SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

Inamada Soomaalida Iyo Wadamada Galbeedka

Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com
  
Ottawa-Canada

Barmaamijka la yidhaa “Witness” ee laga sii daayo telefishanka caalamiga ah ee Al-jaziira ayaa dhawaan lagu soo qaatay barmaamij ciwaan looga dhigay “Lost Boys”(halkan ka daawo). Barmaamijkan -oo uu soo jeediyo wariyaha uu asalkiisu yahay Soomaaliga ee magiciisa la yidhaado Raage Oomar- ayaa waxa aad loogu faaleeyay qaar ka mida dhibaatooyinka haysta inamada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Ingiriiska. Barmaamiijkan waxa lagu sheegay in wadanka Ingiriiska ay ku soo badanyaan dilalka ay gaystaan “inamada Soomaalida” ee ku nool wadankaasi. Sidoo kale waxaa barmaamijkan lagu sheegay in qaar badan oo dilalkaas ka midi ay ka dhex dhacaan inamada Soomaalida dhexdooda. Dhibaatooyinkan uu barmaamijkani soo bandhigay (oo UK ay la wadaagaan Soomaali badan oo Galbeedka ku nooli) ayaa ah qaar mudan in la baadho asbaabaha keenay, si aanay mushkiladani faraha uga bixina waa in la raadiyo xalal waaqiciya oo lagaga hortagi karo mushkiladan. 

Ma aha markii iigu horaysay ee aan mawduucan wax ka qoro. Maqaalla badan oo xidhiidh toos ah la leh mawduucan ayaan hore ugu soo bandhigay qaar ka mida bogoga internet’ka ee Soomaalida (eeg  Halkan). Maqaalkanse –hadii Alle yidhaahdo-  waxa aan si khaas ah ugu eegi doonaa aasaaska mushkiladahan “inamada Soomaalida” ee ku nool wadamada Galbeedka. Waxa kale oo aanu maqaalka ku soo bandhigi doonaa qaar ka mida xalalka aanu is leenahay waa looga hortagi karaa dhibaatadan.  

Dhaqan Gadoonka Inamada : Inkasta oo isbadal wayni uu ku dhacay -guud ahaan- dhaqanka caruurta Soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka, hadana isbadalkan saamayntiisu waxa ay aad ugu badan tahay dhinaca inamada. Boqolkiiba sagaashan caruurta Soomaalida ee ku xidhan jeelasha wadamada Galbeedku waa inamo. Sidoo kale kuwa daroogada wadamadan ku isticmaala, kuwa ka baayac mushtareeya daroogada, kuwa iskuulada ka saaqiday iyo kuwa reerahooda ka  tagay ( ee GANG’iska noqday) dhamaantood waxa ay u badan yihiin inamo. Hadaba waa muhiim in la is waydiiyo waxyaabaha sababay arinkan?. Baadhis dheer oo aanu ku samaynay mushkiladan waxa noo soo baxday in arimahan hoos ku qorani ay yihiin asaaska mushkilada mushkiladan.  

Aabo Maqane Jooge ah: Qaar ka mida inamada Soomaaliyeed ee lagu waraystay barmaamijka “Witness” waxa ay sheegeen in qaar ka mida aabaayaasha Soomaalidu ay masuul ka yihiin danbiyada ay ku dhacayaan ciyaalkoodu iyagoo ku sababeeyay in ay aabayaashu yihiin qaar caruurtooda kaga mashquulay mafrishyada lagu qayilo. Waa dhab in aabayaal badani ay tarbiyada caruurtooda kaga mashquuleen makhaayadaha fadhi ku dirirka iyo mafrishyada qaadka. Sidoo kale waxa iyana dhab ah in ka badan 50% aqalada Soomaalida ku nool Galbeedka ay yihiin aqalo si toos ah ama si dadban uu aabuhu nolosha qoysikiisa uga maqan yahay. Maqnaanshaha uu aabuhu sida tooska ah (dhimasho ama furitaan) ama si dadban(single mother) uga maqan yahay nolasha caruurtiisu waxa ay sabab u tahay in inamada qoysaskani ay waayaan aabo ay tusaale ka dhigtaan. Sidoo kalena waxa ay sabab u tahay in ubadkani ay waayeen aabo tusaaleeya, waxna u sheega waqtiga ay caruurtaasi talo iyo tusaalayn u baahan yihiin.  

