SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

Habeenkii iigu horaysay oo aan Luuqadda Axmaariga ah oo diin lagu sheegayo aan dhagaysto.
 

Dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan dadka mudada dheer kujiray gacanta gumaysiga Itoobiya ee Ogaadeenya marka dhagohoodu maqlaan luuqadda Axmaariga waxaa markaba jidhkooda camima cadho,cuqdad iyo nacayb aad ubadan oo loo qaadayo cidda kuhashay luuqadaas.

Luuqadda Axmaarigu waxa ay ahayd luuqad muddo qarniyaal ah lagu fulinay xadgubyo aad ubadan,dadka Ogaadeenya qofna maskaxdiisa kuma soo hoyato in luuqadda Axmaariga wax khayr leh lagu sheegi karo,Xiligii uu Xayle Salaale ka taliyay Itoobiya ayaa oday kamid ah dadka Soomaalida Ogaadenya oo loo dhiibay masuuliyad ayaa maalin maalmaha kamid ah waxa ay kulmeen Xayle Salaase,kadib Xayle Waxa uuna ninkii waydiiyay su'aalahan:-

Xayle Salaase :-War Hebel Luuqaddii Axmaariga Ma baratay?
Ninkii:- Haa waan Bartay
Xayle Salaase:- Bal kuhadal
Ninkii:- Qushaashaa,Leebaa,Handharaa,wishaa,qimaalaa.
Xayle Salaase:-War waa maxay waxaan kuhadlayso waa wada cay iyo canaan uune, saw qaybo aan kuwaas ahayn oo caadiya mataqaanid?
Ninkii:- War Annaga dhulkanaga askar baad usoo dirtaa,askartaasina intaas umbaan ka baranaa.

Inkasta oo aan yaqiinsanahay in ay tahay luuqad sharka iyo khayrkaba kalamid ah luuqadaha aduunka,oo sidaas daraadeed lagu sheegi karo wax kasta oo diin ama maaddi ah,ayaa hadana luuqaddaasi dadka kuhadla cadaawadda soo jireenka ah ee udhexaysa umadda Soomaaliyeed waxa ay meesha ka saartay in luuqadaasi marna lagu sheegi karo wax ilaahay raalli kayahay.

Xalay oo ahayd habeen Khamiis ah taariikhduna ahayd 06 dii March 2008 ayaa salaaddii makhrib markii aan tukanay waxaa loo fadhiistay muxaadaro diini ah oo ku baxaysay luuqadda Axmaariga,sheikhii dadka lasocodsiinayay in muxaadarado luuqadda Axmaariga kubaxaysaa ay jirto ayaa isaga laftiisu dhoola-cadaynayay,isagoo qudhiisu dareensan sida dad badani ayna u arag Axmaari diin lagu sheegayo.

Luuqadda Axmaariga ma aqaano laakiin waxaan kamid ahaa dadkii dhagaysanayay,dadka ubadnaa ee muxaadarada dhagaysanayay oo Oromo iyo Itoobiyaan ubadnaa marka laga reebo,aniga iyo Soomaali badan oo aan luuqadda Axmaariga fahmaynin waan fadhinay meesha,ujeedadanaduna waxa ay ahayd bal in aan dhagaysanno sida ay dhadhamyso luuqadda Axmaarigu marka diin lagu sheegayo!.

Markaan qumaati muxaadaradii Axmaariga ku baxaysay aan udhagystay waan farxay oo waxaan ku farxay in ay ilaahay mahaddi tahay hadii luuqaddii waxaan ogaa lagu samayn jiray hadii caawa diinta lagu faafinayo oo quraanka lagu fasilayo.

Sikastaba ha ahaatee Xalay waxay ii ahayd habeen xusuus wayn naftayda ku reebtay oo aan waligay xususnaan doono

Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com