SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Kenya kana Tirsan Xildhibaanada Muslimiinta Kenya oo Dowlada Kenya ka Codsaday in la soo Celiyo Muslimiintii loo Gudbiyay Dalka Itoobiya
  • Guddiga loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan sida aay u dhacday Doorashadii ka dhacaday Dalka Kenya 27 Desember 2007dii ayaa Isniintii soo gaaray magaalada Garissa.

Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Kenya kana Tirsan Xildhibaanada Muslimiinta Kenya oo Dowlada Kenya ka Codsaday in la soo Celiyo Muslimiintii loo Gudbiyay Dalka Itoobiya

mid kamid ah culimada gobolka xeebta ee Dalka Kenya ahna xildhibaan la soo magacaabay ayaa ka dalbday dawalda in ay dib u soo celiso ilaa iyo 17 dhalinyaro muslimiin ah oo loo tarxiilay dalka Ethiopia sanadkii aan soo dhaafnay iyagoo lagu tuhunsanyahay falal la xiriira argagixisanimada.

xildhibaanka laga soo magacaabay ee Sheikh Mohammed Dor iyo xubno sar sare oo ka tirsan golaha imaamyada iyo ducaadka dalkani kenya ayaa ka dalbaday madaxweyne mwai kibaki iyo raisul wasaaraha Raila Odinga in ay arintan soo farageliyaan.

mudane sheekh door oo saxaafada kula hadlayay banaanka masaajidka Mabruk ee magaalda Mombassa ayaa sheegay in dhalinyaradaasi muslimiintaa ah ee u dhashay dalkani kenya loogu geeystay jirdilo xabsiyada dalka Ethiopia.

sheekh Door oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee golaha imaamyada iyo ducaadka dalkani kenya ee CIPK ayaa sheegay in dhalinyarada musliminta ee dalkani u dhalatay u ku dhibtoodeen gacanta xukuumadda itoobiya sidaa darteedna waxaa uu xildhibaanka ka dalbaday dowladda in ay si dhaqsi leh arintaasi u fara geliso.

sheekha ayaa ka dalbaday hay'adda qaabilsan ilaalinta xuquuqul insaanka ee Amnesty international. in ay baaritaan ku sameyso xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada kenyanka ah ee ku jira xabsiyada dalka Ethiopia.

madaxweyna mwai kibaki ayaa kal hore u saraay guddi arimahaasi baaritaan ku sameeya balse wax war ah oo laga helay majirto illaa iyo haatan.

Guddiga loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan sida aay u dhacday Doorashadii ka dhacaday Dalka Kenya 27 Desember 2007dii ayaa Isniintii soo gaaray magaalada Garissa.

Johan Kirigla oo hogaaminaya kooxdaasi oo kol dhow soo gaaray Magaalada Garissa Ee Xarunta Gobalka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa waxa aay Dadweynaha kula hadli doonaan fagaaraha Townka marka uu kulan la qaato guddoomiyha Gobalka

guddigaan ayaa waxaa aay baaritaan ku sameynayaan suurtagalnimada ah in aay jireen wax la isdaba mariyey xiliyadii aay socdeen doorashadii December iyo waliba rabshadihii daba socday.....

Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa ahaa mid gabi ahaanba nabdoonaa xiliyadii aay Dalka intiisa kale ka socdeen rabshado ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100 qof kuna barakaceen in ka badan 300,000 oo kun oo qof waxa uuna gobalka martigaliyey dad ka soo cararay meelaha ay rabshadaha ka dhaceen ee dalka intiisa kale oo qaarkood aan xitaa wali meelihii ay ka soo caraeen aan ku laabanin

Eng. Mohamed Isse (Malaysia) Garissa
malesia73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS