SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL/RA'YI

Hooyada Wanaagsan iyo barbaarinta ubadka (Faatoxo)

Ilaah baan mahad uga celinaynaa nicmooyinkiisa uu nagu galadaystay, Allihii dadka ka buuray biyo taag daran, kuna koriyay caloosha hooyadiis, hooyadana qalbigeeda naxariis ugaliyey, waxaan qirayaa Nabi Moxamed (SCW) inuu nagu booriyey sama falka waalidka, iyo ilaalinta xuquuqda ubadka.

Intaa kadib dhamaan labada waalid waxaa saaran masu’uuliyad, hadana qooska wanaagiisu waa hooyada, ubadka korintooda iyo xannanayntooda xil wayn baa kasaaran, hooyaddu waa aasaaska bulshadda, sidaa daraadeed baa diinteena suubani ahmiyad wayn u siisay haweenka, waxaad ogtahay, in rasuulku (SCW) uu raga talo uu ku siiyay inay dumarka ku doortaan diintooda, taa micnaheedu waa in hooyadu tahay unuga bulshadda. Waxaana la hubaa in ubadkii wanagsanaadaa ay heleen hooyo ka caawisay horumarka ay gaareen.

Waxaan maqaalkii hore “Waa sidee Waalidka Wanaagsani? arimo badan oo labada waalidba laga rabo, lakiin waxaa cad in hooyadu markasta ay aabaha ubadka uga dhowdahay, shaqaddeeda ubadka iyo guriguna uu ka badan yahay. halkan waxaan jeclahay inaan ku soo gaaryeelo, arimo laga doonayo hooyada wanaagsan inay kula dhaqanto ubadkeeda, si uu Alle uga dhigo warasadeeda, kuwa hagaagsan oo is anfaca ayna bulshadda iyo nafteeduba u aayaan.

1) Qiimayn ilmaha aabahood: Hooyada wanaagsani waxay aad u qiimaysaa ilmaha Aabahood xataa hadii ay is fureen, iyadoo tixgalinaysa wanaagii soo dhexmaray, iyo in ilmaheedu ay aabahood sharfaan, siiyaan mudnaantiisa aabanimo, waxayna ka ilaalisaa ubadkeeda inay ku abuurto caasi waalidiinimo, leh ciqaabkii Alle.

2) Dulqaad: Hooyada waxaa laga rabaa, inay caradeedu yartay, dulqaadku waa dardaarankii rasuulka (SCW)’ waa inay si fudud ubadkeeda ugu sharxi kartaa waxa khaladka ah iyo sababta aysan u doonayn inay sameeyaan; waa inay fursadaa uga faa’iidaysataa inay u sheegto waxa haboon oo saxdu tahay ee khaladkaa badalki ay ku farxayso hadii ay sameeyaan.

3) Tababarid: hooyadu waa inay ilmaheeda u diyaarisaa mustaqbilkooda fog, laga bilaabo markay dhabta ku jiraan.


a. Baridda xishoodka gabdhaha: hooyaddu waa inay markasta ku dadaashaa diyaarinta, gabar mujtamaca ku leh sumcad,’Gabari waa hooyadeed’
b. Ilaalinta akhlaaqdooda: hooyadu waxay markasta ku dhex jirtaa ubadkeeda, waxaa laga rabaa, inay mar kasta u dhug la haato, hadalkooda, iyo dhaqdhaqaaqooda. Waa inay uga sheekaysaa dadka dhaqankoodu ku dayasho mudan yahay.
c. Ilaalinta waqtiga: waxa ugu wanaagsan ee hooyo ubadkeeda ku tababartaa waa, dhowrista jadwal guriga u dagan, sida, waqtiga wax akhriska, waqtiga salaadaha, waqtiga cuntadda, waqtiga TV-ga, iyo waqtiga seexashada.
d. Ku laylyida labis fiican: ilaa xiliga ay yar yar yihiin ilmaha, hooyadu waa inay u kala cadaysaa dharka, waxa haboon in la qaato, waxaan la ogolayn in la qaato, sida inay xariirtu iyo dahabku uu mamnuuc ka yahay wiilasha islaamka ah; ku tababarida qaadashada dhar astura gabdhaha; u tusid wax fool xun dharkaan ay masawiradu ka buuxaan iwm.
e. Qababaalka shaqadda guriga: hooyadu waa inay ilmaha bartaa hadba waxay guriga shaqadiisa ka qaban karaan, sida nadaafada jirkooda, nadaafadda guriga, wax karinta(hadba heer), feerada dharka iwm.

