Hooy, ummadyahay
jahligeeda ummaduhu ku qosleen?!!.
Gabyaagii carbeed; Abuu Dhayib Almutanabbi’;
(303H -354H) ayaa kolkuu ummadda carbeed la yaabay wuxuu
yiri:
Hooy, ummadyahay jahligeeda ummaduhu
ku
qosleen?!!”.
Haddaba qoslo lagugu qoslaa wuxuu astaan u yahay
liidasho xagga maskaxda ah oo lagugu qiray. Jahli
(wax-aqoon-la’aan)
ummad kolkuu ku habsado waxaa ummaddaa ugu soo dhuunta
doqon nimo iyo quursi, waxay yiraahdaan ama sameeyaanna
waxaa laga dhex akhristaa liidasho iyo dammannaan,
markaa waa u dhammaatay, sagxaddana lagama xigol!.
Marka koowaad,
baryahan web-pages fara badan waxay aad u qaadqaadeen;
“Gabre; ayaa laba jeer Cabdullaahi Yuusuf
dharbaaxay”, waa run ama waa been midna oran mayo, oo
tabinta dhacdadaa ayaan wax micne ah ila lahayn. Haddii
la dharbaaxo, soo isagu ma galabsan?, soo isagu sooma
raacin Gabre?, Nin ayaa soddohdi dharbaaxay –oran
mayo wax rag loogu maahmaaho ma aha oo waa la simanyahay-
gartii markii loo fariistay ayaa raggii nin ka mid ah
odoyaashii waydiiyay; horta, maxay soddohdu u istaagtay
meel ay gaadho gacanta wiilka ay sodohda u tahay (gabadheeda
qaba)?. Horta, Gabre meel uu cid ka dharbaaxi
karo, yaa soo fariisiyay?!-xaruntii Madaxtooyada
soomaaliya. Gumaysi iyo Hormojaan maxay isu dharbaaxeen,
lama yiraahdo?, oo waa dhagarqaba yaal is-edebsanaya.
Soomaalida xalaasha ahna dharbaaxo wax ka mug wayn oo
dib-u-xorayn ah ayaa maanta u taal.
Marka labaad,
fadheexadii (ceeb ama bayuur) ugu waynayd waxay dhacday
(27/02/2008). Goor waabar ah ayaa Airport-ka Aadan–cadde
–Muqdishow- waxaa soo maray Seyumo Mesfin oo
diyaarad wata, wuxuu hore u sii qaatay; Abdullaahi
Yuusuf, Nuur-cadde iyo Aadan-madoobe, dabadeed,
Baydhaba ayuu afka uga shubay iyaga oo xog iyo xaal
midna aan war u hayn. Warar kale waxay sheegeen in uu
Baydhabo ku ballansaday. Is-araggu qaabkii la doono ha
loo abaabulee, wax aan sheeko ama shaahid midna aan lagu
maqal ama lagu arag ayaa dhacay. Wasiir arrimo dibadeed
dal shisheeye ka socda oo qol ku xirtay raggii ugu
sarreeyay wax dowlad lagu magacaabay, wali lama maqal,
xataa, sheekooyinkii khiyaaliga ahaa ee “Alf layla wa
laylah” laguma xusin. Rag dal dhan oo siyaado leh
(sovereignty) in ay ka taliyaan sheegta, ma dhici kartaa
in; wasiir shisheeye ah (Seyum Mesfin) iyaga oo
nool qol in uu ku ooto?. Mee, wasiirkii Arrimaha dibaddu?!.
Allaylehe waxaa markhaati helay “Maxamed Qanyare”
hadalkiisi ahaa; “nin xilkiisa u madax bannaan dowlad ku
sheegga kuma jiro”. Habmaamuuska dawladaha (States
protocol) ma ku jirtaa in heerkaa oo kale lagu qaabilo
wasiir dawlad ka socda oo marti ah?. Marka kaliya oo
sidaa oo kale ay dhici kartaa waa; dal gumayste ah oo
wasiirkoodi dal ay gumaystaan amarro gaarsiin u yimid.
Ragga maanta ku dooda dawlad baan nahay kama duwana
dawladdii Dhaakiliyadda oo koofurta Talyaanigii (AFIS)
ka dhisay 50-adii.
Maya, xaal baan siiyay
dowladdii daakhiliyadda, waayo himmad iyo ujeeddo ahaan
waa ka heer sarreeyeen kuwa maanta dowladda sheegta oo
silica ku nool. Dhan kale, warar baryaha socday waxay
sheegeen in ku-xigeenka wasiirka koowaad “Saalim
Caliyoo Ibroow” iyo afar wasiir lagu weeraray
guri ay dagan yihiin oo ku yaal Muqdishow, caasimadda.
Cawro waa iyagee ma iskaabulo qol irrid bannaan ah dagan
baa?, wuxuu soo dowlad ma sheegan?!.
Waxaan
aad uga jiriiricooday; shirkii albaabadu u xirraayeen
kolkii uu dhammaaday “Cabdullaahi Yuusuf” in
wixii looga wada hadlay shirka isagu ka warramay oo uu
yiri: “waxaan ka wada hadallay arrimaha dib u
heshiisiinta iyo sidii amaanka loo sugi lahaa”. Xataa,
Xuubsireed loogama harin hawshii uu
yaboohsaday (afhayeen)!.
Gacaliye
akhriste,
maxaa kuu baxay?, been iyo hadal aan meella haysan,
haddii laguugu sheegay go’aankii Isbahaysiga dib-u-xoraynta
soomaaliya oo ahaa: “inta xabashi dalka haysato waxa
DKFS loogu yeero wada hadal la gali mayno”, hadda
ma garaysatay; talo meeshii ka habboonayd la dhigay in
ay tahay ma kuqanacday?.
Waxaan maqli jiray
“Maxamed Siyaad Barre”
(AUN) ayaa
gobol kormeer ku tagay, dabadeed, dadkii gobolka markuu
waraystay waxay ka sheegteen Guddoomiyihii Gobolka.
Markuu isu dhagaystay labada dhinac oo xaqiiqsaday
khaladku in uu guddoomiyaha ka socdo, wuxuu amray
guddoomiyihii in uusan dayaraadda ka harin. Haataan
waxaa la yiri: Seyum Mesfin wuxuu dayuuraddii ku
sii qaatay Nuur-cadde Cajiib, soomaaliya, ma
gobol Itoobiya ka tirsan baa, mise waa Jamhuuriyadii
Soomaaliya oo madax bannaan?.Goor danbe, “Goobdoon”
ayaa warkaa beeniyay ayaan maqlay, ha yeeshee, durba
waxaan soo xusuutyay doqontii tiri; “Maxaa la iigaga
farxi barriba waa lumi!.
Casrul
jaahiligii (Islaamka ka hor) waxaa Jasiiradda
Carbeed ka hanaqaaday rag gabyaa ah oo miba midka
kale ka daranyahay. Raggaa waxaa ka mid ahaa “Cantara
Alcabsi” oo isku darsaday; geesi goobaha dagaalka ka
tilmaanan iyo gabayaa codkar ah, laakiin, midabkiisa
madow dhowr jeer lagu ciilay. Xilligaa oo Carab oo dhan
jahli hareereeyay (wax-aqoon-la’aan) ayuu yiri:“Laa
tasqinii
bi maa’ ilxayaati bi-dillatin...Bal isqinii bilcisi
ka’s-alxandhali”
oo macnaheedu yahay;
[Anoo
dullaysan ha iwaraabin biyaha nolosha...Balse,
anoo gob ah iwaraabi
koob dacar ah].
(Biyaha
nolosha,
wuxuu ulajeedaa biyo haddii la cabbo gadaashood aan la
dhiman, waa tusaalayn). Karaamo darro in uu ku noolaado,
xataa hadday noloshiisu dhammaad lahayn wuxuu ka
doorbiday gob (xor ama nasab) isaga oo ah in dacar la
cabsiiyo oo uu dhinto markaaba.
Ugu
dambayn nin caalim ah oo soomaaliyeed ayaa la dagay reer
Ari fara badan dhaqda, kolkuu noloshooda u kuur galay
wauxuu ogaaday salaad iyo cibaado rabbi toona in aysan
shaqo ku lahayn oo ariga oo kaliya daba joogaan. Waxaa u
muuqtay lexejeclada arigu in ay ka indho tirtay
salaaddii (cibaadadii). Maalinkii dambe ayuu isugu
yeeray raggii arigu la tagay; wacdi dheer ka dib wuxuu
hadalkii ugu soo uruuriyay; warhooy “Ilma Julaasoow”
arigiinna u tukada”, oo uu ulajeedo, Allihii ariga idin
siiyay, haddaad cibaadadiisa ka jeesataan ogaada xaynta
ariga ah in uu idin dhaafin karo!.
Anna
Waxaan lee yahay, ummadyaha jahligeeda ummaduhu ku
qosleen, ogaada cibaadada Alle haddaad ka jeesataan,
dalkiinna iyo dadkiinnana daafici waydaan; maalin aan
maatan ahayn in la is waydiin doono; “HORTA
SOOMAALIYA HALKEE DEGI JIRTAY?!.
Falaa xawla walaa quwata ilaa billaaha.
Wa
xasbuna Allaah wa nicmal wakiil…
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com