 Qaybsanka Jaaliyadaha Soomaalida ee Qurbaha: Qaybsanka siyaadadeed ama qabiil ee Soomaalida Galbeedka degani, iyaduna waa sabab kale. Bulshada Soomaaliyeed ee soo degtay qurbuha wali qalbigodu waxa uu ku xidhan yahay mushkiladiha ka jira magaalooyinkii ay ka soo qaxeen. Hadaad u fiirsato doodaha ka dhaca meelaha ay Soomaalidu ku kulmaan waxa aad arki in 90% in kabadani ay ka hadlayaan mushkiladaha siyaasadeed ee ka jira dhulkii ay ka soo qaxeen. Ma xuma in laga hadlo xalna loo raadiyo mushkiladahaas siyaasadeed, laakiin iyada oo ay jaaliyadaha qurbaha haystaan mushkiladooyin waaweeyni in lagu mashquulo siyaasada Afrika oo aanay dadka qurbha degani waxba ka qaban karini  waxa ay door ka ciyaartay dayaca caruurta Soomaalida ee Galbeedka ku nool. 

Ku dhaqan la’aanta diinta: Ciyaalka Galbeedka ku korayaa dhaqan iyo diin badan oo ay garanayaan ma jirto. Arinkanina waxa uu fududeeyay in ciyaalku ay si fudud u qaataan dhaqamo xun xun(sida kuwa uu ka hadalay barmaamijkani) oo aan mustaqbalkooda aduun iyo aakhiro toona u fiicnayn.  

Saboolnimo: Asal ahaan faqiirnimadu ma aha mid keenta in ay caruurtu xumaadaan, laakiin xaqiiqdu waxa weeye in (wadamada Galbeedka) uu xidhiidh wayni ka dhaxeeyo mustawaha dhaqaale ee qoyska iyo wanaaga ama xumaanta ilmaha qoyskaas. Arinkan marka lagu daro arimaha kale ee aynu kor ku soo sheegnay, natiijadu waxa ay noqotay in qaar ka mda inamada Soomaalida ee Galbeedka degani ay iskuulada iskaga tagaan iyaga oo raadinaya dhaqaalo fudud oo ay maciishadooda  kor ugu qaadaan. Qaar ka midi ubadkaasi marka ay ka tagaan iskuulada ay dhigtaan waxa ay bilaabaan in ay ka baayacmushtaraan iibinta mukhaadaraadka iyo wixii la midka ah. Markii la waraystay inamo Soomaaliyeed oo ka baayacmushtareeya daroogadu waxa ay sheegeen in sababta ay arinkan faraha ula galeen ay tahay iyaga oo raba in ay ka urursadaan waxoogaay dakhli ah. Nasiibdaro se waxa  uu arinkani sabab u noqotay in ay inamadaasi xubno ka noqdaan ururada gaangiska ee ka baayacmushtara daroogada iyo wixii la midka ah. Ugu danbayntii qaarkood waxa ay faraha la galeen danbiyo waaweeyn oo sabab u noqday in qaarkood la dilo qaarkoodna ay mutaystaan xabsi iyo xadhig dheer.

Xalka Mushkiladan

    1. Hadii ay jaaliyadu qirto in dhibaatadani ay  tahay dhibaato jaaliyada ka dhex jirta
    2. Hadii la adkeeyo asaaska qoyska soomaaliyeed ee qurbaha degan lagana hortago wax kasta oo qoyska dhismihiisa burburinaya.
    3. Hadii aabuhu uu door wayn ka ciyaaro hogaaminta qoyskiisa kana fogaado arinkasta oo hoos u dhigaya masuuliyada hoogaminta aqalkiisa
    4. Hadii jaaliyadaha Soomaalida ee Galbeedka degani ay u midoobaan wax ka qabadka mushkiladahan iskana ilawaan khilaafaadka ka jira dhulkii ay ka soo qaxeen.
    5. Hadii tarbiyada caruurta laga bilaabo waqtiga ay yaryaryihiin laguna tarbiyadeeyo dhaqankooda wanaagsan.
    6. Hadii la xoojiyo  tarbiyada diiniga ah ee caruurta khaasatan wakhtiga ay yaryihiin.
 Waxaan is leenahy hadii arimahaas oo dhan lagu dhaqaaqo mushkiladahan waa la yarayn karaaa, caruur badana waan la badbaadin karaa,. hadiise ay jaaliyadu ku sii socoto dariiqa ay iminka ku socoto mushkiladahani waa ay sii kordhi doonaan.

Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com
  
Ottawa-Canada

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com