4) Saaxiibnimo joogto ah: Hooyada wanaagsani ubadkeeda markasta waa ay la sheekaysataa, waxayna hanataa inay markasta ilmuhu layihiin saxiib ay u sheegtaan farxad iyo dhibaataba. Gaar ahaan gabdhaha oo ay tahay inay ku yeelato sheeko wadaag, si ay u kobciso dareenkooda dumarnimo, taasi waa inaysan u muuqan kala soka marin wiilasha iyo gabdhaha, ee waa siin mid kasta mudnaantiisa; Taasi waxay keenaysaa inay hooyadu la socoto waxa ku soo kordha ilmaha marka ay ka maqan tahay, sida marka ay jiraan dugsiyadda, qaraabo salaan, waana inay talo iyo sixitaan joogto ah ula diyaar tahay ubadkeeda.

5) Tixgalin siinta rabitaanka ilmuha: hooyadu waxay mudnaan siisaa rabitaanka ilmaheeda, waxay saxdaa ilmaha, hadii waxa uu rabo uu dhaqanka khilaafsan yahay, waxay gacan ku siisaa hadii waxa uu danaynayo ay ku jirto faa’iido aduun ama mid aakhiro.

Quran Video for iPod6) Abaalmarin sax ah ee ilmaha: hooyadu waa inay ilmaha, abaalmarin iyo hambalyeyn la daba joogtaa, mar kasta oo ilmuhu xilkiisa ka soo baxo. Hooyada wanaagsani abaal marinteedu, waa abaalmarin doorasho ku sugan ee aan hawo raac ahayn, waana mid anfacaysa kor u qaadka garaadka ilmaha. Faa’iidu waxay ku xiran tahay habka ay ilmaha wax ugu soo iibinayso, ee ma’aha qiimaha shayga ay u iibinayso. tusaale: a)waxay u gadi kartaa macmacaan, iyadoo u sheegaysa in sababtu tahay inuu maanta macalinkiisu waxbarashadda ku soo amaanay, ama shaqadii gurigayay si fiican u qabatay; b)waxay u gadi kartaa ipod waxayna u shegaysaa inay hubto inuu yahay ilmo fiican oo qura’aan kaliya ku dhagaysanaya, iwm

 



7) Wanaag ka sheega ilmaha: hooyooyinku waa caadi inay ilmahooda ka sheekeeyaan. Hooyada wanaagsan waxay markasta buunbuunisaa wanaaga ilmaheeda, taasi waxay ilmaha jeclaysiinaysaa inay sameeyaan waxa wanaagsan ee hooyadood jeceshahay kana sheekeynayso. Ogow ilmuhu markasta waxay rabaan in laga sheekeeyo oo la hadal hayo, waxayna samaynayaan khalad iyo saxba si looga sheekeeyo; hadaba markay arkaan in hooyadood ay waxa wanaagsan ka sheekaynays oo ku amaanayso, waxay u badan tahay inay sameeyaan oo waxaa wanaagsan caado ka dhigtaan.

8) Qirashada khaladka: hooyadu waxay ka mid tahay Aadamiga, dabcan khalad baa ka dhici kara, hadaba hooyada wanaagsan way u sahlan tahay inay qirato khaladkeeda, kana raali galiso ilmaheeda, wanaagna ka dambaysiiso khaladkaa. taasi waxay keenaysaa in ilmuhu casharkaa bartaan oo ay mustaqbilka u fududaato inay khaladka iska ilaaliyaan, hadii ay ku dhacaan ay qirtaan, cafisna dalbadaan.

9) Caawinta xiliga waxbarashadda: hooyada wanaagsani waxay markasta la socotaa, ilmahana ka caawisaa samaynta laylisyada/shaqoguriga waxbarasho ee ilmaha guriga loogu soo diro, xataa hadii ay san aqoon u lahayn maadada, waxay u sahashaa sidii ay u heli lahaayee cid caawisa; caawimaada ugu wayni waa in ilmaha ay u sahasho jawi ay wax ku akhrisan karaan, cunto waqtigeedii ku diyaara, miiska wax akhriska oo diyaara, iyo qalabka wax akhriska sida buugta, qalimaanta iwm.


Wa bi Allahi Towfiiq.
Eng. Abdullahi Abdulkadir (Faatoxo) – UK
Faatoxo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008


AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com