-
Daba dhilif waashoow aduunyada
warbaa yaal aakhirana waxbaa jira
Mahad balaarina waxay u sugnaatay Allah unkay koonka, taagay Cirka tiir la, aan
nabad galyo iyo naxariisi Nabi Muhammad dushiisa ha ahaato.
Intaa ka dib maqaalkan la magacbaxay “daba dhilif waashayoow aduunyada warbaa
yaal aakhirana waxbaa jira”, waxaan ku gorfayn doona/hadli
doonaa,dabacsanaanta iyo dadnimo xummida dhamaan dabadhilifyada soomaalida, mana
jirto cid gooni ah ee aan ku bartilmaameedsanayo, ama aan ula goleeyahay, waxaa
intaa dheer daba dhilif iyo jaasuus ma,aha wax iminka bilaabmaya ee waa wax soo
jireen ah ilaa iyo aadam,maantana way jiraan wayna jiri doonan .Hadaba waxaa iga
afeef ah in aanan loo fahmin si khalad ah ama ruux uunan si gooni ah iskugu
qaloocin,maxaa yeelay dabadhilif iyo jaasuus,qabiilkoodu waa qadada iyo xoogaga
la siinayo oo ay ku iibsanayaa diintooda iyo dalkooda.
Dunida aanu ku noolnahay dacalkeeda waxaa ragaadiyay colaad, aafooyin iyo
dhibaatooyin ku habsaday shucuub iyo dowlado intaba, hadaba umada soomaaliyeed
waxay ka mid tahay dadyowga ay halakeeyeen dhibaatooyinku. Umad waliba waxay
leedahay geesiyaal u sara kaca kana dhiidhiya dhib kasta oo soo wajaho ama cadow
kasta oo u soo qaato heeryihiisa in ay u huraan naf iyo maal intaba, kana xiga
gumaysiga in ay iil u hoydaan, sidoo kale waxaa jira madamqadayaal, dawdaro
waalan ah oo soo diyaarsho xariga lagu dabayo walaakood, kuna iibsada diintooda
iyo dalkooda xooga sunuud ah.
Hadaba qoromadaan waxaan ku soo qaadan doona dhacdo tilmaamaysa dullinimada iyo
dacfiga daba dhilifyada (qabqablayaasha) Somalida magacay rabaan ha hugsanadaane,
kuwaas oo agabka u sido kuwii dooxay umulahoodii, dilayana gabdhohoodii,
culimadii diinta, abwaanadii dalkoodii iyo aqoonyahankii. Waxaa dhacday shir ka
mid ah shirarkii ay is kugu imaanjireen daba dhilifyada sheegto mas'uuliyiinta,
ayaa waxaa la soo xiriiray raisulwazaraha Ethiopia Males Zenawi, waxaa telephone
ka qabtay mid ka mid ah dabadhilifyadii shirka ka qaybgalayay halka
saaxiibadiisi kalena ay dhagta u taagayeen waxa ay ka wada hadlayaan, hadaba
inta uu la hadlayay Zenawi ma uunan oran wax aan ka ahayn “haa, haa, haa” isku
xik xikta oo aneey u dhexeyna maya. Hase yeeshee mar ayuu ku dhiiraday in uu
“Maya” yiraahdo si kadis ah. Waxay la yaab iyo filanwaa ku noqotay ragii kale oo asxaabtiisa ahaa sida
geesinimada iyo dadnimada leh ee uu ugu dhiiraday in uu “Maya”yiraahdo.
Dabadeedna waxay waydiiyeen sideed ugu dhiiratay in aad Mr. Zenawi maya ku
tiraahdid? Wuxuu ku jawaabay qabqablihii; wuxuu i waydiiyay sayidkaygu ilaah cimrigiisa ha
dheereeye ab ka abe iyo inta ku abtirsatabee, waxaad ku celcelisay “haa, haa,
haa,”in ka badan konton jeere (50) ee miyaadan ku daaleeyn? Markaas ayaan ku iri
“Maya” sayadii waxaas oo dhan waxaan u samaynayaa adiga daraadaa.
Hadaba su, aasha is waydiinta mudane waxay tahay, maxaa ka dhigay dabadhilifyada
soomaalida kuwa u dulaysan aadna uga baqa Males Zanewi? Maxay u awoodi la,
yihiin in ay diidaan damcigiisa gumaysi doonka ah? Maxay u awoodi la, yihiin in
ay mar uun maya yiraahdaan? Xiitaa si kaftan ah? Maxaa ka jaraysiiya hadii ay
maqlaan codka Males Zanewi? Maxaa keenay in masaalixda soomaalida looga soo
yeeriyo Adissababa? Muxuu askari dabla ahi u maamulayaa? Jawaabta su'aalahaasi
aad ayay u sahlantaahay, waxaana jirin rabitaan shacab, maxaa yeelay markii
horeba kuma aynan iman aqoon, caqli iyo doonid bulasho intaba, oo waxay ku
yimaadeen dab iyo baaruud, waxaa soo caleemo saartay cadowga aana marnaba
doonayn jiritaankooda, sidaa aawgeed ma haystaan wax kalsooni ah oo ay ku
wajahaan culayska uga imanaya dibada, sidaa ayay ku noqdeen adoomo dulli ah oo u
nacamleeya cadowga.
Goorma ayay ogaan doonan in lama huraanku uu yahay dadkooda, ma qabriga ayay ku
fahmi doonan, mise wacdaraha aduunka ayay wax ku qaadan doonan? Waqti intee la,
eg ayay u baahanyihiin? Wali towbadu way furantahay, hadiise ay soo noqon wayaan
muxuu noqondoonaa cawaaqibkoodu? Hadal abwaan tiriyay ayaa wuxuu ahaa “sideey
diintu nagu tiri dawa malaha aakhiro Nin dalkiisii iibsaday oo dadkiisii wada
cunay naarboow dambeeyso”.
