HESHIISKA JABUUTI HAL BAAN KA
LEEYAHAY
Yusuf
Shabac II
yusufshaba@yahoo.com
Qofkasta oo u dhuun daloola siyaasada
iyo taariikhda dalka Soomaaliya, wuu ku
qoslayaa heshiiska ka dhacay dalka
Jabuuti. Inta aan khaladka layga fahmin,
waa aan taageersanahay heshiis, maxaa
yeelay ilaah baa yiri heshiisku waa
khayr. Qofkasta oo daawaday barnaamijkii
(warlord next door) ee laga soo daayey
channel 4ka dalka Ingiriiska isla
markaana si toos ah loo soo geliyey
shabakada Youtube, waxa uu ogaanayaa in
aysan waxba gacan iyo gunti midna aysan
inoogu jirin, oo aan nahay dad iyo dal
la haysto. Dhanka dawlada kama imaan
karo heshiis, aan ku dhisnayn maslaxad
dal kale, mucaaradkuna kama imaan karo
heshiis ay ka midaysan yihiin.
Waxa ka dhacay Jabuuti waxa ay ahayd siminaar Soomaalida lagu xusuusinayey
in aysan dalkaan lahayn cidkale, in uu
wadankii bur-bursan yahay, oo waxa
laysku dayayey in xididkii wadaniga ahaa
ee ka dhintay dagaal huriyeyaasha lasoo
nooleyn karo. Maxamed Cawad Cabdalla oo
ah wakiilka UNta waxa uu u sheegay
wariyeyaasha caalamka in uu heshiiskaan
ahaa kii afar iyo tobnaad laga soo
bilaabo maalinkii la saarey Maxamed
Siyaad Barre. In uu horumarona ay ku
xiran tahay dadka Soomaaliyeed ee
dhibaateysan.
Waxa uu Cabdilaahi uu saxiixay in
Itoobiya laga saaro dalka sida uga
dhaqsaha badan uguna dhow, meesha ay
Maxkamadaha Islaamiga ogolaadeen in ay
joojinayaan xabada ka socota Muqdisho.
Been haddii aan laysu sheegayn, Cabdilaahi Yusuf dalka kama saari karo
Itoobiya iyo cidkale, Maxkamadahana ma
joojin karaan dagaalkaan joogtada ah ee
ka socda dalka meelo ka mid ah. Dad
Cabdilaahi Yuusuf ugu dhow dhiig ahaan
iyo siyaasad ahaanba ayaa sheegay in
hubkii lagu tuurey Cabdilaahi Yuusuf
markii uu aadayey dalka Jabuuti uu ka
imaanaayey xaga xeradii ciidanka
Asluubta halkaas oo ay haatan dagan
yihiin ciidamada Itoobiya. Itoobiya in
ay ka baqday culayska uga iman kara
caalamka shaki maleh, taas waxa daliil u
ah, in uu ninkii u talinayey dalka
Soomaaliya Generaal Gabre uu tagay
Jabuuti. Sidoo kale safiirka u fadhiya
Itoobiya dalka Jabuuti, waa uu diidanaa
in shirka laga saaro. Waxa taariikh cad
ah oo meel walba ku qoran, in dadkii ay
Itoobiya u dhiibtey Gobolada Soomaali
Galbeed (ogaadeenya) ay noqdeen kuwo
dalka ka baxsaday, kuwo ay laysay iyo
kuwo ku raagey xabsiyadooda.
Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo kuwa isaga ku xiran waa danwadaag niyad
fiican oo qunyar socod ah. Waa dad raba
in ay dalka dawlad fiican ka dhalato oo
waa dad raba in cadawga dalka laga
saaro. Shiikh Xasan Daahir Uweys iyo
qaybtiisana waa dad niyad fiican oo
mayal adag, laakin labadan koox xalka
isku si uma arkaan, kuwa uu qabiilku
diloodey maahanee waxa ay ka siman
yihiin in uu dalka ka dhasho dawlad
Muslim ah oo uu ilaah raali ka yahay.
Kuwa qunyar socodka ah, iyo kuwa mayalka
adagba uma taliyaan dhalinta dagaalka ka
wada dalka gudihiisa. Soo jug-jug
meeshaadii joog maaha.
Sida ay ka dhawaajinayaan dad u dhuun daloola siyaasada Soomaaliya waxa ay
sheegayaan, in Itoobiya laga saari doono
dalka meelo ka mid ah, in lasoo kordhin
doono ciidamada UNta. In mucaaradka
aaminsan in lakala sooco diinta iyo
siyaasada (secular) la siin doono jagada
Ra’iisul wasaaraha, ka dibna Cabdilaahi
Yuusuf marka uu wakhtigiisa dhamaysto
loogu dari doono laba sano. Waxa intaa
lagu daraa, in beesha uu ka dhashay
Shiikh Xasan Daahir Uweys si gooni ah
loola shiro, si ay markaa u joojiyaan
taageerada ay u fidiyaan wiilashooda.
YUSUF SHABA (yusufshaba@yahoo.com)
MAXAA LOOGU DOWGALAY, AADAN XAASHI FARAX
(CEYROW) ? Akhri...