SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Caawa Maxaa Xalay Uga Eg (Shirka Yemen) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Markii xoogagga Maxkamudhu kulaalayen Baydhabo iyagoo markaas heystay inta kale ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa Cadan isa sii taagay rag ku kala jira labada garab ee Asmara. Koonfurta Soomaaliya kama wado qeybtii Talyaanigu gumeysan jiray oo dhan. Raggaasi waa kuwii Baydhabo geeyey korneylka oo Maxamed-dheere ka soo ceyrshay Jowhar. Isla saacaddaan aan joogno xoogagga Maxkamaduhu waxay kulaalayaan Baydhabo waxayna ugu dhowaan joogaan meelihii ay joogeen 2006-dii marka laga reebo saldhigyada ay Tigreega iyo saaxibadood ku xareysanyihiin. Waxaad mooddaa raggii shalay caawiyey korneylka iney maantana rabaan iney u fidiyaan gacan walaaltinimo si looga fududeeyo afka libaaxa ee uu galay. 

Waxaa looxa noogu taal: qofka muslimka ah labo jeer hal god lagama qaniino laakiin waxaan soo baxay kuwa culumo sheeganaya oo na leh: “waxaad taqaaniin waa laga baxay”! Markii ugu horreysay ee magaca sheekh Shariif aan maqlo waxay ahayd mar aan akhriyey maqaal uu qoray Amiin Yuusuf Khasaaro oo uu ugu magac daray: Shariif la soo ganay/gamay. Mar aan dood uu qabtay tv-ga Universal aan ka doodeynay oon difaacayey kacdoonka Xamar (waa maalmihii ugu horreeyey) ma aqoon magaca Shariifka. Sheekh Shariifkii inta Maxamed-dheere soo ceyrshay lagu sharfay inuu hogaamiyo kacdoonka shacabka ayaa inta faraqa ku xirtay Shariif Xasan  raba inuu la dagaalo isla kacdoonkii magaciisa kor u qaaday! Bal meerisyadan uu Ismaaciil Cigaal Bullaale u tirshay Cali-dhuux aan milicsanno:  

  • Deris kuguma sheegine markay diiftu kugu tiilley
  • Adigoo dullooboo sidii daabax lagu moodo
  • Dalkayaga markaa timi haddii laydin derejeeyey
  • Oo duunyo waa fududahee dadab laguu heelay
  • Oon gabadh daruur u eg aroos kuugu dalaqsiiyey
  • Uu kuu dabaadegey qabiil daabbad wada fuulay
  • Oo dun iyo shaal heensihii laysku wada duubay
  • Uu danabka maadhiinyaruu kugu dinnaahyeeyey
  • Oo ay durbaan kuu tumeen dumar wixii joogey
  • Meeshaan abaal door ah oo debecsan eegaayey
  • Haddaad guuto noo soo duntoo daabcaddo u dhiibtey
  • Nabsi daalay baan kula sugiye duugga bal an dhawrno 

Ka warran haddii sheekhu rabo inuu shacabka Soomaaliyeed ku soo hogaamiyo ciidamo kale oo shisheeye (UN-ka)? Ood mooddo inuu rabo in la tirtiro inta maamulka Bush u yaqaan xag-jirka – waa kuwa duxda leh ee Soomaali laga dilo? Marka sida gabyaagaas baa shacabku la sugayaan nabsiga. 

Indha-adeyga Soomaalidu waa yaab. Qolyihii Caddan kula shirayey korneylka ayaa hadda kala raacsan labada garab ee Asmara! Soow Soomaaliduba xaqa iyo mabda’a waxay u qabaan isbeddelka qofka! Ninkii shalay Xabashida ku soo dhoweeyey Soomaaliya dabadeedna inta Gabre isqabtaan uu waddan kale tago waxaad arkeysaa dad u sacabbinaya qofkaas! Keliya waa isbeddelay! Haddii isbeddelka laga wado toobad-keen dhib ma leh oo kulligeen waa khaldannaa laakiin boqol jeer bey waxaas noo sheegeen. 

La-shirka Zenawi ayaa igala macquulsan kan madaxweynaha Yemen. Cali Cabdalla Saalax waa nin u sii shaqeeya Zenawi marka maan Zenawi la shirno inta nin uu nagu khaldi lahaa magac muslim? Zenawi wax baa naga dhaxeeya laakiin yaa sheegi kara waxa Cali Cabdalla Saalax uu mar kasta ula soo taaganyahay dibindaabyada Soomaalida?  

Jinni ninkii keenaa bixiya. Waxaa hadda dadka Soomaaliyeed sugayaan waa in wixii shalay sheekh Shariif ku doortay Xamar ay dadweynaha u caddeeyaan iney kala noqdaan guddooyihii fulinta. Sidoo kale wixii Asmara Shariif Xasan, Xuseen Caydiid, isaga iwm. wax u doortay waa iney inta shir yeeshaan u sheegaan shacabka Soomaaliyeed iney kala noqdeen kalsoonida sidoo kalana waa iney bixiyaan raalligelin shacab.  

Soow lama dhaho: ii sheeg saaxiibkaa aan kuu sheego kaa tahaye?! Yey raalligelineysaa inuu saaxiib la noqdo Shariif Xasan? Ibbi? Hehello? Yey farxadgelineysaa inaad aragto qof hogaamiye sheeganaya oo  hoteellada kula shiray kuwii Soomaaliya soo geshay Tigreega? Sidii loo yiri: nin abeeso koriyoow adigaa u aayine, axdi malaha Xabashidu lagu aaminaaye. Soow sheekadii Jamaal C/Naasir la ciyaaray Ikhwaanka isagoo iska dhigijiray inuu ka tirsanyahay maanta ma taagna? Ismaaciilka Jabuuti ee dalkiisa ka soo duulaan diyaaradaha Maraykanka ee Soomaaliya dukheeya muxuu noo khaldayaa? Sidii Ikhwaanku isu lahaayeen hadduu Jamaal C/Naasir wax noqdo waxaa guuleysanaya xisbigooda ayuu leyntii iyaga ka bilaabay! Ma meeshii shalay baa maalin kasta la joogayaa? Marka qofkii Gabre, korneylka, Nuur-cadde iyo Bush wax ka sugaya waa qof waalan. Anigu ma arko in maamulka Bush hadda lala hadlo. Haddii Maraykanku wax ka beddelo arrimihiisa dibadda (wey adagtahay) hala arko laakiin inta Bush joogo micno sameynmeyso la hadalkiisa. 

Waxaan ku talinlahaa in qofkii xukun rabaa ku biiro kacdoonka oo uu Soomaaliya tago. Dadka intiisa kale waa in kacdoonka shacabka la taageeraa oo la iska daayaa shirarkaan dibadaha lagu qabanayo oo dhibka noocaas ah keenaya. Haddaan Asmara la tageen maanta labo Shariif iyo kuwa la socda cidna uma dhegtaagteen laakiin waxaa loo sameeyey dacaayado iyo soo-dhoweyn. Waxay ila tahay in sheekadu ku socoto sacii naaso-adag iyo gabadhii Wiilwaal ee rabtay in aabbaheed la dilo si jacaylkeedu u meel maro. Sida gabadhu kor ugu qeylineysay markii loo yeeryeerayey sacii naaso-adag si nimankii rabay iney dilaan Wiilwaal u ogaadaan in Wiilwaal uu seefta dhigayo markuu sacaas lisayo. Laakiin Wiilwaal waa ku fahmay oo seeftii buu soo dhoweystay. Sidoo kale Waxaad mooddaa in qolyaha Shariifku ay shirarka u qabanayaan si madaxda muqaawamadu u timaaddo dibadaha si sirdoonka Yemen, Itoobiya iyo Maraykanku uga bogtaan.

Laakiin tan Ilaah baa soconeysa. Marka sidii Baydhabo loogu soo dhoweeyey korneylka oo haad geed waayey ahaa ayaa haddana markaan oo muqaawadu dab ku shiday, Tigreegiina daafici waayeen waxaad mooddaa in labada Shariif leeyihiin sidii shalay Baydhabo laguu badbaadshay ayaan kuugu yeereynaa ciidan ka socda UN-ka oon Soomaalidu ka shakisaneyn si ay kaaga waardiyeeyaan xag-jirka, hubkana looga aruursho. Si aan iskaga jeedinno indhaha shacabka Soomaaliyeedna waa in la saaro ciidanka Tigreega. Sidaan horay u iri cadowga koowaad ee Soomaaliya waa dagaaloogayaasha. Marka haddiiba la keenayo ciidan ilaasha C/hi Yuusuf, Maxamed-dheere iyo Cabdi Qeybdiid bal yaa ii sheegi kara waxa dadka qaarkiis Shariifka ay ugu yeerayaan hogaamiye? Sheekh Shariif ma dagaal Itoobiyuu ku soo baxay mise la-dagaalanka dagaaloogayaasha? Hadduu rabo inuu la heeshiiyo isla iyagii waa inuu iyaga ka mid noqdaa.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Maalmo kale ma Xulannaa marka Gumeysiga Madoow Baxo (sida 26-ka Juun iyo1-da Luuliyo)

Faafin: SomaliTalk.com |  July 6, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS