SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

Duqeeynta Dhoobleey Xadgudubka Iyo Fal Dembiyeed Cad.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo

Cadaaladda codka Wadaniyiinta Somaaliyeed waxaanu halkan Cambaareeyn uga soo jeedineeynaa Rajiimka Gacan ku dhiigle. Bush oo ka Taliyaha Dalka Mareeykanka Duqeeynta Xadgudubka
ah Dayuuradooda Dagaalka ka geeysteen Degaaanka dhoobleey
G/J/Hoose Dalkeena Hooyo Ujeedada ka dameeysaa tahay Dilka
ama Xasuuqidda Shacabka Rayidka ah(Xoolo Dhaqatada ah iyo
Bulshadda Qaxootiga ah oo ka cararaay Gumaadka iyo Tacadiga
ka Dhacaaya Caasimadda Qaraneena Muqdisho.

 

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey
Aduunka u Cadeeynaayaan in Falkaasu yahay Dhaqan guracn iyo Gardaro
Cadaan ah,Xadgudub Lidku ah Xeeraarka iyo Nidaamka Caalimagga iyo
Xuquuqada iyo Xoriyadda Ummadda Somaaliyeed,Dhibaatada Bulshadda
loo geeysteey waxaa Masuuliyadeeda tooska ah leh-Gacan Ku dhiiglle-Bush
(USA),Gacan ku Dhiidlle Zanaawiga(Itoobiya)Gacan ku Dhiigalaha Kooxdda
Doofaareey(C/aahi Yeey Iyo Cidii gacan ka geeysteey Duqeeyntaas Gaar
ahaan Dalka Kenya.  Umadyaheey Ogsoonow-Seynab X.Cali Baxsan
 
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu halkan ku cadeeynaayaa
Shacabka Somaliyeed iyo Beesha Caalamka u qeexaayaa in aan
Guud ahaanba Dalka Somaliyeed Joogiin Shakhsiyaad Ajnebi ah
oo ka Qeyb qaata Halganka Xaqa ah oo loogula Jiro Rajiimka
Doofaareey iyo Ciidanka Gumeeysigga Itoobiya oo Dalkeena ku
Soo duuleey Sida joogta ah u Xasuuqaaya,bara kicinaaya Dadka
Rayidka ah,Bililiqeeysanaaya Hantidooda,Argagaxa joogta ah ku
Haya,Isla markaana Caalamka Indhaha ka Qarsanaayo.
 
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu Cadeeynaayaa in Ummada
Somaliyeed yihiin Dad Nabadeed, mana jirto Cid eey duulimaad
ku Yihiin,Laakiin Dalkoodii hooyo,Degaaankoodi iyo Guryahoodii
ayaa Duulimaad qaawan loogu yimi,Is Difaacida Nafta ah,Dalka
ah iyo Xurmadda iyo Illaashiga Hantidaada Diimaha Samaawiga
ayaa Dhigaaya,Xeerarka iyo Nidaamka Caalamiga ayaa Qeexay,
Anaguna waxaan la duubanay Xuquuqdda iyo Xoriyada Dalka iyo
Dadkayaga Somaaliyeed,Waxaanu Cadeeynaayaa in Argagaxisu
ku Sugan tahay Dalka Somaliya waana(Ciidanka Gumeeysiga
Itoobiya, Rajiimka Doofaareey Iyo Meleeshiyaadkiisa).
Ciidda Hooyo
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo si weyn ugu xun,kana
Tiiraanyeeysan Tacadiyada xad-dhaafka,Xasuuqayada Joogtada
ah,Bara-kiciinta Baahsan,Bililiqadda Hantida Dadweynaha iyo
Fara-Xumeeynta Haweenka,Dilka Qorsheeysan,Af-duubka iyo
Xakamiinta Warbaahinta iyo Saxaafadda Somaaliyeed Iyo Guud
ahaanba Dhibaatadda Gumeeysiga iyo Cawaantiisu ka Wadaan
Dalkeena Hooyo,Waxaan Tacsi wu direeynaa intii Naftoodda
Qaaliga ah weeyday,Inta Dhaawaca u jiifta,Malaayiinta Cidlada
Dhaxanta Habeen iyo Maalinba Tuban iyo Muwaadiniinta Sidda
Cad loo Bililiqeeystay Hantidiidii,Hanjabaada Joogtadda ahna
lagu Hayo.
 
 
   Duqeeynta Dayuuradda Mareeykan Dhoobleey waa Talaabo
Cadoownimo iyo Fal Dembiyeen kalle oo laga Gelaayo Qaranka
iyo Ummada Somaliyeed kuna biiraayaa kuwii hore oo diiwaanka
ku duugnaa, Xisaabtuna Maalinteeda iyo Marka Dalkeena dib u
soo hanto Xoriyadiisa buuxdda.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
-Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 05/03/2007-

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 01, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com