jiq. Waxa uu
ahaa buug ama dhigane aad u xiiso badan.
Waxaa mawduuca buugga si toos ah ama si dadbanba
ula xidhiidhi karay weydiimaha, “ Maxaa Afrika
saboolnimada ugu wacan? Maxay in badan oo
qarammadeeda ka mid ahi had iyo jeer ugu jiraan
xaalado dagaal? Muxuu cudurka dilaaga ah ee AIDS
faro baas ugu hayaa meelaha qaar? Maxaa
iskaashatooyinka ama dadkeeda wada hawlaha
ganacsi ku adkeeyay in ay helaan ‘deyn lacageed’?...”
Laakiin aynu halkaa innagu mid ku dhignee, maxaa
looga gol leeyahay deynta la siiyo dalalka
Afrika qaar ka mid ah? Ma daawaa mise waa dab?
Had iyo jeer waxaa laga yaabaa ama dhici kartaba
in ay kala duwanaadaan dhibaatooyinka Afrika
sida ay dadweynaha qaaraddu u arkaan iyo sida uu
shisheeyuhu u arkaa. Taasi runtii layaab ma laha,
waayo dadka iniba meel ayey ka duushaa, si na
wax bay u eegtaa.
Waxaa taariikhda lagu hayaa in ay dadweynaha
qaaradda dhibaatooyin badani kaga yimaaddeen
dhanka shisheeyaha, oo maanta waxaa qoran
addoonsigii arxandarrada ahaa ee beri fog dhacay,
qaybsashadii qaaradda, gumaysigii iyo isku
soofayntii qaar ka mid ah qarammada Afrika
xornimadii ka dib. Waxa kale oo jira
qorshayaasha shirkadaha waaweyn ee casriga ah ee
xilligan iyo siyaasado kale oo aad mooddo in
aanay dheelli-tirnayn.
Waxaa dhinaca kalena ina hor taal xaqiiqo kale:
waa gumaadka, dilka, dhaca iyo dhibaatooyinka ay
isu geystaan dadweynaha reer Afrika qudhoodu.
Dhibaatooyinka dhanka shisheeyaha loo tiriyo
waxa malaha, sida ay ila tahay, ka badan kuwa ay
reer Afrika isu geysteen ama isu geystaan.
Haddaba xaqiiqada dibudhaca Afrika labadaa
arrimood ayey ku dhex jirtaa. Laakiin
dhibaatooyinkaasi marmarsiinyo uma noqon karaan
in ay reer Afrika ahaadaan sida ay maanta yihiin.
Adduunka kaleba waxa ka jira qaarado ama ummado
mushkilado badan soo maray, oo haddana maanta
meel iska soo saaray, nolol lagu soo hiran
karana haysta.
Dadweynaha reer Afrika waa looga wanaagsan yahay
in ay qarnigoo labaatan dhaafay sheekooyinkooda
oo dhami noqdaan “wax baa nalagu caawiyey”,
“waxbaa nala yeelay”, “dawlad heblaayo ayaa dan
innaga leh oo horumar baynu gaadhaynaa” iyo
wixii la mid ah. Waxaasi waa aragti-xumo weyn oo
ay aqoondarro ka muuqato. Waxay muujinaysaa in
aanay reer Afrika aqoonsanayn wanaag kasta oo ay
iyagu qabsan karaan qiimihiisa, iyo dhib kasta
oo ay isu geystaan waxyeelladeeda. Wax walba
waxaa kala weyn wax yar oo ay dad shisheeye ahi
sameeyaan.
Haddii uu qof qaaradda u dhashay dalkiisa ugu
deeqo $ 10,000 wax weyn looma arkayo. Laakiin
haddii ay hay’ad yar oo shisheeye ahi meel ku
beerto dhawr geed oo ubax ah ama qol yar dhisto
waxaa loo arkayaa guul weyn oo soo hoyatay oo
aan la gaadhi kareen, waxana loo difaacayaa
hay’addaa, haddii shaki yimaaddo, si aan loo
difaaceen hantida muwaaddinkii dalkiisa deeqda
weyn u fidiyey, maxaa yeelay waa hay’ad.
Macnaha hadalkani ma aha in la iska daayo
waxqabadka hay’adaha ama shisheeyaha laga heli
karo, ee waa in horta la isku kalsoonaadaa, oo
haynta iyo kartida la leeyahay lagu qancaa.
Markaa ka dibna waa in dadka shisheeyaha ah ama
hay’aha wax lala qabsan karo la soo dhoweeyaa,
oo si sharaf leh wixii dan ah loo wada qabsadaa.
In xarragada la ilaaliyaa waa wax aad iyo aad u
fiican.
“War la qabaa xiiso ma laha” ayey dadkeennu ku
maahmaahaan, waxana sidaa ka dhigan arrimaha
Afrika oo aynu dhammaanteen ka wada warqabno. Ma
jiro malaha qof qaangaadh ah oo aan garanayn
waxa ay Afrika u baahan tahay. Sidaas oo ay
tahay haddana ujeeddadeennu waa uun xasuusin
kooban.
Haddii hadalka la soo ururiyo dadweynaha
qaaraddu waxa ay u baahan yihiin aqoon garasho
wadata, caddaalad iyo talo hagaagsan. Saddexdaa
arrimood ayaa keeni in saboolnimada, colaadaha
iyo dhibaatooyinka laga baxo oo nolol fiican la
helo. Arrimahaas ayaa keeni kara talo fiican oo
wax kasta oo wanaag ah lagu qabsan karo. Sow
sidaas ma aha?
Bal imikana aynu dhuuxno macnaha tixahan soo
socda:
“Tabantaabadeey laba Gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxaa la qaadaa markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma
goyseene
Rag tashaday dhul way toli karaan, taako
labadeede”
Cabdillaahi Muuse
“Midigtaadu waxay xoogsataa maydha kaa jara e’”
Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde)
“Axadkii kaslaan ahi sabool abidki weeyaane’”
Xaaji Aadan Axmed Afqallooc
“Tab uu laaskaaga ku dhurtiyo tuugo nin u jeeda
Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo”
Cabdillaahi Macallin Dhoodaan
W/Q: Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com