Aabaha iyo Jacaylka Ubadka (Faatoxo)
Eng. Abdullahi Abdulkadir (Faatoxo) – UK
faatoxo@hotmail.com
Waxaa mahad idilkeed ay u sugnaatay Allaha Aduunka
idilkii maamulkiisa haya, Dadka qaar u hibeeyay gabdho,
qaarna wiilal, kuwana isugu daray labadaba, qaarna ka
dhigay ma dhalays; Nabi Moxamed nabad galyo iyo naxariis
ha ahaato korkiisa, uu noo sheegay in dhamaantayo aan
masuul nahay, masuuliyadaasna nala waydiin doono.
Intaa ka dib, waxaa igu dhaliyey qoraalka maqaalkan:
1. Ka dib markii aan amin dambe, habayn isbuucii dhawaa
dhexdiisa ah, aan Magaalada London, aan ku arkay koox
gabdho da’ yar ah, oo waqti ila qaldan magaalada dhex
mushaaxayey, dhaqan haboonina uusan ka muuqan, ayaan
waxaan is waydiiyay, horta imisa ayaan ilmaha jecel
nahay, hadii aan Aabeyaal nahay?
2. Maqaaladii aan horay u qoray oo bogaga internka
qaarkood soo gudbiyeen “Waa
sidee Waalidka Wanaagsani? iyo Hooyada Wanaagsan iyo
barbaarinta ubadka” oo dad badani uu waxtar ku sheegay,
ayna i waydiiyeen inaan wax ka qoro maqaalo la xiriira
arimaha barbaarinta ubadka.
Waxay u muuqataa mid aad u fudud, oo aan waxbadan
sheegayn su’aashayda ahayd imisuu yahay jacaylka Aabaha
ubadkiisa?, waxaa laga yaabaa in aanuba qofna iswaydiin,
micnaha jacaylka dhabta ah iyo waxa ka dhalanaya.
Waxaan niri imisuu lee’g yahay, kamadaasi(imisa) waxay u
baahan tahay halbeeg wax lagu qiyaaso? tusaale, hadii
aan dhahno Alle waan jeclahay, waxa jacaylkaa lagu
qiyaasi karaa intaad amkiisa raacdo, wuxuu kaa reebana
ka harto, taasoo ah Taqwadda Alle. Hadii aad
Rasuulka(SCW) aad jeceshay waa inaad sunadiisa raacdaa,
waana taa qiyaaska jacaylka rasuulka.
Hadaba jacaylka ubadku waxa lagu qiyaaso waa kuma?; Ma
inaad dhibaatada dagaalada, gaajada Afrika aad dunidda
la dhoho way horumartay sida Yurub ka keentaa?, Ma inaad
ugado dharka kan ugu qaalisan sida noocyada lagu dhajiyo
calaamadaha Asliga ah u gado, Taleefoonkii u danbeeyey,
Ipod-kii ama MP3-gii u dambeeyey, Cayaaro elektaroonik
ah oo qaali ah oo isdaba joog ah, markastana ay
maqaaxiyaha Mc Downal iyo kuwa la midka ah ay wax ka
cunaanba?; Waxaan hubaa, in umadeena Soomaaliyeed in
badani ay jawaabtoodu tahay Haa, hadii ay suuragal ii
tahay, ilmahayga jacaylkooda intaa ayaan ku muujinayaa.
waxaaba jirta in in badani inay arintkaa ku guulaystaan
ay har iyo habayn u shaqaynayaan, oo geed gaaban iyo
geed dheerba u marayaan.
Waxaan jeclahay inaad ila aragtaan, aragtidayda ku aadan
xaqiiqda jacaylaka ubadku; Waxaa Alle noo sheegay in
hodantinimada iyo Arsaaqda xagiisa ka timaado, oo isagu
masu’uuliyadeeda uu qaaday, waxa uun nala waydiiyay
inaan asbaab suuban aan la nimaadno. Waxaa cad,in qofka
liibaanay oo guulaysta uu yahay, sida Alle noo sheegay
qofkii Cadaabka Alle laga koriyo, Janadiisana la galiyo.
