SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

K/Afrika: Dacwadii Zuma oo muddo bil dib loo dhigey go’aan ka gaaristeeda. .

Aug 5, 2008: Go’aanka kasoo baxay dacwadii labbada maalmood socotey ee Jacob Zuma ayaa la sheegey in la shaacin doono muddo ka dib ah. Go’aankani ayaa waxaa maanta magaalada Pietermaritzburg ee xarunta maamulka gobolka Kwazulu-Natal ka sheegey xaakinkii dhagaysanayay dacwada Zuma.

Xaakim Nicholson oo ahaa ninka dhagaysanayay dawcada muranka baddan dhalisey ee Zuma ayaa sheegey in uu u baahanyahay muddo bil ah si uu waqti baddan ugu hello eegista, aqrinta iyo go’aan ka gaarista doodaha qoran ee ay soo bandhigeen labbada dhinac ee dacwada isku heysta.

Garyaqaanada Zuma ayaa ku doodaya in eey aheyd in Zuma la siiyo xaqqa dastuuriga ah ee sheegaya in eedeysanaha lagala tashado kahor inta aanan dacwad lagu soo oogin, halka hey’ada xeer illaalinta ee NPA ay qabto in aanan taasi loo baahneyn.

Dacwadani ma ahan tii caadiga aheyd ee Zuma loo heystay, waa rafcaan uu Zuma ka qaadtay sharcinimada dacwadaasi, wuxuuna ku doodayaa in dacwada loo heysto ay tahay sharci darro.

Garyaqaanada Zuma ayaa raba in galka dacwada Zuma laga saaro diiwaanka maxkamada, lagana dhigo mid sharci darro ah.

Kumanaan taageerayaasha Zuma ah ayaa maalintii labaad maanta ku hor bardoodamayay (toy-toying) maxkamada hortyeeda, iyagoo ku heesaya heesta uu Zuma uu caanka ku yahay ee la qaadi jirey xiligii gobonimo doonka ee “umshini wam= qorigayga ii keena”. Taageerayaasha ayaa watay sawirada Zuma iyo hal ku dhegyo ay ku qoronyihiin “Zuma dacwadiisu waa siyaasad, ee ma ahan mid sharci ah”. Waxaa saxaafada ka yaabiyey nin taageerayaasha Zuma ka mid ahaa oo xirnaa qori bac ka mayasan oo uu jeeni qaarsaday, kuna heesayay heesta Zuma ee “Umshini Wam”, sheekada qoriga ku saabsan waa mid xasaasiyad weyn leh, gaar ahaan markii dhawaan labbo nin oo madax sarsare ah ay yiraahdeen “Zuma dartiis dadka waan u dileynaa”, taasi oo lagu daray isticmaalka kalmada “qoriga” ee Zuma iyo taageerayaashiisa oo dad badani oo naqdiya Zuma ay ku eedeeyeen in uu dhiirogalinayo in wax la dilo,tiiyoo dalka uu la ciirciirayo dambiyada hubeysan .

Waxaa maxkamada tagay dhamaan xubnihii gudiga golaha dhexe ee xisbiga talada haya, oo eey ka midyihiin lixda golaha sare, kala ah madaxweyne ku xigeenka ANC Kglema Motlanthe (mar dhow ayaa wasiir loo magacaabay sidoo kale), gudoomiyaha xisbiga Baleka Mbete (waa haweeneyda ah gudoomiyaha baarlamaanka), Gwade Mantashe xoghayaha guud ee xisbiga, Mathew Phosa xoghayaha maaliyada ee ANC, Thoka didize gudoomiye ku xigeenasa . waxaa kaloo goobta joogey wasiiro, barasaabyada gobolada qaarkood, gudoomiyayaasha xisbida dawlada wadaaga ah ANC kula jira ee Casotu iyo SACP iyo garabyada dhalinyarada iyo haweenka ee ANC ee kala ah ANCYL iyo ANCWL sida ay isugu xigaan .

Zuma ayaa la filayaa in uu noqdo madaxweynaha dalka ee badala Mbeki, iyadoo sanadkii lasoo dhaafay loo doortey madaxweynaha ANC, dacwadiisa ayaa muran weyn dalka ka dhalisey, waxaana dad badani ay u arkaan mid siyaasadeed, iyadoo farta lagu godayo xittaa madaxweyne Mbeki in uu ku luglahaa fadeexadaha lagu heysto Zuma.

Sida ay sheegayaan dadka siyaasadaha ka falanqooda, ma jiraan wax Zuma ka hor istaagaya in uu noqodo madaxweynaha dalka, waxaa la leeyahay, xittaa haddii lagu helo dacwada hadda lagu heysto , waxa uu qaadanayaa rafcaan, rafcaanka waxa uu qaadanayaa muddo labbo sanno ah, xiligaasna waa xili aad oga dambeeya xiliga doorashada la qabanayo 2009, goortaas oo Zuma loo dooran doono madaxweynenimo maadaamaa ANC ay isaga sharaxday, waxaa la filayaa in markaasi ANC ay badali doonto dastuurka, kana dhigi doonto in aanan maxkamada lasaari karin madaxweyne fadhiya oo xil haya.

Dacwadani hadda dib loo dhigey go’aan ka gaaristeeda, waa rafcaan uu Zuma ka qaatay dacwadii caadiga aheyd oo ku bilaaban lahayd 14 bishan, taasoo dabcan iminka ku xirnaan doonta hadba waxa kasoo baxa rafcaankani ku saabsan in dacwadaasi ay tahay sharci darro.

Akhri: Dec 2007: JACOB ZUMA OO DACWAD MUSUQ LAGU SOO OOGEY IYO TAAGEERAYAASHIISA OO DOWLADU KU EEDEYNAYA SHIRQOOL SIYAASADEED.

Cabdinasir Saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com.
Johannesburg, Somalitalk.com
 

Zuma oo la kulmay Madaxda Soomaalida K/Afrika , kana hadlay Dhibaatooyinka Soomaalida

Faafin: SomaliTalk.com |  August 6, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS