SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


"Anigu dayax nuuri baan dilay"

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaah. 

Horudhac 
 

Waxaan dhagaystay cajalad laga duubay Wiil Balaayo asagoo dad soomaali ah shir dhaxdiisa ugu khudbaynayo dalka Ingiriiska. Odayga wuxuu kadoodadayey oo uu diidanaa inay dad gaaleeyeen oo ay islaanimada kasaareen asagana uu isu arko muslim mu’mina oo khaalis ah. Waxyaabaha uu soo daliishaday waxaa kamida inuu shanta salaadood tukado, inuu ashahaato iyo arrimo kale oo astaan u ah islaanimada. Waxaase kahoosbaxday hadduu intaa iyo kabadan oo diinta kamida sammeeyey ayna tahay astaan lugu garto muslimiinta arrimahaas maxaa kadanbeeyey? Muxuuse sammeeyey? Illeen salaad latukado dammaanad qaadi mayso inaad muslim tahay waayo waxaaba kahorrayso in salaadda lafteeda lagaa aqbalo waana ta lugu ducaysto in alle salaadda naga aqbalo. 

Waxaan jeclaystay marka anoonba kudheeraan baabkaas odaygana aan xukun madaxa kasaarin inaan kasheekeeyo isna barbar dhigo nin Soomaali ahaa oo Geeljire Reer Guuraa ahaa oo wakhti dheer kahor sammeeyey ficil lamida kay sammeeyaan nimankan waa Geeddi iyo Wiil Balaayo e. Ficilkuu sammeeyey profossor Geeddiga lugusoo beelay canshuurtii haweenka Soomaaliyeed ee caanaha ay suuqa keenaan xoogga lugu canshuuri jirey intii caydhiinka lugu cunay mooyee inteedii kasoo hadhay. Wixii lugu beelay inuu soo gudo iskadhaafee wuxuu u adeegsaday inuu kuburburiyo wixii kahadhay dalkii iyo dadkii kusoo daalay. 

Meeshaa uu ninkan Geeljiraha qirtay inuu hal qof dilay ayaga waxay qirteen inay lix kun dileen, meesha uu asaga qirtay inuu danbiile yahay ayaga waxay sugayaan in loo abaalgudo, meesha uu asaga cadeeyey halka uu diinta islaamka kajoogo ayaga way inkirsan yihiin, meesha uu asaga sharxayo baaxadda dhibaatada uu gaystay ayaga way dafirsan yihiin, meesha ay ayaga masabidasho, dafiraad iyo been abuur lasoo mutuxan yihiin asaga inuu Soomaaligii Geeljiaha ahaa ee layaqaannay yahay ayuu caddaystay waxaana uu iskafogeeyey been iyo maraanmarsiiyo oo uu u arkay jilayc iyo dadnimo xumo. Danbi xunbuu galay wuuse qirtay, intaasna kuma joogsanee dhibaatadii uu gaystay ayuu sharax cajiiba kabixiyey, asagoo isla tixdan dhaantada ah iskuxukumay.  

Qisadii ninkii Geeljiraha ahaa. 

Sida laga yaabo inay dad badan maqleen ama looga sheekeeyey waxaa jirto ciyaar foolxun (xagga shareecada islaamka marka laga eego) bal ay soomaalida dhulka Soomaali Galbeed (Ogaden) dagto ee Reer Guuraaga ahi aad ujecelyihiin dhallinyaradoodana rag iyo dumarba ay habeenkii kuhaasaawaan waxaana loo yaqaannaa (dhaanto). Ninkii yaqaanbaa yaqaannee markuu gabbalka madoobaado oo shaqada xoolaha lagasoo bogo lanasoo quuto ayaa la’isballansadaa oo rag iyo dumar halkaas dhaanto haasaawe iyo hawlo kale kuhoos jiraan lugu tuntaa. Dhaantada marka waa nooc isgaadhsiin ah oo wax la’isku waydarsado, tusaale ahaan laba nin oo col ah ayaa maanso iskudhaafsani ayagoo isu diganayo ama isu faanayo, ninbaa maanso ammaana isu tirin si ay uga hesho gabadh meesha joogto oo uu rabo inuu xodxoto, tolka meeshaa daggan ayaa maansooyin digniina goobtaas uga tirini qolo kale oo ayna kala fogayn ama kala fogyihiin laakiin cadaawad ba’ani dhaxtaallo. Siyaabo kala duwan ayaa looga faa’iidaystaa goobta ay markaa dhaantada kadhacayso. 

Ninkan inkaartu haleeshay habeenkaa goobta dhaantada wuxuu uyimid inuu iswayneeyo ilaahbaa waynee, inuu ragga iyo haweenka goobtaas isugu yimid tuso inuu sammeeyey wax ayna cid kale kudhicin asaga hortii, inuu yahay laba xiniinyood dirac ah oo tolka waxwalba uhura markii loo baahdo. Waxaa meesha habeenkaas looga maansoonayey waxay ahyd in nin walba oo ragga meesha joogay kamida ah inuu kufaano dagaalka uu mar dhowayd tolku lagalay qolo kale oo la’is necbaa. Nin walba markaa maanso ayuu kucabbiray geesinimada uu ka muujiyey goobtii dagaalka iyo siduu cadowga u naafeeyey. Waxaana la’iska gadayaa gabdhihii tolka oo bartaa tubnaa. Raggii habeenkii halkaa kadhaanteeyey waxay kadhammaan waayeen inuu nin walba yidhaa ninbaan dilay ama labaan dilay iwm.  

Wuxuu nin walba maanso sheego oo faanoba saaxiibkay ayaa masraxii lugusoo dhaweeyey oo lasiiyey fursad inuu soo bandhigo guulihiisa uu tolka usoo hoyey. Wuxuu halkaa kasheegay waxay noqotay wax taariikhda galay wax qofkasta oo Soomaali ahaa oo maqlay meel kasta oo uu joogaba uu ka’ashahaatay oo laga qarracamay ugama duwanayn Soomaalida halkaa dagto bam dad fara badan oo shacaba lugu dhaxtuuray si’ ay ugu baaba’aan. Wax walbase waxaa kasii darraa sida daran ee uu sharxay mashaqada uu gaystay. Mahubo in goobtii lagu kala cararay iyo inkale laakiin kolba argagax wuu jirey. Maxaa yeelay waxaan aqaannaa meesha ay qisadu kadhacday iyo dadka markaas dagganaa siday diinta u ixtiraammaan oogana baqaan cuqubo ku’immaato. Kamawado dadkaas diinta ayey kudhaqmaan oo taas Soomaali waynta kale ayey kalawadaagaan ee waxaan kawadaa diinta ayey sideeda uqadariyaan, culimadana si’aan la’arag oon lamaqal ayey u ixtiraamaan ayagoo ku,ixtiraamayo darajadooda. Wuxuu tiriyey ninkii tixdan yar; 

          War nin waliba ninbuu dilayee

          Anigu dayax nuuri baan dilay

          Anigu Nabi daahiraan dilay

          Anigu iftiinkii diintaan danshay  
 

Wuxuu kahadlay ninku inuu dilay wadaad caalima oo laqolo ahaa qabiilka cadowga oo uu meel cidla ah kahelay, markaa intaa kumuusan ekaanee wuxuu kaffallooday qoto dheerida ficilka uu sammeeyey iyo siduu diinta ilaahay uu unaafeeyey asagoo muujinayo inay tahay arrin kucusub dhaqanka Soomaalida oo layaab leh asagoo sharraxay inayna macno wayn kufadhiyin qof caama ( qof caadi ah macnaha aan culumo ahayn) oo ladilo oo qudha hadaadan Dayax nuuri dilin sidiisoo kale. Waliba aintaas kuma uuna ekaanee wuxuu sharxay dhibaatada uu bulshada guud ahaan ugaystay iyo gaar ahaan qoyskii ay colka ahaayeen. Wuxuu kumiithaalay dilka wadaadka inuu dayaxii madoobeeyey, wuxuu kaloo kumiithaalay inuu sammeeyey ficil lamida dilid Nabi ilaah hanaga magangaliyee, sidoo kale inuuba diintii tirtiray maadaama uu tooshkeedii si ulakac u udamiyey. Ninkaas sikastaba ha ucaddaysto wuxuu sammeeyey iyo baaxaddeeda bal wuxuu buuxiyey laba shardi oo Soomaalida ay waagaa aad uqaddarin jirtay; 

  • Inuu runta kasheego wuxuu sammeeyey oo uusan inkirin been iyo boodhna iskuqarin dhihinna nin argagixiye ah ayaan waddada kahelay oon dhagta dhiigga udarey sida hadda taagan, qof miiskiina ayaa ladilayaa waxaana dhabarka looga dhufan shabbad ah inuu argagixiye ahaa.
  • Inuu tolkii umuujiyo raganimadiisa iyo inuu nafta uhuri ayaga waxwalbana dartood usammaysni hadday noqoto xitaa inuu dayaxa madoobeeyo

Wuxuuse kas ubillaabay ficil kucusbaa markaas dhaqanka Soomaaliga ah oo ah in wadaad awliyo ilaahay ah ladilo sikasta oo qabiilkiisa loola colloobo maxaa yeelay wadaadadu dagalka jaahiliga ah ee qabaliga ah magali jirin sidaa awgeed seeftu maqaban oo danbilaawaayaal ayey ka ahaayeen. 

Wiil Balaayo iyo Geeddi waxaan kasugaynaa inay raganimo muujiyaan illeen nimanku waa Soomaaliyee ooy sida ninkaa ragga ah ee laba xiniinyoodka ah qirtaan dhaawaca iyo dhibka ay Soomaali ugaysteen waxay rabaanba haku cabireene. Hana ogaadeen saddexba waa kuceeb dhaqanka Soomaaliga; Fulaynimo, Been iyo beenabuurasho oo waa tii layidhi “gaal dil gartiisana sii”. Argagaxisaan ladiriraynay oon laynay iyo Itoobiya annagaa uyeedhannay iskadhaafa oo tixdaas yarta ee kor kuxusan halmar kudhufta waxaan idiin qiraynaa inaad rag geesiyaala oo runta sheega tihiinee. Haddaad culumadii Soomaaliyeed iyo dhallinyaradii islaamka kadhigteen waxaad dishaan iyo wax dhuumasho hawdka ugalo idinkoo gaalo cadcad iyo kuwo madmadowba u adeegsanayo kuna been abuutay awliyadaa ilaahay sheegtayna inaad lix kun oo kamida ah disheen, kawarrama haddaan qaadanno qaaciddadii ninkaa Geeljiraha een kor kusoo xusnay uu dajiyey, imise Nabi Daahirey weeye lixdaa kun? Imisa Dayax Nuuri weeye lixdaa kun? Miyiidan lix kun oo jeer iftiinkii diinta daminin? 

Inuu ninka maansadaa tiriyey Muslin sii ahaa iyo inkale waxaan udaayey dadka akhriya qoraalkan, maxaa yeelay asaga ayaa waxwalba dhammeeyey oo sharraxay. 

Qormadii Hore : Itoobiyaanka mabaxayaan? Ameerikase ma’iskakaayo dhaafi ? ...

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: March 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com