Taariikhdu iyadaa is qorto, ruux waliba waxaa lagu qori doona labada buug
midkood, in lagu qoro buuga dahabkaa ee ilaah uu la doonay kuwa xaqa u dagaalama
duligana anan aqbalin, difaacana diintooda, dadkooda iyo dalkooda, cidna anan
uga hibaysaan rabitaanka shacabkooda, cadowgana bara baaruud kulul iyo bilaawaha
labada afleh.kuwaas oo runahaantii aduunkana sharaf iyo karaama ku noolaada,
aakhirana baraara iyo kuwaara janatul fardowsa,kuwa ka dambeeya ee ku
abtirsadana ay ku naaloodaan sharaftii iyo karaamadii ay u soo hooyeen dadkooda
iyo dalkooda. Hadaba dabadhilifyada dugsiga mooday Xabashida ee ka leexday dariiqii rasuulka,
dhaqankii ka talaabsaday, dalkoodina gatay, dadkoodii iibsaday, ee soo
afeeysanaya mindidii lagu dili lahaa, woloow horay loo yiri “Nin abeeso koriyoow
adigaa u aayi” Iyana waxaa lagu qorayaa, diinlaawayaashaas daba ordaaya
cadowgooda diiwaanka madow ee u gaarka ah .Aduunyadana waxay ku noolanayaan
dulli, waxayna uur ku taalo iyo dhag xumi u tahay kuwa ka dambeeya ee u nisbada
sheegta, aakhirana naarboow dambayn.
Waxaan ku soo qaadanaynaa maqaalkan tix uu tiriyay abwaan C/llaahi Suldaan
Timacade laguna magacaabo “kala qaayo fogaa.” Wuxuu abwaanku ku dhaleecaynayaa
arar gaaban dabadeed, dadka gumaysi raaca ah ee danaystannimmadu dhaxalsiisay
inay danaha ummaddooda ka soo horjeestaan, xiliyadii la dagaallankii
gumaysiga.Wuxuu yiri:
Nin Quraanka xanbaarsanoo U qalqaalay yaraanoo Qaaddirkeen fahmo siiyayoo Qummaatuu fasiraayiyoo Kiristaan qamri haysta oo Allihii Qaadir ahaa iyo Qiran waayay Rasuulka Bal qabsoo labadaasi Kala qaayo fogaa Kaliil qiiqday abaariyoo Samadaa qaradaa leh Qarin weydey daruuriyoo Qarjaf roob ah la waayayoo Qablan xoolaha laayay Qarri meeleey ku hoortayoo Qulquleysa xareeddu Oo kayntu qoorta is qoysayoo Qariibkii socoteeyeba Qorrog dhay ah la siiyay ee Qosol uu ka dhag siiyay Qabsa oo labadaasina
Kala qaayo fogaa Muuminiinta qamaamtayee Dhammaan qiiradu haysee Isticmaarka qalaad iyo Birtan qoobabka goysayee Qudhiisi kari weydiyo Qalbi tuuggan gaboobayee Qayilaad galabeed iyo Dhulkeenni qado siistay Qasdiilaa la yidhaaye Bal qabsoo labadaasina
Kala qaayo fogaa
Hadaba guntii iyo gabagabadii maqaalkayga, waxaa waano iga ah in soomaalidu meel
uga soo wada jeesato kuwa heeryahooda cunay ee iibsaday diintoodii, dalkoodii,
gumaadaya dakoodii, oo ay meel iskaga tuuraan kala qoqobka iyo is jiidjiidka
anan macnaha ku dhisnayn. Weedh abwaan tiriyay ayaa waxay ahaayd “walaalahaan war kala maqlin wakhti badan
ma waaraan, warasada aduunyada iyo xoolo wacan ma yeeshaan, wadna wuu helaayo
way xabaalo badiyaan”.Hadii lakala qoqobnaado oo anan laga shaqayn midnimada iyo
wada jirka oo aan layska tuurin waranka qabiil iyo wargaafeedka dhaxdeen ah ee
aan gacmaha lays qabsan, gumaysiga nagu wiirsanayana aan meel looga soo wada
jeesan, aad ayay u adkaan doontaa in lagaaro xornimo lagu waaro.
Hadiisi aan isku duubnaano oo aan ka tashano cadaawada gumaysiga faca wayn ee
nabaday waxa aan kujirno manta iyo kuwa horboodaya ee aan naas nuujinayno in
aanan kulladi doonin xornimo. Xornimo anaanan dhiig loo hurina sahal laguma
helo.Horay ayaa abwaan u yiri “dhabaqoodhi waashoow aduunyada warbaa jira
aakhirina waxbaa yaal, weyga yaal aduunyada aan wax kaaga sheegee, inta aad
wayahaan waabaryaba u nacamlayn oo walaalkaa u soo xiri, wadkii adi ku dilayaa
harag waxaan u gogashoo, wakhti aan fogayn buu wadnaha ku jarayaa, waa waxaad
aloostee waa in aad ka wabaxdaa. Aakhirana waxa kuu jira aan wax kaaga sheegee,
wajigii ilaaheey arki maysid waligaa, waadiyaha cadaabkaa adigaya wayaanuhu (tigree)
ku dhax waalan doontaan”.
Qore Zakariya Ismail.
Email:zakarie_21@hotmail.com
Wallaahu waliyyuttowfiiq.
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi
meyso aragtida SomaliTalk.com.
|