SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood oo Senator Coleman u soo gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya....

Waxaa xafiiska Senator Coleman maanta [khamiis Jan 3, 2008] booqasho ku yimid bulshada Reer Kenya oo senatoorka ka codsaday inuu gaarsiiyo dareenkooda iyo fariintooda Washington DC iyo State Department.

Gudoomiyaha ururka bulshada reer Kenya ee Minnesota Dr. Siyad Abdullahi iyo isku duba ridaha ururkaas Dr. Ali Mahamed ayaa qoraal iyo warbixinta soo gudbiyey. Minnesota waxaa ku nool 10,000 oo reer Kenya ah.

Sida ay sheegeen Dr. Ali iyo Dr. Siyad in kabadan 300 ayaa la dilay boqolaal kun ayaa ka qaxay guryahooda iyo kaniisadbaa dad lagu laayey iyo in Masaajiddada Muslimiinta Gaarisa iyo Mombasa dad badan lagu badbaadiyey. Sidoo kale maciishadda iyo shidaalka oo yaraaday ama qaaliyoobay.

Sidoo kale Soomaalida Minnesotana aad ayay uga walwalsan yihiin xaaladda Kenya ayagoo indhaha iyo dhegahaba u taagaya Kenya gaar ahaan Islii oo ay yaalaan ukumaha iyo hantida iyo shacbiga Soomaalida.

Waxaa xusin mudan mar kasta oo meel cabsi iyo wel wel ama xasuuq ka dhacdo in la dareemayo xadaaradda diinta Islaamka ayadoo aad mar walba maqlaysid Rwanda masaajid ayaa lagu badbaaday dad, Kenya Muslimiin ayaa dad kirishtaan ah badbaadiyey iwm. Somalida nasiibkood dagaalkii sokeeye ayada ayay ku badbaadeen inkastoo aanan la yarayn Karin tirada badan oo dulmi iyo jaahilnimo loo dilay.


Madaxda jaaliyadda oo xafiiska sen. Coleman u gudbiyey dareenkooda, warbixinna siiyey... Jan 3, 2008


Wardheere | mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com