Waxaan hubaa qofkii ilmihisaa kala soo cararay
dagaaladda, gaajada iyo rafaadka aduunka u muuqda,
inuusan u ogolaadeen ilmihiisa cadaabka Alle. Hadaba waa
tan Jawaabtu hadii aan ubadkeena dhab ahaan jecel nahay,
waa inaan u diyarinaa asbaabaha ay cadaabkii Alle uga
kori la haayeen, waayo iyaadaa qiyaaska dhabta ah,
guushuna ku jirtaa.
Hadaba waa sidee sida aan Jacaylka dhabta ah aa ku
muu jin karno ficil ahaan?
Jacaylka ilmuhu waxa uu la xiriiraa koriimadooda, oo
waalidka waajib ka saaran yahay. hadaba koriimada waxaan
u kala qaadaynaa: koriinka Jirka iyo koriinka nafsadda.
koriinka jirka iyo dhaqaalaytiisa Alle ayaa xilkeeda
qaaday, oo dhibkeedu ma badna, waana taa tan dad badani
uu mashquul ku yahay. Koriinka naftiisa ama ruuxdiisa,
taasoo ka tarjumidoonta akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisa
danbe,waxaa lagu muujin karaa; In labada waalid ay
guurkooda isku xushaan Diin iyo Akhlaaq, si Alle u siiyo
ubad waalid hagagsan oo ay ku daydaan hela. “Hiilka
Waalidka ubadkiisa”
Iyada oo marka laga bilaabo calool galkiisa, laga xirsi
xiro Shaydaan oo la akhristo ducooyinka Rasuulku (SCW)
laga soo wariyey, si looga talaalo dhibaatooyinka
Shaydaanka.
Aabaha jecel ilmahiisa, jacaylkaa waxa uu keenaa, in
hadii uu lahaa dhaqamo xun xun, uu joojiyo si uu kudasho
ficiin ubadkiisa ugu muujiyo intay korayaan. In inta uu
yar yahay lagu ababiyo dhaqanka toosan, jacaylka Alle
iyo Rasuul (SCW). Hadaba hadii ay noo cadaatay halbeegii
ama qiyaasihii jacaylka ubadku, aan u soo laabano
su’aasheenii intee inle’eg ayay abaabayaasha
Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qurba jooga ah ay ubadkooda
jecel yihiin?!
Aniga oo su’aasha jawaabteeda u daynaya Ninwalba iyo
Naftiisa, Hadana waxaa aad u muuqata, in maanta Aabayaal
badani aysan kaalintii la rabay ka soo bixin. Waxaana
haboon in masu’uuliyadda qooska iyo ubadka Aabayaashu
dib u fiiriyaan. Waxaa haboon in Aabayaasha qurba joogu,
ay maanta muhiimada siiyaan koriimadda Ruuxda ubadka.
In isbadal dagdeg ah ay sameeyaan Abayaashu, oo ay
wadatashadaan meel kasta oo ay joogaan, si ay uga
badbaadiyaan ilmihooda qurbaha jooga oo dariiqo xun u
batay, sababka dhabta ahina yahay Aabayaasha oo gabay
jacaylkii dhabta ahaa.
Aniga oo idinka raali galininaya aqoontayda oo ku yar
maadadaan, waxaan Eebe wayne waydniiynaa inuu naga dhigo
kuwo fahma sababkii loo abuuray, Aaduunka iyo
Aakhiradana liibaana, Ubadkana waxa wanaagoodu ku jiro
Alle ha jeclaysiiyo, Allena hana noo xafido. Aamiin.
Wa bi_Allahi Towfiiq.
Eng. Abdullahi Abdulkadir (Faatoxo) – UK
faatoxo@hotmail.com