SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

Maxay BBC-du iyo VOA-du Wariye ugu Cugan la yihiin Mandaqadda SSC ?
 

Markii ay Hawadda soo gashay Idaacadda laga leeyahay wadanka Maraykank qaybteeda ku hadasha Afka Soomaaliga, waxaa soo baxay kala Jiidasho iyo Tartan Wariyayaasha Soomaaliya gaar ahaan kuwii hore oo hadeer ah Qorax sii dhacaysa, sidoo kale waxa iyaduna soo baxday in Idaacadaha ugu Afka dheer Soomaalida (VOA iyo BBC) ay u kala Tartamaan Gobaladda Soomaalida .

Waxaan iyduna meesha ka maqnayn in Wariyaasha Da'a yar yare e Soomaalidu ay iminka helaan Fursado aysan haysan VOA-da ka hor, waxaana jirta in iminka Wariyaal badan shaqo ka kala heleen Labadan Idaacadood , waxaa kale oo iyaduna meesha ay VOA-du ka saartay Kali ahaan shihii BBC-da, oo aad dareemi kartid marka aad dhagaysatid Waraysigii Axmed Xasan Cawke uu VOA-da siiyey kolkii uu BBC-da ka Reeryeystay.

Inkastoo uu Yuusuf Garad Omar Tifaftiraha BBC-du uu horumar weyn ku talaabsaday mudaddii uu shaqada joogay, Wariyaal dhalinyaro ahna uu soo caan saaray, hadana waxbadan oo looga baahnaa kuma talaabsan, Dadka badankiisuna ayba ka Aamineen in uu Qabiileeyey Saxaafadii Soomaalida.

BBC-da oo horay u ilawday Deegaano badan oo Soomaaliyeed, wararkooda iyo Wariyaashoodaba oo aan dan iyo heelo ka lahayn, Soomaaliyana moodayba, Koonfurta, Bari iyo Hargaysa ayaa VOA-duna ka dhigan tahay, Awrka danbe kan hore saanqaadkiisa ayuu lee yahay.
.
Idaacadahan kor ku xusan oo Wakhtigan ka dhigan Idaacadii Soomaaliya Dawlad la'aanta awgeed ayaa waxad moodaysaa in ay isku hal Idaacadba yihiin, Siyaasadda isku mid ahna ku shaqeeyaan, oo furitaankii VOA-ba aysan Micno weyn u soo horayn Umudda Soomaaliyeed waxa aan ka ahayn shaqo geynta Wariyayashii BBc-da ku Dulmanaa sida uu Cawkeba sheegay.

Gobaladda Soomaaliya waxa aan ka ahayn Deegaanadda SSC waxaa Idaacadahan u jooga wariyayaal u soo tabiya Wararka iyo Dhacdooyinkaas Gobalkaas, hase yeesheen Gobaladda SSC oo ah Saddex Gobal oo dhinac isku haya, Idaacadina ma samayn in ay Wariye deegaanka ah ay u Cugato wariya ahaansho, iyadda oo horay BBC-du ay ka Ilduuftay talow VOA-duna miyey ka Iduuftay iyaduna ?

Waxaan ka Codsanayaa Maamulayaasha Idacaadahan in ay dib u Eegaan Siyaasadoodda deegaanka inta ay Wariye Gobal kale jooga soo weydiinayaan waxa ka dhacay Deegaankan oo ay wariyaashiisu xad dhaaf yihiin , isugana jiraan, kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwii danba

Cabudhinta ay ku hayaan Idaacadahani ma mid ay Tifaftirayaashu is la ogyihiin baa, ma mid Maamulka Sarre ee Idaacadda leh waa Maraynkan iyo Ingirisku-ye ay keeneenbaa, Ma arin Qabiilbaa maxay tahay? jawaabta waxaan u dhafay Yuusuf Garad iyo Dhigiisa VOA-da

Cabdiqani Makhtal
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com
cmakhtal@yahoo.com 
Laascaanood Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com