SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG.

iyo Maalmihii Xil Wareejinta Wasiiradii hore ee Prof. Geedi oo si xawli u socota.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda xil wareejin ay samaynayaan wasiiradihii xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi oo ay ku wareejinayaan 18-ka wasiir ee uu soo magacaabay col. Nuur Cadde.

Wasaaradaha toddobaadkan xilka wareejiyey waxaa ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhiga ee DFKMG, Wasaaradda Saxaafadda, iyo wasaaradda haweenka. Waxaa kale oo xukuumadda cusub ee Col. Nuur Cadde lagu wareejiyey dukumiintigii intii ay jirtey xukuumadda KMG.

Waraysi: Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG:

Xilwareejinadaas madaxdii ka hadlay waxaa ka hadlay: Ceydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf oo ah Wasiirka Waxbarashada & Hiddaha, Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Horumarinta Haweenka & Arrimaha Qoyska. Waxaa kale oo ka hadlay Biixi iyo Muxyiddiin Maxamed Xaaji Ibraahim, Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG.

Haddaba waxaan waraysi la yeeshay Muxyiddiin Maxamed Xaaji, Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG, kaddib markii uu la wareegey xilkii wasaaradda, waxaana weydiiyey su'aalo dhawr ah:

GUJIFikradaada Toos halkan uga dhiibo

Dhanka kale, waxaa meeshii xil wareejintu ka dheceysey ka ag dhowaa Gabre oo ah taliye k atirsan ciidamada Itoobiya. Markii ay weriyayaashii soo dhameysteen hawshoodii ahayd in ay warar ka soo diyaariyaan xil wareejinta xukuumadda ayaa waxaa weriyayaashii u yeeray Gabre, wuxuuna weydiiyey meelaha ay u shaqeeyaan. Weriyayaashu waxay muujiyeen in la moodo Gabre inuu u dhaqmaayo sidii sarkaal nabadsugid ah, tanina waxay ka mid tahay daruufuha ugu adag ee ku soo wajahan weriyaasha, laakiin waxay su'aali ka taagan tahay Gabre ma Nabadsugida DFKMG ayuu madax ka yahay mise waa sarkaal ka tirsan ciidamada shisheeye ee ku sugan dalkeena islamarkaana culays ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed?.

Sawiradii xil wareejinta wasaaradaha:


bidix Wasiirka Gaashaandhiga, dhexda RX, ilko Xanaf, midig Biixi

Wasiirka Warfaafinta oo xilkii kala wareegaya kii hore, iyagoo kala sixiixanaaya Qoraaladii Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga DFKMG oo xilkii wareejinaaya iyadoo dhinaca bidix ay ka fadhiyaan Taliyaha ciidamada XDS, Saalax Liif

Col. Biixi iyo saraakiishii xilka kaga hooseysay qaar ka mid ah

Wasiiradii hore ee haweenka iyo sawiirada cusub oo is macasalaamaynaya

labad Wasiir ee xilka Gaashaandhiga isku bedelaaya dhexda , bidix PSK Wasaaradda midig Taliyaha Ciidamada.

Xafiiska Dukumiitiyada Xukuummada FKMG intii ay jirtey Wasaarad kasta oo lagu Wareejinaayo

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com