Urur cusub oo ay leeyihiin
ardaydayda soomaaliyeed oo looga dhawaaqay dalka indonesiya.
Shir
ay isugu yimaadeen ardayda soomaaliyeed ee wax kabarata wadanka Indonesiya oo
looga dan lahaa sidii ay ardayda soomaaliyeed ay u yeelan lahaayeen hogaan
mideeya ayaa waxaa Ibraahim C/raxmaan Cumar loogu doortay in uu noqdo
gudoomiyaha ururkaas.
Waxaana arin lagu farxo oo ku
dayasho mudan noqotay in doorashadii ka dhacday shirkaas ee lagu doortay
gudoomiyaha ay u dhacday si wanaagsan.Waa markii ugu horeysay ee ay yeeshaan
ardayda wadankan wax kabarata hogaan noocan oo kale ah.Ururkan cusub ayaa la
magac baxay ‘MIDOWGA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE INDONESIYA’.
Gudoomiyaha cusub ee ladoortay ayaa
khudbadiisii ugu horeysay ku sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ururkan cusub
wax ula qaybsan lahaa ururada kale ee ay leeyihiin ardada ajaanibta ah ee
wadankan wax kabarata iyo waliba kuwa ardada soomaaliyeed ee aduunka
dacaladiisa , iyo sidii uu u mideyn lahaa mowqifka ardada soomaaliyeed ee
wadankan joogta.
Iyadoo sidoo kale looga fadhiyo
gudoomiye ibraahim In sida ugu dhaqsaha badan uu u soo dhiso xubnaha kale ee
ururka.
Gudoomiye: Ibraahim C/raxmaan

Qaar ka mid ah ardayda soomaaliyeed ee indonesiya
Ibraahim C/raxmaan
ardaydasomaliyed@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi
meyso aragtida SomaliTalk.com.
|