SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isimada DGPL oo Ku Baaqay in Shir Lagu Badbaadinayo Puntland lagu Qabto Garoowe July 20, 2008

  • Waxaa shir hordhac ah ku yeeshay magaalada Garoowe Guddi ka mid ah Isimada DGPL oo socday mudo sadax beri ah.

Isimada markey arkeen xalada adag ee soo food saartay Maamul Goboledka Puntland, Dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo Golayaasha oo waqtigoodii sii dhamaanayo, markey tixgeliyeen aragtida, baaqyada iyo talooyinka shacabka waxay qaateen go'amada hoos ku qoran.

Isimada waxay gaareen in la dhiso Guddiyo isugu yimada shir wada tashi oo ku sabsan badbaadinta Gobolada hada la heysto, aayaha danbe ee reer Puntland iyo qaban qaabo shir weyne Qaran, kana kala yimaada gobolada Puntland ka kooban tahay, kuwaas oo laga rabo iney ka taliyaan suurana geliyaan muhiimada kor ku xusan eee loo xilsaaray iyagoo Rabi tawakalaya.

Guddigas wuxuu ka kooban yahay Todobadan iyo Sagaal xubnood oo u qeybsan sidan:

  • Gobolka Nugaal 13
  • Sool iyo Cayn 20
  • Sanaag 13
  • Bari iyo Karkaar 20
  • Mudug 13

Mudada shirka uu dhacayo waa 20-ka bisha Julay (20-07-2008) madashuna waa Garowe.

Waxaa muhiim ah in bulshada qeybaheda kala duwan sida dhaqanka, culuma'uddiinka, ganacsatada iyo guud ahaan waxgaradka gobolada Puntland ay si hagar la'aan ah u soo abaabulaan uguna qeyb qaataan una soo ambabixiyaan guddiyadaas si ay u guntadaan howlaha culus ee hor yaala.

Jaliyadda reer Puntland waxaa laga codsanayaa iney shirka ka soo qeyb galaan dhaqaale iyo talooyinna ku soo biiriyan Waxan si buuxda u taageereynaa codkii Madaxweynuhu ku celceliyay, shacabkuna qoraalo badan ku muujiyeen fikirkooda ee ahaa inaanay jiri doonin mudo kordhin.

Dastuurkan qabyada ah oo ay muqato inaan afti dadweyne loo qaado suuragal aheyn ayna ku jiraan qodobo aan u cuntami karin reer Puntland oo aan qoraal gaabanna lagu soo koobi karin waxaanu ku talineynaa in dib loo dhigo aanna la horgeynin golayaasha inta dib loo saxayo.

N.B Guddi kasta waa inuu kalsooni ka wataa dhaqankiisa (Isimo iyo Gurti)
 
Magacyada Isimada Saxiixay

  1. Suldaan Saciid Maxamed Garaase
  2. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
  3. Garaad Abshir Saalax Maxamed
  4. Suldaan Ciise Xasan Cumar
  5. Suldaan Saciid Cusmaan Cali
  6. Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin
  7. Beeldaaje Cali Faarax
  8. Suldaan Saciid Maxamed Maxamuud
  9. Ugaas C/qaadir Cilmi
  10. Ugaas Faarax Maxamed Cali
  11. Garaad Saleebaan Buraale Aadam
  12. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
  13. Iimaam Nur Cabdullaahi Cali
  14. Wakiil Sulub Cali Gaas

Isha warka: Radio Garowe , Garoowe Soomaaliya | June 30, 2008

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.